|

Yaa ku Haboon Xildhibaanimada Federaalka inay u Matalaan Khaatumo State,{Talogelyo}.

Sida lala wada socdo waxaa la wajahaya wakhti xaasaasi ah, dalka Soomaaliya u gurayo dawladnimo rasmi ah, isla markaana cidkastaba hada waxay ku dedaalaysaa inay Golaha shacabka la tagto shakhsiyaad dadnimo leh, isla markaana ku haboon xilkaas Xildhibaanimo. Maadaba la doonayo inay noqdaan dad danaha deegaanadooda iyo dadkooda iyo weliba guud ahaan danta qaranka Soomaaliyeed ka shaqeeya.

 

Sidaas daraadeed ayaa deeganada Khaatumo ay u nugul yihiin hadii dad wax matarayaal ah oo xildhibaanadii hore oo kale ah ay soo maraan, maxaa yeelay waxaa lagu jiraa wakhti, adag isla markaana dadka Khaatumo wey ka culays badan yihiin Soomaalida kale.

Sababaha ay uga culays badan yihiin waxaa ka mid ah.

  •  Waxay si adag u ilaalinayaan Midnimadii Soomaaliya oo beel ka mid ah kuwa Soomaaliyeed laga horfadhiyo, isla markaana ku haliilayaan inay mar uun Jamhuuriytadii Soomaaliyeed kala gooyaan.
  •  Maamulada hareeraha oo cadow caadaystay u noqday shacabka midnimo u dirirka ah ee ku dhaqan goboladaas Sool, Sanaag iyo Cayn.
  •  Deeganada Khaatumo oo ay jiifto taariikhdii dhabta ahayd ee Soomaaliyeed iyo Halgankii cudoonaa ee in badan ka calan welanayey geyigeena, isla markaana dhaxalsiisay xoriyada hada Soomaali ku faanayso.

Sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ka dhigaya in xilka ugu badan ee maanta deegaan Soomaaliyeed ama dad Soomaaliyeed saaran uu saaran yahay ama dusha uga fadhiyo shucuubta ku dhaqanka deeganada Khaatumo State.

Sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay dad qiimo ku leh bulshada Soomaaliyeed iyo tan Khaatumo dhexdaa, kuwaasoo hanan kara waajibkaad shacabkoodu hayo, isla markaana masraxa siyaasadeed ee Soomaalia ka hagi kara.

Waxaan odhan lahaa shakhsiyaad aan anigu Mataan ahaan aqaano , kuna ogahay wadanyad, Karti iyo aqoon , in la keeno oo ay keenan golaha sare ee dhaqanka oo markastaba la tashanaya xubnaha golaha Fulinta ee Khaatumo State.

Waxaana ka mid ah dadkaas aan anigu soojeedinayo ama kuwo la mid ahba la keeni karaayo.

1: Dr: Abdulkareem Xassan Jaamac Gabaydhe.

2:  Hassan Ahmed Esse,{Qasse}.

3:  Mohamed Hassan Buraaleh

4: Abdullaahi Daarood.

5: Baashe Ali Jaamac.

6: Cumar Jaamac SUleimaan.

7: Caydiid Saleebaan Xaashi.

, Kuwaasi waa soo jeedintayda iyo fekerkayga shakhsiyadeed, mana ihi Madaxdhaqameedkii ayagu dooranayey ama beelo ku qaybinayey, waa aniga iyo aragtideyda, waxaanse ula jeedaa in ragaas iyo kuwo la mid ah, oo wadaniyad Aqoon iyo xilkasnimo leh, lagaa helaayo Khaatumo dadkeeda.

Waxaase ay noqdeen kuwii qalbigayga ku soo dhacay, marka laga hadlayo cida inaga saari karaaysa dhibtan , Sooomalina wax uga taraysa Xamar.

Ugu danbeyntii, waxaan ka codsanayaa Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo State iyo weliba golaha fulinta ee Khaatumo G10, inay ragaan oo kale ama ayaga laftooda noo soo safaan sanadkan, isla markaana aysan waxba nagaga soo celin raggii hore oo aan lee yahay bal hayara nasteen.

