Bayer Leverkusen Oo Ka Carootay Sida Ciyaartoydooda Ay Isagu Cerysadeen Inay Helaan Maaliyada Messi.
Labo ciyaaryahan oo Bayer Leverkusen ah ayaa lagu qasbay inay xaraashaan maaliyado ay ka qaateen Lionel Messi kulankii guuldarada 3-1 ay ka soo gaartay ka dib markii agaasimaha kooxda Leverkusen Rudi Voeller uu sheegay inay ka badbadiyeen qaabka ay maaliyadaha labo jeer uga kala qaateen Lionel Messi.
Daafaca Michal Kadlec oo dhaliyay goolka kaliya ee Bayer Leverkusen ayaa ciyaaryahanka reer Argentina weydiistay maaliyadiisa markii ay soo dhamaatay qeybtii hore ee ciyaarta, lakiin waxaa kaga hormaray oo tunnelka dhexdiisa uga qaatay daafaca kale Manuel Friedrich.
Kadlec ayaa markaasi ka dib helay fursad kale oo uu maaliyada Messi kaga qaato markii ay hadana soo dhamaatay ciyaarta, taasoo keentay carada agaasiamaha kooxda.
Messi waa ciyaaryahanka sannadka adduunka, waxaana uu weli ku jiraa xilli ciyaareed kale oo fiican, isagoo dhaliyay talaadadii goolkii 3aad ee Barcelona oo ahaa goolkiisii 25aad ee 24kii kulan ee ugu danbeysay ee uu Champions League safto.
“Waxaan idiin balan qaadi doonaa inay xaraashi doonaan ciyaartoydaan maaliyadaha ay heleen islamarkaana lacagta ka soo baxda deeq ahaan loo bixin doono” ayuu Voeller u sheegay wargeyska Bild maanta.
“Waxa ay sameeyeen waxa ay aheyd wax ka badbadis ah. Weli iyaga lama aanan hadlin, lakiin waan la hadli doonaa” ayuu yiri.
Horufadhi News Desk
horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=12075


