Shirkii Ay Yeelanayeen Wadamada Islaamka Oo Maalintii Sedexaad Ka socda Turkiga.
Waxaa maalintii sadaxaad dalka Turikaga ka socoda shirka dacwada Islaamka oo ay isugu yimaanayaan culumada wadamad islaamka ah iyadoo Soomaaliya uga qeyb galeen mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiirka wasaraadda owqaafta iyo arrimaha diinta.
Shirkan dacwada islaamka ayaa si gaar ah looga hadlay xaalada dalka Soomaaliya waxeyna mas’uuliyiinti ka socotay dowladda KMG ah ay war bixin ka siiyeen madaxdii ka qeyb gashay shirkaasi xaalada dalka sida ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo xiriirka dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya Turkiga uga mahad celiyeen garabka walaltinamada leh oo ay siiyeen.
Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliya uga qeyb galay shirkaasi ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihi shirka looga hadlay labadii maalin ee la soo dhaafay.
Dhanka kale Qaar ka mid ah xubnihii Soomaaliya uga qeyb galayay shirkaasi ayaa waxa ay kulan gaar ah halayeesheen madaxa diinta dalka Turkiga oo ay kala hadleen marxalada uu iminka ku suganyahay dalka iyo sidii ay dowladda Turkiga dhalinyarada Soomaaliyeed ee dabka lagu huranayo uga sameeyn laheyd fursado kala duwan hadii ay ahan laheyd wax barashada ama dhanka shaqada.
Shirka dacwada islaamka ee ka soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 25 bishan aynu ku guda jirno iyadoo Soomaaliya ay goob joog uga yihiin mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiirka garsoorka owqaafta iyo arrimaha diinta waxaana sida uu wasiirka sheegay gabagabada shirka qodobada ka soo bixi doona ay aad u quseeyn doonaan arrimaha dalka Soomaaliya.
Horufadhi News Online
horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=8181