 

Waa Billaahay Toowfiiq.

Mattaan Xassan Boobe.

Nairobi,Kenya.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16194

Posted by on May 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

33 Comments for “Yaa ku Haboon Xildhibaanimada Federaalka inay u Matalaan Khaatumo State,{Talogelyo}.”

  1. guuleed kkkkkk malaha golaha waad ku cusub tahay.dooxa mudug waa nin ama qof dumara oo qoraalkeeda iyo magaca bugta ahee ay wadato ka maadsata weeyaane ha moogaan.waliba magacano qudha maahee magacyo badan baa meecha ordaya oo beeshaa sheegta.

  2. To: maxamuud, adaan kugu raacay inaadeer in la rabo nin karmeed reerka wada matala oon qolana loo eegin si xilkas nima ahna u guta shaqadiisa.ninkaasna loo daayo sidaad sheegtay Gudiga Fulinta (G10) nimankaa la soo qoray sadex uun baan magacyadooda ka garanayaa inta kale way igu cusub yihiin magacyadoodu.nin caqli & cilmi u saxaiiba waaya araga oo ka dabaalan kara wax kastoo soo wajaha ayaa loo bahan yahay.ilaahay dartii ku shaqeeya ilaahay dartiina uga dheeraada wax kastoo qalooca ayaa la doonayaa,allow na garab gal wixii dulmi & xadgudubana naga dheeree oo naga moos aamiin,guuul iyo gobonimo.

  3. DHeere khatumo Power

    Waaheen.com (Hargeysa). Maxamuud Cabdilaahi (sifir), oo ay isku qabiil ka soo wada jeedaan Siilaanyo, isla markaana ah ruuxa keliya ee ku aamini karo arrimaha xasaasiga ah ee la xidhiidha isku darka Somalia iyo Somaliland. Sidoo kale, ayuu ahaa mudane Sifir ninka keliya ee madaxweyne siilaanyo cafis siyaasadeed siiyay, iyada oo waliba cafiskaa lagu fuliyey mudo ka yar 24 saacadood, taasin ay keentay inuu dalka soo galay isagoo an la ogeyn ama la weydiin inuu ka tanaasulay fikaraddiisii ahayd midnimada soomaaliya iyo soomaaliland.

    Silaanyo oo lagu bartay in maamulkiisu ku socdo qabyaalad iyo gobolaysi, ayaa la ogyahay inuu sifir yahaya kana keliya ee uu ku aamini karo siyaasaddiisa soomaalilya, maadaama xarun kasta iyo shir kasta oo ka dhaca hoyga safaaradaha caalamka ee Nayroobi uu maxamuud Cabdilaahi yahay kan keliya ee axmed siilaanyo rumaysan karayo, iskuna halayn karo si uu ula socodsiiyo waxa dan ah ee ugasoo kordhaya maamulkiisa, beeeshiisa, dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisaba.

  4. DHeere khatumo Power

    Qoragu raga uu sheegay waa halyeyo aaminsan Danta guud ee Dhulbahante.
    anigu waxan soo jeedin lahaa in lagu daro Abwaan jamac kediye iyo Abwan Xine lol

  5. idintaad oohintan joojisaan waxaan idinkula talinayaa waatane maxaad ka yeesheen maamulka idinka soo hoos baxay ee cayn estate. mise awoodaa in aad dhagaha ka xidhato shacabka reer cayn estate oo si cad ugu dhawaaqay in ay maamul u madaxbanaan leeyihiin. waxaan la dhacay oday dhaqameed si cad u sheegay in cayn estate ay daris wanaag kula noolaanayso maamulada dhinaca ka xiga sida puntland khaatumo estate iyo somaliland. sidoo kalena aan la sheegan karin. kolkaa ma waxaad igu sheegto miyaad ayagana kula dhaqmi.

    miyaad xasuuqi mise waxaad odhan calooshood u shaqaystayaal. cayn estate socotay oo goosatay cid ay uga daba fadhiisanayaan ma jirto waa ka madaxbanaan yihiin khaatumo estate. kolkaa iskaga hadha umadaasi masiirkeeda ayay ka tashatay oo way idinka madaxbanaan tahay.

