DEGDEG: Beesha Xuseen Siciid {Hayaag },oo Xilkii ka Xayuubisay Boqorkii hore ee Abdullaahi Dabagooye.
KU: Dawlada Federaalka KMG ee Soomaaliya
KU: Golaha Sare ee Dhaqanka Maamulka Khaatumo
KU: Isimada Beesha Daarood
KU: Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo
KU: Golaha Fulinta Maamulka Khaatumo
Shirar wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen odayaasaha, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Beesha Xuseen Siciid (Hayaag) oo ka kala dhacay wadanka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaa la go,aansaday qodobadan soo socda sida:
- In beesha Xuseen Siciid (Hayaag) ay ka mid tahay bud dhigayaashii maamulka Khaatumo State of Somalia, si buuxdana u taageersan yihiin maamulka Khaatumo.
- In beeshu ay soo dhawaynayso talaabo kasta oo laga qaado cidii ka hor timaada geedi socodka maamulka Khaatumo State of Somalia iyo danaha beesha Dhulbahante. Hadii ay tahay beel, shakhsi, madax dhaqameed, iwm.
- Hadaba markii Boqor Cabdilaahi Axmed Cali. (Dabagooye) uu jebiyay kuna xad gudbay xeerarkii aasaasiga ahaa ee golaha sare ee dhaqanka ee ay ku midowbeen beelaha SSC uuna ku gacansaydhay dhamaan talooyinkii beesha uu isimka u yahay.
- Iyadoo beeshu taa ka duulaysa, waxay go,aan ku gaadhay in laga bilaabo maanta oo Jimce ah, bisha April tahay27th, 2012 ay si buuxda kalsoonidii isimnimo ugala noqotay Cabdilaahi Axmed Cali.(Dabagooye). Wixii taariikhda kor ku xusan ka dambeeya uu yahay shaqsi caadi ah oo beesha ka mid ah.
Sidaa darteed beeshu waxay guda gashay abaabul ay ku soo xulayso shaqsigii buuxin lahaa kaalinta isimnimo ee uu baneeyey Cabdilaahi Axmed Cali.
Waxaa baaqan soo saaray magacyadan hoos ku qoran oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa:
| General Maxamed Cali Abokor |
USA |
| Axmed Cali Abokor | USA |
| Cali Cawl Xuseen | USA |
| C/Rashiid Macalin Faarax | USA |
| Yaasiin Galaydh (Koofil) | Uganda |
| Yuusuf Galaydh | Canada |
| Maxamed Ibraahim Samatar | U.A.E |
| Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh | Somalia |
| Caaqil Cabdilaahi Cawil Faarax Dabataag | Somalia |
| Caaqil Cabdi Ciise Guduri | Somalia |
| Caaqil Cawil Cali Abokor | Somalia |
| Caaqil Aadan Warsame Dheere | Somalia |
| Caaqil Maxamed Cadde Faarax | Somalia |
| Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Riigle) | Somalia |
| Cabdi Kariin Xasan Muuse Cawl | Somalia |
| Cali Weerar Maxamuud | Somalia |
| Xiis Ibraahim Reygal | Somalia |
| Cabdi Gurey Ismaaciil Gamaadiid | Somalia |
| Sanyare Maxamuud Biixi | Somalia |
| Fiin Faarax Garwiye | Somalia |
| Xaashi Cali Dhalinyaro | Somalia |
| Maxamed Xaaji Cabdi Madoobe | Somalia |
| Cawaale Jaamac Reygal | Somalia |
| Maxamed Xaaji Ducaale | Somalia |
| C/Laahi Gurxan | Somalia |
| Ibraahim Yuusuf | Somalia |
| Xasan Cali Jaamac | Somalia |
| C/Casiis Cali Cawl | USA |
| Maxamuud Maxamed Aadan (Lafoole Yare) | USA |
| Jamaal Xaaji Cali Cilmi | Canada |
| Ibraahim Diiriye Saleebaan | USA |
| Hussein Fiin Xaaji Cali | USA |
| Bashiir Xasan Muuse Cawl | Norway |
| Sulub Ismaaciil Abokor | USA |
| C/Risaaq Cali Caateeye | USA |
| Maxamuud Axmed Cali Abokor | USA |
| Guuleed Axmed Cali Abokor | USA |
| Xuseen Axmed Cali Abokor | USA |
| Cusmaan Axmed Nuur (Xidig) | Kenya |
| C/Ladiif Ismaaciil Abokor | Kenya |
| C/Laahi Hareeri | Norway |
| Canbe Food Ashkir | Kenya |
| C/Kariin Maxamed Xaaji Nuur | Kenya |
| Jaamac Gaas Guutaale | Kenya |
| Ismaaciil Gaas Guutaale | Kenya |
| C/Risaaq Axmed Nuur | Kenya |
| Axmed Ismaaciil Gaas Guutaale | U.K. |
| Asad Ismaaciil Jiir | Mozambique |
| Bashiir Maxamed Cawad | Mozambique |
