|

Gobla doox godkii qaydariyo godanka maygaagle, Galgal wayne gooddiga xaqsoor gumarre meeshiisa, Galka qorilay gurasaar wixii lagu garaacaayey (By Abwan Suusle Gabay)

Gilgila waa tix gabay ah oo ka hadlaysa dagaallada ka dhacay gobolka cayn laasalay akhris wacan

1 Waxaan ahay ninkii gaala eri aan gabbanahayne
2 gabaygaan  tirshaa  waa  sidii  gubiyo  duufaane

3 ama waa  giraan  dhiillo  iyo  goob  xinjiri taale

4 ama waa gantaalkii wadnaha gelayey iidoore

5 ama waa gadoodkii dhaciyo gaylankii shalaye

6 ama waa ku geeraar libtiyo guusha caliyoowe


7 ama waa baddoo guuxaysiyo gacammadii ayle

8 ama waa gobaysane  da,iyo  geedo iyo dooge

9 ama waa gudgude maalin waa galal biyoobeene

10 ama  ganaaniyo  jubboo  gaafahaa  maraye

11 ama waa sidii goonle aar geelka dilay awre

12 ama waa sidii goray haldhaa gii ka yidhi hawde

13 ama waa gilgile hawsariyo  gooli  baadh  culuse

14 ama waa gayiga daafacaan gaadh ka hayn jiraye

15 ama waa gammaankiyo fardii gaaddanka ahaaye

16 ama waa daraawiish godob lahaan gooso leeyahaye

17 ama waa  garbaan  u hadyaa gole  ka  faalloode

18 ama waaba gogol baan dhigee guurti nabadeede

19 ama waa go,aankaan ridiyo gaw ma dhaafta ahe

20 ama geeri  waa  lama  huree  gudo  xilkaagiiye

21 ama waa  ninkii  garanayoow   gocashadii soole

22 caawana gaddaan ka hadlayaa waa gundheertahaye

23 guul iyo  libtaan  doonayaan  gaadh  isleeyahaye

24 guuriyo  waxaan  ugu  jiraa  gabal  carrawtiine

25 soomaali  googo,ani  waa ii guunnimo  wayne

26 gama,iyo hurdadu waa midaan gogosha yeelayne

27 gorayadu lugbay dheesha hore geli tidhaahdaaye

26 amrkaasay  giblada  raacisaa  ama   ka goysaaye

28 gobol  iyo  qabiil  dawladihi  guul  ma  dhaliyaane

29 nin waluba gawaan carar intuu guuto maamulaye

30 gidaar baa ku oodmiyo xabaal goof madooba,ahe

31 kuwii  calanka  googgoynayee  gubay  la  eedsiiye

32 immikay  la  gaafmeerayaan  gaajo  iyo  ceebe

33 oo ay gacmaa hoorsadaan gooriyo ayaane

34 oo  lagu  giriifaa  waxay  golaha  keenaane

35 gaggabsaawirkiyo booddadii geedna qarin waaye

36 gorof caydha uumbay galoof  gudhan salaaxaane

37 afartaa gobaadoo dhashiyo godolki maandeeq dhe

37 gaawuhu mudduu baalidee gocayga xoolee dhe

38 gaajiyo ninkii baahi qabay galaxa deeqsii dhe

39 gabannadu ha naaxeen beryay golongol dhuubteene

40 marti goomman gacal baahi qaba garsho maal sii dhe

41 maansada  ninkii  gaaggixiyo  gabaxle  yeelkiiy e

42 garaamaale  roobiyo  sidii  gugucle  maan  hooro

43 gebgeblaha isaaq oo dhammaan laysu wada geeyey

44 ee guudcaddaa iyo ka siman gaban yaroo wiila

45 ee yidhi gob waynuu hadhsado gooya xididkiisa

