|

Barcelona Oo Loo Caleemo Saaray Horyaalka Adduunka, Ka Dib Markii Ay Garaaceen Santos. (Sawiro)

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobka kooxaha adduunka  ee Club World Cup ka dib markii ay afar gool iyo waxba ku xaaqeen kooxda reer Brazil ee Santos, waxaana ay koobkoodaan ku darayaan koobka yurub iyo kan Spain oo ay hore u heysteen.

Lionel Messi ayaa goolka hore u furay kooxda reer Catalan, ka hor inta aysan Xavi iyo Cesc Fabregas aysan iyagana magacooda ku qorin shaashada, waxaana ay qeybtii hore ku soo dhamaatay seddex gool iyo waxba oo lagu kala dhantaalay kooxda Santos.

Santos ayaa waxoogaa soo kacday qeybtii labaad ee ciyaarta, lakiin uma aysan muuqan kuwa ciyaarta ku soo laaban kara, Messi ayaa ciyarta hurdo u diray ka dib markii uu dhaliyay goolkii afaraad, taasoo aheyd natiijo muran ka dheer.

Lionel Messi oo ka xishooday kooxda Al Sadd kulankii semi-finalka ayaa ciyaartii maanta soo bandhigay qaab ciyaareedkii lagu yaqiinay.

Kooxda Pep Guardiola ayaa kor u qaaday koobkoodii labaad ee Club World Cup, ka dib markii ay qaadeen 2009kii oo ay ka badiyeen kooxda reer Argentina Estudiantes.

Waxaana koobkan uu yahay koodii afaraad ee ay ku guuleystaan sannadkan 2011, iyagoo hore u qaaday Champions League, La Liga iyo Supercopa.

Kooxda Al Sadd ee dalka Qatar ayaa soo gashay kaalinta seddexaad ee koobkan kooxaha adduunka ka dib markii ay rigoorayaal 5-3 ah ku garaaceen kooxda reer Japan ee Kashiwa Reysol.

Lionel Messi iyo Adriano ayaa ah ciyaaryahanada kaliya ee min labo gool ka dhaliyay intii uu tartankaan socday.

Barcelona ayaa haatan waxa ay ka bedeleysaa kooxda horyaalka adduunka kooxda Inter Milan oo sannadkii hore ku guuleysatay.

Horufadhi News Online

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=9115

Posted by on Dec 18 2011. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Barcelona Oo Loo Caleemo Saaray Horyaalka Adduunka, Ka Dib Markii Ay Garaaceen Santos. (Sawiro)”

  1. Kkkkk waar koobkii adduinka waatii shalay qaaday kooxda maroodi jeex ee dalka aSomaliland allow dhawr,carrabka hakala masuugin mr cabdi riyaad ,tababare diridhaba iyo dhammaan libaaxyada HARGEYSA HALYEY DHALA KKK

Leave a Reply

Recently Commented

  • hargaysawi: SSC-Citizen From xudun garaad salaansare waa Maxey caydu garaad.waAd Kawan andnNin catama Dhabayaco maxaa...
  • SSC-Citizen From xudun: Waxaan maqli jirey soo joog ninkii laga waayo soo jiif baa laga helaa, Iidoor Wagaashle sow...
  • Layla: ….XAASID GACALMAAHA… Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye Haddaad geesi tahay meel walbaba,...
  • DAALO S/LAND: Breaking News… Beesha Subeer Awal oo Casuumad Cajiib ah oo Loo kala hadhin u ku casuumtay Garaad...
  • DAALO S/LAND: Layla inaabti shaydaanka iska naar oo isdaji wax dhibaato ahi majidho haday jidhana ma buurna. abshirna...