| Ismaaciil Cali Caabi (Dhegaweyne) | Kenya |
| Xuseen Cabdi Muuse Cawl | Mozambique |
| Maxamuud C/Kariim Xasan | Mozambique |
| Cabdi Cali Qoolas | Kenya |
| Farxaan Cumar Salwe | Mozambique |
| Googooye Cali Jaamac Gaydh | Mozambique |
| Ibraahim Cabdi Aw Xassan | Kenya |
| Dirir Axmed Muuse | Sweden |
| C/Raxiim Diiriye Saleebaan | USA |
| C/Laahi Saleebaan Xuseen | USA |
| Faadumo Salaad Ciise | USA |
| Caasha Cali Dhalinyaro | USA |
| Liibaan Fiin Xaaji Cali | USA |
| Mustafa Cali Cawl | USA |
| Maxamed Cali Cawl | USA |
| Cawl Cali Cawl | USA |
| C/Raxmaan Maxamed Aadan | USA |
| Hodan Cali Cawl | Canada |
| Sahra Cali Cawl | Canada |
| Yaasmiin Cali Cawl | USA |
| Umalkhayr Cali Cawl | USA |
| Mukhtaar Axmed Cali Abokor | USA |
| Bood Axmed Cali Abokor | USA |
| Canab Axmed Cali Abokor | USA |
| Maxamuud Cali Ayax | Canada |
| Farxiya Axmed Cali Abokor | USA |
| Asad Maxamed Maxamuud | USA |
| Caynaanshe C/Raxmaan Abkey | USA |
| Jaamac Xayd Samatar | USA |
| Farxiya Faarax Garwiye | USA |
| C/Raxmaan Xayd Samatar | USA |
| C/Raxmaan Cumar Cali | USA |
| Maxamed Maxamuud Cali Ayax | USA |
| Idiris Fiin Xaaji Cali | USA |
| Koos Axmed Abdulle (Ina Sanwaa) | USA |
| Khadra Cali Abokor | USA |
| Faadumo Siciid | USA |
| Sheekh Yuusuf Aw Xasan | USA |
| Ibraahim Sheekh Yuusuf | USA |
| Cusmaan Cabdi Samatar (Dudumo) | USA |
| Cabdi Faarax Cali Cadmeed | Canada |
| Faarax Cali Dhalinyaro | USA |
| Cabdi Cali Dhalinyaro | USA |
| Aadan Cali Dhalinyaro | USA |
| C/Rashiid Caano Jecel | USA |
| Deeq Saleebaan Maxamuud | USA |
| Shire Xasan Reygal | USA |
| Faarax Reygal Maxamuud Yeey | U.K. |
| Xuseen Ismaaciil Reygal | U.K. |
| Khaliif Cabdilaahi Isxaaq | USA |
| Khadar Aadan Isxaaq | USA |
| Caasha Shire Maxamed | Holland |
| Sahra Cabdi Kilin | USA |
| Xaliima Xayraan | USA |
| Cawil Ducaale Ciise Carabay | Somalia |
| Axmed Koofiyad | Somalia |
| Aadan Barkhadle Cashuur | Somalia |
| Maxamed Cabdi Kilin | USA |
| Xuseen Jigraale | USA |
| C/Rashiid Xuseen Jigraale | USA |
| Farxaan Xuseen Jigraale | USA |
| Aadan Cali Caateeye | Saudi Arabia |
| Maxamed Aadan Waambe | USA |
| Maxamed Axmed Cumar | Somalia |
| C/Casiis Maxamed Cali Abokor | USA |
| Cabdalle Jamali Xaaji Cali | Somalia |
| C/Xakiin Cali Abokor | Somalia |
| Muuse Cali Abokor | U.A.E |
Wabilaahi Towfiiq
Short URL: http://horufadhi.com/?p=15431



nina ind hawshiina wata anaguna tayada ayaan wadana wax daba orod la yiraahdo ma jirto ee galaydh ayaa ka hadla siyasada pland ee ku wajahan koonfurta isago dhaleceya road mapka iyo abdi wali hadana amaana sheekh shariif kolay siyasad baa lagashay ama damac kursi aniguna khatumo kama soo horjeedo qoadan website yadan ku caaya pland iyo farole ayaan mucarad sanahay fikirka iga toosan ka dhiibta wabilahi towfiiq
To: Aniga taasi macquul ma noqon karto fikirkaaga ku aadan talaabadni waxay kasban kartaa in ninka wanaagsana si fudud looga takhaluso, qofka arin loo igmaday laga qaadayo waa in loo cuskadaa sababaha keenay in laga qaado xilka.qof fiicani wuu khaldami karaa waa bashar hadiise ay dhacdo in dad ku khaldamaan aan ka fiirsan dee dad baa u miyir qaba oo odhanaya muxuu kasbaday ? oo beesha hagar daamo ku ah oo ku dhaqaaqay anagu wax kuma haynee.hadii cadayn loo helo isagoo wanaagsanaa khaladkaa kooxdaasi ku soo ogoogtay run & dhab noqdo hadalkiisii iyo farahiisii meeshuu ku khaldamay la keeno dee waa laga takhalusayaa loo eegi maayo waa isimkii wanaagsanaa kan imika laga qaadayba dee wuu wacnaa markii hore lkn hada khalad ka dhan ah beeshii xil saaratay iyo beel waynta khaatumo sate ayuu la yimi.
