|

Maqaal:Bilawgii Horumarka Dawlad Deegaanka Khaatumo.

khaatumomaqaalkan oo aan uga gon leeyahay inaan ku ifiyo horumarka curdunka ah ee ay hiigsanayaan shucuubwaynaha Khaatumo iyo sida dawlada kumeel-gaarka ah ee khaatumo ay ugu heelantahay ka mira dhalinta qodobadii lagu gaaray madashii taariikhiga ahayd ee barde Khaatumo. Dawlad Deegaanka Khaatumo ayaa ka kooban sadex gobol oo kamida sideed iyo tobanka gobal ee jamhuuuriyada federaaliga ah ee soomalia , gobaladaasi oo lagu tilmaamo kuwa ugu khayraadka badan guud ahaan dalkeenaa soomalia ayaa kala gobolka Sool, Sanaag iyo togdheer. dawlada khaatumo ayaa guud ahaan ceegaagta dhulkii gumaystihii ingiriiska sida dulmiga ah kujoogay waxayna shacabka deegaanka Khaatumo ahayeen kuwii ugu horeeyay ee hubkooda ku waajaha sancadaalihii ku sugna qaar kamida waqooyiga soomalia waxayna gundhig u ahaayeen halgankii barakaysnaa ee daraawiishta.

 

 

 

 

Dawlad deegaanka Khaatumo waxay mudo kooban ku xaqiijisay guulo ku dayasho mudan waxaana ay ahaayeen kuwo midba midka kalle uu ahaa tusaale, Dawladan waxay xoog saartay xiriirka caalamiga ah( international relations) kaas oo ay si haboon uga keeneen aqoonsi iyo waliba taageero dhinacyo badan ah, dawladu waxay dardar galisay dhanka soo ceelinta amniga iyo xasiloonida iyadoo samaysay ciidan qalabaysan wallow ay jiraan caqabado dhanka farsamada ah lakiin waxaa la xussi karaa halganadii hubaysnaa ee si is xigxiga u dhacay jiida gobolka cayn iyo waliba gobolka sool dhamaantood ay ahaayeen kuwo muujiyay jiritaanka dawlada ayna ka keeneen guulo wax ku ool ah wallow ay jiraan deegaan ay fariisimo ku leeyihiin cadawga geeri doonka ah ee SNM,

 

 

dawladu wax taabagalisay maamul u samaynta degmooyinka iyadoo hawlgalisay golle deegaan oo firfircoon kuna shaqaynaya xaalado qalafsan, dawladu waxay hanatay rabitaanka shacabka Khaatumo iyadoo ay madaxdii ugu saraysay xukuumada kumeel gaarka ahi ay joogaan jiidaha hore ee xoraynta iyagoo la qaybsanaya nolosha cududa millateriga dawlada iyo waliba shacabka degmooyinka ay hawlgaladu ka jiraan, waxay dawladu toosh wayn ku ifisay beeno aan raad lahayn oo ay shakhsiyaad danaystayaal ah kuna maxaabsada magaca shacabka khaatumo ay ku dhoobaynayeen sharafta umada Khaatumo, dawladu waxay dardar-galisay dhisitaanka goobaha safarka sida gigida diyaaradaha iyo dayac tirka wadooyinka. waxaa ay dawladu ka dhistay goobtii lagu yagleelay garoon caalami ah taas oo ay diyaaraduhu dagi karaan, dawladu waxay horumarkan la kaashanaysaa shacabkeeda ku sugan dalka iyo dibadiisaba iyadoo ay muuqato.

 

 

waxaa xaqiiqo ah in Dawlad kastaa ay leedahay mucaarad kaas oo ku haminaya inuu mar un talada gacantiisa gasho lakiin mucaarad kasta wuxuu leeyahay xad, hadii mucaaradku noqdo mid cadaw ku ah jiritaanka dawlada taas micnaheedu ma ahan mucaaradnimo ee qaran dumis. waxaana in badan oo dadka ah ay isku khaldaan mucaaradka iyo qaran dumisk, waxan aaminsanahay inay jiraan hogaan aan muuqan oo kaga haboonaan karra talada dalka lakiin in kastoo oo ka qaybqaadatay dhisidii dawlada Khaatumo waxay ku qoran yihiin baal dahab waqtiga ayaana xussi doona waxa ayna tahay in cid kastoo tallo is biday ay kusoo dhawaato horumarinta dalka iyadoo ilaalinaysa qodobada gundhiga u ah dadka iyo deegaanka Khaatumo.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=88

Posted by on Sep 25 2010. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • edbiye: Kkkkkk kastuumo magacii waa laga xaday waxaa isku sawiray xilo sakhiran
  • Aar Gantaalan: Allihii aan ku badin cadaaladda SNM u mahad naq meel kastaad joogtaan. http://sscsomalia.blogspot....
  • kuluc: hargaysawi haa walaahi waa wax lala yaabo meelmaynu pintland isku aragnay last 7 years? maalinwalba cida...
  • hargaysawi: Kuluc Pintiland si kasta way u dhiigmiiratay dhulbahante xataa dagaakoodi way sheegteen pin land was...
  • kuluc: xaqiraadu ma fiicnee jabhadku si fiican oo hiil u ah kooxdiisuu u hadlay, kolayba walaahi billaahi tollahi...