|

maxaa ka taqaanaa ultrasound

Ultrasound waa baaritaan isticmaala mowjado dhawaaq si loo eego ilmahaaga, ilmo galeenka iyo mandheerta. Waxaad awoodi doontaa in aad maqasho garaaca wadnaha ilmahaaga isla markaana sawirro ayaa lagu arki doonaa shaashadda.

Ultrasound ma ahan raajo xanuunna ma keento. Baaritaankan wuxuu qaadanayaa ilaa iyo 20 daqiiqadood waxaana lagu sameyn doonaa xafiiska takhtarkaaga ama rugta caafimaadka.

Ultrasound waxaa loo isticmaalaa si:
• Loogu hubiyo taariikhda dhalidda.
• Loogu hubiyo koritaanka iyo miisaanka ilmaha.
• Loogu arko haddii ay jiraan wax ka badan hal canug.
• Loogu eego calaamadaha cilladaha lagu dhasho. Haddii ay muujiso in ay jiri karayaan cillado lagu dhasho, baaritaanno kale ayaa la sameyn doonaa.
• Loogu eego sababaha dhiig baxa ama dhibaatooyinka kale keena.
• Loogu hubiyo booska ilmaha goor danbe oo uurka ka mid ah.
Inkastoo ilmahaaga laga yaabo in la arko in wiil iyo gabar yahay, ultrasounds looma sameeyo in lagu ogaado jinsiga ilmuhu uu yahay. Waxaa lagu weydiin doonaa
haddii aad dooneysid in aad ogaatid jinsiga uu ilmuhu yahay haddii ultrasound la sameeyo. Ultrasound mar kasta ma muujiso jinsiga uu ilmuhu yahay.

Si aad isu diyaarisid
• Waxa laga yaabaa in lagaa codsado in aad cabtid 1-2 koob oo ah biyo ka hor baaritaanka si kaadi-haystaadu u noqoto mid buuxda. Haddii ay buuxdo, ha kaadin ilaa ka dib baaritaanka.

Waqtiga Baaritaanka
• Waxaad ku seexan doontaa miis iyadoo calooshaadu aysan daboolneyn.
• Gel diirran ayaa maqaarka lagaa marinayaa. Bir ayaa lagu kala fidinayaa gel-ka si sawirro loo qaado.
• Waxaad awoodi doontaa in aad sawirrada ka aragto shaashadda.
• Shaqaaluhu waxay kaala hadli doonaan wax ku saabsan sawirrada.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=104

Posted by on Sep 25 2010. Filed under Caafimaadka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “maxaa ka taqaanaa ultrasound”

  1. asc dhaman dhalinta ssc salan kadib waxan idin shegaya inxalad cusub inaso wajahday lona bahan yahay mel kasta oo aan jogno inan gamcaha isqabsano tagerno mamul kena jira wakhtigan ee magaca inoyelay kulanti danbe oxisoleh asc wr wbr

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • kalshale: in aqoonsi isaaq loodiiday wax qarsoon ma aha iyaguna waa ogyihiin ee kuwa siyaasiyiinta sheegta ayaa raba...
  • U.STATE.OF. H: Kaartadii Dawlada Way Shaqeeysay Si Gacanta Looga Bixiyo Gacan Ku Dhiigle Shaati Badane U Adeegaha...
  • DHeere power: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Tana ma kusii dhacday jamhada snm-mujrimiin. Dhinac kasta feedh culus baa kaga...
  • ruun: Kkkkkkkkkkk jamhadii yareeyd waqtikeedii wuu dhamaaday qabiil qaran ma noqdo horaa loogu sheekay lkn weey ka...
  • bulshaawi: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ha ku daalin jeedaaaal waaaar maantay ugu darnaayeeen NINA supper power baa...