|

Diini: Dedaalkii Sallafka.

Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaada, sidaa awgeed ayuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda, Anas wuxuu ka wariyay nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri: Waxaa layjeclaysiiyey catarka udgoon iyo guurka haweenka, waxaa laga yeelay salaadda miday ishaydu ku qabowsato oy ku raaxaysato.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu oran jiray: Bilaalow noogu raaxey salaadda. Waayo bilaal wuxuu ahaa mu’adinka Nabiga wuuna cod wanaagsanaa.
Salaada waajibka ah ka sogowna wuxuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee ahaa mid tukada salaadaha sunanta salaatul leylka.

Caa’isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri: Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid u istaaga salaatul leyl ilaa ay caguhu ka dildillaacaan. Waxaan ku iri maxaad sidaa u samayn Rasuulkii Allow adigoo laguu dhaafay dambigaagii mid hor iyo mid dambeba? Markaasuu yiri: Haddaba miyaanan noqoneyn adoon Alle ku mahdiya oo ku shukriya.

Alle kor ahaaye wuxuu amaanay mu’miniinta Alle ka cabsatay habeenkooda in badan cibaadeysata, Allena dambidhaaf weydiisata, Alle wuxuu yiri:Waxay ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda inta kalena cibaadeysta, waaberigana dambidhaaf Alle weydiista.
Salafku waxay ahaayeen kuwo ku dadaala salaadda had iyo jeer tusaale:
Waxay ahaayeen rag hadday salaadda jamaca ka tagto isugu tacsiyeeya
Waxay ahaayeen rag hadday jirran yihiin iyagoo garbaha la hayo masaajidka la keeno seeyan u dhaafin salaadda jamaca. Waxay ahaayeen kuwo ku tartama safka hore. Waxay ahaayeen rag camal kasta salaadda ka jecel.

Sidaa awgeed Ilaahay kor ahaaye kitaabkiisuu ku amaanay wuxuuna yiri: Waa rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebe iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagooka cabsan maalin quluubta iyo araggaba gadgaddoomayaan (Qiyaamaha).

Sidaa awgeed salaadda, sakada, xajka, soonka iyo dhamaan qeybaha diinta Islaamkuba waxey u baahan yihiin rag naftooda iyo maalkooda iyo waqtigooda u hura sida salafka ummaddaan.
Kheyrka Allaha na waafajiyo.

Horufadhi.com

Noogu soo dir Waxii Khayraad ah: Horufadhi.com@hotmail.com ama Webmaster@horufadhi.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=5457

Posted by on Aug 7 2011. Filed under Diinta, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • geesiga: duurgal.com adiga ayay cuqdadi ku dishay iyo dr falseha aad la ordaysaba .mida kale hadaad nin wadani ah...
  • Dhoodi: Dr. Cali Ciise Cabdi yaanu isku ceebayn dawlad aan haybad lahayn oo shisheeye waardiyeynayo. Weliba waxaa...
  • duurgal.com: geesiga cuqdadi ku dishey waxaa tahay nooca hadday arkaan sheikh tafsiir akhriyaya yidhaahda waayo...
  • U.STATE.OF. H: Kuwaan Xilibaanada Isku Sheegaya Hala Kala Fur Furo Awalba Lacag Ayey Raadinayen Baahi Darteed Ayay...
  • geesiga: xoosh jabriil waa ninka mid ah ragii wax ka sameeyey dastuurka waana nin doorood ah oo majeerteena waana nin...