@ NINA,
indr salaan kalgacaltooyo dhamaan reer Khatumo state iyo inta jecel midnimada
lakin aan ku saxo maaha 90% shirkii magaalada taleex wacan Dhulbahante ku tashaday waxa la isku raacay 100% in Dhulbahante iyo dadka kale ee daga deegaanka SSC in la samaysto maamul ku shaqeya rabitanka dadka
taa waxaa daliil u ah hadalkii Fuaad adan cadde uu runta ka shegay Dhulbahante 100% maanta wuxu taagersan yahay maamulka Khatumo.
Long life Khatumo state.
wiil maxmuud saleebaan
taariikhda reer khaatumo isimadooda soo waydii dadka yaqaan markaasaad fahmaysaa waxa dhxalka gala iyo wixii la wareejin karo e tan dabagooyena maaha dhaxal ee waa sharaxaad iyo kalsooni lala noqdo taa cid walba waydii harti nimada iyo in aanu khaatumo samaysanayna iskuma xidhna burburkii soomaaliya ka horba harti baynu isku ahayn mana aydin na dabaordayn!!!!!!!!!!!!!!! anigu ma lihi cidina khald maaha cid walbaana waa sax lkn wixii naga khalda iyo wixii noo sax ah maxaa p/land ka galay???? waa amuur noo khaas aha khaatumo ma iyadaa danihiina soo gasha aboowe hartinimadii lagu heshiin waa in wax lagu qaybsadee meeshiisa haloo daayo oo ninwalbaa danhiisa ha eegto arintuna ma aha mustawe siyaasi keliya oo maanta shacabka labada dagaan maamuladooday ku daba safteen oo adba adooshacabka siyaasada maamulkaaga inaad taageertaa webkan ku keenta isbaaro iyo isxambaar dambe iyo sadbursi waa laga gudbay ragga garoowe jooga ee reer khaatumo ihina shacab iyo degaana ma matelaan ngo booskeedna laguma buuxsan karo markaa waa shaqaale p/land jooga sida degaanada soomaaliyeedba dad ugu joogaan oo ka shaqaystaan p/land shacab reer p/land ahna waa na taageeraa oo nagu garab taagan yihiin inaanu danahayaga ka tashanay sida shacab khaatumo ahiba u degan yahay kana adeegto p/land saas ayaana cid walba u dan ah fuaad adan cade oo hoosgale siilaanyo ahina waa cadeeyey in maanta ower 90% dhuloos ay taageereen maamulkooda khaatumo cid aanu u ogolaanayno inuu khalkhaliyo maamulkayagana ma jirto hadalkii oo kooban
nina qoraalkagu ma xumaa wax runa waa sheegtay ikasto 90%aan la iskuraciin lakiin isimadu wey wada joogeen shiirki khatumo agaca hartina waa dhalasho ma ah mamul gobeleeed lol mana ahanmaqayad marna laelayo marna lagaaxaayo lakin waxaa ajiib ah adigoo og in ofka bini adaku qaldami kar hadana waxkasta uu sameyo galaydh qald iyo saxba ey kula saxan yihiin xata haday dagaal sokyo kenayo marka waxan k oran laha ma qldame waaa ilaah khatumana ma ahan kutub qur aan isim nimaduna waa dhaxal ma aha xildhibaan
kursi la qadayo
wiil m.saleebaan
isimada khaatumo waa13 isim waxayna degaanka reer khaatumo ugu dhaarteen shirkii taleex in ay u adeegaan shacabkooda boqorkii daba gooye isagaa dhaartaas ka baxay meesha maamulka khaatumaa maraya oo ower 90% reer khaatumo ay taageereen no more magac harti oo nalagu hagardaameeyo beesha huseen siciidna waanu ku taageersanahay qaraarkay gaadheen idinkuna iimaansada oo ilaashada p/land ta aad haysataan oo jiiraannimada xaqdhawra rag waa kala tashadaye kelyo adayga
Asalamu Calaikum Dhamantiin,
Walaleyaal, horta arinkaan kuma farxin, xumaan awgeedna igama ahaa ee anoo wanaagiina ka fakaray ayaan uga xumaadey. Maxaan ka wadaa?
