|

Jaaliyadda Khaatumo State ee Uganda iyo Wufuudii Booqatay oo Kulmay,?{Sawiro}.

Kulan balaadhan ayaa habeenkii xalay dhex maray Masuuliyiin ka socda maamulka Khaatumo state of Somalia, oo ay ka midyihiin madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaanje biindhe, Golaha Sare ee dhaqanka, sida Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan, Garaad Cabdisalaan Maxamed Xasan, Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur iyo jaaliyada khaatumo state ee ku dhaqan dalka Uganda, sida ganacsatada Ardayda Jaamacadaha, Garabka haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada.

 

Aayadaha Quraanka kariimka ah oo kulanka lagu furay kadib waxa halkaasi weftiga warbixin kasiiyay Shiekh Cali Geelle, oo dulmaray xaalada guud ee jaaliyada khaatumo ee dalka Uganda, isagoo ku amanaay inay yihiin kuwo mar kasta dhawra sumcada iyo karaamada dadka kasoo jeeda khaatumo ee ku dhaqan dalka Uganda.

 

Garaad Saleebaan Buraale Aadan ayaa ugu horayntii hadal halkaasi kasoo jeediyay, isagoo garaadku sheegay in arimaha siyaasada debedda, difaaca iyo fashilinta siyaasada cadawgu gundhig u tahay booqashada ay ku yimaadeen dalka Uganda, iyo sidii ay warbixin guud u siinlahaayeen shacabka khaatumo state ee ku dhaqan dalka Uganda.

 

Sidoo kale waxa uu garaadku taabtay guulaha wax ku oolka ah ee ilaa hadda maamulku gaadhay, soo dhawyntii ay kala kulmeen wadamadda jabuuti, kenya, eithopia iyo heshiiskii ay la galeen Dawlada soomaaliya shirarkii beelaha soomaaliyeed ay la yeesheen oo uu ku tilmaamay guuo isdaba joog ah . Waxa uu garaadku xusay in loo baahanyahay in qof kasta uu qabto hawsha looga fadhiyo. Si loo badbaadiyo guudahaan shacabka soomaaliyeed oo hanweyn uqaba maamulka Khaatumo state of somalia.

 

Garaad Cabdisalaan oo hadal kooban isna halkaas kasoo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay midnimada beelaha Khaatumo state, iyo sidii dal iyo debedba loo muujin lahaa midnimada ka hanaqaaday deegaamada Khaatumo state.

Ugaas cabdilaahi Ciise nuur ayaa dhankiisa isaguna xusay in qayb kasta oo bulshada kamida laga sugayo wixii looga fadhiyay, Ardayda Khaatumo State ee Aduunka dacaladeeda ayuu bogaadin usoo jeediyay , sida firfricoon ee ay uga qayb qaadanayaan maamulka khaatumo, isagoo ku tilmaamay arday leh hal-abuur rabaaniya.

 

Ugu danbayntii waxa shirka soo xidhay madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaanje, oo soo jeediyay khudbad murti iyo maahmaah xambaarsan, madaxweynuhu waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay sadexda gole ay khaatumo ka koobantahay, oo uu sheegay inay saldhig u tahay talo-wadaag, midnimo, isjacayl iyo halgan.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale aad u amaanay doorka lama ilaawaanka ah ee haweenku ay ka qaateen dhisida iyo hirgilinta maamulka khaatumo state, waxa kale oo uu madaxweynuhu fariin adag u diray maamulka somaliland isagoo xusay inay dhamaatay joogitaankii deegaanada khaatumo, waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray dardaaran ku salaysan midnimo, masuuliyad,daljacayl, halgan, u dhabaradayga dhib kasta oo loo marayo xoraynta deegaanada ka maqan khaatumo state.

Aadan Jaamac Oogle ( Xabeeb )

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15261

Posted by on Apr 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Jaaliyadda Khaatumo State ee Uganda iyo Wufuudii Booqatay oo Kulmay,?{Sawiro}.”

  1. wooooooooooooooow mashaa allah……shaqada halawado…

    guuuuuuuuuuuuuuuul

  2. Mashalah alxamdu lilaah allaa weyn ninkii aaminaa awood leh tani socotaye
    Kanaxow nafta waa allow dhowr KHAATUMO KHEYR

  3. maan sha-aalaah mamaantaan arkaa khaatumo waftideediii oo aduunka meel walba laga soo dhaweyno diidaayoow dilaacaa hadaba waataa khaatumo talaabsatay. gguuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuliyo gobanibo reer khaatum. aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin allooow

Leave a Reply

Recently Commented

  • Idoor liqe: Haberjeclo Iyo haberyoonis ayaa ku shiinwayey ceel shidaal oo laga qodayey beel burco u dhow waana Lagu...
  • Layla: Geela mesha sayntu kaag taal baad kaga talaa ….
  • Layla: Duqsiga duulduulka badan xaarana wuu ku fadhistaa Lol Waa kan ugaagasyood ee Bidaarta leh,,, Shirshoore na ma...
  • sOmalilander: HOL HOLEEY MA NABAD BAA !!!! TELL ME HOW YOU DOING ?? Madaxweeyne Indhsheelna ayaa xadka soo xidhayaa ,...
  • Idoor liqe: Layla Waan Ka shakiyay bal Horta abtirso CID ku garatana ha la arko !!! Waa Lagu jawaabikaraa lkn...