|

Axkaamta Zakaatul Fidriga, Sidee loo Bixiyaa, Yaa La siiyaa & Macluumaadkale.

Mahad ideeylkeed Alley U Sugnaaday (SWT) Naxariis Iyo Nabadgalyo Nabi Muxamed  (SCW) Ehelkiisa Asxaabtiisa Iyo Intii Raacday Korkoda Allaha Yeelo Amiiiiiiin.. ., ,
Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah;
Ibanu cabaas wuxuu yiri Alaha ka raali noqdo Nabiga (CSW) wuxuu nagu waajibiyay fidrada
Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah;
Ibanu cabaas wuxuu yiri Alaha ka raali noqdo Nabiga (CSW) wuxuu nagu waajibiyay fidrada, wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah. Ama rafath islaamka u yaqaano,(1)
Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto..
Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) asxaabta rasuulka (SCW) waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salaada ciida lagalo, Wayoo Nabiga (SCW) ka kaafiya masaakiinta maalintaas wareega iyo tuugsiga, hadii aad bartanka bisha ama bilowga sii bixisaa, maskiinki maalintaa tuugsi kama aadan kaafin,
Waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka ka yahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah. waxaa laga bixinayaa qofyar iyo qof weeyn, xor iyo adonba(4)
Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo..
Abii saciidul khudri Alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi Nabiga SCW (saac oo raashin ah) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam.
Cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, Masagada ,burka,qamadiga…. i.w.m.
Nabiga SCW iyo asxaabtiisa Alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashiin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.weey jiraan Madaha ama culima qabta in lacag lagu bixin karo waase laga raajaxsanyahay sida aan aniga u arko,
Yaa la siinayaa.
Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,
Waxaana ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn. hadaadan joogin meel miskiin laga helayo, u dir Somaliya dadka masaakinta ah eed taqaano sida agonta oo kale.

See loo bixinayaa.

Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)
1 Ehelkiisa.
2 Dariskiisa.
3 Qofkasta oo muslima ah.
4 Agoon

Short URL: http://horufadhi.com/?p=5828

Posted by on Aug 28 2011. Filed under Diinta, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • idoor liqe: militariga maamul goboleedka khaatumo waa in magaalada aamankeeda sugan , ceerigaabo noqonmayso sida...
  • duurgal.com: mire odayga gadhka casi waa halyeey waxaan u malaynayaa inaad dhegaysatay qudbadii uu ka jeediyey...
  • DHeere power: Walee wiilkaasi waa halyey ka dhiidhiyey dulmiga snm ku hayso dadkisa Awdal. Wuxuu yidhi u...
  • sool boy: waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waxas baa wadaninimo ah hanoolato khatumo state of Somaliya oo ha guleysato
  • duurgal.com: 18 may waa maalin qashinka iyo qudhunka la uruursho waana maalin muwaadiniinta Somali waqooyi gaar ahaan...