|

Maxaad kala socotaa Qisadii iyo qaabkii uu u dhacay Jacaylkii Cilmi Boodheri iyo Hodan,{Akhriso qisadoo dhamaystiran}.

Bodhari Runtii Qisadiisa Waxbadan baan kumaqalnay heesaha ama sheekooyin waa tan sheekadii oo aan sooo gaabinay anigoo u kala qeybiyay Cutubyo Badan Nuxurka Qisada layaabka leh ee Cilmi iyo Hodan Qeybta 1aad ayaa sidan ku biloowaneysa:-

1) Subax wanaagsan.

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyneyey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan:

Markay socodka damacdee

Deggenida tallaabada

Miisaanka lagu daray

Laafyaha la daawado

Dadku waxay yiraahdaan:

“May daarin ciiddee

Indho deeraleeyey!“

Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay.

2) War dhafoor buu ku yaal.

Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari. „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay:

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

3) Boodhari oo daaweyn loogu dhaqaaqay.

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

4) Soomaalidaa caado xume iguma caydeene!

Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

5) Gaadama-galooleey.

Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…

Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o.

6) Cadceed soo baxday calaacali ma qariso.

Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

…Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

7) Qalbiguu wax iga yeelaya naaska qaawaniye.

Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!

8) Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey!

Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

…Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..

9) Hoheey maxay seexshey?

Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday. Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

10) Burco iyo Boodhari.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo. Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.

11) Hilaac baa Berbera iiga baxay.

Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay! “ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!

12) Inta samada joogta waad ugu saraysaaye!

Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa. Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

13) Dhudhumaduu i jaray caashaq!

Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wuxuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xejiyey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“

14) Kolkaad Hodan tidhaahdaanba…

Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dhowrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“…

Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.

15) Saylac iyo Boodhari.

Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya

Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!

Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn.

16) Cilmi oo dabayl la hadlaya

Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee intii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhiibo:

Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…

17) Maankaba ka jaray naago kale

Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo. Cilmi wuxuu yidhi:

Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo

Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday

Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye

Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye

Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro

Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…

18) Kolba aniga oo sahashaday

Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jacaylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!

19) Cilmi iyo warkii xumaa

Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo guddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen inuu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.

20) Murugadii Boodhari.

Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray. Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habeenkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.

21) Mid kalaa la tegey geenyadii maanku ku xidhnaaye!

Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

22) Wehelkii murugada iyo tiiraanyada.

Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna adeegsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuunka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo dooney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.

23) Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayay?

Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashadeen in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

24) Dabbaaldeggii arooska Hodan oo dhegaha Cilmi hafiyey

Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay welwelkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuunkeedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.

25) Guurkii Cilmi iyo Faakhir.

Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Faakhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallinyaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale waa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ahaanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.

26) Waddankeeda Soomaali waan sii waddacayaaye.

Maain ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

27) Boodhari oo aakhiro u guuray.

Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo daawo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay gaadhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddiyo mooyee wuu is rogi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaaraysay.

Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu toddoba iyo soddon {37} sano ku noolaa Jaceylkaa Dartiiina Udhintay illaa hadana lamaanaha soomaaliyeed halqabsi u ah.

Dhamaad.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=15868

Posted by on May 5 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

28 Comments for “Maxaad kala socotaa Qisadii iyo qaabkii uu u dhacay Jacaylkii Cilmi Boodheri iyo Hodan,{Akhriso qisadoo dhamaystiran}.”

  1. maxamuud badhi

    waa nacdasha iska daa uskag ilaa badow……… jacaylku wuxuu ka khashaafaa dhulbahantaha iyo ogadenka geela afuufee ………………..kkkkkkkkkkkk

  2. KKKK SHEEKADU WAA SARBEEB ISAAQA IYO ICTIRAAFKA JACAL LOO BEDELEY KKKKKKKKKKKK HORUFADHI.COM WAA KHATAR WALAAHAY

  3. BOODHARI NIN WAALAN OO QAAWAN BUU AHAA LAMA JECLAAN WAXNA MAJECLAAN WAXAAN AAD MEESHA KU QORTAYNA BEESHA ISAAQ AYAA ISU SOO URUURISAY OO KA DHIGAYSA WAX RUN BEEN IYO HUUHAA ISAAQ .MARKAY ISAAQU MAANDOORIYAHA KA DHERGAAN AYAY WAXAY DOONAAN KU HADLAAN INAGA DAAYA HAINOO BUUNBUUNINA WAXAN NACALADA AH EE IIDOOR QUDHUN

