|

Faallo: Mudhihii halganka Warbaaihinta Khaatumo ee mudada dheer ahaa oo la gurtay.

Deegaankasta, dadyoowkasta iyo cidkastoo dunidan aynu joogno ku nool, waxay lee dahay meel uun u badbaada ama u bad qabta oo inta badan danahooda inkastaba ha leekaatee, ayagu markaas u hawlgala ka turjuma rabitaanka saxda ah ee shucuubtooda iyo waxa qalbiyada dadkooda ku jira ee qofkastaba uusan awood u lahayn. Waxaa jira dhulal la dhaho meelaha aan laga warmin,{Unreported area}.

Taasoo deeganadeenu ka mid yihiin, sidoo kale kama jiraan gudaha deeganada Khaatumo State, ilaacad madax banaan , waxaana ugu danbaysay tii Radiolaascaanood, oo ayaduna markaas la jaanqaadaysey maamulkii hore aynu uga tirsanayn.

Hadiiba deeganadeenu ay ahayeen kuwa ay Hagradeen warbaahinta markaasd lagu tilmaamo kuwo Soomaalida u dhexeeya, sida BBC-da VOA iyo weliba kuwa caalamiga ah, ayadoo la ogsoonn yahay in dhacdooyinkii waa weynaa ee deegaanada Khaatumo soo maray, sida qaybsashadii Laascaanood, Dagaalkii Kalshaale, kii u danbeeyey ee Sool joogto, kii Laascaanood iyo shiraweynihii taariikhiga ahaa ee Taleex, intaba si teel teel ah looga tabinayey magaalooyinka maamulada Hareeraha ee burco iyo Garoowe, oo wiilal qabiilaysan warkeena Mas’uul looga dhigayey, ayaa hadan bulshada Soomaaliyeed iyo tan caalamkaba wararkeena rasmiga ah waxay kala socdeen warbaahinta Khaatumo State.

Inkastoo warbaahinta Khaatumo ay u kala baxdo sadex, qaybtood koobaad ayaa ah, kuwo si dhab ah u hilbo dirara, isla markaana isku dheelitiran marka laga hadlayo arimaha deegaanada Khaatumo, Jaaliyadaha iyo weliba Maqaalada joogtada ah ee ku qotoma danta guud, qaybta labaad ayaa ah kuwo isku buriyo dhexdhexaadnimo ay ku jirto xeeladaysid iyo tan sadeexaad oo ah qayb uun hada cusub oo la odhan karo weli si weyn uma soo caanbixin aadna way u fara bateen, waxaana u wanaagsanaan lahayd inay ku biiraan warbaahinihii hore ee dagaalyahanada ahaa oo ah qaybta koobaad ee aan qoraalkayga ku xusay.

Hadaba Marka aan u soo noqod waxqabadka muuqda iyo Mudhaha la guranayo, waxaa dhalisay warbaahinteena weliba kuwa Bislaaday ee ayaguy ku xusan qaybat koobaad, kuwaasoo si geesinimo leh, wadaniyadleh, Go an qaadasho leh isla markaana dhabar adayg leh, aan cidna uga gaban, baqan isla markaana ugu joojin xaqiiqtebita iyo war gaadhsiinta dadkooda, ayagoo hadeey yihiin kaalinteey ka qaateen tusida Xaqqa ee Madaxdhaqameedka , Toosh ku ifinta kuwa tuugaysanaya oo ina gaadhsiisay in maanta Madaxdhaqameedkii cimaamadaha inagu qaatay aan ka dhigano cimaamahadaheena, waxaa horseed u ah Warbaahinta  aan gaban ee sida dhabta ah ugu hiiliyey shacabkooda, kuna bixiyey wakhtigooda, maalkooda iyo muruqooda.

Maalinkasta waxaynu aragnaa warbixin sir ah, ama war dheeraad ah oo deegaankeena ku saabsan, amase qoraal Faallo si cilmiyesan loo dhaxlay amase sawiro la soo qaaday iyo ilaacado wararka ina deeqsiiya sida Radiokhaatumo.com oo ah ilaacad cusub hase ahaatee si cilmiyeysa wararka looga soo tebiyo Taleex iyo meelo kale ina gaadhsiiya. Dabcan waxaas oo Juhdi ah shakhsiyaadka madaxda ka ah warbaahinahaas ayaa naftoodii iyo maalkoodii iyo weliba Maskaxdoodii inoo huray , cid inaga inaga mid ah oo maanta wax u sheeganaysaana ma jirto sida aan filayo.

 

Afartii sano ee u danbasay warbahainteenu waxay waday Wacyi gelin iyo wargelin, taasoo dhaxalsiisay shacabkeena Bisaylka muuqda, iyo himilooyinka aan hiigsanayno iyo kuwa aynu qabsanayba.

