|

Arsene Wenger: Guuldaradii Xalay, Qaab Ciyaareedkeenii Ugu Xumaa Abid.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku tilmaamay guuldaradii 4-0ta ee ka soo gaartay kooxda AC Milan inay aheyd qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa abide e ciyaaraha Yurub.

“Marna kama aanan muuqan ciyaarta, weerar ahaan iyo daafac ahaanba aad ayaan u liidanay, waana wax la yaab leh sida meel kasta la inoogala garaacay” ayuu Wenger yiri ka dib kulankii xalay.

“Waxa uu ahaa kulankeenii noogu xumaa ilaa iyo haatan qaarada yruub, maba jirto xitaa hal mar oo aan ciyaarta ka dhex muuqanay”

Kooxda Waqooyiga London ayaa waxaa gool kaga naxsaday Kevin-Prince Boateng ka hor inta uusan Robinho labo gool ku soo darsan, waxaana gool rigoore ahaa ku sii quusiyay Zlatan Ibrahimovic.

“Waxaan noqonay kuwa kubada ceyrsanaya kaliya oo ciyaartooda albaabka u furay, waxaa roon inaan laga hadlin haaatan, oo lagu dhiraandhiriyo ciyaartaan maskax degan”

“Waxaan diirada saari doonaa kulamada inoo soo socda, inkastoo natiijadan ay musiibo aheyd xilli ciyaareedkan weli inagama dhamaan”

Waxa uu sheegay inuusan dareensaneyn in Arsenal ay sameysay qalad dhinaca taatikada ah, lakiin waxa uu qirtay inuusan rajo ka qabin in kooxdiisa ay u soo baxdo wareega 8da.

“Ma aanan heysanin fursado kale, aad ayaan uga liidanay meelo badan, waana ogaa inaan meelaha qaar ka liidanay lakiin marna ma fileyneynin inaan goolal la’aan soo baxeyno”

“Aan runta soo taabano, riyo kuma jirno malaha waxaan fursad u heystaaa inaaan wareega 8da gaarno boqolkiiba labo ama shan. Marka runta loo hadlo tartantanka waan ka harnay”

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=12081

Posted by on Feb 16 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ciise: afku xoogle waa laga tegiyo–arartii beeneede haddii aad itaal leedohoo–aarmi badan hayso waxba hay...
  • ciise: inay wax xoreeyaan iska daaye wallee maato caana leh baa laga dhigayaa afar inan oo reer daahir ah baa ku...
  • kuluc: ninkii jiray wuxu yidhi yadoo aan awalba xanuunsanayey baa riyi igu sii joogsatay kkkkkkk pintand yadoo awalba...
  • geesiga: reer buuhoodle intaad ka hadlaysaan taleex iyo holhol, laascaanood baa ka sokaysee xoreeya hadaad wax isla...
  • geesiga: labada ninba waa qabyaladayste ah midna waa caayey qofka dumarka ah kan kalena waxuu yiri waan ka xumahay in...