Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Manchester City vs Arsenal.
Kooxda Manchester City ayaa waxaa soo gaaray todobaadkii hore guuldaradii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan Premier League ka soo gaarta, markii Blues ay Stamford Bridge ku dubatay, waxaana la soo gabgabeeyay 14 kulan oo ay ku bilowdeen iyagoo aan laga badin.
Arsenal oo xilli ciyaareedkan qaab xun ku bilaabatay ayaa ka soo kabsatay haatan waxaana ay ku jirtaa kaalinta shanaad, iyagoo gaaray guulo isku xigxiga, mashiinkooda goolasha Robin van Persie ayaana kooxda ka caawinaya inay hami weyn ka lahaato tartanka horyaalka Premier League.
MAXAA KA CUSUB?
Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa waxaa ka maqnaan doona daafaca Gael Clichy, iyadoo ciyaaryahankii hore ee Arsenal uu ganaax ku maqan yahay kulankan. Aleksandar Kolarov ayaa isna ku maqan dhaawac, waxaana la filayaa in Pablo Zabaleta uu buuxiyo booska daafaca bidix, halka Micah Richards oo soo kabsaday uu ku bilaaban doono daafaca midig.
Tababaraha Arsenal ayaan isagu heysan wax dhaawac cusub aa, lakiin ciyaartoydiisa garabka daafaca ka ciyaarta ayaa weli maqan. Waxaana ay taasi la micno tahay in Thomas Vermaelen ay u badan tahay inuu ka sii ciyaaro daafaca bidix halka Johan Djourou uu isna ka sii ciyaari doono daafaca midig.
Abou Diaby, Lukasz Fabianski, Kieran Gibbs, Carl Jenkinso, Ryo Miyaichi, Bacary Sagna iyo Andre Santos ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan.
Horufadhi News Online
horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=9111


