|

dal burburintiisa, lagu dhisay laba dal,{Qaybtii u danbaysey}.

Waxaynnu soo qeexnay inaan qabiil qaran noqon wax kasta ha isku maaweeliyeene, waxaynnu ka soo faalloonney in qarannimadii dalka, jabhado hubaysan oo qareenkoodu yahay reer galbeed, qaarba intii u dhaweed dalka ay diirteen. Dagaalkii Xamar,  waxaa dhex boodaayey, dadka ka soo qaxay gobolka waqooye galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin “magaaladu, magaaladii ha u ekaato” iyo ” Haddii uu biciid jabo, ma haweesto booddee, boqolaal sanoo tegay, bahalkii idin cuni jirey ka bogo qaniinyada”. Intii aanu Maxammed Siyaad ka bixin Muqdishu, wuxuu sameeyey dawlad uu ra’iisal wasaare uga dhigay cumar Carte, oo ka mid ahaa fidnawalayaashii ka qayb qaatey burburka dalka dhinaca siyaasadda; Inkastoo ayney shaqayn dawladani cusub, maxaa yeelay Muqdishu waxay isu bedeshay kawaan lagu laayo dadka aan hubka haysan, ciidamadiina waxay ku milmeen qabaa’ilkooda ay ka soo jeedaan.

Jabhadihii reer galbeedku u sheegeen,kuna gacansiinayeen, inay ridaan dawladdan iyo nidaamkan Soomaaliyeed, ayaa todobaadadiiba isu laayey qaab qabiil, isuna xoog sheegtay, ilaa uu ina Cumar jees iyo SPM-tiisii yimaadaan Baardheere isagoo cafis weydiisanaya keligii taliye Maxammed Siyaad Barre.
Dagaal sokeeye, laguma kala guulaysto, oo waa i jiid aan ku jiidee, marba kooxbaa gacata sare yeelata, siiba qolyahay markaa hubku gacanta ugu jiro.
Bililiqadii laga keenay Hargaeisa, ee Xamar lagu soo xareeyey, iyo wixii Xamar yaallley oo Dhan, waxay aaddey Dubay, Xabashida iyo Kenya, iyadoo bililiqo ah!
Xabashida oo uu u talinayey taliskii dergiga ee Mangistu haile Mariam, ayaa dad gaaraya ilaa 1000 qof oo Xabashi ah ka shaqaalaysiiyey, xeryaha kala ah: Xashin, Dulcad, Qabri Bayax iyo kuwii kale ee laga yagleelay gobolka Ogadenia ee Xabashidu gumaysato. Lacag aaney weligood ku riyoon waa xabashida shaqaalaha ahe, ayey kaga dhufteen hay’adaha UN-ka ee ka shaqo gelayey xeryahaas qaxootiga.
Sidaas si ka sii baaxad ween, waxa laga shaqaaleysiiyey xeryhii Kenya ee qaxootiga Soomaaliyeed ku soo xaroodeen, kumaankun Kenyaati ah, kuwaa soo gaajo darteed beerka dhulka ku hayey. Daneil Arap Moi, oo ahaa madaxweynihii dalka Kenya ee waqtigaas, ayaa marba gujiya hay’adaha UN-ka, kuna yiraah “naga rara qaxootigan, si uu shakhsiyaad ka dawladda hogaamiya loogu soo tuuro malaayiin doller, oo loogu talo galey qaxootiyada, illeyn UN-ka, Kenyaatiga, midkoodna ma rabo in dhuuntani ugu jirta malabka ka go’do. Hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaan marnaba cagta dhigin sidii dabka Soomaaliya u sii huri lahaa.
Hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedku, waxay isu soo ekaysiinayeen, dad samafal ku magacaaban, sida MSF, ICRC, Care international, world concern, world vision, oo labadan ugu danbeeya, ay si toosa u faafiyaan diinta masiixiyadda.
Waxaa wax walba isku fuuqsaday, markii la furuuray dadkii soo qaxay, oo loo furey waxa loogu yeero “sponsorship”; Ilaa iyo maanta oo aynnu ka joogno burburkii Soomaaliya 21 sano,ilmaha yar ee Soomaaliyeed ee dhasha min raas kianboni ilaa lug haye waxaa lagu barbaariyaa iskaga qax dalkan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, kuna noqo adduunka laaji iyo qaxooti. Tusaale ahaan, dadka maanta dalka ka qaxaya waxaa ugu fara badan gobollada waqooyi oo runtii yara xasillooonaa, laakiin aan waxba uga hoosayn, kuna gaajooday gobolkii la faquuqay, oo aan shaqo oollin illeyn dawlad baa shaqo abuurtee.
Haddii ay labada dal ee Kenya iyo Xabashidu ku dhismeen dhiigga daadanayey ee ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, waxaa luf luftay, hambadii ay ka tageen labadaas dal ee reer galbeedku garbaha hayo, laba gobol oo Soomaaliyeed waxayna kala yihiin gobolka waqooyi bari ama Pintland iyo gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya ama maamulka Harhaeisa.