Waxaa had iyo jer dhacda in go’an la gaaro. go’ankaas oo saameen weeyn ku yeelan karta mustaqbalka reerka. Macno ma sameeneyso xil ka qaadis isin, ee waxaa saameen weyn yeelan karta horseedida tilaabadaan ay horseedi doonto maadama ay kudayasho yeelan doonto. Tusaale:
Kaba soo qabo beri ka maalin waxa isu timid kox oo iyana is leh bal anu xilka ka xayuubino isinkaan, kaba soo qabo in uu yahay isinkaas nin macquul ah oo beesha u roon amabase wax tara. Hadii marka caado noqotey in xilka sidaan fudud looga qaadi karo hadee kii fiicnaana sidoo kale ayaa buuq inta lagu furo oo dad dibadaha jooga ama kuwo aan danta beesha wadin inta furto ayaa ninkii ficnaa markii ugu roontahay khalkhal la galin amabase xilka laga tuurin.
Waxa ka fiicnaan lahayd in isagoo meeshiisa jooga rag wanaagsan oo beesha danteeda wada hoostiisa la dhigo oo iyagu shaqada wada.
Anigu fikirkeyga weeyaan walalayaal
garaadkii hore, waxaanu leenahay KA TOOBAD CELI, si ay kuugu danbi dhaafaan beesha HAYAAG iyo beel weynta Dhulabahanteba, hadaynaan taasi dhicin, dee garoowe iska fadhi, hayaag iyo dhulbahanteba kaa kaaftoonye.
CASILAADA LAGU SAMEEYAY ODAYGA CAADADA QAATAY, EE BEESHA DHULBAHANTE KA BAXAY, WAANU SOO DHOWEENAYNAA…..
MAANTA KA BACDI WUXUU KA MID YAHAY BEESHA MAJEERTEEN, GARAADKII HORE MA AHAN DHULBAHANTE MAANTA KA BACDI….
Daawo aqoondarida xildhibaan ku sheega Jabhada SNMta ee Somaliland(ila qosol oo Daawo
Hargaysa: Xildhibanada jabhada Snmta oo u badan dad laga soo ururiyey suuqyada ayaa u badan rag ama haween aan mar laheen wax aqoon guud ama mid maadi ah, sidaa darteed bal nala fiirsada aqoondarida rag isku sheegaya xildhibaan oo nala qosla.
Halkan hoose ka daawo videoga.
http://allssc.com/2012/04/26/daawo-aqoondarida-xildhibaan-ku-sheega-jabhada-snmta-ee-somalilandila-qosol-oo-daawo/
Wuxuu yidhi xoghayaha qaramada midoobey kofi canan kkkkkkkkkkkkkkkkkk
waa nin 5 sano ka hor ahaan jirey xoghayaha qaramada midobey
hader waxa jagadas haya Ban ki moon 2007 waa nin darogaysan kkkkkkkkkkkk
Daawo aqoondarida xildhibaan ku sheega Jabhada SNMta ee Somaliland(ila qosol oo Daawo
Hargaysa: Xildhibanada jabhada Snmta oo u badan dad laga soo ururiyey suuqyada ayaa u badan rag ama haween aan mar laheen wax aqoon guud ama mid maadi ah, sidaa darteed bal nala fiirsada aqoondarida rag isku sheegaya xildhibaan oo nala qosla.
Halkan hoose ka daawo videoga.
http://allssc.com/2012/04/26/daawo-aqoondarida-xildhibaan-ku-sheega-jabhada-snmta-ee-somalilandila-qosol-oo-daawo/
Wuxuu yidhi xoghayaha qaramada midoobey kofi canan kkkkkkkkkkkkkkkkkk
waa nin 3 sano ka hor ahaan jirey xoghayaha qaramada midobey
hader waxa jagadas haya Ban ki moon waa nin darogaysan kkkkkkkkkkkkkkkkk
saado cali oo af iyo laba dan furatay markay ogatay usha ku dhacday hayaag inay khalidna sugeeso kkkkkkkkk http://taleex.net/2012/04/27/saado-cali-oo-ka-hadashay-canjarafaynta-boqor-cabdilaahi-dhagayso
garaadada beeshooda somaliland ka mitahay ama ragoodi askar uyihiin sland sida labo garaad jamac oo xitaa ka hadlin xasuuqi iyo maxabiisti gacanta lagu dhigay laascano ee cidamadi karaash welina xabsiga mandhera lagu jirdilay ragi laqabatay sida farax nadiif yey xilka uhayaan kkkkk bqoqrkan beeshisu iyo asaguba uma shaqeyaan isaaqland meeshu waan ka badanahay miyaaa lol maanta beesha hayaag waxay joogan booska uurmidig iyo horarsame camal
cidani waxaa mooda inay aduunka isku rogayaan cajiib ninku miyusan isim eheen ma xildhibaan la doortay oo xilki laga qaday miyaa mideeda kale sotay garadadu garoowe fadhiyeen markii ay samesteen ssc ilaa ay ka bur burtay11 isim oo dhuloos waxay ku noolayeen garowe, aflagadadan nin landhere ah looma gesteene ninkani ma qolo yar buu ka dhashay oo la gumeesto
Doobi
kkkkkk kkkkkk kkkkk waan qoslay wallahi….labadeena way ka muuqataa kii dhiman ee marba derbi jiidhaya, dadkuna mar kasta inay isku feker ahaadaan maaha, laakiin Khaatumo meel uun bay u wada socotaa, ee adigu tolkaa raadso, mise way ku soo dayriyeen??? kkkkkk
Khaatumo khayr
Doobi
Cid hadalkaaga qiimaysa oo akhridaa ma jirto, doqoniimadaadaa ku tustay in cidi ku akhriso, marmar waa laga yaabaa in daraawiishtu ku yare karbaashto, laakiin nin badweyn hafisay oo naf la caari ah baad tahay kkkkkkk halkan waxba kuuma yaalaan, intaad wax qoraysay cid hadalkaagu wax ka bedelay miyaad aragtay? waa maya, weliba dad sharaf leh baanu nahay oo adiga iyo 3da saxiibadaa waxaanu niraahnaa iska daaya hayska nefisaane, laakiin cayda iska daaya hadii kale in ceebihiina la soo qufo bay noqonaysaa, cid somali ah oo idinka ceeb badanina ma jirto!!!!!!