    taasina waxay sheegaysaa in aanay dadka deegaanku aanay isku raacsanayn wax la yidhaahdo khatumo estate oo waad kala go’day. wixii ku dhacay awdal estate oo kale ayaad adna kugu dhacay. kii yidhaa somaliland waan ka go’ay isna waa laga goostaa. horaan u idhi qabiilaysi waxaa ka haboon qaranimo.

    somali waa kala qaran oo waxay kala tahay shan qaran oo kala madaxbanaan siduu cadeeyay faarax macalin. waana somaliland somalia jabuuti nfd iyo somali galbeed.

    kolkaa hadaad rabtaan wax ay somalidu ku wada qanacdo waxaan idiin soo jeedinayaa fikirkan wacan.

    somali iyadoo kala qaran ah bay sidaasi ugaga dayan karnaa EU ama dalalka khaliijka. waana mid ayay isku yihiin hadana waa kala qaran. ninkii taasi diidaa isagaa og meel uu wax ka keeno.

    midow halbeeli ma keeni kartee keena wax umada u wada cumtama oo midnimo somali lagu adkayn karo than aad leedihiin dagaal baan qaadayaa oo cid baan u caga jugleynayaa.

    waxaasi oo dhan waxaa ka qurux badan idinkoo midnimo somali ku doona sidaasi EU isku doonatay ayakoo kala madaxbanaan. ama sidaasi dalalka 6 dal ee khaliijku isku doonteen ayakoo hadana kala qaran ah.

    talo waxaan odhan lahaa horta idinku ka noqda sheekadan oo soo raaca somaliland. xabashidu way cadaysatay ma jecla somaliland mana jecla somaliweyn waxa ay jeceshahay uun in umada somali sidaasi uun iskugu duusho oo ay dahaneeda ku dul fushato daadinta dhiiga somaliyeed.

    anagu ma diidanin hadii somali sidaasi EU oo kale lagu dabaqo se waan diidayaa in la igu yidhaa hal qaran aan isku noqono oo aan ani kaliya taliyo. anna waan ku diidi maxaanad ka filani kol labadeenii 60kii midoobay hadaanu is diidnay in ay kuwa maqana yeeli doonaan. jabuuti hadii taladayda la keeni lahaa way kusoo biiri lahayd midnimadan aan sheegay. se tan hada la wad wado oo ah waxuun sii yaryaree iyo tii 60kiiba labaduna ilama saxsana manana haboona.

    somali shantii ay ahayd waa in lagu daayay ahayd oo kala ahayd somalidii ingiriiska somalidii talyaaniga somalidii faransiiska somali galbeed oo ay itoobiya hada gumaysato iyo somalida kenya ee kenya hada gumaysato. hadhowna ku dabaqno qaabkaasi EU ama Gulfka waxaan uga jeedaa 6 da dal ee khaliijka ku bahoobay.

    taladan ayuun baan midninmo somali u hayaa hadii xiiso loo qabo. hadii kalena hala arko in qori somali ka dhigi karo hal qaran iyo aflagaado oon ka ahayn sii kala fogaansho umadu kala dheeraato inay horseedo mooyee aan wax kale laga dhaxlaynin.

    viva somaliland republic and viva to all somali if they understand this principle concept.

  6. odayaasha ha loo daayo talada,iyana ha ka baaraan degeen

  7. khatumo state citizen

    Anug waxaan odhan lahaa, kartiduu doono ha lahaado, cilmiguu
    doonona ha lahaado laakiin waa in uu noqdaa nin aan taariikh ‘MADOW’
    lahayn oo wadani ah oo an hore uga soo ‘calooshii-u shaqaystay’, SNM IYO
    SSDF!.
    intaa wixii ka baxsani waa in in lagu qiimeeyaa wuxuu u soo gabtay dadkiisa
    oo ah SSC.
    si kastaba ha ahaatee, arrintaasi waxay u taal Golaha Sare ee Dhaqanka iyo Dawlad Khaatumo State.