46 ee aan  gayiga  doonahayn  guuliyo  is  raaca

47 aan la gudhino waa galabsadeen gacan daraawiishe

48 gadhka yogolka nimankaa degiyo gebilay meesheeda

49 ee gacan libaaxiyo berbera go,o ka buuqaaya

50 gooddiga bancawliyo kuwaa guban ka soo duulay

51 iyo kuwan gammaha daaqayiyo gumuca daaqaaya

52 gawaan cararka waa laga sinmiyo geer isku cabbayne

53 aan la gudhino waa galabsadeen gacan daraawiishe

54 gaadhiga sidaa waa miduu geerash booy wado.e

55 oo aan gaggaab laga duwayn godiyo booraane

56 oo ay ku gooraamayaan  gebi  ahaantoode

57 oo aan guluubadu ifayn   guure  socodkiiye

58  oo gudaya laylkii wadada goolisiyo shiikhe

59 oo gaarriyo deniyahiyo ganay ka boodeene

60 oo la yidhi hadraawoow galbay gurada fuuleene

61 aan la gudhinno waa galabsadeen gacandaraawiishe

62 gadhwadeen xun waa lagu yaqaan guur dhe beel negiye

63 gaadiidna waa arw garba la,  ay gurguriyeene

64 siilaanyo geeddiga hadduu gobolka uugaanshay

65 waa guri cas meeshuu ku furay iyo gabaahiire

66 garangoorri baa yaacaysiyo garab caddii jaane

67 gabaarrayda meeshii lahayd giiro haw cido,e

68 aan la gudhinno waa galabsadeen gacan daraawiishe

69 soomaali wayn garab digiyo gaabso laga waaye

70 garashiyo aqoon bay ka tahay gaar u balasleeye

71 waa gooni daaq naga lumiyo goodir caata ahe

72 garanuugta iyo deeradaa ganayo liishaanku

73 gaaggooda hadhay waa inaan gebagebeeyaaye

74 aan la gudhino waa galabsadeen gacan daraawiishe

75 maalintaan gadh yigilkaw ahaa gooye wacadkiiye

76 waa tii la gees maray waxay garu laheeyeene

77 garan maayo maantana waxay ii gorgoriyaane

78 anigana  go,aankaygu  waa geeri  ama   guule

79 aan la gudhinno waa galabsadeen gacandaraawiishe

80 gobla doox godkii qaydariyo godanka maygaagle

81 galgal wayne gooddiga xaqsoor gumarre meeshiisa

82 galka  qorilay  gurasaar wixii  lagu  garaacaayey

83 galaayuuska qaylada baxdiyo go,ayda yeedhaysa

84 iyagoo guraangura markii galabta lay keenay

85 nimankii gafuurrada xumaa gawda laga saarye

86 aan la gudhinno waa galabsadeen gacandaraawiishe

[ abwaan suusle]
Horufadhi@hotmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=11114

Posted by on Jan 27 2012. Filed under suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Gobla doox godkii qaydariyo godanka maygaagle, Galgal wayne gooddiga xaqsoor gumarre meeshiisa, Galka qorilay gurasaar wixii lagu garaacaayey (By Abwan Suusle Gabay)”

  1. iidoorkii gafuurada xumaa gowda laga saarye kkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Abwaanka Qaranka Khaatumo State Jaalle Suusle waa mijaahid gabyaa weyn ah hadaladiisuna waranka waa kaga xun yihiin Soomaali_diidka iyo snm.

