|

Paul Scholes Oo Meesha Laga Saaray Inuu U Ciyaari Doono Xulka England.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday wararka sheegaya in Paul Scholes uu ku soo laaban doono ciyaaraha caalamiga ee uu ka fariistay islamarkaana uu England u ciyaari doono Euro 2012.

37 jirkaan ayaa dhawaan ku soo laabtay kooxda Man United ka dib markii uu dhamaadkii cilli ciyaareedkii hore ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo.

Scholes ayaa markaasi ka dib booskiisa ka helay khadka dhexe ee Old Trafford, taasoo keentay in lala xiriiriyo Harry Redknapp oo loogu badinayo inuu England qabto inuu doonayo inuu Scholes ku soo darsado xulkiisa hadii uu shaqada qabto.

Ciyaaryahanka ayaa markii hore ciyaaraha caalamiga ka fariistay August 2004 isagoo dalkiisa u saftay 66 kulan, si kastaba Ferguson ayaan filaneynin in Scholes uu mar kale u ciyaari doono Three Lions.

“Miyaad si daacadnimo ah warkaas u aamintay? Ma u maleynayo inuu jiro fursad uu mar kale ugu ciyaaro England” ayuu yiri Ferguson.

“Sababtiisii uu markii ugu danbeysay u diiday waxa ay aheyd inuu fursad siiyo ciyaartoyda kale ee xulka ku jirta”

“Inuu u ciyaaro England ka dib sideed sanno waa talaabo weyn. Waxaan qabaa in Paul uu diirada saari doono United hadiiba uu go’aansado inuu garoomada ku sii jirayo”

“Wax la isku raacay ma ahan weli. Lakiin qaab ciyaareedkiisa xilligan ma jirto sabab aan loogu maleyn Karin inuu ciyaari karo xilli ciyaareed kale”

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=12078

Posted by on Feb 16 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • Idoor Liqe: Tolow askartan yaa u soo tilmaamay dadkan shacabka ah ee u badan dumarka Iyo caruurta ???? Reerkii Isaaq...
  • Idoor Liqe: War Waa Maxay ilkasta wiilashan Dutch siday ula dhaqmayaan , war qoorqabashada Nooga daaya dumarka ,...
  • suldaan: Axmed Ma kula tahay in S/land cay kagabaxayso laascaanood..Hmmmmmmm ilaahay ragbuu idinka dhigaye cudud...
  • Kuluc: Yagu wax kuxumeeya ayey isleeyihiin waxaanse ka baqayaa in aqalkasta iyo goobkastoo nabad diid joogo qashinka...
  • Kuluc: Bal beenta ninkaa weyn ee saanbuuse eega 170 dollar meel teleohone lagu isticmaalaa ma jirto aduunka...