|

Faallo: Madaxweyne Shariif ka dabaashay, dabinkii qabiilka Isaaq ay la Rabeen.

Horufadhi.com

Waxaa iska cad, oo muran ma doonta ah,in shirkii laga soo melmelay London carriga Ingiriiska, ee ay u lobby gareynayeen qabiilka reer isaaq ee dega gobolka waqooyi galbeed ee Hargeisa keligiis, si ay u helaan waxa ay ugu yeereen gooni u goosi gobol keliya oo aan dhammayn labo boqol oo kilometre laba jibbaaran, inuu shirkaasi ahaa mid guul darraystay, ahaana dabin lala doonayey Sheikh Shariif.
Qolyahaa goosiga iyo ictiraaf raadiska ku harraaday, waxay la rabeen Madax weynaha dawlada ku meel gaarka ah, inay uga tallaabsadaan bohol aan weligeed dalku dib uga soo bixin; isla markaasna ay Shareifka gacanta u geliyaan dhagar qaran oo aan hore u soo marin Madaxweyne Soomaaliyeed.

Sir ma qabe saab baa biyo u ceshee, waxay fashilmeen ka dib markii ay soo xusheen shan nin oo uu ku jiro midiidin qabiil kale ah, oo dayday iyo dayro ka noqday dadkiisii (Xaabsade), ay u qoondeeyeen shir lagu qabsado qol mugdiya oo hoosta la isaga dhiibo dhuxul naareed! Taa macneheedu wuxuu yahay, markii dhanka dawladda ku meelgaarka ahna, ay la timid todobo qof oo wasiirro u badan, oo weliba uu soo farsameeyey wasiir Cabdi samad(wasiirka ammaanka iyo arrimaha gudaha ee dawladda ku meel gaarka ah) oo ahaa nin hadda ka hor u ololeenayey in, gobolka waqooyi galbeed la gooyo, ama loo haniyeeyo waraabaha! Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa Sheikh shariif ku hambaberey, iyadoo uu haadaan ka laalaado, si hufanna aminkan wuu isu habeeyey, haybaddii madax weynenimona wuu soo celiyey.

Nin habari dhashay la maseegi waayee, dib ayuu ka haleelay jidkii la rabey inuu qaado markii hore. “qabiil dudsan ayaa noo muuqda, oo dawladdii hore ee kacaanka dhib ay ka tirsanayaan, raba inay ku afduubaan hannaanka dib u heshiisiinta dalka” ayuu yiri madax weyne Shariif, wuxuu intaas ku sii darey isaga oo leh ” waxaa jira tastuur cusub oo ansixin u baahan, iyo shirka dawlad rasmi ah dhisitaankeed dhidibada loogu taagayo, taasoo mudan in la siiyo muhimmadda kowaad”.

Haddaba, haddaannu nahay ummadda Soomaaliyeed ee jecel nidaamka wadajirka, waxaannu leenahay, Shariifow, mar ku dage ALLAH ha dago, mar labaad ku dagese adeys dagey.
Dalkani kala go’imaayo haddii shanta bilion ee adduunka saarani isgu yimaadaan, rabbi oo aan idmin, iimaan la’aanta iyo wax badsi doonka iyo weliba cabashada aan ceebta loo aqoon, waa midaan cidina u jid bixindoonin. Waxaan leenahay qolyahan qabiilka la qiireysan, ee television-nada ku celceliya erayga land land, sidii afkooda uu ku go’ayo gobolka waqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya, inay iimaan sadaan waxa yar ee ay ku leeyihiin saamiga Soomaalinimo; loogana badan maayo, loona yareynmaayo xaqooda ay leeyihiin ee ku kooban hal gobol oo keliya.