Khaatumo socotay oo duushay!!
Jano,
kkkkkkkkkk, that is alright, innagu hoos baynu isu ognaye adna xuduudka haweenka ha dhaafin oo geyaanka ha saloolan, anna inaan ku dhaqaaleeyo waa waajib qaran oo isaaran macaan, no hard feeling. We share a lot darling.
SSC Cily
Adigu waxaad qof aad looga yaqaan meeshan habrofadhi oo dhiman, dhawr jeer baan arkay yagoo reer kastuumo ku maagayo intaad is illawday ee aad wax aanay jeclayn ku hadaaqday. Markaa dhakhtar aad ALLA ha caafiyee.
kkkkkkkkkkkkk, maxa anna waan qorayaa, idinkay hawli idin haysataa wallee kkkkkkkkkkkkkk Habrofadhi.com
Reer Cali Beysteyn inay gun yihiin waa kuwaa erey xamili la’. Dameer aan fuushanahay dhuusadiisu maxay i yeelaysaa nuu yidhi ninkii maahmahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Reply
web ciyaal suuq ah dad ciyaal suuqiin ahina wax ku qoraan maxaad ka sugaysaa anshax iyo akhlaaq xumo mooyaane
@Kuluc
Haddii aad hadalkaygii dib ugu noqoto kuma oran meeshan ma soo booqan kartid. Meeshan waa gole cid walba u furan cid walbana waa iman kartaa. Waxaan keliya oo ku iri haddii meeshaad ka timid hadaladda qaar laga ogol yahay halkan lagama ogola. Fikirkaaga si asluub ku dheehan u dhiibo. Qabyaalad ka hadal xitaa sababtoo ah waxaynu ka hadlayno oo dhan baa ah. Waxa la diidayaa waa cayda kale ee raqiiska ah ee elemtry school age aan isticmaali jiray.
Waanad ku mahadsantahay haddii aad qiray sida qoraalkaaga ka muuqata in SNM=Somaliland. Intaas ayaan 20 sanno idiin sheegaynay Soomaalina u sheegaynay. Maalintaad taa garataan waan wada hadli karnaa oo gole waan wada fariisan karntaa. Anagu weligay wax “Soomaaliland” la yiraa kumaanu dhaqmin xitaa xiligii gumeystaha. Nin gaal ah oo naga hub casrisan oo adduunkoo dhami u dagaalamayo xitaa kuwii dhiiga nala lahaa ee nagu dheganaa ayaan ka diidnay inuu na ogolaysiiyo maanta inaan idinka yeelnaa waa liidnimo waana waxaan dhacayn. Laab la kac iyo runta oo la iska indho tiraa waa waxa Soomaali rogay. Khaatumo SNM Soomaaliya ha ku soo noqoto ma leh, SNM inay nagu Khasabto inaan Soomaali ka tagnana ka yeeli mayno. Arintu halkaas bay taagan tahay ee maxaa xal ah? Khasab iyo xoog haday tahay, qofkii caano ka daadanayaan ha la arko.
sida beesha hayaag uga takhallusen boqorkii dhammaa, waa in beesha Cumar wacaysna ka soo warbixisaa Cabdullahi spanish, oo hagardaamo ku ah hartiga, kan laleeyahay cabdiraxim camey, hagar weyne ha u sheego, inaanay aqoonsanayn reer camay, hadday noqdaan reeryadooda cumayaal, Faroole annagii la dhalanay baa kala tagnay, markaas, waxba u sheegi maayo Dhulbahante, nin hooyadii ka guurey, habaryartii uma negaado.
hayaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay HAYAAG wallee raganimo ayuu ina tusay…..