  4. Caashaqiiba waxa dillay ciddiisiina dhaawacay……………………. kkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. bilan
    marka isaaq taariikhdii daraawiish iyo sayidkii ay caayeen meel walba oo xaawileen inay tirtiraan maxay sanka iiga marinayaan nin roodhile ahaa oo kulkii foornada ee shafka ka galay u jiraday gabadhyarna daba dhigtay who care wuxuu u dhintay markay daraawiish maagaan dee ana boodhari oo dantiisa u silcay qisadiisa wax ka soo qaadi maayo reer xamarkaa yidhaahda saxan saxan ku gud

  6. bilan

    si hufan ayaad uga sheekaysay waxaan aqaan hodan qoyskooda oo hadaba hargeisa ku dhaqan runtii waa dad qurux badan, lkn ninkan waxa helay jacayl aanay dadkii markaa joogay aqoon , ka darane waxa la ii sheegay in hodan reerkoodu yidhi waa maxay ninkan inantayada ku hal qabsanayaa oo hanjabeen markay sheekadii berberoo dhan dhamaysay

    aad baan uga naxaa gabayadiisii u dambeeyey

    HADDA INAAN WAREEGAAN DAMCOO WEBIGA DHAAFAAYE
    WIIRADA RAGIYO BAAN KA TEGI WADHIDA NAAGAAYE
    WADAENKEEDA SOOMAALI WAAN SII WADACAYAAYE

  7. ciidagale jacayl ku ndhacay. maxaa looga sugayay. abu dhagax inksatoo ay ciidagaluu kuwa ugu dadnimada fiican yihiin idoorka .ilaa kan xayawaankaa ee ina cali dhurwaa moyee. waa raga iidoor.

  8. boodhari inuu dilay been baan uhaystee
    nina inaadeer qaaxada intaaso dhan maa loo sakaradaa jacayl ayaa malaku mawkii loogu soo daray anigu waxaan akhrisan jiray book cinwaankiisu ahaa

    [MA DHABAA JACAYL WAA LOO DHINTAA] hadana cajlad laga duubay baa gurigayaga taal waan ka xumadaa markaan arko somalidu siday weligeed xoolo iyo lacag u jeclayd ee ninkaas jeebkiisa loogu diiday gabadhuu hablaha ka doortay hodan sheekadeeda waxaan ku maqlay may ahayn qof qurux lala cajabo leh hadana somalidu waxay dhahadaa dookhu haduu daasad kaa galo waa lagala soo baxaa boodhari hodan baa calanka loo saary ilaa ay iilka dhigtay

  9. sheekadan boodhari waxay i xasuusisaa canter iyo cabla iyo qays iyo layla sheekooyin (folk story ah oo caalami ah)oo lasoomaaliyeeyey sida dhegdheer oo laga soo qaatay sheekada ingriiska ee(little red riding hood)iyo( hansel&gretel )anigu waxaan u arkaa in boodhari gabadha jeclaaday lkn uu cudur u badan inuu ahaa qaaxo inuu u dhintay iyadoon conclusion kaa aan ka gaadhay sheekooyin ay soogudbiyeen dad yaqaanay oo iyo dad ay dhaleen oo aabayaashood uga sheekeeyeen qisadiisa gabayadiisuna wax badan bay ka odhanayaan dhaqamadii xiligaa jiri jiray

  10. dalo somaliland
    waxad ku dartaa somaliland ba ahayd dadkii ugu horeeyee fanka sameeya
    somaliland ba ahayd abayashii taclin ta somalida ka kobad iyo kalabadba
    somaliland ba ahayd dadkii ugu horeeyee gacantooda qarniyo ka hor wa ku mamula iyadoon gumaystuhu imna
    tariikhda somaliland 90% iyada 5 somaliyeed ugu horaysa

  11. GABAYGA HILAAC BA BARBARA IGA BAXAY HODAN AGTEEDII WA SIDAN

    Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado
    Hantaaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Sheekhe
    Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye
    Adigaan halyay kuu bidiyo huritii Daa’uude

    Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
    Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye
    Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqadhayaaye
    Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele

    Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso
    Gabadh kalaan haasaawiyaa waa iga haniyaade
    Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye
    Maxaan kula hagaagaa yartu way hanwayntahaye