Daahir M. Ali

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15332

Posted by on Apr 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

32 Comments for “Faallo: Madaxweyne Shariif ka dabaashay, dabinkii qabiilka Isaaq ay la Rabeen.”

  1. shariif
    adeer waa ayo cidaada matashaan waar intaadan khaatumo hawaysan faroole ma ka taliyaa baargaal ayl qadho gaalkacyo shimbiraale dahar hadaaftimo badhan? waa maya kkk iska hadlow ina iggare khaatumo waa socotay sadex bayna ku furtay ciday wax ku darsatay ee p/land cali khaliifna sida dumarka uma xintamo ee meel cad buu xaqiisa ku dhacsadaa arintuna adeer xidid iyo mini mini waa dhaaftay khaatumana maanta kuwait kampala iyo muqdishay ka duulayaan iyagoo is matala ka naxaw nafta waa

  2. waxaan anigu la yaabaa odayga cali khaliif ah meel uu wax uwodo ayaan gara waayey waxaa iskaga khaldan danta gobolkiisa iyo nacaybka xididkiisa marka waxaa la rabay in uu horta bal gobolkiisa xooga saro ilayn rag ayaaba taagan miis aanu fadhino masoo fariisan karo oo anagaa metela taas ayaa muhiim ah, tan nacaybka reer xididkiis wax badan umalaynmaayo in uu wax ka qaban karo niman nacayb iyo jacayl midna wax ka qaado ma ahan waa niman dantooda utagan soomaalina la xisaabtamaya marka yaan waqti kaga lumin odayga arintaas

  3. Nina
    Inaabti fariid baad tahaye,fadlan jooji baroorta,waxaan raxanreeb ku arkay adoo leh,waar miyaan somalinimo jirin waar miyaan muslinimo jirin waar somaliland naga reeba hayaaay kkkk balse ogow waa siyaasad uune dhib kalema jiro.

    Cushul casfuur yaqdiinaa

  4. horta dumar caaye halkan hadalkiis waa uun dumar caaye ssdf waa qolada keliya ee snm heshiis hoosaadka la leh ee xadhigii jabhadaynta wada haysta oo cada qaate nimadaba ssdf iyo snm baa soomaaliya keenay shimbirba shimbirkiisuu la duulaa maantana waxay moodeen in s/land iyo p/land laba dawladood yihiin aan soomaaliya ka mid ahayn

  5. Shakhsiga hadalkan qoray wuxuu ku mahadsnayahay erayada conclusion-ka u ah hadalkiisa, waana ta dhabta ah ee Iidoor la gudboon intaan tala farakahaadin inay iimaansadaan deegaankooda iyo xajmigooda, maanta maaha 1880kii oo daarood gumaysi ladagaalamaayo iyana ay lasocdaan ee dadkii oo dhammi gaaladuu lasocdaa, ummadda inteeda kalana maruun bay is qaban laakin Iidoor wakhtigaa ka khaldan, hadba doroshaan smaynay iyo xisbi hebelbaa burco ku qayilayna maanta dad kala wadi mayso. calaalacal beena iyo maata hadalna sadbursiinyo lagu helimaayo.

  6. Wiil maxamuud saleebaan

    Wax xun idinmuu odhan ee bilaash baad u xagxaganaysaan.

    Midbaana xaqiiqo ah,haddii dhuloos kefed la saaro,maxamuud saleebana kefed waxaa raajax noqonaysa ta maxamuud saleebaan.waad ii simantihiin lakin runtaan ka odhanayaa ee joojiya cuqdad nacaska

  7. Horta waxani waa maqaal ee maaha war,qofka maqaalka qorayna sidii uu jeclaan lahaa ayuu qoray.
    Hadaba somalidu waxay tidhaa dad wuu ku xaalayne dantaada ka raac,hadaba cid waliba danteeda waata raacdaye,idinku markaad aragteen in tiini dhimatay ayaad kuwa dadka kale inaad xaasid faaleysaan ay idinka fursan weyday ee iska hadaaqa hadaba.