BEESHA HAYAAG AAD IYO AAD AYAAN UGU MAHAD CELINAYAA, SIDA WALAALTINIMADA IYO XAQA AH EE AY U TASHADEEN.
GARAADKA CUSUB WAA INUU NOQDAA MID AANAN AHAYN CAADO QAATE…TAAS HALAGU DEDAALO…
waar bal kaalaya waar guulwadataashii snm ee halkan dhiidhiibsan jiray maxaa ka galay isimada khaatumo iyo danahooda waar ma waxay moodeen hadii oday taraaraxo in khaatumo burburtay taahuu.
qudhaanjooy ku quuso maanta khaatumo shacabkii awoodeeda lahaa waa kaa isimkoodii qaanuunka jabiyey casilay khaatumo waxay ku dhisan tahay rabitaanka shacabkeeda isimkuna waa inuu shacabka u adeego oo matelo haduu dan gaar ah u shaqo tago isimku kadh cas buu heli wuuna ka dabaalan waad mahadsan tihiin beesha hayaag inaad xeerka khaatumo oofiseen
maasha allaah mabruuk beesha xuseen siciid, ha lagu daydo beeshaa sharafta iyo qadarinta mudan waayo waa markii u horaysay oo aan isimkan ku maqlo arintan xilka lagaga qaaday,dhulbahantaha kalena haku daydaan oo talaabo haka qaadaan qofkay ka dhigtaan oday dhaqameed ee xilkiisa gudan waaya.
waxaanse la yaabay qoladan reer damac waal waar nin kani waa dhulbahante laguna eedeyey arimo pland la xidhiidha bal maxaa idin sudhay ma reer pland baad tihiin? waxaa la yidhi faruuroow maxaa berbera ku geeyey suu yidhi faduuuul, ilahayoow damiirka ha naga qaadin wallee kuwani wa mad & badh haduu ahaan lahaa kuwa idin la jooga bal iskaba cataaba ileen wax hoosgale magac u yaala oo caalamka ku dawarsataan way nala jiraane eega tidhaadan waad iska rabtaane.
Hambalyo beesha Hayaag, wado cusub oo geesinimo leh baad furteen waadna ku mahadsantihiin, beelaha kalena tusaale ayay u noqonaysaa, isimkii shaqadii loo dirsado ka soo bixi waayaa xilkaa laga tirinayaa, noolaada.
Khaatumo ha noolaato.
aar gantaalan yaa ku yidhi halkan gole snm maaha? xaqiiqdii hortaa baan meeshan ka adeegan jiray liisan ayaanan u haystaa in aan any topic kasta kaga hadlo halkan, horufadhida aad taqaano ee buuhoodle agteeda ku taal ayey snm joogtaa (somaliland) hadba sidaad u taqaan maxaa ii diidaya mid caalamiya oo noole kasta oo aalada internetka haystaa soo booqan karo ?
Waa duni gebigeeda wiil yar oo pc iyo email haystaa qallibi karo, arrinkanu wuxu u eeg yahay wax hal qof oo pc ku dul qayilay ku cabbeeyey bogga, sideedabana ismada nin list isga soo qortay oo muraad kale leh oo ceebeeya waa wax iska caada ah. Madaxda dhaqanka ha la xishmeeyo.
Ina Daba gooye waa inuu ogaadaa in xilka dadkii saaray ay maantana ka qaadi karaan haduu gudan kari waayo.
Walaalaha reer Xuseen ee qaarkood u arkaan arin lagu degdegay, waxaan u sheegayaa fadlan u arka arintu maanta meesha ay marayso. Haddii ina Daba Gooye uu maanta fahmi waayay xaalka reerku meeshuu marayo waxaan u malaynayaa inuuna istaahilin inuu reer Xuseen hogaamiyo. Raggii ugu cuscuslaa reer Xuseen liiska waa ku jiraan waxaan rajaynayaa in Reer Xuseen arintan isku raacaan.
Waa arin lagu diirsado anigu waan filayey in Beesha xuseen siciid (Hayaag )
ay ka dhiidhiyan DHAGARTA Dabo-gooye isagoo ku tuntay rabitaankii dadka isago u adegaya Afwaliinje-Faroole oo ah cadow Dhulbahante
waxaynu ognahay in madaxweynayal caan ahaa aduunka ayaa markay ku xadguben rabitaankii iyo karaamadii dadka ayaa maxkamad la laso taagey xilkiina laga xayubiyey muxuu yahay oday jaahil ah oo marba cadow ku shaqaysanayo oo jeebkiisa iyo calooshisa ka hormarinaya karaamadii ummada u dhiibatey shaqada inuu ugu adeego rababitankoda !
