|

Roberto Mancini: Si Aad U Wanaagsan Ayaan U La Dhaqmay Carlos Tevez.

Tababare Roberto Mancini ayaa meesha ka saaray sheegashada Carlos Tevez oo ku aadaneyd inuu Mancini u la dhaqmay sida eeygii oo kale.

Tevez ayaa ku soo laabtay Manchester talaadadii, isagoo soo gabagabeeyay seddex bilood oo uu Argentina ku sugnaa, ka dib markii lagu helay danbi ah inuu diiday inuu iskululeeyo kulankii Champions League ee Bayern Munich ee bishii September.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa England tagay xilli uu wareysi dheer siiyay TV Argentina ka soo baxa isagoo kaga hadlay sida xun ee uu Mancini u la dhaqmay.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor kulanka Europa League ee caawa ay kooxdiisa la ciyaareyso FC Porto, Mancini ayaa waxa uu yiri:

“Gabi ahaanba kuma raacsani Carlos wixii uu sheegay, sababtoo ah marnaba si xun u lama dhaqmin”

“Malaha waa taas bedelkeeda, waxaana u la dhaqmi jiray si aad u wanaagsan”

“Kaliya su’aashaan ayaan ka jawaabayaa kama jawaabayo su’aal kale oo Tevez ah sababtoo ah kulan weyn ayaa ina soo haya”

Tevez ayaanan qeyb ka eheyn kooxd City ee Portugal ku sugan, isagoo bilaabay tababar gooni ah oo uu taam ahaanshihiinsa dib ugu helayo, City ayaan sidoo kale ku soo darin kooxdooda tartanka Europa League.

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=12085

Posted by on Feb 16 2012. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • DHeere power: edbiya ass, Dameer baa la yiri war bal maanta hadal oo wax sheeg. markasu yiri oo maxaad igu ogeyden oo...
  • hargaysawi: buuhoodle wali may daahirin puntland waa in loogu tagaa tuulada garoowe dayn wayday faragalinta...
  • edbiye: Kuluc,, Faroole kastuumo ayuu fashilinayaa oo connractka soomaliland ayaa siiyay,ee berrituu ka baxayaa...
  • DHeere power: U.STATE.OF. H, meeshan waa ku wareertay orod seexo. mardhow sidii caydiid baa Rabio kugu dhacaysa...
  • edbiye: Kkkk Masaakiin cid waliba weyka shoping garaysanaysaa,hadaba kastuumo caano ka lisa,waxaad ka faaiiddeenna is...