  8. Murqaanland. Horta kan wasiirka u ah. Arimaha dibada snmta marka murqaanku gaadho ayey ka tustaa aqoonsi. Markaas ayuu bbcda soo fadhistaaa. Oo wax iska dhahaaa. Cajib. Waa iga suaale goormay ka waan tobayaan. Aqoonsiga. Hada aqoonsigii ma hawiye ayuu soo galay. Awal adeerkood ingiriis ayey ka raadinjireene. War hargeisa iyo burco. Dowlada noqon maayaane. Wax kale meesha keena.

  9. waalataye ,,, berrina bal haku maaweelin shariif ayaa ina khiyaameeyay

  10. Sheekh shariif waa khaayin 2 bilood ba uhadhaye ilahay madaxwayne dhaama hanogu bedalo

  11. ninka maqaalka soo qoray wixiisu waa AFNOOLNA WAA HADALAA, shariif lasoo gamay oo kaare gegida dayuuradaha lagu geeyo lagagana soo qaado weliba 3 bilood kadib galbanaya muxuu ka yahay somalia yaa wax waydiiya.

    gudiga uu soo magacaabay anagaa diidnay ee isagu waxna ma diidin waxna ma samayn karo waa maqaar saar, sababaha aanu u diidnay gudigiisa kolay wasiirka debeda waad ka maqasheen hadaan anigu idiin sheegana waa labada xubnood ee dhanka puntland lagaga soo daray oo u dhshay somaliland ayaanu diidanay, madaxweynaha faroole maaha inuu dhuloos iyo waroos gudiga ku daro ee waa inuu MJ ku daro, dhuloos iyo waroos waa la yaqaan ciday yihiin somaliland baana xukunta oo ay ka midyihiin goormay reer koonfur noqdeen?

    shariif anigiibuu janbal damcay inoo dhigo isagoo wanlawayna oo kaare saaran, rumaysta ama ha rumaysanina gudi ay ku jiraan dhulbahante,warsangeli,isaaq iyo gadabuursi oo xamar ka socda weligiid somaloland lama hadlayso mana dhacayso mana dhici doonto, dhuloos waxaanu ku wada hadlaynaa buuhoodle yagoo beel kamida somaliland ah laakiin uma wada hadlayno yagoo calan kale sita cid kalena u adeegya.

    somaliland dhulkeeda awood ciidanbay ku joogtaa maaha waxaanu barinay oo hadyad naloo siiyey, puntlandbaanu hadhcad ka saarnay faqashbaanu ka saarnay kastuumo ayaa meel ay usoo marto la,a oo food soo gelin kari wayday laaska meesha dawladbaa ka jirta, tfg oo dayniile alshaab dhaafin kariwaydayna awood somaliland kuma baa,bi,in karto waxay ku khasbanyihiin inay somaliland aqoonsadaan.

    • khatumo state citizen

      KULUC KELYA-BUUR
      AWOODA CIIDAN MA IIDOOR DABA CAYUUN BAA LEH?
      WAA RAG ISDINKU MUSHAHAR QAATA OO OO DHULBAHANTE AH,

  12. allaa wow war midka riyooday waligood ba waa murqaan hadlaane khaatumo guud idoor dabacayuun waan udhameeye ha iska caabaado mar hadaan ceeldheer ku riday oo careeshe nabada ma cirkaay fuulayaan waa cajeeb taniye alla yaa arxamo raaximiin somaaliland waadhimatay maalitii khaatumo dhalatay.

  13. Waa salaamantihiin reer khaatumo alla mahadii hadii aanu
    markii u horaysay taariikhda heer gobol iyo heer qaranba aan anagu
    madaxdeena,xildhibaanadeena aanu xulaynayno anagoon cidna dabafadhin.
    laba wiil ciise maxamuuda iyo shan habarjecla ah oo naga ag nacnacleeya
    waxay ku tusaysaa sida laboodada maamul u daciifeen oo labadaa jilib baa
    ku kala habsaday dhan walbana wey ka fashilmeen.marka nacnacdooda
    hadba intay leegtahay baan ka gartaa kulaylka haya.