Tan waa inay cashar u noqoto kuwa doonaya inay gumeeyan dadkooda.
Long life Khatumo state.
Waxan halkan uga hambalyaynaya besha xusen sicid waxayna qaten go,aanka wakhtigi ku habona inadeer aarka anigo ixtiramaya ra’yigaga hadana go,anka beshu wa sax lugumana degdegin waxana runti ahanlahayd dhabarjab hadi beshu ka cagajido arinta adeerkay ina dabagoyena runti meel anan ka filayn bu istagey madhexedina maantu haya waxayna arintasi fariin utahay dhaman madax dhaqamedada shakhsiyadka besha kadhex muuqda ee isku daya inay qadiyadena kahoryimadan ama ay cadawgena lasaftan
Bravo Hayaag, sidaas baa la idinka rabaa waana sidii laydinka sugayay! Arintan aad baan usoo dhawaynayaa waana arin ku dayasho mudan, Isimadeenu dhamaantood ha ogaadeen inaanay darajadooda iyaga ama abayaashood isasiin ee ay beeli udhiibatay, oo hadeey waajidkooda gudan waayaan ama khiyaamo qaran lagu arko in xilka laga qaadi karo. Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa in lafkasta oday-gooda xakameeyaan put these old niggers on check
Guul Khaatumo
anigu hadaan ahay aarka reer khaatumo waxaan ku talin lahaa in aan lagu dag dagin waayo boqorku waa isim isimkuna karaamo ayuu leeyahay markaa waxaaan lee yahy halaga dhursugo boqorka
AARKA
MA TIHID BEESHA KHAATUMO WAAYO ADIGA OO KELIYA AYAA FEKERKAA QABA. WAXAY TAHAY CADAW IS QARINAYA.
ALLOOW KHAATUMO DHAWR OO DHIDIBADA U AAS.
@Kuluc
Horta qof waliba gurigii hooyadii wixii lagaga hadli jiray buu la gole yimaadaa. Sidaan kuu sheegay shalya Cayda iyo Af xumadda marka ta Alle & Diinta laga reebo waan kaa badinaa laakiin gurigaan ku soo kornay baa xadka iyo sida golaha looga dhaqmo nala baray. meeshan maaha gole SNM, haddii aad soo booqatay oo aad fikir rabto inaad ka dhiibato, sidii gurigii Hooyadaa looga hadli jiraray uga hadal. Hadda wixii ka dambeeya sidaad u hadasho waxaan u qaadanaynaa in sidaa gurig Hooyadaa looga hadlo markaa Afka aat fahamto baan kugula hadlaynaa. Afeef weeye taasi #2
Waad mahadsan yihiin , Curadkii Dhulbahante, waana soo dhaweynaynaa. Waxaana leenahay ha ku cimro qaateen cidkastoo ku xadgudubta rabitaan khaatumo State.
Xil dhaqameedku xushmad buu leeyahay. Waa laguu dhiibtay macnaheedu maaha ku tagri fal oo sidaad shaqsi ahaan u garatid u isticmaal. Waa inaad ka turjuntaa rabitaanka qoyskaaga. Ina Daba Gooye haduu is leeyahay xilka laguu dhiibay waa wax aan laga daba hadli karin qalad buu is fahamsiiyay.
Meel ayuu kaga dhacay magaca reerka iyo kan raas ahaaneedba aad baana ugu mahad naqayaa in reer Ceegaag tuseen si dimoqraadiyad ah in maauuska qoyska horena loogu dhiibay hadana laga qaadayo haduu fahmi waayay micnaheeda. Tusaale ha u noqdo mid kasta oo inta la maamuuso u qaato maamuuskaa mid “life” ah. Waqtigaa waa laga soo gudbay jaalayaal. This tim, popular vote is driving force of every society’s advancement. Thank you reer Ceegaag you really showed maturity and discipline and this is one of the numerous pioneering achievement you made last twenty years. Thank you
Khaatumo ninkii diidani oo oday dhaqameed ahi ma joogi karo sababtoo ah 98% reer SSC waa Khaatumaysan yihiin. Oday dhaqan waa kii dadkiisa hogaamin la fikir noqon jiray. That is what you missed Dabagooye man!
anigu ima khusyaso xilkaqaadista meesha lagu soo xardhay laakiin hadi aan wax ka idhaahdo sida la sheegay ninku wuxu boqor u yahay beel degta somewhere in sool ama togdheer oo hayaag lagu magacaabo waxa laga yaabaa in beeshu markii hore dooratay ama uuba xukunka dhaxlay sida badiba dhaqanka beesha dhulbahnate dhigayo in saldanadu dhaxaltooyo tahay.
