Home » November 30th, 2011
Entries posted on “November, 2011”

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo abaxeeysa qarax barqanimadii maanta degmada Dharkeynleey lagula beegsaday hooyooyin ka shaqeeynayay howlaha Nadaafadda degmadaasi. Qarax nooca Miinada ah ayaa goor dhow lala beegsaday haweenka Nadaafadad ka shaqeeya agagaarka suuq Liif ee Degmada Dharkeenleey. Guddoomiyaha degmada Dharkeenleey Macalin Cabdulle Cali Hiloowle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa lala [...]
November 30th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »
Dagaalkii ay saaka soo Qaadeen maleeshiyaadka SNM ee degen agagaarka degmada Yagoori, ayaa waxaa ka soo baxay warar fah faahsan, ninkii saaka la diley ayaa la sheegay inuu shalay budheeyey isla kan diley, ka dib markii sida la sheegay kooxda maleshiyaadka ka soo jeeda beesha Habarjeclo ay soo wareereen magaalada, isla markaana ay toogteen marxuumka [...]
November 29th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Iska horimaadyo khasaaro gaystay oo u dhaxeeyay ciidamada SNM iyo ciidamada deegaanka Yagoori ayaa wuxuu ka dhacay degmadda yagoori ee gobolka sool Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidamadda saldhiga Todobaad ee uu hogaamiyo mahad cambaashe iyo saldhiga 9aad oo ah habar jeclo ayaa markii hore ka bilawday israsaasayn xalay ka dhacday duleedka degmadda yagoori halkaas [...]
November 29th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Maxamed Cabdi Xaashi ayaa taageero balaadhan u direy shirka Khaatumo2 ee dhamaadka bisha December ka furmi doona magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, Maxamed Cabdi Xaashi oo mar ahaa madaxweynihii maamulkii bur buray ee Puntland, ayaa waxaa hoyga uu ka degen yahay maanta ku booqday xubno ka tirsan dhalinyarada SSC ee dalkan [...]
November 28th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Halkaan Waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Ra’isulwasaare kuxigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo maanta xarigga ka jaray goobo isugu jira Isbitaallo iyo Iskuullo oo ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasi oo qeyb ka ah Mashaariicda ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan magaalada Xamar. Qeyb Ka mid Muuqaalka Dhulka Isbitaalka uu maanta Ra’isulwasaare Kuxigeenka dhagax dhigay. Ra’isulwasaare Kuxigeenka [...]
November 27th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Cabdulaahi Cabdi Yirid oo ka mid ahaa Dhalinyaro lagu martiqaadey shir ka dhacay Magaalada London ee Cariga Ingriiska gaar ahaa 31 dii Oktoobar ayaa sheegey inshirkaas lagu martiqaadey dad fara badanoo isugu jirey Soomaali iyo Ajaaniib , isago sheegey ama ku tilmaamey Shirkas Shirkii Hagardamada ee Soomaliya wuxuuna Wareysigiisa daboolka uu kaga qaadey arrimo sir [...]
November 27th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo idaacadda Codka Mareekanka {VOA} waraysi la yeelatay taariikhdu markay ahayd 13/11/2011 ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal Hargeysa laga soo weydiiyey cadeeyey inaanu u qalmin xilka uu u hayo dalka Soomaaliya. Waxa su’aasha qof reer Hargeysa ahi wasiirka weydiiyey ahayd: “Mudane Wasiir, maadaama koonfurta Soomaaliya dagaal [...]
November 27th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Maansadan faroole ee maxaa iga galay Puntland Waxaa ay ka waramaysaa maalintii uu sida qaldan ugu fadhiistay kusiga iyo burbirintii wixii la odhan jiray puntland. Gabaygan marka aad dhagaysato wax badan ayaad ka dareemaysaa ila dhagaysta. Horufadhi.com
November 27th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

Shacabka Xalaasha ee SSC ayaa wada-hadal dhex maray cuqaasha beelaha SSC oo xurmo iyo qadarin ka mudan shacabkooda. Cuqaasha SSC oo in muddo ah la tebeyey doorkooda ayaa iyagu muddooyinkii dambe u soo jeestay inay kaalintii hawlaha bulshada kaga abbaarnayd buuxiyaan. Ilaa haddana shacab-weynaha SSC si aad ah buu uga raalli yahay wax-qabadka toosan ee [...]
November 26th, 2011 | Posted in Wararka | Read More »

AC Milan ayaa xaqiijisay in daafacooda Alessandro Nesta uu dhaawac ku maqnaan doonta muddo bil ah, kaasoo ka soo gaaray sinta. Daafaca dhexe ayaa dhaawacaasi ka qaaday kulankii Barcelona ee guuldarada 3-2 ay ka soo gaartay bartamihii todobaadkan, waxaana uu seegi doonaa kulanka axada ee kooxda Rossoneri la yeelan doonto Chievo. “Dhaawaca sidaasi oo kale ah [...]
November 26th, 2011 | Posted in Ciyaaraha | Read More »