  14. waxaan leeyahay yarkan maxamuud saleeban ku waash masheegataa maxaa qabiil dabadhigay waaba yaabe. war inaad reer khaatumo caydo cidi ku soonoqon mayso ee hakaraamo seegin. waxaana kuu sheegayaa inan abid reer khaatumo wax ka badan wadadhalashadii aanay idiin la wadaagayn ee ha xiiqin khaatumo vive ever.

  15. Kastumo Somaliland baa Kastumada u haysa ee Riyadu hurdey ku timaadaa.

  16. alla waxaan muxuu ku hadlay allah malaha unisex mahan gender cadia muxuu inanta ku yidhi allakani manu inyadhna adhag dad nasaba madumadh ayaa saa loo caya sikastooy kaga bicdo waadh uf+demshit laflafaa ayaanu kanidhi kabax webka.

  17. dhamantiin wan idinsalamin ok wiil msaleban waxaad tahayba wuxuunbaanu uqaadan inad tahay majerten. Hadad nimanka tahay dhulbahante dhul isuguma kiinjidho dadna maya huuno wuxunbaan u fahmay dad anay waxbiyi ka dhaxayn adna way idiinka shegtaan anigu waligay man arag somalia hargaysa ayunbanu anagoo ciyaala ayanu mocooyo ugutagnay madhkaa magadhan karo waxad isku didantine haday idinku yidhadan nadhafa manay ahayn inad dhaftan haa waytahaye dhaafa odaygaan maxay faroole media ayaan ka dhagaytaa madhkasta khaatumo un buu waxka shegaye dee cidkalaba mabu yaqan malaha madhkaa dee haday tashaden adeer hadanad waxba tarayn dhibkanay sheganayaan manay ahayn inad ka dhawrtan oonid uloogin cadowga isirnacaybka u laynaya dumadhka+ciyal iskuulka hadaad toltihiin ader wuxunba laydinka adhki lahaaye dhibkina unka daysta

  18. @Janno

    Ilma Mahiiga LOL Walee waad iga qoslisay. Afkaaga caano lagu qabay. Shalay buu soo kor meeray markaas baa loo marxabaysiiyay sidii sarkaal sare. Weligay reer Gaal uga jajaban ma arag. Wax kasta oo qof lagu sooro way ku sooraan–and I mean everything…once more I mean everything..got it? Thank you!

  19. @wiil moxamuud Saleebaan

    Intaad magacaa sheeganaysid maad “Puntland” sheegatid? Mise wixii dadku arkeen laakiin aan door bidnay inaan qarino baa sax ah oo PUNTLAND AKA Moxamuud Saleebaan?

    Khaatumo tagtay wanaagna & walaalnimona waa idinkala tagtay waxaan horumar ahayna idiin rajayn mayso. Midbaanse talo idinku siinayaa ree Moxamuud Saleebaanow inta hartay Puntland daba qabta. Leelkase, Warsangeli, Deshiishe, Reer Moxamed Harti intiisa kale war hoy wax la qaybsada haddii kale Moxamuud Saleebaan baa loo kala dhex baxayaa markaas baad is cunaysaan. SNM ayaa anaka dhulkaygaii qaadatay oo rabta sidii mayeeraanka inay noo sheegato. Nimankaas baan iska dhicinaynaa ee Faroole naga qabta haragardaamadiisa, haddii kale, SNM markaan qarqarsino Garoowe ayaa xigi! (Not Qardho & Gaal Kacyo).

  20. No aqoonsi for cawaroland horaan u sheegay reer Khaatumo ayaa ceel dheer ku riday riyadaas murqaanku awalba keenay kkkkkkkkkkkkkk
    Ilmo mahiga dadkiina dhinac ka raaca
    Allow dhowr Khaatumo Kheyr

  21. Nacas maxamuud saleemaan,

    Horufadhi madax weeyaan dibmuquraadiyad ah , weeyaan, maalinkasta doobiso iyo adigoo miidhan ayaa caaya mana xidhaan caydiina, sidaas ayaa lagu gartaa ,madaxnimada.

