|

JAALIYADA KHAATUMO STATE OF SOMALIA EE DALKA HOLLAND OO GUDI CUSUB DOORATAY,{Sawiro}.

Waxaa shir isugu yimi inta badan jaaliya khaatumo state wadankan Holland iyo nawaaxigeeda shirkaas oo lagu dooranayey gudi cusub oo ka shaqayn doonta danaha dadka iyo dalka khaatumo.
waxaa shirka soo qaban qaabiyey gudigii hore ee khaatumo iyo dhalinyarada reer khaatumo ee ku nool wadankan Holland shirka oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu doortay doorasho qarsoodi ah shan xubnood oo isu soo sharaxay in ay qabtaan maamulka gudida Holland iyo nawaaxigeeda.
Doorasahada ayaa waxay u dhac si aad iyo aad u cajiiba oo ah habka casriga ah ee halqof iyo hal cod waxaa  lasoo diyaariyey waraaqihii lagu codaynaayey oo si aada oo cilmiyeysan looga soo shaqeeyey iyo dhamaan qalabkii doorasahada oo dhamaystiran, waxaana loo codeeyey si wanaagsan dhamaan dadkii doorashada isu soo tagayna ku guulaysteen isla markaana ku qanceen dhamaan dadkii wax dooranayey iyo kuwii la dooranayeyba.
Xubanah isa soo sharaxay ee la doortay ayaa waxay kala yihiin.1-Sidiiq Maxamuud buraaale
2-Caasha Cabdikilin
3=Mahdi Cali Xasan
4-Xuseen Cabdi Faarax
5-Khadar Maxamed cabdi
ugu horayn waxaa shirka ka hadashay Nasra Fuje oo ka mid ahayd gudigiii hore ee sida gobonimadaleh usoo hayey xilkaas isla markaasna halganka dheer usoo galay sidii laysugu keeni lahaa ama laysu bari lahaa isla markaana ay isula shaqayn lahaayeen dhamaan jaaliyada khaatumo state ee holland iyo nawaaxigeeda.
Nasra ayaa waxay si aada ula dar darantay gudiga cusub isla markaana ka codsatay in ay yeeshaan dulqaad iyo wada shaqayn joogto ah  iyadoo illaahay uga bariday in xilka loodhiibay u fududeeyo, uuna yahay mid aad u culus isla markaana looga baahanyahay in hawsha siday tahay ugutaan,waxay kale oo ay dadweynihii ka codsatay reer khaatumo in ay la shaqeeyaan gudida cusub isla markaana ay garab istaagaan waayo (Far qudhi Fool madhaqdo).
Waxaa kale oo iyana hadalkii qaadatay Caasha shire oo iayana ka tirsanayd gudigii hore waxay sheegtay in ay aad ugu farax sanyihiin haday gudigii hore yihiin in ay maanta helaan dad xilkan ay inta badan soo hayeen kala wareega isla markaana u adeega bulshadooda gude iyo debedba,waxayna ku dheeraatay oo ay kula dar darantay dhamaan dadkii meesha isuguyimi in laysku duubnaado lana wada shaqeeyo si bay tidhi aynu u gaadhno horumar iyo wadankii oo aan ka saaro dhibaatada maanta haysata.
waxaa isna hadalkii qaatay C/laahi Galoos oo isna gudigii hore ahaa wuxuuna soo bandhigay xisaab celintii mudadii ay xilka hayeen wixii dhaqaalo soogalay iyo wixii baxay iyo waxa hada u yaalaba,wuxuu kaloo kawar bixiyey in la mataaneeyey laba urur oo ay ay jaaliya khaatumo kulahayd wadankan Holland kuwaas oo lagabilaabo maanta mataanoobay isla markaana loo qaybiyey khaqadooda iyo mid waliba waxa laga sugayo in uu ka howlgalo labadan urur ayaa magacyadoodu kala ahaayeen SSC  iyo SSCYOUTH oo ay gaar u samaysteen markii hore dhalinyro ka tirsanayd Jaaliyada Khaatumo ee Holland hadana labadiiba la mataaneeyey.
waxaa iyana meesha ka hadashay Sahra Diiriye Gamaadiid oo ah Fhayeenka Haweenka Ururka Tayo laantiisa hOlland isla markaaan ka soo jeeda Deegaamada Khaatumo State sahra ayaa waxay tidhi waxaad ogaataan in ay howlweyni idiintaalo hadaad tihiin jaaliyada guud ahaan iyo gudiga la doortayba wadankii waxa ka taagan waad ogtihiin waxaan idinkula dar daarmi lahaa in aad da daashaan oo ay aydaan habeen iyo maalintoona fadhiisan inta laga helayo deegaamadii khaatumo oo dadkii lahaa u xoroobay.
waxaa iyana hadalka qaadatay Sahra samawadaoo ka hadashay caafimaadka iyo deegaankeenii dhibaatada ka haysata caafimaad la aanta  waxay kula dar daraantay dhamaan dadkii goobta joogay in ay uguntadaan sidii loo hora marinlahaa arimaha caafimaadka ee dalkii iyo dadkii waayo bay tidhi waad ogtihiin inay inaga uun inasugayaan dadkaasi oo ceelna u qodnayn ceelalyana u maqnayn.waxaa iyana goobta ka hadlay Cabdi Geele iyo oday Shabac oo iyaguna aad ugu dheeraaday wanaaga ay leedahay midnimada iyo isku xidhnaanta bulshadu sigaarana ugu guubaabiyey dhamaan ka qaybgalayaashii shir in ay isu taagaan sidii ay uga qayb qaadan lahaa islamarkaana isu garab taagi lahaan maamulka cusub ee dhawaan lagaa yagleelay deegaankii ee khaatumo State Of Somalia ayna ka shaqeeyaan sidii uu u hirgelilahaa.guntii iyo gababadii waxaa shirka soo afmeeray C/laahi dheere oo ugu duceeyey gudiga cusub in illaahay xilkooda u fududeeyo,dadweynihii reer khaatumana ka codsaday in lalashaqeeyo.
C/rashiid galbeedi

Horufadhi.com

Holland.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16048

Posted by on May 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “JAALIYADA KHAATUMO STATE OF SOMALIA EE DALKA HOLLAND OO GUDI CUSUB DOORATAY,{Sawiro}.”

  1. erayga wagedh mar kasta wuu iga qosliyaa inaadeer.

    kuwana haysku khasaarin low life bay ku jiraane muraayadaha ka dalaco aflagaadada basar xumada doctor baa u qoray baan is idhi dee waaba sidaa,,,, qof waliba wuxuu yahay ayuu fagaaraha la yimaadaa markaa xaalkoodu waa ninba ceesaantii ceel gee caydaa qayaxan duli nimadaa ayaa u dhaqana una caafimaada oo la gole yimaadaan marka ka bood indr.

  2. shirarkan iyo kuwa kalaba waxaa la doonayaa waxa lagaga balamo in ay noqdaan mid halmaan ha ahaatee foxka lagu saadho waxkaqabadkeeda.sida caafimadka,waxbarashada. iyo tan ugu wayn ah gaashaan dhigga.iminka way daciifeenoo waayagaa islaamahoodii nagusoo waashay.hadduu roobku saani u dana midhba ku hadhi mayso waykasoo wada heermin sababta ugu wayna,ragoodu waxay guursadaan qolo oro ah oo la yidhaa jaarso.madhkaa kuwoodii ayey naceen daaroodkii ka guursan jidhayna ayagaa isku diray madhkii la arkay dhaqan xumadooda,iyo cunsuriyadda iyo waliba dhal-xumada oo kay dhalaanba aduu kugusoo noqone dhankoodaba aadi maayo wegadh? waaryee ina daba guboow heedhe waa ayo xaaskaagu suunbuu odhan dee waa jaarso maydhataye adeer maxaa ku tusay. madhkaa ayey kuwooduna cidhka eegaan oo waxay odhan eeyaa cutiyaay ee miyuu cidhku maanta tusan yay. hadday tidhaa haa horay ayey usoo dhaqaajin.hadalkooda dambeeto yaan lasoo qaadin tush ka dhaha.

  3. kulucooy soonagii kugu nidhi dhanka koonfureed noo dhaaf wali maanad socon?wegadh oo waxaaban lahayn nimankii bari ayaa iyada iyo doobia iyo waxay khamri wateenba isku lacageeyaye wali soo adigan soo ligan.mise huunno budhcad-badeeda ayaad lagashaa oo telephonada satlelightka ayaad nagala soo xidhiidhaa.bal caawa iiyara tuura goo huunno halkaad gasho nin dhulbahantaa waa laguu raadine.tankale maxaybaa kaaga gidhiisha dhulbahante iyo shirarkiisa mise waad yara ku wanjaqday dhulbahantoo maba ka ahaan kadhid?wax sheeg jawaab ayaa lagaa sugayaaye doobiana soo kaxaysoo jawaab keena.hablahan dhulabahanta saacadda dhankaga xidhanoo waxaa tihiin iyo meeshaad gashaanba waanay dhaadin way idiin jawaaban uun.ee yaara habloow islaamahani waa noocii la odhan jidhay midi dheerta ee yaanay idin habsaamin.dhanka bari ayaan beri horu u xawilaye maxa ka khaldaney wali noola jaalaabamayaan?