  8. somaliweyn waa marka somalia lagudaro nfd ogaden iyo jabuuti jamhuuriyada somalia ayaa layiraahdaa sida soomaalidu somaliweyn u tiraahdana maaha maxaad fahantey somalidiidka kkkk

  9. qaraaga hal arin baan ku dhaliilayaa hal arina dadka commentiska wax ku qoraya qaarkood.
    dhulbahante taladiisu gacanteena ayay kujirtaa fulintuna dhamaanteen ayay ku jirtaa ,qoraagu inta uu gartay ee soo qoray lama garan waayin isimada g10ka iyo madaxda maamulkuba waa lasocdaan in ay muhiim tahay in dad tayo leh danta dalka iyo deegaanka wax u qaban karaana inay yimaadaan hawshaasna waa lawadaa ,laakiin qoraaga anigu waxaan u arkay inuu khilaaf keenaya meesha kusoo tuuray waayo isagu wuxuu u jeedaa in dad wax garad ah oo aan lagu salayn beelo lakeeno meesha inuu magacaabona maba ahayn kuwa leh in 3 loo qaybsado isla markiibana magacyada ka eegay in beeshoodu ku jirto damiir iyo dareen midna malaha ,war uma baahnin in beelo aynu wax ku qaybsano waxaynu ubaahanay nin dadka iyo dalka daacad u ah wanaagsan ilaahay yaqaan dadkiisa kala jeclayn..marxalada soomaalidu kujirtana maaha mid si sahlan looga gudbayo waa habka beelaha laakiin.arinta u daaya madaxdeena iyagaa arintaas meel saarayee…beeshaan ka soo jeedo ee dhulbahante jifida aan ka ahay hadii aan xubin lasiin dhamaantood maxaa iiga gadhiisha aniga nin kasta oo dhulbahante ah ayaa i metala wixii nadiloodey baad nadaba wadaan ..maqaalkana kasaara meesha kuma habooneeeee

    xildhibaanada lasamaynayo waxay noqonayaan dad laga fekerey maamulka khatumo g10 isimada intaba ay isla jaanqaadi karaan …..waad salaaman tihiin dhamaan reer khaatumo

  10. waxaam lahadlayaa ninka leh saddex buu wax qaybsan jiray ee waa in sidaa
    wax loo qaybiyaa inaadeer toos waad hurudaaye waxaa aad sheegeyso waxaa
    lagu soo afjaray taleex way jirtaa in xagga awood qaybsiga markii hore sidaa
    wax loo qaybshey waxaana looga jeeday wax khilaafihi dhicin hadaan hoos
    kuugu waramo ajandaha khaatumo waa habaan weli africa ka dhicin waxaan
    filayaa in dalka GANA layidhaahdo iyo south africa oo kusoo dhow laakiin aan
    weli halka gaana gaadhey aan gaadhin qudha lagaga dhaqmo marka inaadeer
    haboodin waxan rag iyo dumar cilmiga u aano ah baa ka taliyey waana ta
    dalalka jaarku ay kutaageereen khaatumo ,

    VIVA KHATUMO STATE OF SOMALIA

  11. keliya waxa xildhibaan lagu sheegi karaa ninka dadku soo doorteen, dhamaan waxa xildhibaan dhulbahnate ah jooga xamar kuwii hore iyo kuwa hada lasii wadaaba maaha wax dadku doorteen, kuwa garoowe jooga yagana lama dooran.

    xildhibaanada dhulbahnate ee si dhaba u metela dadkoodu waa kuwa somaliland waayo yaga doorasho ayey kusoo baxeen oo tartan xalaala ayey ku yimaadeen waxaa soo doortay kumaan dhulbahnate ah oo fartooda ugu codeeyey si dimuquraadiya. nidaamka ay kusoo baxeen ma aha 4.5 iyo iga gee, waxay kusoo baxeen nidaamka xisbiyada oo ninwalba xisbi ayuu ka tirsanaa.

