|

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo Dalacsiiyey 141 Sarkaal oo Booliiska Soomaaliyeed ah.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan Ciidamada booliska Soomaaliyed, iyadoo munaasabada lagu dalacsiinayay Saraakiishaas ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa Wareegtada xafiiskiisa ka soo baxday maalinimadii shalay ku dalacsiiyay min darajooyinka Ciidamada oo hoose ilaa sare, iyadoo dalacsiintan ay tahay tii ugu badneyd Madaxweynaha Saraakiil boqol ka badan mar kaliya ku dalacsiiyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed, Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo ka hadlayay Munaasabada lagu dalacsiinayay Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay ku timid tayada Saraakiisha, howl karnimadooda, isagoo xusay in Madaxweynaha uu dalacsiiyay min Dhame ilaa Sareeye Guuto.

“Madaxweynaha saraakiisha uu dalacsiiyay waxay ahaayeen G/sare ilaa Sareeye Guuto 17-sarkaal, G/dhexe ilaa G/sare 13-sarkaal, G/lle ilaa G/dhexe 17-sarkaal”ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo tilmaamay in isaga uu si gaar ah u tixgeliyay saraakiisha la dalacsiiyay, markii warbixin loo soo gudibiyay, isla markaana uu arkay waxqabadkooda iyo dadaalkooda.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Bashiir Maxamed Goobe ayaa sheegay ka aqriyay Munaasabada Saraakiisha la dalacsiiyay, isagoo ugu horeyn magac dhabay Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo ka dalacay Sareeye Guuto, loona dalacsiiyay Sareeye Gaas.

Sidoo kale Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo loo dalacsiiyay Jeneraal, Axmed Diiriye Faarax Sareeye Guuto, Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo ka dalacay G/sare loona dalacsiiyay Sareeye Guuto, Taliyaha Laanta CID-da C/llaahi Xasan Bariise oo loo dalacsiiyay Sareeye Guuto, G/sare Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna loo dalacsiiyay Sareeye Guuto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayay Saraakiisha Ciidamada ayaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda gutaan, ayna u adeegaan shacabka.

“Waxaan idinku bogaadinayaa inaad xilalkan Mas’uuliyadeeda qaadataan, dadkiina iyo dalkiina anfacdaan, waxaan halkan idinku hambalyeynayaan dadaalka dheeraadka aad qabateen, inaad maskax dheeraad ah ku kordhisaan Ciidanka Booliska Soomaaliyed, waa halbowlihii iyo laf dhabarkii sharciga wadanka iyo kala dambeynta, hadii aan Boolis jirin wax jiro karo ma lahan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Waa Markii u horeysay ee uu Madaxweynaha dalacsiiyo Saraakiil ciidan oo gaaraya 141-sarkaal, iyadoo darajooyinkooda la kordhiyay, waxaana ay ku soo beegmeysa iyadoo Dowladda KMG dadaal ugu jirto sidii ay u tayeyn laheyn Ciidamada Booliska Soomaaliyed.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16104

Posted by on May 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo Dalacsiiyey 141 Sarkaal oo Booliiska Soomaaliyeed ah.”

  1. 141 sarkaal ! tolow waa imisa askarta ay saraakiisha u yahiin ?

  2. ali
    tolkau maxaad naxdintooda ka dhiggaysaa ama ku falaysaa lol , bes bes dee kadaa hadaba oo kahadh bilaa caleeg !!
    puntland4ever

  3. Maamul Gobaled lamagac baxay Cayn State oo lagu dhawaaqey dhageeyso Chif Caqil Koreye

    Maamul Lamagac Baxay Cayn state oo lagaga dhawaaqey cariga Mareykanka shabakada kalshaalenews oo wareysi la yeelatey masuliyiinta Mamulkaas mid kamida wareeysigaas oo dhinacyo badan tabanaya Chif Caqli Jamac Mayal Koreye oo sheegan in ay keentey maamulkan baahi baahday ka dhageeyso hoos wareysigii oodhan
    Halkan Riix
    Halkan riix Chif Caqil kooreye
    Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7257

Leave a Reply

Recently Commented

  • DAALO S/LAND: kkkkkkkkkk Dhulbahantihii Siyaasadii waa ku wareereen wallahi……kkkkkkk :) :) :) :) :)
  • Dhoodi: Madaxweyne ku sheeggan warkiisa iyo kan Nijaas Kay waxba isma doorshaan. Waa afgobaadsi faaruq ah oo...
  • DAALO S/LAND: Kkkk waar dhulbahantoow kashaqeeya nabada iyo Daris wanaag oo buuqana joojiya, wallaahi meel aanu kala...
  • Sadex adinle: Dhareere 750 waa yartahay 100 kun baan diyaar u ahay inay iga dhimato intii aan deegaankayga banaanka...
  • ruun: Aaway qarankii somaliland maamul goboleed soo lagama dhigin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk