|

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Qaar ka tirsan suxufiyiintii ku dhaawacmay Tiyaatarka Qaranka?,{Daawo Sawirada iskana jir Naxdinta}.

Www.Horufadhi.com

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo Deeq Lacageed gaarsiiyay
Qaar ka tirsan suxufiyiintii ku dhaawacmay Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho, 20 April, 2012

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa deeq lacageed oo
loogu talo galay daaweyntooda, isla markaana ay ku deeqday hay’ad
fadhigeedu yahay magaalada Doha ee dalka Qadar, laguna magacaabo Doha
Center for Media Freedom (DCMF).

Haddaba, masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo uu
hogaaminaayo Xoghayaha Guud, isla markaana uu ku wehliyey xoghayaha
maaliyada NUSOJ iyo masuuliyiin kale oo ka socday warbaahinta madaxa
banana ee gudaha iyo suxufiyiin ayaa maalinimadii jimcaha
guddoonsiiyay Siciid Shire Warsame (Shuuriyaako) lacag cadadkeedu dhan
tahay 2000$ oo ay ugu deeqday hay’ada Doha Center for Media Freedom.

“NUSOJ waxaa sharaf u ah inay guddoonsiiso lacag cadadkeedu yahay
2000$ sxbkeen Siciid Shire Warsame (SHuuriyaako) iyagoo ka wakiil ah
hay’adii deeqda lacageed bixisay ee Doha Center” sidaa waxaa saxaafada
u sheegay xoghayaha Guud ee NUSOJ, Md. Maxamed Ibrahim isagoo
hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku daray in lix weriye oo uu ku jiro
Shuuriyaako ay deeq lacageed ka heleen isla hay’addan kadib codsi ay
sameeyeen masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka.

Xogyaha Guud ee NUSOJ waxa uu ka dhawaajiyey in hanaankii lacagaha
deeqaha ururku u maamuli jiray wax laga bedelay kadib qeylo dhaan ka
soo yeertay dhibanayaal lacagahoodii hore loo lunsaday. Taasina ay
dhalisay in marka laga reebo Shuuriyaako, Shanta suxufi ee kale ee
dhaawaca ahaa lacagaha ay si toos ah hay’ada Doha Center ay Dahabshiil
u soo dhigtay iyadoo weriye walba magiciisa iyo taleefoonkiisa loogu
soo qoray, taasina ay meesha ka saareyso wixii mugdi ahaa ee hore u
jiray.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim uu
balanqaaday inweriyayaasha dhaawaca ah oo aan weli helin taageero ay
taageeri doonaan, una sameyn doonaan dadaalo lagu caawinayo.

Cabdulqaadir Dulyar, Agaasimaha Royal Television ayaa xoghayaha Guud
ee NUSOJ eek u sharfay in uu guddoonsiiyo lacagta deeqda ah weriye
Siciid Shuuriyaako, waxaana isagoo wakiilka ah u guddoomay walaalkiis
ka weyn, Maxamed Shire Warsame.

Maxamed Shire waxa uu u mahadceliyaya Ururka NUSOJ iyo Doha Center
dadaalka dheer ay ku garab taagan yihiin walaalahooda saxafiyiinta ah
ee dhibaateysan, isagoo xusay inay tahay markii ugu horeysay oo uu
arko suxufiyiin sidaan oo kale isugu heelan.

Cabdulqaadir Dulyar ayaa markii uu lacagta gudoonsiinayay kadib ku
baaqay hay’adaha suxufiyiinta taageera iyo dowladda KMG ah in weriye
Shuuriyaako loo raadiyo daweyn dibada ah, maadaama xaaladiisa
caafimaad dalka waxba looga qaban Karin.

Siciid SHuuriyaako oo warbaahinta la hadlay ayaa ururka NUSOJ iyo DOHA
Center iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed uga mahadcelinayay sidii
ay u garab istaageen isla mar ahaantaana ugu soo gurmadeen, isagoo
markaa indhihisa laga dheehanayay ilmo uu ku micneeyay inay tahay
farxad balse aanay ahayn xanuun isaga haya.

Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ku
baaqayaa in suxufiyiinta SOomaaliyeed ay is gargaaraan ama dal ha
joogaan ama dibad ha joogaan, isagoo isla markaana ka dhawaajiyey in
suxufiyiintu ay is gargaari karaan iyadoo looga kaaftoomaayo taageero
dibadda ah. Sidoo kale Ururka NUSOJ waxa uu isla goobtaas ka
balanqaaday in weriye Shuuriyaako iyo intii kale ee weriyayaal dhaawac
ah oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban Karin ay ka shaqeynayaan in
sidii daweyn dibadda ah loogu heli lahaa.

Deeqdan lacageed oo gaareysay $9000 (sagaal kun oo doolar) ayaa waxaa
loo qeybiyey 6 (lix) weriye oo ku dhaawacantay tiyaatarka qaranka
bishan horaanteeda. Weriyayaasha deeqdan ka faaiideystay ayaa deeqda
loo qoondeeyay hadba sidii ay dhaawacyadoodu u kala darnaayeen.
Waxayna deeqda u kala gaartay sida tan: Sa'id Warsame Shuuriyaako -
Shabelle Radio - US $2000 (QR 7,300), Deeqo Mohamed Ahmed - SNTV-US
$2000 (QR 7,300); Ahmed Ali Kahiye – Kulmiyw Radio- US $2000 (QR
7,300); Hamdi Muhumad Hassan - Somali Chanel TV - US $1000 (QR
3,650); Ayaan Abdulle Guure – S24 Television - US $1000 (QR 3,650);
Saleiban Sheik Ismail – Gudoomiye ku xigeen NUSOJ - US $1000 (QR
3,650)

Waxaa kale oo jira suxufiyiin iyagana dhaawacyo qaba oo aan weli helin
deeqdan lacageed, balse ururka Suxufiyiinta Qaranka SOomaaliyeed waxa
uu ka balanqaadayaa in ay iyaguna heli doonaan sida ugu dhakhsiyaha
badan.


-- 
-- 
For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Second Floor, Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so / newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia

Horufadhi News Update.

Horufadhi News.


Short URL: http://horufadhi.com/?p=15258

Posted by on Apr 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Qariidahaye: @ALI Caaac Nin waalan walaaalkiiis baaa u miyir qaba Adiga haddiii tolkaaa oo dhan waalan yihiinisaaaq)...
  • liishaan: horufadhi khalkhal.com.
  • liishaan: duurgal saaxiib cadhada yareyso adduun waa hadhkaa labadiisa geline. oo waxaad tabaneyso ba sheego oo toosi...
  • liishaan: ninkii jirey wuxuu yidhi wada hadalba haadkaas ayaa ka hadhay ciyaala kastuumo intay halkan wax ku soo...
  • Idoor liqe: Ali mental disorder Gudoomiye-xigeen baarlamaanka falaagada jabhada snm horgale baashe isxanbaar...