  12. edbiye

    sxb warran ma waxaad doonaysaa inaad gasho baarlamaanka CAYN STATE waayo beryahan waad sanqadh yartahay, waxaa meeshii ku batay duulkii ka shakiyi jiray garaaca wadnahooda sidaad hore u sheegtay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. laxda ssc

    waa maxay doobiya aad ku qarweysaa ma isagaa kugu doobiyeyba, sidee waaye, xildhibaankiinu waa oday xaabsade ku daba fayl, wakiilkiinuna waa somaliland gafuurka haddaad taagtana webigaad hirdiyi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. War hooy kala gurgurida dhulbahante ha layska daayo,isku duubniday ku wacantahay walahay inan cidna max noqon karin hadaan mid la noqon

  15. mohamed hasan buraale waa no 1

  16. tan 4.5ka ama sadex waaxoodka ani waan kasoo horjeedaa waa system yara danbeeya saasoy tahay maadaama an la hayn wax rasmi ah ama hanbal kale ooo hadda inooo suura gal ah waa ku qasbanahy lkn waxaan odhan lahaa xoogaa caqli halgu daro oo bal dadka aqoonta iyo kartida leh hala hormariyo >..

  17. War horta ma ogtihiin in 4.5 ka laga sii guurayo inaguna 3 meeloodka aan ka sii socono. Ma ogtihiin odoyaasha fulinta ee G10 inaanay saddex meelood iyo waxaas shuqul ku lahayn. Golaha Sare ee Dhaqanku inaanu 3 meeloodsanayn. Ma ogtihiin in dagaalka iyo difaaca danta Khaatumo aan 3 meelood lagu gelin ee is xilqaan lagu galo.Ma ogtihiin in magaala kasta oo kutaalla Somalia dhaqdhaqaaqa khaatumaysani ka jiro isagoo aan ku dhisnayn saddex meelood. Waxaas iyo sheekadii hore iska illaawa. waxaas kala qaybinta ahi waxay kusii danbeeyeen Garoowe welina waxaa sii hadal haya qolyaha weli Garoowe sii jalleecaya waxayna ka leeyihiin dan gaar ah. Anigu ragga liiskan sare ee soo jeedinta ah ku jira haybtooda ma wada aqaan laakiin waxaan idiin sheegayaa inta aan haybtooda aqaana waxaan hor bartay wax qabad kooda intii aanan aanan haybtooda maqal; inta aanan haybtooda aqoona wax qabadkoodaa i baray.. markaa dib ha inoo celinina

  18. War horta ma ogtihiin in 4.5 ka laga sii guurayo inaguna 3 meeloodka aan ka sii socono. Ma ogtihiin odoyaasha fulinta ee G10 inaanay saddex meelood iyo waxaas shuqul ku lahayn. Golaha Sare ee Dhaqanku inaanu 3 meeloodsanayn. Ma ogtihiin in dagaalka iyo difaaca danta Khaatumo aan 3 meelood lagu gelin ee is xilqaan lagu galo.Ma ogtihiin in magaala kasta oo kutaalla Somalia dhaqdhaqaaqa khaatumaysani ka jiro isagoo aan ku dhisnayn saddex meelood. Ma u malaynaysaan in galabtii madaxdeena khaatumo Buuhoodle lagu soo weeraray la difaaci kari lahaa haddii la odhan lahaa aan 3 meelood difaaca ku gallo.!! Waxaas iyo sheekadii hore iska illaawa. waxaas kala qaybinta ahi waxay kusii danbeeyeen Garoowe welina waxaa sii hadal haya qolyaha weli Garoowe sii jalleecaya waxayna ka leeyihiin dan gaar ah. Anigu ragga liiskan sare ee soo jeedinta ah ku jira haybtooda ma wada aqaan laakiin waxaan idiin sheegayaa inta aan haybtooda aqaana waxaan hor bartay wax qabad kooda intii aanan aanan haybtooda maqal; inta aanan haybtooda aqoona wax qabadkoodaa i baray.. markaa dib ha inoo celinina

  19. 50 xildhibaan hadi layna siyo caagad biyaa makeeni karaan illaa layska daayo khilaafka iminka ka muuqda commentiskan.wana musibada magaca dhulbahante dhabarka ka jabisay idiin mana muqato in layska illobo waxan waxku qaybsan! Wa layaab iyo aqon yari hadi xildhibanada oo dhan laga dhigo lafyar oo dhulbahante ah balse xal lo arkay inay waxqaban karan taasa waxlagu noqonlahaa.balse fagrada qoraga imisa qof ayaa mucaraday oo meshan waxkusoqortay masaasaan waxku noqonkar war faroole beelo dhulbahante ka waweyn ayuu horbodayaa oo madaxweyne ladaba ordaya inaguna fakarka qoraga ayeynu isku laynaynaa!