arinta cajiibka ah waxay tahay 25 mooyee dadka leh xukunbaanu ka qaadnay boqorka waa wada qaxoonti laga yaabaa in aanay dalkaba ksuooo noqon sidaqy u tageen, ninkuna sool ama togdheer ayuu boqor ka yahay xukunka laga qaadayaa kkkkkkkkkkkk waxaynu halkaa ka arki karnaa in arintu iska tahay shinbirayahaw heesa qaxoontiga yaa siiyey kaadhka codaynta.
denbiga lagu soo oogay hadii aynu eegno waa gardarro cad ninku tolkiis oo somalinimo aaminsan calankii somaliyana xanbaarsan ayuu la joogaa maxay tahay denbiga uu galay? maadaama khaatumo lafteedu sida la sheegay u taagantahay midnimada somalia oo dabcan ay sal u tahay midnimada harti daarood isaaq iyo somali oo idilba.
in hargeisa anagu yes denbiile ayaanu u naqaan ninka somalia xil ka doonta why? dee anagu midnimada somaliya maba aaminsanin laakiin denbi uma naqaan hadii salaadiintayadu ay tagaan/degaan taageero u fidiyaan cid aanu isku fifkir nahay isku calana nahay suldaanka ciidagale can come to lascaanood, suldaanka jaamac siyaad can come to hargeisa wuxu doonana wuu ka hadli karaa macno ma samaynayso halkuu ka yimi gobolkuu ka yimi marhadiiba uu qofku somaliland aaminsanyahay.
kastuumo hady midnimado soomaaliyeed u taagantahay waa in ay ka dhabaysaa kuna dhaqantaa oo ay joojisaa cunsuriyada nin aan kuwa ay isugu dhawyihiin la heshiin sideebuu mid ka fogna ula heshiin karaa? MJ waa somali maaha hindi barta sida loola dhaqmo ama dee iskaga kaalaya oo sidayada somaliba ka goosta.
dooxa mahiga,
Waa su’aal wanaagsan Khaatumo xagey ku danbeysay?? Jawaabteeduna waa Khaatumo meel wanaagsan ayay ku danbeysay howlihii loo igmaday ayeyna wadatay hadii farta lagu galiyey oo aad ENGLISH akhriyi kartana waa tan warbixintii u danbeysay ee warbaahinta aduunku ka qortay Khaatumo waana wargeyska afka englishka lagu qoro ee dalka MAREYKANKU leeyahay laguna magacaabo SomaliaReport akhris wanaagsan
http://somaliareport.com/index.php/post/3271/What_is_Khatumo_State
Mashalah waa war lagu farxo gob gobi dhashay iga dheh beesha Khaatumo ee Hayaag sida sharafta leh ee ay arinkan ku dhameysay.
Nin kasta oo umada xil u haya oo kasoo dhalaali waaya waajibaadka dowlada Khaatumo State ka saaran sidaas ayaa u danbeyneysa. Su’aasha iminka la isweydiinayaa ayaa waxay tahay BEESHA Garoowe CAAQIL ma u dooran doonaan ina Dabagooye maadaama uu dartood ku waayey xilkii isin nimo ee uu hayn jirey??? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Guul Khaatumo Kheyr allow dhowr
waxaan salaamayaa dhamaan ummada reer khaatumo guud ahaan madax iyo shacabba waxan aad usalaamayaa bahda tacliinta oo aan ka mid ahay, waxaan salaan gaar ah udirayaa bahda warbaahinta gaar ahaan warbaahinta horufadhi.com
intaa ka dib waxaan dhihii lahaa mawqaf adag ayay beesha xuseen siciid qaateen waana kii laga sugayey lagana filayey waayo kamaanu filayn inay xagaldaacin doonaan maamulkii iyo mabaadii’dii reer khaatumo ku saxiixeen berde khaatumo hoooostiisa waa goaan ku dayasho mudan oo in cid alla iyo cidii ka hortimaada waxaan ku heshiinay inaan mawqafkaas oo kale kaqadanaa waa arrin aad loogu baahanyahay dhiirrani iyo ha adayga iyo daacadnimadooda waa ku mahadsan yihiin waana ugu hanbalyeynaynaa iyaga iyo 6da caaqil ee ku saxiixan ba ………………… maantay galladi noosoo gashee gobonimadayada guulloow adkeeeeeeeeee…….. aamiin
AMIN
AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAMIN
ALLOOW AAAAAAAAAAAAAAAAMIN
waxan arkaa intabadan marka baaq kanoo kale ah lasoo saaro waxa dhacda in ay dadkii baaqa ku qoraa yidhaahdaan waanalaga been abuuray oo maanu ogayn magacayaga uun ayaan ku aragnay warbaahinta markaa waxan leeyahay waar mahubtaan in warkaasi sax yahay
BBC kunool yaad tahay shacab war mooge ah ahaw. manatihid Puntland ee waxaad tahay cadoawga Daarood oo iska dhigaya iyaga. waxaad rabtaa in Puntland iyo Khaatumo isku dirtid. please fahma dadka noocaas oo kale ah oo haw jawaabina.