Weli ummadda soomaaliyeed, kama dhammaan tiro yar oo caqli leh, waase la dhegeesan waayey dadkaa tirada yar dadkaa tirada yar ee xasilin kari lahaa dalka, sidaas darteed ayaa reer galbeed oo aabbe u ah burburka Soomaaliya qarni walba, u diidddan yihii in dawlad taabba qaaddaa ka dhalato geyiga Soomaaliya.dawladda Uk oo ahayd cancer-ka Soomaali lagu salliday, ayaa iminka rabta inay xoog ku qabsato Soomaaliya oo dhan, dabadeedna tobon sano gudaheed ka dhigto nus gaalo ah iyo nus muslim aan tayo lahayn ah.
Haddaba halla feejignaado, horaa burburka dalkeenna loogu dhisay labada dawladood ee kiristanka ah ee hareeraha inaga xiga (Kenya iyo Xabashi), xoog iyo xeelad waxaynnu hellaba aan dalkeenna mar xasilinno, caqliguna ha shaqeeyo.

Eng ibndariiq.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15159

Posted by on Apr 18 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “dal burburintiisa, lagu dhisay laba dal,{Qaybtii u danbaysey}.”

  1. edbiye waa ogeed in awoooweyaashaa idoor ay buuraha saar nan jireen idoor waqtiguu ingariis idinka ilaalin jiray dhulos xataa marka uu geela isaaq dhaafo meelaha qaarkood waxa lagu amray in ay doonan karin idoor taariqda uu leyahay ay tahay 1988 adiga oo qoxooti ku ah itoobiya u marxun wadani edbiya karbaashe muslimiye xamar ay kaga adkaaden usc markaas ayuu qiyaamada u sameyay cumar carte u ku amaray in cidamada hargeysa jooga isku dhiiban somalidiidka ayaad uriseen hargeysa marka maskiin taariq yar baad tahaye is daji dhulbahante isaga ayaa isku jeeda ee iska bashaaal
    ku soo gasheen hargeysa oo aadan arag 3 sanno

  2. Kkkk hoggaankaa u go,ay reer kastuumo,go,doon siyaasadeedna wuu ku dhacay ku dhacay,haad ay qabsadaan bay la,a yihiin bal eega kuwii ugu waawaynaa bal daawada,galaydh,ina dafle,ali isse waar hayaay kkk

    Waar macaa dastuurka cusub anaka daraadayo ayaa loo bedelayaa ee intaan hadhku idinka wareegine tashada ilaa horufadhi sooljoogto waatan askarta aanu ka qoranaynee kkk

    Macaa qurbaawigiinu soo shaqo tago

Leave a Reply

Recently Commented

  • mire: Idoore yare Don’t worry kan waanu ku heshiinaynaaye , adigana waxaanu laascaanood kaaga furaynaa meel...
  • cagey: Bismillaahi Raxmaani Raxiim,amaa bacdi,waxan xusuusta beesha Hayaag ee dhulbahante oo isimkoodi taladii beesha...
  • Gabadh Nugaaleed: COODINLE WAA DHUL _DHULBAHANTE. dhulka intaanu islahayn adaagaal iyo dhiigdambe yuu dhicin baa ku...
  • Xaqdoon: 1. Xaqdoon April 24, 2014 – 3:58 pm [ Xaaladda Beesha Isaaq baa haatan u muuqata [ Xaarwalwaal Xaarkii...
  • Idoor liqe: Buuhoodle waa qayb Ka mid ah dhiigeyga, mana ogoli in aad wax Ka sheegto. Bal abtirso ha Lagu gartee !!!