  20. Intaa aad sheegtay oo lagu daray cali khaliif iyo ina dafle oo laysu wada geeyey maca garaadada xamar joogana lagu daray waxaa ka fiican in xaglatoosiye oo qudhi metelo dhulbahante, waayo? waxaa soo saaray dan dhulbahante, ee sooma saarin garaad daba kariixey oo yidhi isagaa dawladda wasiir nooga noqonaaya iyo magacaabid siyaasi reer kale oo inuu ku tira buuxsado si uu reerkooda ugu daneeyo toona masoo saarin, waxaa raaci kara oo keliya qofkii fikirkaas wata.
    maya inadaflism.
    maya garad calism.
    maya farolekeen.
    maya snm iibsatey.

    • xirsi waad asiib tay waayo xaqlatoosi waa geesi sababtoo ah waa nikii dhulbahante oo quustagan wax walba dusha u rite.
      kuwii lugaha hayey ee duntuu guntoba furayey waa kuwa halkan magacyadoodu ku qoran yihiin iyo weliba cali khaliif iyo kuwa la mida.

  21. ahmed bayzaani

    Aga!! Dooxa mudug aah, ar anaa xasuustay, tiiyaraydee candhareerada badnayd, shit.! naa horifadhina makahadashaa!! lolzez Dooxadaasaan kusoo xasuustay , mudug caanbay katahay ,dad aan aqoon isbarto ina kala fududee kkkkkkkkkkkkk

  22. @geesiga

    Fadlan ninkan maxbuuska ah meel lagala xidhiidho iisoo sheeg,waxaa cuqubo ah in qof aan waxba heysan dad muslini ku daawado dhibka intaa leeg lagu daawado

  23. Ader intaas oo qof ee aad sheegate marka laga reebo Dr C/kariim kaligii ayaa u qalma muwaadin sax ah inta kale waaxay hoosta ka taagersan yihiin Faroole firdhiye waan wada og nahay. dadkuna waa og yhiiin.
    Anigu shaqsiga daacadda ah waa Dr C/kariim.

  24. Doobiye,

    Yaad u sheegeysaa hunqaacadan???!!! Khaatumo State maxaa ka quseeya Bari iyo SNM dad ukala goostay?? Dadku waa is dhex maraa Bari ilaa Wajaale kuwo badanoo iidoora oo koonfur kasoo galaa dhulka Khaatumana soo dhex maraa waa jiraan Soomaali waa Soomaali markaa anaga hanoo soo qorin sheeko iidoor aan golahan Khaatumo State quseyn

  25. Mataaan x boobe waad asiibtay talagelya waadna kumahadsan tahay talosoojeedinta qiimahale waana rajaynaynaa raggaa aad magacawday ee aquunta&xilkasnimadaleh inaan kuyeelano pm da somalia reer khaatumo hawtoogahayeen arintaas

  26. Anigu iminka labo xildhibaan oo geesiyo, aftahano ah aan runta ka gabban ayaan aqaanaa aadna u jeclahay waa labada mudane xildhibaan Indhabuur iyo xildhibaan Maxamed Saleebaan Bootaan oo runtii labaduba la odhan karo waa rag Khaatumo sidey tahay u matala agtoodana aan geed laga jabsan.

    Hadii dhalinyaro cusub oo aqoonyahano ah la keenana kaba sii fiican markasta Khaatumo iney matali karaan uun baa muhim ah.

  27. inaadeer waad asiibtay ragan oo dhami waa wax garad hal adayg miidhan ah.
    waadna ku mahadsan tahay fikirkaaga nadiifta ah. waa in la helo dad wax ku ool ah oo baarlamaanka cusub inooga qayb gala, intuba walaalo ha noqdeen haday doonaan laakiin waa in ay noqdaan dad ina metela .