  12. qisadan wax badan ba ka qaldan gabayo badana way ka maqanyiin hodan iyo cilmi bodhari malintaa ay kutiri subax wanagsan ee ugu horaysay ayaa uguna danbaysay wa been ninka yidhaa cilmi iyo hodan cabdi ayaa isla hadlay hodan way soo dhawtay oo dhow iyo todobatanadkii bay dhimatay jacaylkii bodharina way udhimatay iyadoo ad uga murugaysnayd inaany laqabna jacaylka kol hodan lawaydiye oo inankeedii ay dhashay buug uu ka qoray waxay umuqatay inanay ahayn mid sanba u ogayd in cilmi darteed udhibataysanyey meeshana qadar ba jiraye hodan iyo cilmi xata laba beelood oo walal ayey ka kala dhasheen waxana xaqiiq aha hadii ay odayashu ukicilahayen cilmi inayna dideedn hodan reerkodu saxibkayagn soo qoray qisadan waxan leyey kunoqo sheekada badh ba qaldan soona dhamee gabayada waliba qaar ad u macaan bad ka tagtee waxn sida gabayga aad uga dhigtay ciwanka hilacba iga baxay hodan agteedii wakan isagoo dhamaystiran

  13. Runtii tani waxay cadaynaysaa ama katurjimaysaa sida reer Somaliland ay u yihiin Hormoodka taariikheed ee wixii shanta Somaliyeed loo yaqaanay.

    ilbaxnimada reer Somaliland waa mid aad iyo aad u qoto-dheer. hadii aan wax yar dib u milicsano xaqiiqada ah in ay Somaliland tahay FURAHA TAARIIKHEED EE LAGA-HAGO DHAMAAN SHANTA-SOMAALIYEED oo ay kamid tahay:-

    1- Somaliland waxay hayd dalkii iyo dadkii Shanta-Somaliyeed ugu horeeyay ee xornimo dawladeed qaata.
    2- Somaliland baa lagu sameeyay lagana taagay Calankii ugu horeeyay ee laga taago carro iyo ciid Somaliyeed.
    3- Somaliland baa curisay ama keentay midnimadii labada dal ee “British Somaliland” iyo “italian Somalia”, iyadoo Somaliland rabtay in lahelo midnimo Shantii-somaliyeed.
    4- Somaliland buu kadhacay Jacaylkii ugu horeeyay ee dhexmara Lab-iyo-dhidig somaaliyeed iyadoo gayiga soomaliyeed jacaylka waxba ka aqoon.
    5- Somaliland baa kala dirtay Midawgii-yaraa ee fashilmay kadib markii nidaamkii Afwayne ku guul-daraysatay hagida hanaanka dawladnimo, umadiina kala dhexdhigay qabyaalad, horomar la’aan baahsan, busaarad iyo faqri.

    Arimahaas kor ku xusan iyo kuwa kale oo badani waxay marag-madoon utahay xaqiiqada ah in ay Somaliland asal u tahay furaha taariikheed ee Shantii-Somaliyeed….

  14. Runta hadii laga hadlo jacayl wax loo dhinto waayahay. lakin cilmi mid ayaa ka maqnayd “Follow your Heart, But take your brain with you” Somalidu waxay kale oo dhahdaa NIN AAN QUUS AQOON ISAGAA QUUS AH.. markaa inuu markii ay ku tiri kuma jeclaanayo iska ilaawo bay ahayd oo Geed Haawaday ah intuu sooqaato. is ilowsiiyo. Tankale Family giisa hadii ay arkeen inuu ninku u dhiman rabo gabdhan anigu cirkana halaysgeeyee gabdha oo suuqa marasa ayaan habeen madow gaadhi ku tuuran lahaa oo afduubi lahaa hadhowna reerkii xidid ayey u arkayaanoo dee kola dhib sidaas u badan samaynmaayaan. Markaa waxaan odhan karaa Sheekaduba waa sheeko la iska sameeyaye ninkana amar alle uun buu u dhintey lakin Option no badan ayaa u bananaa uu noloshiisa ku badbaadin kareyey. Mida kale jacaylku gabi ahaanba waa la ogaaday waa iska dareen rabitaan ah oo qofku jinsiga kale u hayo markaa badanaa dadka iska tunta kuma dhaco.

