|

Caam Alfayn waa Gabaygii sannadka Cusub iyo Qarniga Cusub By Abwaan Suusle!

1 cabdilaahi xaajoow beryahan caadi ma ahayne
2 caynlayda  maansadu mudday iga cillaallayde
3 sidii talada ceel loogu riday waw cilmi la,aaye
4 caloosha  iyo laabtaydu waa calaw sanaayeene
5 cilikaambigaan qabo nin ogi ima canaadeene

6 soomaali  caynkaytahaan  ciil  u go,ayaaye
7 taariikhda loo ciidayee caawa la xusaayo
8 cishiriin qarnay gaadhay iyo caam alfayn sano,e
9 dadka kale intuu ceeshaybuu caadahaa maraye
10 cilmi iyo aqoon korodhsigii caymo lagu gaadhye

11 cimrigoodu nimanbuu ku lumay caado rer hebele
12 waxay dunida kaga caan baxeen waa cajebayaaye
13 iyogoo ciriiddiyo fadhiya cuunki lagu dhaafay
14 oo aanu ceela u qodnayn ciidanna u joogin
15 oo uunku wada caydhiyaan calaf ka dhawraynin

16 ayuumbay caraad ugu jiraan coliyo laytaane
17 sidii cuurba cuur loogu diray waysu cunayaane
18 ninwaluba cashiirada xigtuu cadawgi moodaaye
19 coomaadayaashiyo kufrigu haysu celiyeene
20 iyagay cudhaadh ugu yihiin meel cidhiidhiyahe

21 caqligaa ka suulaye xumaan ma citi qaadeene
22 caadiyo samuud kuma daydeen camaladoodiiye
23 caymaddii  fircoon iyo hamaan uma caddaysteene
24 cirroolaha gaboobiyo wadaad caaggan lama dayne
25 cayaar iyo fudayd uma dileen culimo diimeede

26 cawdiyo maryaa kama furteen caarka uurkalehe
27 casrad uguba aan ceebi geyin may carjebiyeene
28 caadooyin baan lagu dhaqmeen caariya ahaaye
29 carrabkiyo dibnaa kama qirteen caynkanaa wacane
30 caasiga riddoobaa ilaah cadho ku tuuraaye

31 iyagoo daliyo ciidle oo  calanki  hoos jooga
32 oo aan bad laga ceesho iyo caliyo buur waayin
33 oo beero kala caynahiyo cuudba lagu siiyey
34 citiraaf ma waayeen sidii caydha falastiine
35 cilaaqaadka dunidoo dhanbaan laga cisaareene

36 cimilooyinkii baan lumeen carafta waynaaye
37 cirka roobka laga  eegayaan  ciiro  gedefteene
38 cosob doogle iyo xoolahaan carunki waayeene
39 ceeshiyo biyaa laga cabbaan caraq guduuteene
40 cawshiyo ugaadhii diddaan cagaha laabeene

41 ciyawgiyo shinbirahaan baroor cawda la hayeene
42 cooflaha dhurwaa iyo dugaag cunay ma haageene
43 conqor laguma  oodeen intay cudur u lee,daane
44 doonyuhu intay caariyaan cadan ma geeyeene
45 caanaha intay daadiyaan carab ma tuugeene

46 calaacalaha gaal uma wadheen cawro way,yaga,e
47 intaasoo calaama,a waxbaa iiga cadho wayne
48 culus geela caal wayn lo,aad adhi cammuudaasa
49 qaalmaha candhada giijiyee curashadii jooga
50 ceesaama dhalaybaa qurbaa laga cisiiyaaye
51 waxay cayni gooyeen fardii caynabka ahaaye

52 waayeel calaacaly hadduu cabasho dayn waayo
53 ogoobeey dareen caaqil baa coomirkaa galaye
54 anna caabuqaan dhayi laha cidi ma daawayne
55 cilladdiyo xanuunkiiba way sii cabbudhiyeene
56 cod midaysan iyo dawladbaan caashaq ku ahaaye
57 wax kaloo la ii cululubaa waa cirka u tuure
58 cibro qaata nimanyoow waxbaa la cirrid baadhaaye

59 ceebaalayaal oo dhanbaan ceelalyaw diraye
60 ilaahoodba niman caasiyaan ciidansanayaaye
61 nin waluba cadbuu doonayaa ciidi kaga taale
62 collodh iyo siyaaduu rabaa aan cuntamahayne
63 inta aad hilbaha ceedhinka,a cugufta jiidayso 
64 caynaano adigoo tashiyo cidhib dambaa roone
65 cibro qaata nimanyoow waxbaa la cirrid baadhaaye

66 haddii aad wuxuun caymisaan idinma caayeene
67 cisigiyo wanaaggeennibaad cagaha saarteene
68 curdankiyo midhii noo baxaad cawladh geliseene
68 caaqiibo iyo diinna waa kala carrawdeene
69 cibro qaata nimanyoow waxbaa la cirrid baadhaaye

70 carruurta iyo ubadkeenni lume caydiga ahaaye
71 cara iyo tolla,aydii horaa loo carbinayaaye
72 waxaan caydhis iyo boob ahayn kuma caweeyaane
73 mar haddaan culuun loo dhigayn male caneeqaade
74 cibro qaata nimanyoow waxbaa la cirrid baadhaaye

75 inkastaan rag wada caanahiyo curadadii waayaey
76  oo aan curyaan iyo agoon caydha korinayo
77 adigaa ninkaad caawisaa cigan ilaahoowe
78 cawil khayrle eebboow na sii caaddilbaad tahaye

aaaaaaaaammmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

[abwaan suusle]

Horufadhi News Online 

Happy New Year 

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=9611

Posted by on Jan 1 2012. Filed under suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Caam Alfayn waa Gabaygii sannadka Cusub iyo Qarniga Cusub By Abwaan Suusle!”

