|

DAKHAATIIRTA DA’DA YAR CAQLI FIYOOW IYO DAREEN WADANIYADEED.

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay,Naxariis iyo Nabadgelyo
Suubane Rasuulkeenii(Muxamed CSW)korkiisa ahaatay,talaabo qiimo
weyn ku fadhida iyo dareen iyo damiir Muslinimo,Bani-aadaminimo
iyo abaal guditaan dhab ah oo garasho fiyoow ku saleeysan,aqoon
iyo wadaniyad wada socda leh howsha camal kheyrka ah ee Dakhaatirta
Da’da yar ku fureen runta caafimaadka daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka
kana hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho(Rug Caafimaad Lacag la’aan ah)
Maasha Allah,talaabo camal kheyr weyn leh,daryeel iyo gargaar caafimaad
ah,howl samafal dhab ah,ajar,axsaan iyo guul weyna Laga helaayo If iyo
Aakhiroba.
hadaba anigoo mudnaan gaar ahaaneed siiya camal kheyrka iyo howlaha dhanka
wanaaga,taakuleeynta iyo is-caawinta ku saabsan iyo wacyi gelinta Ummadda
iyo dhiiri gelinta nabadgelyadda,wada jirka,dowladnimadda dhabta ah,qiimaha
qaranimada iyo Ciida hooyo leedahay ama mudan tahay,waxaa si weyn ii farxad
geliyeey una soo jiiteey dareenkeeyga tallaabadaas dakhaatirka da’da yar ku
garteen kuna hirgeliyeey rugtaas caafimaad ee daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka
oo baahi weyn oo weyn eey u qabeen Hooyooyinka iyo dhalaanka dan yarta ah oo
ku sugan Caasimadda qarankeena Muqdisho oo guud ahaanba eey meesha ka baxeen
adeegyadii arrimaha bulshadda oo habka dowladeed lagu qaban jiray(Lacag La’aanta
ahaan jiray)Sida-Isbitaaladii,Rugihii daryeelka Hooyada iyo dhalaanka(MCH)goobihii
Waxbarashadda Iskuuladii iyo Jaamacadihii,adeegyadii D/Hoose iyo guud ahaanba wixii
la xiriiray daryeelka bulshadda(arin ayaan daradeeda leh)kuna timi dawlad la’aanta
iyo garasho xumada ina heshay halkaasna ina dhigtay mudada gaareeysa 21-ka Sano,
inkastoo hada ifafaalo ama iftiin yar oo dhanka wanaaga iyo hanashada dawladnimada
loo qaadaayo-inshaa Allah guul hirgasha-aamiin.
Tallaabadan ahamiyad weyn,garashada fiyoow iyo damiir wadaniyeed ku timmi,danta guud
iyo celinta abaalka leh ee Dakhaatirta da’da yare Somaaliyeed ayaa soo dhoweeyn,taageero
iyo ku dayashoba mudan,waxaana halkan uga soo gudbinaayaa amaan,bogaadiin iyo ku dhiiri-
gelinta dadaalkooda wanaagsan camal kheyrka ah,anigoo ku boorinaaya guud ahaan ummadda
Somaaliyeed gaar ahaan-Ganacsatadda,Aqoonyahanka(Dakhaatirta)Jaaliyadda Qurbaha jooga ah
gaar ahaan Haweenka naxariista leh iyo dhalinyaradda aqoonta leh iyo guud ahaanba Dadka
Ehel kheyrka ah in eey gacan ka geeystaan taakuleeyaan Mashruucaas oo kale oo faa’iidada
weyn ugu fadhiya Hooyada iyo Ubadka Somaaliyeed Muqdisho ku sugan,waana arrin loo baahan
yahay ku dayashadeeda iyo ka shaqeynta hirgelinta Isbitaalada iyo rugo caafimaad,goobo
waxbarasho iyo qodida ceelal biyoodba waana waxyaabaha laga helo sadaqada sida joogtada ah
u socota(Sadaqa Jaariya),bahdda Dakhaatirta da’da yar guuleeysta-aamiin,bulsho-weyntuna
og midkii dhibay iyo midkii u gargaaree.
-ALLAH MAHAD LEH-
-Qoree-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.
-NOV-10-2011.
Horufadhi News Online
horufadhi.com@gamil.com 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=7765

Posted by on Nov 10 2011. Filed under Caafimaadka, Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • sOmalilander: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk...
  • M.H.Buraleh: Can’t Somali’s at least those who lived the humiliation of being a refugee step beyond the...
  • idoor liqe: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkk
  • xaqdoon: Alla RUUN way riyootey Naayaa Ruun ma waxaasaad ku riyootay,Naayaa Ruun Runtii anigu kuu jawaabi maayo...
  • New snm boys: Dhalinta ka hadla dood madhaleeska ashadul khisaam Walaalayaal liibaanteena aduunyo iyo mideena aakhiro...