  15. waaya arag u fiirso beydadkan siduu xanuun u yahay
    CASHARKAY WADAADADU QOREEN CUDURKAN GOYN WAAYE
    CUDUDUHU MA NAAXAAN HADDAAN CAAFIMAAD JIRINE
    CILMI IYO DAWABA DOONAY OO WAAYEY CILINKIIYE
    SOOMAALIBAA CAADO XUNE IGUMA CAYDEENE
    OO IMA CANAANTEEN SIDAAN CUUD KA IIBSADAYE
    WAXA CAYNBA CAYN LOOGA DHIGAY HAYS CAJABIYEENE

  16. DHAKHTRKAA LA GEEYAA NINKII DHAAWAC WEYN QABA E IYANA WA IGU DHEEL DHEELAYAAN DHAMACDII DAA UUDE (daa uud garxajis ciidagale laws)

  17. berberi hadday baradii jacaylkee boodheri ku aasnaa
    ka badbaadimaayee anna inaan ku biiraa maanta
    layga baqayaa

  18. aaaaaaaaaaah xusuus hore

    BOODHERIBA CAASHAQU BATALAALE INUU DHIGAY LA SOO BOOQDO MA OGTAHAY.

  19. gabaygii ugu dambeeyey ee boodheri

    RAGGA MUUNADDII WAA INUU SHEEKHYAHUU DIINTA MARIYAAYE
    MADADAALADII WAA INUU YURUB MUSHAAXAAYE
    MEEQAAN JABKII WAA SIDAA MAANTA AAN AHAY.

  20. oday hore

    muxuu geel indhokuul ka kasaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  21. waa sheeko qurux badan lakin umalayn maayo inuu jacyl u dhintey ,hadaanu xanuuno kale u dhiman.

  22. HIG= WIKILEAKS lol

  23. horufadhi waa warbaahin sida wax u jiraan u soo gudbisa maxay dhacdooyinka shaadhaDH ugu xidhi oo ku kalifay anagaana akhrisana oo taageerna oo ku qadarina hawsheeda. adigu maxaad ka rabtaa ma inay riyahaaga xayaysiiyaan?kk
    VIVA HORUFADHI.COM HORUMAR BAAN IDIIN RAJAYNAYAA

  24. nina anigu horufadhi madiidani ee waxaan jeclahay in ay bahasha qayaxan iskadaayaan oo ay shaar iyo wax ugaliyaan kkkk caydabadana iskayareeyaan kkk gaarna ma ahiyr waxba hayga baqin

  25. groowe oo caawa reer khaatumo buste saaraya waar soomaali hadaynu nahay siyaasadu waa noo rootiye maxaad dadkan ka rabtaa horufadhi HIG oo baaritaan siyaasadeed loo sameeyay ayay noo soo kordhisayba e hada waa break time yaa weli is gaarayba maadaase halkan maaweelo u soo doonta sawdiga sida gaadh santeriga ah kkk

  26. @Odey hore inaadeer tan oo kale lama qabyaaladeeyo, kaa daa, Jacaylku ma galo halkaase, Hodan runtii si xun ayey u gashay Boodheri ,w axaan ka codsanayaa bahda horufadhi inay noo soo sheegaan halka Hodan ku danbaysay? iyo in nafsigaas ay u ayday ay ka gashay Cilmi boodheeri oo ahaa Aabihii jacaylka Soomaaliyeed, mida kale Isaaq waa uun dad Soomaaliyeed, waxaa ka dhashay halgamayaal badan sida Sheekh bashiir oo burco maydkiisii la jiid jiidey , cabdullaahi suldana time cade iyo xaaji aadan afqalooc, dhamaantood wadaniyin ayey ahaayeen hadana shacabka waa la khalday , waana la sixi doonaa.

  27. wakaahadalku intaad beenta iyo qabyaalada kuwareegaysaan maxaad saa uguhadliwaydeen saasaa laydinkarabaa

  28. hal ceeb ah uun bay lahaayeen ISAAQ bay ahaayeen hadii ay soomaalida kale ahaan lahaayeen Super bay ahaan laahayeen . Laakiin hada uf.

Leave a Reply

Recently Commented

  • mire: Idoore yare Don’t worry kan waanu ku heshiinaynaaye , adigana waxaanu laascaanood kaaga furaynaa meel...
  • cagey: Bismillaahi Raxmaani Raxiim,amaa bacdi,waxan xusuusta beesha Hayaag ee dhulbahante oo isimkoodi taladii beesha...
  • Gabadh Nugaaleed: COODINLE WAA DHUL _DHULBAHANTE. dhulka intaanu islahayn adaagaal iyo dhiigdambe yuu dhicin baa ku...
  • Xaqdoon: 1. Xaqdoon April 24, 2014 – 3:58 pm [ Xaaladda Beesha Isaaq baa haatan u muuqata [ Xaarwalwaal Xaarkii...
  • Idoor liqe: Buuhoodle waa qayb Ka mid ah dhiigeyga, mana ogoli in aad wax Ka sheegto. Bal abtirso ha Lagu gartee !!!