|

Go’aanka Cuqaasha Beesha Hayaag waa go’aan tolnimo iyo geesimo oo ku dayasho mudan.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin u soo gudbinaynaa walaalahayaga beesha Xuseen Siciid (Hayaag) go’aanka tolnimada iyo geesinimada ah, ee ay ka qaateen Isimikii hore ee beesha Cabdullaahi Axmed Cali Dabagooye.

Runtii waa go’aan aad uga farxiyay qof kasta oo ka tirsan beesha Khaatumo, waana imtixaan aad u wayn iyo go’aan ku dayasho mudan oo ay soo hordhigeen guud ahaan beelaha Dhulbahante, waxay ina tuseen walaaleheen Hayaag, in aynaan waxba noqon karayn hadaynaan iska qaban dadka inaga midka ah, ee aan qaderinayn karaamadeena iyo sharafteena beelnimo, kuwa wixii laysku dayo in beeshan kala daadsan laysugu keenaba ka hor imanaaya, kuwa danta guud ee beesha ka hor Marinaaya dana ay beela kale leeyihiin, oo ka soo horjeeda danta guud ee beesha khaatumo, kuwa ka shaqaynaaya iska hor keenka beesheena, ee aan koobka biyaha ah u kabanayn in ay colaad ka dhex abuuraan beesheena, kuwa ay ku shaqaysanayaan dadka aan jiritaankeenaba rabini, marka waxa is waydiintu tahay hadaynu nahay beelaha kale ee khaatumo ma ka Faa’iidaysanaynaa jidkaa iyo sunnahaa ay inoo jideeyeen walaaleheen Xuseen Siciid (Hayaag) oo ah curadkii beelaha Khaatumo?!!!

Ma ahayn Isim Cabdullaahi Axmed Cali kan kale ah, ee ka horyimi go’aamadii ay Taleex ku gaadheen beelaha Khaatumo, bal waxaa jira rag badan oo sidoo kale ka soo horjeestay go’aamadaas, oo weliba isku dayay in ay colaad beesha ka dhex huriyaan si gaar ah dhinaca gobolka Cayn.

Marka beelaha iyo jifooyinka ay ka soo jeedaan ragaasu, iyo guud ahaan beelaha Khaatumo, ma kaga dayanayaan beesha Hayaag, deriskaa qiimaha badan ee ay inoo dhigeen, oo wax ma ka qabanayaan shakhsiyaadkooda ka hor yimi danta guud ee beelaha Khaatumo?!!! Su’aalahaa waqtiga iyo dadka ay khusayaan baynu u daynaynaa, balse waxaan cadaynaynaa, in hadaynaan ku dayan beesha Hayaag, oo dersigooda qaadan, aynaan waxba noqonayn, oo meelna gaadhayn, ugu dambayntiina Beesha Hayaag way ka soo dhalaaleen doorkoodii ee aan bal eegno beelaha Dhulbahante intooda kalena siday u qaataan deriskaa culus.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamud Aadam

 

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15772

Posted by on May 4 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Go’aanka Cuqaasha Beesha Hayaag waa go’aan tolnimo iyo geesimo oo ku dayasho mudan.”

  1. DHeere KHaatumo Power

    TO OUR HEROS HAYAAG !
    Salaan kalgacaltooyo iga gudooma maalin wangasan
    Waa arin aad loogu diirsado dhaman ummada Somaliyed gaar ahan Beesha Dhulbahante waa cashar kusocda Dulmiga iyo Dhagarta aan indhoweyd la iska xisaabin geyiga Somalia oo noqday sidii islantii tidhi lugtaney marba mid kuqaad
    Waxad mooda in hader miyirkii inoosoo noqday oola xisabtamayo Accountable
    maaha ina Dabogoye waxa lagu raadjooga kuwo kale oo caadaystey inay ka shaqeyan Hagardamada Dhulbahante una adeegan cadowga aan doonayn sharafta iyo jiritanka Beelweynta Dhulbahante sida Afwaliinje iyo cawaantisa
    gudoomiyaha Budhcad-badeedka Afwaliinje-faroole ha ogado in aan cidina u xayirnayn caadaqatayasha gurigiisa ka shaqeya JAARIYADAHA oo gobanimada ka doortay gunnimo. Eebe ayaa qurankisa ku sheegay
    walaqad karamnaa bini,aadama dadka ilahay wuu karamey lakin qofku marku isagu iska qaado karamada Eebe wuxu noqda sida Doofaar !
    Khatumo state of Somalia Guuuuuuuuuuuuuuuuuul.
    Wabilahi Towfiq.

  2. markuu ninkii naagtii xunmaatay u taag waayey wuxu yiri .
    daydayo hadaan kuu fasaxay debedwareegiiye.
    odayadani 20sano bay reerkan tuurta ku siteen intay cimaamad ku duuduubteen oo
    marba meel kaga shaahayaan.
    soofe
    abshir.
    dhucdhuco.
    s. buraale haduusan soo hagaagin intuu maqnaa.
    kuli odayada gobolka cayn waa in la raacsho saaxiibkood daba gooye.
    runtii iyaga iyo shacabka gobolku isku mid maaha.
    shacab baa meesha joogee madax baywaayeen.

  3. hanbalyo beesha hayaag insha alaahu waad isla wada fahmi doontaan .
    odaygaas in la eed siiyo dabin ka bood nimada.idinku waad ku hormarteen laakiin waa laydinku xigaa odayadii waxan maqlay sariiraha hoostooday galeen maalmahan. garaad soofe waxan maqlay froole wuxu qoray in ina camey wakhiil ka yahay oo xamar loo dirayo.
    hadii warkaasi ku cadaado ina graad soofe walee waxa soo dhow sidii ninkii inta naagtii ka xumaatay markuu u taag waayey furay ee gabay u sii raacshey.