    • khatumo state citizen

      BOTTAAN
      SAX
      WAA DAD KA UGU DIMUQRAADISAN GEESKA AFRICA
      WEBABKA KU HADLA AFKA SHACABKA SSC EE KHAATUMO STATE.
      HABRAHA IIDOOR IYO DHABAYACO HA AISKA MIDHAAFEEN.
      WAA DAMEERO DHUUSADOODA SANKAA LAGA QABSADAA.

  22. qoys duday qaranimada somalia wax ma yeeli karo waa maah maah cusub oo reer buhoodle soo saareen
    iidoor haday 21sano sano oo dambe aqoonsi doonaan helimaayaan sababtuna waxay tahay dhulka anagaa la leh anana diidnay iyagu intay degaan hadii ay aqoonsi udoonayaan iyagay jirtaa ka dibna ay ula baxan IDOOR LAND dhulbahante inata ilaahay nacay ee tolkood dayriyey ma metelaan ina bisinle ama ina xaabsade iyo kuwa la midka ah ee dantooda ta dadkooda ka horaysiiye calooshoodana u shaqa tegay kuwaas haday idoor soo horaysiiyaan iyo haday dabada mariyaanba cid ay masuul ka yihiin oon naftooda ahayn ma jirto faroole wuxuu buur dheer u fuulay siduu snm aqoonsi ula dooni lahaa lkn kumuu fekerin dhulbahante inuu maanta midaysan yahay shirqool walboo jamhadaha hareerraha naga jiraa ay noo maleegaana aan il dheer ku aragno nimanka faroole dirsaday isaga fekerkiisa ayay meesha la yimaadeen fekrad kale lama imaan wixii faroole ku yidhina way odhan lahaayeen lkn nasiib wanaag taasi ma dhicin wadahadalka tfgda iyo iidoorna haday aqoonsi tahay anagay anaga go’daa dhulbahante la aantiisna waxba kala socon maayaan hadii kale oo saamigoodii say muqdisho ugu raadsan lahaayeen ay tahayna iyagay jirtaa lkn aqoonsi aan reer khaatumo ku jirin baan muqdisho ka doonayaa waa riyo + dhalteed + waali iyo wareer + mirqaan taasina socon mayso dad walana wax laga qori maayo

    khaatumo allow dhawr

  23. sheekh sharif wuxuu tv laga leeyahay turkiga siiyay wada hadal uu ku yidhi nooma aha muhiim hada inaanu gobolka waqooyi galbeed la hadalo waxaa noo muhiim ah in doorashooyin la sameeyo iyo in desruurka la dhamaystiro oo la ansixo ka akhri dayniile.com articlkan is dated april22,

  24. wiil maxamuud salebaan

    dadka website kan akhrista ama allssc ama jidbaale waxaa idin shegaya hadad rabtaan warar sax ah ama xiiqada jirta akhrista website yada kale ee dhexdhexaadka ah ka dib kuwaan soo gala markaad rabtaan nafaqo iyo aflagado adigo xaqiiqada og wareysigii wasiirka qorsheyata pland dr daud usiyey waxu kaga hadlay xqiiqada wxuuna runta ushegay sland inay qabiil yihiin qabilada kale oo degan waqooyi fikirka gosashada laqabin lakin website oo neceb pland waxuu ka qoray fikir been

    • khatumo state citizen

      MAXAMUD CIISE-RIYOOLE
      ADIGOO CIISA RIYOOLE AH MAXAAD MAXAMUD SALEEBAAN ISKAGA
      BALAADHIN?.
      HADDII WEBKAN IYO KUWO KALEBA NECEB YIHIIN PINTILAND, SOW ADIGA ODAYGA BUDHCAD-BADEEDA AH EE AF-WALINJE MAAXA KA NECEB KHAATUMO IYO SSC???.
      SHACAB WAA U CAADO IN AY MUCAARADAAN LAAKIIN WAXAAN CAADI AHAYN NIN DHAN OO REERKA AAD SHEEGANAYSO U TALIYA HADDANA
      SIDA DHOOCILAHA U XINTAMA. WAA LAYSKA CELINAYAA DOQONKA
      CIISE-RIYOOLE EE TAKSIILAHA AH, HADDANA BUDHCADNIMADA KU
      NAAXAY IYO BILILIQADA MUCAAWIMADII SSC.