  1. dadka kii waxgaradaa lagudoonsadaa caqliga kii soconkaraa caana lalacabaa caaqil anagaa qaabilney gabagaaga oo ahn reer bari xasuusana nidaamka dawlad nimo una dhiiran

  2. abwaan suusle waan kaaga mahadcelinayaa geeraarkaaga qiimaha leh oo aad kumuujineyso dareenka dawlad nimada leh oo aad jecleysatey inkastoood hal reer ku ataag gareysey

  3. maxamuud badhi

    ma ciyaala kacaankii xeryaha caydha ku soo koray baad ka mid ahayd

  4. war horta ciyaalkan iidoor ee lagu qafiley qabiil baa dawlad noqda oo heer ay gaareen dumarkoodii gaalada hor wadda oo aan xishoon oo aan alle iyo rasuul wax yaqaanaa ku yaryihiin oo haddana kaaga darane intay halkan soo gaalaan wax kusoo xarxariiqaya waxaan idiin sheegayaa waa iga nasteexo been baa laidiin sheegaa qabiil keliya qaran manoqdo iska celiya waxa beenta sanka idiinku guray ee aakhiradiina idin seejiyey.
    hadda soomaalidiid ayaa laidin yiraahdaa cuqdad baa laidinka dhergiyey sanka iyo gafuurka laidinku shubay iskana garan maysaan.somaliya waa wadan calan leh qaramadda midoobeyna xubin ka ah waxaan aad la ordaysaan ee calanka qaadiriyadda lama yaqaan . hadaad leedihiin guumaysigii baan ku noqonaynaa dee anaggu waan kaxoroowney guumaysi aan iska celineyna ku noqon mayno.
    caqliga saliimka ah shaqeeyo waxaan aad wadaan wax mira dhalaya maahee.
    weji aan kugu aan kugu raaco oo aan kugula taageero sheekaddan waalan majirto.
    weligeena isku aragti manoqonayno xiligii guumaysigana iyagaad duud xamaal u ahaydeen.
    somali-land anagu ma aqoonsanin wax layiraahdo haday jirtana waxaa wata isaaq cid kale oo shaqa kuleh majirto marka runta laga hadlayo.markaa qabiil walba maamul buu samaystay miyaysan idinla haboonayn inaad iimaansataan maamulkiina isaaq .anaga waxaan samaysanayno anagay naga go,daa waana naqaan halka loo marayo.
    libdhimayso laascaanood laba maaha wadankeenu
    intaasi waa talo ku socota waxa lakhalday ee loogu sheekeeyey inta calanka qaranka soomaaliya lagubo ayaa dawlad lagu noqdaa .
    edbiye, bulshaawi, daahir.balatax intiinuba markaad yurub timaadeen waxaad isku dhiibteen shiikhaal, mareexaan bandhaboow ogaden, ashraaf, tuni
    waadna ku ceeshtaan magaca somaaliya markaa inaad tiraahdaan somaliya markee waalan tihiin .
    waa laidin khaldaye iska qabta beenta laiiidin sheegayo

  5. waar ma kii yidhi dhubahante badh baa QOOMULUUD QAYRUL CAADIYA AH AYAA WELI GABYAYA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK taaasina reerka way u dambaysay

  6. kkkkkkkkk, Bulshaawi,

    waar shuftadii baa jidka noo gashay kadib markii ay inqilaabeen guddigii casuumadda noo soo diray, ee xoogag ay amxaarku dhul iyo cir ka taakulaynayaa arrinkii la wareegeene bal xaaladdiina ka soo warran adigiyo jundullahigii ma iska war haysaan, ilaa shalay inaad dhumasho ku jirteen maqalaye kkkkkkkkkkkk. Aniga iyo General edbiye waxaanu hadd budlineynaa haw gelinta qorshihii (contingency plan B) ee saacadaha soo socda idaacadaha aad u dhegeyso.

  7. Abwaan suusle salaan sare indr

    Waa aad u qiiro badan hadii lagu waano qaadanayo {WATACIYAHAA UDNU WAACIYAH}

    cibrad qaata nimanyohow wax baa la cirid goobaaye

    cawil kheer leh eebow nasii caadil baad tahaye

    Doonyuhu intay caariyaan cadan ma geeyeene
    Caanaha intay daadiyaan carab ma tuugeene

    allow dalka noo hagaaji oo ragga noo hagaaji adaa caadil ahe

  8. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk daahir kk sanadka soo dhawayntiisa umado khaas isaga leh oo lagu yaqaanaa jiree waxan ku waydiiyay waftigii aad la socoteen weli taleex maanu soo gaadhin ?
    annagu in muddo ahba halkanaaanu ajandaha ku edit garaynaynaye

  9. saw kuwii lahaa isaaq baa u dabbaal degey sannadka cusub kkkkkkkkkkkkkk. afkaygow buus baa nin yidhi

  10. Col u Joog Jug leh

    wow ..here we go it is sounds good

Leave a Reply

Recently Commented

  • Aar Gantaalan: Wiilka Garaad Ismaaciil dhalay Hargaysa Garaad ha ka noqdo. Maalintuu SNM hoos tegay ayuu lumiyay...
  • Hassan: Go’aanadiinu idinka idinma dhaafayaan. Dawladda fadaraalka ee xukunta Somaliya iyo caalamka kaleba wey...
  • hargaysawi: http://youtu.be/d5RJLviYBHA
  • Coodanle: Bal Riwaayadaaa eeega Qurbajooog miyaaa Garaaad Jaamac ka qaadi kara Cumaamada? hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh...
  • mire: 257 people with no names and titles no even ONE ????????? Www.getlost.co.uk Kkkkkkkkkkkkk