  4. Hambalyo Ayaan leeyahay beesha sharafta leh ee hayaag sida degdega ah oo ay usoo afjareen khiyaamadii Xariir dabagooye runtii waa taariikh cusub oo qorantay ku quuso qudhaanjo
    Guul Khaatumo allow dhowr

  5. bullo dabcasar

    jasaaka laah khayr beesha hayaag

  6. bullo dabcasar

    beesha hayaag horumar baan u rajaynayaa

  7. guul iyo gobanimo beesha hayaag

  8. Waxaan u hambalyaynaynaa beesha blaadhan ee gobonimada hogaan kiisa haysa hayaag indhihii baad u furyeen reer khatumo iyo shacab kii lagu tari falayay waxad ogatan garad ma jireen haduusan caaqil jirilahayn ee meel saara isimkii khaatumoda seega

  9. barni dabcasar

    viva beesha hayaag

  10. ASCW DHAMAAN INTA HAWSHA MEEHSA KA DHACDAY KA QAYB QAADATAY, INTA KA TALISAY, INTA SOO DHOWEYSEY WAAD MAHADSAN TIHIIN, WAXAAN JECLAAN LAHAA IN INTAAS LAGA BADIYOON LAGU EKEEN,NIN BAA MUSUULIYAD LOO DHIIBTEY LAGALA NOQDAY OON WAX KALE LA YEELIN EE WAA IN SHARCIGA LA WAAFAJIYAA CID ALLAALE IYO
    CIDII DENBI KA GASHA KHAATUMO STATE OF SOMALIA IYO DHAMAAN SHACAB WEYNAHEEDA CID WOLBABA LEH EE ISKU XAQUUQDA AH WAA IN QOFWOLBAABA UU SHARCIGA KA BAQAA, WAXAA DADKA XUKUMA WAA NIDAAM LAYSKU AFGARTO OO LA RAACO.

  11. horgalayaasha waa in la tirtiraa oo ciidan qarsoodiya oo gumaada loo sameeyaa sida CIA da oo kale waa in ay tirtiraan cidkasta oo midnimada qaranka khaatumo ka soo horjeesta.waana in loogu hormariyaa ina canbaashe iyo oday xaabsade.ka dibna siday ukala khatarsanyihii loo kala hor mariyaa. dilkooda ka dib cidii soo hadal qaada oo ka soo jeeda reerahooda ama caruurtooda waa in la tir tiraa oo la khaarajiyaa.
    waa inaan la eegin wax ka sokeeya maslaxada guud ee khaatumo
    khaatumo hadaaney sidaas yeelin oo iska daawato inacambaashe, xaabsade iyo horgalayaasha kale aniga waxay ila tahay in dhulbahante weligii guul gaadhi doonin.
    cadowga ninka lugaha kuu qabta waa in cuna la gooyaa oo dhegta dhiiga loo daraa isaga iyo wixii ka daba hadlaba.

  12. waa ku waas dhulbahantihii aan weligood madaxooda hoos loo rogin

  13. berrina maxaan idinka sugnaa!! waaba loo fadhiyaaa

  14. hanbalyo beesha hayaag gobonimadaad iyo geesinimada aadmuujiseen, kudayda reer khaatumow waad mahad san tihiin, jira oo jooga

  15. Abdi-Mahdi A. Warsama

    Arrinta i farxad galisey waxa weeye in beeshaasi dhulbahante ee Soomaaliyeeeed ay cashar-dhaqameed qiima badan ugu dhigtay Soooomaaaali oo dhanba, sidii ay khaatumoba ugu dhigtay Sooomaali oo dhanba cashar kaas la mid ah shirkii taariikhiga ahaa ee talee! Waa quraanjooy ku quuso! Waa issimoow ku quuso! Waa siyaasi foolxumoow ku quuso! Waa caddaalad arroow ku quuso! Waa maamul xumooy ku quuso! Waa awood lagu takrifaloow ku quuso!

    Arrintanina waa mid yidiilo galinaysa Soomaali oo dhan gaar ahaanna huggaamiye dhaqameedkooda. Waa cashar lama illaawaan dheh!

    Cabdi-Mahdi A. Warsama

  16. Hamalyo~Hambalyo~Hambalyo Beesha Hayaag Ee Xuseen Siciid.Nasiib Wacan Baan Idin Leeyahay.
    Beelaha Kalee Musa Siciidna Kuwii Idinku Dayda ILaahay Haka Dhigo Aamiin.

  17. horufadhi.com good job sidaad maqaalka u soo farshaxamisay.beesha hayaag waad ku mahadsantihiin inaad maamulkiina is garab taagteen idinkoo khaatumaysan tol jiroo jooga

Leave a Reply

Recently Commented

  • edbiye: Wms Kkkk argagax.com Wuu quusasho hantaatacayaa ee iska daaya,gabal baas baa dumaye
  • edbiye: Odaygan yaree laangaabka omer wacays ahi waxba sheegi maayo,waa hambadii sayidka boqol nin ma gaadhaan,saalax...
  • edbiye: Sida carsaanyadii waa kuwan dhan walba u cararay reer kastuumo kkk mar khatumo mar puntland mar daarood mar...
  • duurgal.com: ma diidanin wada hadal khaatumo iyo puntland waxaase mahiima haloo wada hadlo labo maamul wixii aan...
  • talex: langab wa ahelu nar kan xune ugaasyo, idoor yare waxu ku hadalyo maqla, majerten ban wax ka sugayaa xoolo...