Waxaana aad ula dhacsanahay sida Geesinimada leh, wadaniyadleh, Xirfada leh , isla markaana Juhdiga iyo waxgaradnimada leh ee ay hawsha u wadaan warbaahinta ay koowda ka tahay shebekeda Horufadhi oo qayb cusub oo loogu magacdaray Horufadhi Investigation Group na ku soo kordhisay. Waxaana ka codsanayaa inay sii wadaan dedaalkaas, isla markaana aysan cidnaba uga marti noqon wararka lixaadka leh ee ay ka haqabtirayaan shacabkooda.

 

isla markaana waxaan ugu bishaareynynaa inaan guranay Mudhihii dedaalkooda, isla markaana shacabkii qaatay wararkooda iyo wacyi gelintooda ficiladiina maanta aad makhraati ka tihiin, waxaan  ka xumahay inaan maqlo dad maamuus loo yeelay lana Quweeyey oo inteey ilaacadaha cadowga ka soo hadlaan dhaleeceynaya warbaahinteena Xalaasha ah, anoo diidan inaan xuso magaca qofka aan u ujeedo, maadaba aysan macno badan yeelan hadalkiisii/keedii.

Gabogebo: Waxaa hubaal ah in billad dahab mar ay noqotaaba aad hanan doontaan, isla markaana Taariikhda baal dahab ah, ka geli doontaan, isla markaana inbadan la idinka xusi doono mujtamaca dhexdooda.

 

Ibraahim Ali Xassan.

toobadkeen@hotmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15865

Posted by on May 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Faallo: Mudhihii halganka Warbaaihinta Khaatumo ee mudada dheer ahaa oo la gurtay.”

  1. WAAN SAGOONTIYEY HALYEYYADII AAN SHANTA UDIRAY ROOB IYO XAREED IYO RAMAAS DOOGE BAANA REERKU DEGAYAAA EE IGUSIMA ILMA KHAATUMOST OOW RAXMAAD EE OO WACAN IYO XAREED GALACLE BAAWADHAN INSHA ALAAH OO JILBAHA LAWADA DHIGI INSHA ALAAH

  2. Good wrote , shabakada horufadhi waa hooyada warbaahinta khaatumo state ayaadana hada wax afka iyo rabitaanka ku hadla jirta marka laga hadlayo ku dhacnimada ay leeyihiin waxaa ku soo xigta allssc radiokhaatumo,com jidbaale oo ayaamahan xidhan, realytaleex, waxaana leenahay walalyaal halkaas ka wada,

  3. WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN SHACABKAYGA AAN JECELAHAY EE KHAATUMOST IYO WARBAAHINTA XALAASHA AH EE GEESIYAASHA XINIINYAHA KOR UTUURTAY EE HORUFADHI OO HORE UFADHIDA WAR BAAHINTA KHAATUMOST OFSOMALIYA WAXAANA KURAACSANAHAY QORAAGA CAQLIGA BADAN EE KUR KUXUSAN EE KAHADLAYA IDAACADAHA AMA WARBAAHINTA AMABA SHAANSHADAHA INTERNEDYADA KHAATUMOST OFSOOMAALIYA HANOOLAATO HORUFADHI OO AAN GALO MARKA WAAGUBERYO SUBAXKASTA OO ILAAHAY ISOONOOLEEYO VIVA KHAATUMOST OFSOOMAALIYA

  4. doqon adiga baa ah waayo har iyo habeen waxaad damacdaa inaad xumaan qortaa laakiin qoraalkaan jiro uunbaad ka qaadaysaa ee iska daa akhrinta warbaahinta aad ku xanuunsanaysaa caafimaadkaada baa ku jira inaad iskaba daysaa inaad soo gashaa warbaahinta khaatumo

  5. Doqon mugdi
    qosol aan lagula qabin qalbiguu wax yeelaaye maxaad kahadashay macno sheeg

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdirashid Ali: Dadka golahaan ku feegaara ha dhowraan go’aamada isimada, shirkana ha la taageero ciddii...
  • edbiye: Maasha allaah Soo dhawoow garaad,reer xin iyo xaasid loo joojin maayo
  • Idoor liqe: Xamdi I do agree with u that. Sadex adinle Magacan wadatid dheere power ayaad maalin ka maqashay waadna...
  • Famoon: Dhulbahante ma quusto war somali,Darod, iyo harti ma jiro dhulbahntenimada ma ku mintidnaa mise nin walba...
  • Halbeeg: Sedex dilaacle mj waa iska dhadig waligod meel ay dagaal Ku Galen lama sheegin ssdftii mingiste wuxu yidhi...