  28. waxaas baan soo jeedinayaaa wax lagaa qorayo maaha adeer dhul bahante wax buu qaybsanayaa marka xunnihiisa la siiyo ee yaan laga hor dhicin wax laqaybsanayo baan lee yahay

    • ilmaha horufadhi qoro waa ilma fudeedka ka batay war dee meesha 3 baa wax lagu qaybsada naw, cidna xildhibaankeda cidi siin mayso qiirada iska daaya. dhowr nin oo ilma ader ah baad meel wada dhigaysa, qabiila dhan oo dhulbahante ah baad ka tagaysa oo xaq u leh waligoodna aan parlaman somalia ka maqnaan adeer qiirada iska daa. khaatumo. 3qayboodku bay ku dhisantahay odayaal dhaqameed ayaa meesha wax so xuliya

    • aniga waxaan soo jeedin lahaa qolyahan in aad liiskaan ka saartaa sababtana waa tan
      1-xasan axmed ciise( qase)—– aqoon siyaasada uma laha, waxaa ku qufulan bihidaraysnimo,xaga maskaxdana kama fadhiyo,bal u fiirso markuu ku eegayo oo uu muraayadaha iska saaro.shaqsiyan baan u aqaan.london nin waalan baa looga yaqaan oo walaahay ah
      2-baashe ali jaamac—– baashe cali jaamac waa nin aan jeclahay oo u dhashay aftahan nimo.aqoon iyo waayo aragnimo dheerna u leh soomaaliya.laakiin dhibaatooyin badan oo ingiriiska kala soo gudboonaadey awgood waxaa ku dhacay xanuun xaga maskaxda ah kalsoonidiisiina waa yaraatay,dhaqtarka maskaxdana marar badan buu galay.ilaa hadana wuxuu qaataa lacagta maskaxda
      wuxuuna u baahanyahay, kalsooni farabadan iyo nasasho.
      hadalkan waxaa maqraati ka ah ookiyaalaha madow ee uu indha ku qarinayo habeen iyo maalinba.bal ookiyaalaha iska qaad ha lagu yidhaahdo.
      3- cabdillahi daarood—- waa nin oday oo mutacalin ah taariiqo aad u qiimo badana haya. waa istaahilaa in uu madax weyne khaatumo ka noqdo.laakiin hada soomaaliya xildhibaan khaatumo metela kama dhigeen waayo waa nin da’ ah oo hada howl gab ah .wax kale oo ceeba uma hayo.

      dr cabdi kariin waa oo ok
      inta kale shaqsiyan uma aqaan llaakiin qaar aan magacyadooda garanayo waa k jiraan

      fiiro gaara anigu nina cayn maayo laakiin warka halkan aan ku qoray waa dhab

  29. Puntland maaha ninka labaxay Dooxa mudug ee waa nin raba inuu iska horkeeno Khatumo iyo Puntland oo walaalo ah siyaasadi waa mwwsheedee. Ninkan Labaxay Dooxa Mudug waa Isaaq raba inuu inagu mashquuliyo Majeerteen oo aynu ka jeesano Isaaqa aynu cadaabayno ee riyadoodii aynu ka dhignay waxaan jirin ee ciilka u dhimanaya. Please gawjawaabina.

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Kuluc Adna saad u joogtaad filimkii hindiga ahaa ee cali dheere iyo himaa meliina inoo saartaa war meeshii...
  • kuluc: ninay HJ iyo bahararsane isku doon bay saaran yihiin ee haynugu daloolin bahasha inaabti kkk, walaahi idinkaa...
  • khabiir: Dad habro u taliyaan baa raba in ay dad noqdaan ragna la xisaabtamaan. Habaro baa qaaraan $10 doller ah...
  • NINA: Moodada cusub ee. Siyaasada. Maamulada jiiraanka p/land oo f/garrad mid ah ka dhigtay madaxwayne ku xigeen hada...
  • kuluc: NINA ninkii ingiriis carre ee inoo yimi ma arkaysay 95 million oo pound buu inoogu kordhiyey inti hore EVERY...