|

Osama Bin Laden raali kama ahayn inay Midoowbaan Shabaab iyo Al, Qaacida,{Warbixin sir ah}.

Dowladda Maraykanka ayaa baahisay ducumetiyaal sir ah oo ay ka soo qaadeen gurigii ay ku dileen Usama Bin laden oo ku yaala magaalada Abuu tabad ee dalka Pakistan,

Nuqollo ka mid ah ducumentiyadaas ayaa waxaa ku caddaa in xarakada Al shabab iyo Usama bin laden ay sameeyeen xiriir kaas oo ku aadanaa in Al qaacidda ay aqbasho in Al shabab ay la midowdo.

Shiik Mukhtaar Abuu Zubayr ayaa warqad waxa uu qoray Usama Bin laden , waxana uu kaga codsaday si loo sii xooojiyo dagaalka ka dhanka ah reer galbeedka in Usama Bin laden uu ansixyo in Al shabab iyo Al qaacidda ay noqdaan kuwo midooba oo sii laba jibbaara dagaalada Al shabab ay kala soo horjeeddo AMISOM iyo Dowladda KMG.

Usama bin laden ayaa taariikhdu markii ay ahayd Aug. 7, 2010 waxa uu warqad ku qoray computerkiisa waxana uu ku seefgareeyay flashdrives oo ah mid kamid ah laamaha qaabilsan in computerka ay wax ku seefgareeyaan , warqaddaasi waxa ay jawaab u ahayd warqaddii abuu zubeer uu ku codsaday in usama uu qalinka ku doogo in al shabab iyo al qaacidda ay midoobaan.

Usamaa waxa uu warqaddaasi ku yiri ma doonayo in Al shabab si la wada ogyahay ay Al qaacidda kaga mid noqoto , waxaa wanaagsan in wada shaqayn ay ina dhaxmarto , haddii si rasmi ah aan u baahinno in Al shabab iyo Al qaacidda ay midoobeen , waxaa suurto gal ah inaad la kulantaan sidii ay la kulmeen walaalaheen ku sugnaa dalalka Algeeriya iyo Iraaq kuwaas oo cadowga kala kulmayn dhibaatayn”ayuu Usaama ku yiri warqaddii uu u soo diray hogaanka ugu sareeya xarakada Al shabab sheekh Mukhtaar Abuu Zubayr .
Usaama bin laden ayaa Al shabab waxa uu ku yiri sii wada dadaalkiina Al qaacidda way idin garab taagantahay.

Balse markii Maraykanku uu dilay Al qaacidda islamarkaana hogaamiye cusub loo doortay Ayman al Zawaahiri ayaa waxaa dhacday Bishii February in Al qaacidda iyo Al shabaab ay midoobeen kadib codod barta internatka ay ku baahiyeen Ayman Al zawaahiri iyo Abuu zubeer.

Xarakada Al shabab ayaa dad badan waxa ay rumaysan yihiin inay aad u jeceshahay in Al qaacidda ay ka bar bar dagaalanto waxaana taasi daliil looga dhigay markii ay Al shabaab sanadkii 2009ka ay baahiyeen cajal muuqaal ah oo ay ku muujiyeen in Al shabab ay u adeegayso Usaama , waxana isla sanadkaasi Usamaa uu isna baahiyay cod uu ku dhiiri gelinayo Al shabab.

Waaxda la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada ee Dowladda Maraykanka ayaa haatan waxaa ururada u diiwaan galsan kamid ah Al qaacidda iyo xarakada Al shahbab kuwaas oo ay ku sifeeyeen in qal qal ay ku hayaan xasiloonida caaalamka.

 

Horufadhi.cominvestigation@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15762

Posted by on May 4 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Idoor liqe: http://harowo.com/daawo-khaatu mo-state-oo-dhaqaaqday-horumar ka-iyo-hees-macaan-oo-wadani-a h-video/
  • Idoor liqe: http://harowo.com/daawo-khaatu mo-state-oo-dhaqaaqday-horumar ka-iyo-hees-macaan-oo-wadani-a h-video/
  • Hawshaada Wado: i iyagana xilka ha laga qaado
  • MOHAMUUD: aabahaa iyo biyaha macaanba was kulahaa biyo, muu hargaysa biyo geeyo yaa uga baahan , qabiil xiiqsan oo...
  • hargaysawi: kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkk nicholas key oo sheegay wuxii...