    GUUUL
    GUUUL
    GUUUL

  2. saxibayaal dagaalkiinu waa mid caadifiyad ku salaysan oo naf hurnimo ah, dhowr cisho marka aad sidan oo kale u dagaalantaan kolka danbe waa iska daali doontaan waayo jufayo yar uu udhiganta hj ayaa dagaalamaysaa, khasaaraha dagaalka ka dhashana si xun ayuu u taabanayaa, ma haystaan meel dhawacooga gayaan, ma haystaan dhakhaatiir, horaantii horufadhi waxay soo qortay in maleeshiyaadka nabad diidka kaga dhinteen 12 qof oo kaliya,lakinse sacado yar ka dib ninka buuhodle joogay aya sidan u hadlay, ciidanka duulanka waxaanu ka dilnay 33, khasaarena waxanu gaadhsiinay ama aanu qabsanay ilaa afar gaadhi oo isugu jira kuwo zaadka qaada iyo kuwa suuga,mar laweyndiiyey maxaa dhiniciina ka soo gaadhay khasaare wuxuu ku jawabay 25 ayaan naga dhintay , 11 dhawac waxay yaalan cusbitalka buuhoodle, 17 kale oo dhawac ahna waxaanu u qaadnay galkacyo,hadaba qof walba waa qiyaasi karaa ninka beenta lagu yaqaanay ee sida hore fadhi oo kale dudubinjiray beenta meesha uu 25 ka qirtay inay wax badan ku hoos duugantahay, anigu waxaan , lakinse haddiba tiisu laga soo qaado run, yaa khasaare ku jira ma somalilnd mise buuhoodl, magalo kaliya ayey 25 ka dhinteen iyo 28 dhawaca waa inta uu qirtay, lakinse inta ciidanka somaliland ka dhimataa waxay u qaybsantahay ilaa iyo 30 magaalo ,tuulo, degmo oo ay ku noolyihiin malaayiin dad ah .
    laboda gaadhi hadii aan ka hadlo waa kuwo horeba somaliland deeq ahaan loo soo siisay dawladaha aanu saxibka nahay, kuwo kalena waa la siin, lakinse waxaasi oo dhimasho ah ee idin soo gaadhay waa wax laga xumaado, wasiir geeljire waa uu ka naxay inuu sheego khasaaraha oo waxaa la weydiin karaa dadka aad madaxnimada u sheegaynaysaan maxaad saas ugu layseen

  3. khadar nacas,
    adigii baa qirtay in jifi yaroo Dhulbahante ahi idinla dagaalantay isaaqoo dhan sidaasna idiin jabisey. Duli alla idin bad awalba laangaab balaayo is mooday inaad tihiin waan ogeyn.
    Sidii Dhulbahante iyo Khatumo State oo israacayna iskaga celineysaan. Mida kale Dhakhtar iyo dhul ilaahay uma waayin reer Buuhoodle oo dhakhtaro Turkish ka shaqeeyo ayaa masaafo gaaban u jira. laakiin snm waa iney ilaa hargeysa meydka iyo dhaawaca sii wadaan markaa labada dhinac hadey noqoto idinkaa dhkahtar la’aani idin haysaa.

    Takale markii la idin qabqabtay maxaad reer awdal iyo gadabguursi u sheegateen?? kkkkkkk ma waxaad maqashees reer SSC iyo Awdal waa walaalo reer USP isla ahaa???

    Guul Khaatumo State

  4. khadar
    wasiir geel jire wuxuu uqariyey miyaad garan kuwiina waa naga tira badan yihiin dhimashadoodu markaa dee waa inuu qarsdaa ilayn maalin walba jabkiina inaad sheegtaan waa laga yaabayaaye kuwagayaga muxuu ka sheegaa miyuu arkay maydkooda kuwiinu waa kuwa ilaa sol joogto maydadkoodu xabad u yaalaane soo gurta qadhmuunkooda oo aasta saxaafadaa ka yaabtay reerkaa beentooda iyo faankooda somalia waa ka sheegan yihiin ilaahow xaqa nagu toosi

Leave a Reply

Recently Commented

  • Shaxda: Dhulku kala bidhaan roon. Bilicdiisu kala wacan. Buuhoodle waa beled. Waa beerta raaxada. Waa buruudka...
  • maxamuud: maahmaah cusub oday waashay habari kama furanto odaygu waa hawiye habartuna waa isaaq
  • maxamuud: markay xabashi maqlaan ayay shaydaan lanaaray noqdaan fulayo aan talo haynin ogaada gaalona madhaanto taas...
  • maxamuud: waa farxad weyn caalamku waa inoo jeedaa inaan lagu kaftami karin midnimadda somalia dadbaay ciyaar ciyaar...
  • BOOCAME CEELKA: dad wadaninimadu dhabkatahay waa reer buuhoodle ilaahoow isha dbaacuyuunta doc ina kamari dhanka...