  4. Bilan bacda madoobee albaabka ka laadlaadaba u daran loooooooooool halkaa ha kaga hayaan yaan looga jimcin.

  5. nuura kkkkkkkkkkkk inaadeer waxaa ka darnaa kii yidhi shilin la igagama tegin naagtaydii qaadhaan uun bay iga qaadaysaakkkkkkkkkkkkkkkkkk dee wuu ku khasban yahay inuu shilin shilin mushaharkiisa u tiriyo hadii kale bolickaa loo dalbanayaa nawaaxigaana ka soo laaban maayo waa naag la aan iyo caruur la aan iyo bacdii madoobayd oo albaabka loo sudho haday wadada gabadhoodu hayso mid ka leexsan maraan noolaada dumarka daraawiish ee halganka ku jira

  6. bilan :D kuwii iyaga ahaa kaalinta cabashada & calaacalkay galeen.

    sawtuu midi maalin soo qoray naago dhulbahanta ah oo uk jooga ayaa nimankii iidoore qabay wada caydhiyey oo dibada u saaray, waan suuxay wallee loolz na habloow jacdaa la maaganaada oo ku wada go’yaashana khaatumo state of somalia haku xardhanaato kii nu’ yidhaahdana siidhiga u yeedhiya.

    idhaha cadawga iyo xasadka makhruuqiinta jecel keligood inay nooladaan ilaahay baanu ka magan galnay cawridooda ishooda dhagartooda intaba.

  7. kuluc waxa kaa dhawaajinaya waan garanayaa waxaa idinku filnaaday oo ka adkaaday ragii iidoor waa dumarkii dhulbahante ragayagu intaysan idiin imana dumarkayagaa idinku filan noocaagana waan kala saraynaa inuu kula hadlo naag uun hadal hay oo ku mashquulsanow hadii aanu sariiraha ku goglano ssc ama khaatumo waa jacaylkaan u qabno maamulkayaga nina nagu furi maayo kii iidoora ee gabadh dhulbahante ah qaba haduu ogolaan waayo guriguu ka guurayaa oo isgaa la furayaa
    guulaysta jaaliyada holland iyo dhamaan jaaliyadaha kale midnimo ku waara

    khaatumo allow dhawr

  8. maasha’allaah……………………Guuul iyo Gobonimo is kaashi wada shaqayn is maqal dulqaad sabar midnimo kala danbayn intaba waan inoo rajaynayaa,,ilaahay hayna garab galo cadawgeena ha qabto wixii nagu maqan yaahuu guuul khaatumo state..

  9. khayr cabdi garaad shirshoore

    Ama alpha male soo qaado ama kuluc soo qaaado. Adigiibaa laba qof iska dhigaya oo isu camiraya. Wagaash foqol wagaash. Adeer khaatumo way socotay.

  10. @Kuluc LOL, isha karidey sxb Kastuumo waxaa horboodaya nimankii qurjirena majintoodii ka hor istaagey afar garooba oo Jameekan qurbaha ku tarbiyaan, waxana kamida bahasha cuqdadu dilootey ee NINA iyo boqolka magac kale ku wareegta. Waar qurjire dhuuniweyne yaa u maqan caqliga maa laga shaqeysiiyo oo Kastuumadan qarka katuureysa laga qabto intey goori goor tahay.

  11. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    yaar yaa ilaahy yaqaan oo dhulbahnate maantuu gargaar degdega u baahnyahee ka qabta naagahan waar bal eega waxay gudi ku sheegayaan halkaa nin ee lagu magacaaby galoos mooyee inta kaleba waa naago isna sida magaciisa ka muuqata mid dhan maaha. dhuloos ma ragiibaa ka dhamaaday waaxay naagahan meel walba taagan, waxaanba maqlayey qaarbaa ragii qabay qolka jiifka maro ssc kastuumo iyo waxaasi ku xardhanyihiin ugu goglay kkkkkkkkk oo mid aan dalqad furanayn kuma jirto. waar dhulbahantaw ilaahbaa rag idinka dhigee naagahan iska qabta anana naga qabta ilmaadeerayaal sidani si maahee dhaqankiibaad meel uiga dhacdeen.

Leave a Reply

Recently Commented

  • DAALO S/LAND: Somalidu waxay tidhaah “Hal Xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”. Kastuumo haday marka...
  • Nuura: kkkkkkkkkkk walluhu ku qabay oo ku qalaji idam allee sidii xaabsade gacma barar badani wuu idin ku dhici.
  • xamdi: walee idoor maaliin cad bad ka huuleeli lasanod kelab maa mantay reer kaatuumo ugu caga juugleeyen war...
  • SSC-Citizen From xudun: Shirkani yuu daba dheeraan, 3 cisho gudohood ha lagu soo afjaro, Madaxweyne iyo dhawr Wasiir...
  • NINA: Kalshale waxaynu intaa waydiinaa halkuu ka keenaa sheekooyinkiisa kkkk ninku isagaa ah alifaa heer sare ah oo...