  25. wiil maxamuud salebaan

    qolyaha qora horufadhi waa kuwa ka caytama paltalka yada wararkoodana waa ku tufid xaqiiqadana wey ka fog yihiin bur burkii wada hadalka sland iyo somalia cid walba waxay ku edeysay faroole shekh shariif wasiradu soo magacabay sland dhib uma arag lakin waxay diideen da ud iyo ilka jiir inay kasoo qayb galaan wada hadalka maxaa yelay nimankani waxay kasoo jeedan sool iyo sanaag oo sland rabtay inay ayagu sheegaan

  26. Reer Khaatumo waxaan u sheegayaa ha iska daayaan qof daba yaaca. Sheriif fursad fiican wuu haystay uu ku qanciya Ummadda Soomaaliyeed wuxuuse door biday inuu SNM siiyo mudnaanta koowaad. SNM iyo TFG wax ay hadda qaban karaan baa iska yaar. Reer Khaatumo ayay u taal siday wadankooda ka yeelaan. Intaad idinku is raacsantihiin oo hal jiho wax u wadaan SNM waxay qaado karto ayaa iska yar. Mudnaantu waa wada jirkiina. Markaad idinku dhan isu raacdaan Soomaalida kale ee midnimadda jecel iyo tan rabta inay SNM la jiho noqoto waa soo kala baxayaan qofna qof kale wakiil kama noqon karo.

    Maanta Khaatumo maalin ay ka awood badan tahay ma jirto dadkeed taakeerada ay ka haysato bayna ku taagan tahay. Taas xooga saara. Soomaaliya Guul, Khaatumo Guul.

  27. waxaaba iska yar in shariifku isku mashquuliyo qabiil wax aysan ahayn ismoodey ujeedada uwaynayd waxay ahayd in ayka midnoqdaan qarkanka soo maaliyeed ee layagleelayo haday kafaa ii daysan waayeen iyagay utaalaa waxaan leenahay sanduley kusoo noqon

    • Hadhayalsanina khiyaanoolayaasha Isaaq, waayo calaacalkooda ayaa ninkaan aqooni run moodaa waxaa haboon in sutida looqabto qabiilkasta oo doonaya inuu shuruud ku xidho nabad uhelida Soomaaliya iyo midnimada Dalkeena Hooyo. Soomaaliya waxay u baahantahay Nabad iyo Nadaamka dawladnimo oo dhidibada loo adkeeyo . xalku maaha kala qaybin iyo dagaal cuqdadeed.

    • Xalka soomaaliya maaha in dalka qabiilo lookala qaybiyo ee waa midnimo iyo Dawladnimo. Qabiilkii shuruud ku xidha xal uhelida Soomaaliya gorgortana geliya midnimada dalkeena Hooyo waa in looquus gooyaa inuu qaabkaas khaldan haansado. Isaaq ninkaan aqooni calaacalkooda ayaaba ka yaabinaya. Buuqland.

Leave a Reply

Recently Commented

  • nuurgaab: ruun weligaa ma aragtay nin dhullkiisa lahaysto oo maamul goboleed samaysta.jamhad la garay oo waa...
  • NINA: Habartii edbla curri ee dhaliga madoobayd (tiisi taawa)maa mj inaan caayaad sugi habar qalbi la’a oo...
  • nuurgaab: makhaayadaha xamar baa nalaga bartay,habar baana egtay ,shalay bay lahaayeen indhosheel baa iingiriisku...
  • somali proud: ciyaari waa gelin danbe habarjecloy
  • puntite big boy: Nina kkkkkkkk anigu habartii baharsame ee candhada qaadka ku wadatay ee nina calaacalkeeda baan ku...