|

Maqaal:Marka Nasabadu, isu Bedesho is Baahaysi!

Waxaa in badan laga maqlayey arrimaha Soomaaliya, wax madaxa daaliya, dadka mudda karka ahna, ku noqday buurqaaf(qaadanwaa). Haddaba qoraalkeenan maanta, waxaynnu ku fiirin doonaa, bal sida 4.5 ama afar meelood iyo barka loo qaybiyey Soomaaliya saxda ama khaladka u tahay!
     Aynnu ku bilowno taariikhda la sameeyey 4.5 ama afar meelood iyo bar. Waxay musiibadani   soo ifbaxday, kulankii Carta ama dalka Djabuti bilowgii labada kun.
Haddii aynnu sheegnay goobta iyo goorta waxan dadka qaar la gole yimaadeen, waxaa ina hor imaanaysa ujeedada laga lahaa, maxay ahayd? Waa su’aal da’ weyn oo u baahan in looga jawaabo si cilmiyeysan.
      Markii gobannimada laga qaatey qudduuciinta kufriga reer yurub sannadkii 1960kii, ayaa is bahaysi xagga siyaasadda ahi ka bilowday dhinaca koonfur sare(Xamar iyo wixii ku wajahan).
Ra’iisal wasaarihii A/hi Ciise dhegay, oo soo hayey xilka tobonkii sano ee xornimo gaarsiinta, laga soo biloobo 1950-1960kii, ayaa waxa loolan kula jirey, Majeerteen oo xidid la ahaa Aadam A/lle Osman rabbi ha naxariistee. Aadam A/lle wuxuu ka soo jeeday, laanta Mudulood, oo ka soo jeeda qabiilka hawiye. Haddaba, dedaal badan oo ay sameeyeen beesha Majeerteen, ayay ku guulaysteen, inay la bahoobaan Muduloodka Hawiye.
       Habar Gedir, oo isu tirinaysay xukunka inay soo hayeen ilaa xornimo ka dhalatey, ayaa raadiyey xolafo ay wax isku darsadaan, si loo muquuniyo awooddan cusub ee Xamar ka sameysantay ama ay dab iyo baasiin ugu shubaa isla  awooddan is baahaysatey ee iyaga ka dhanka ah. Waxay is baahaysi ka dhigteen, Soomaali wixii aan ka ahayn Muddulood iyo Majeerteen.
Waa layaqaan sida qabaa’lka Soomaaliyeed isugu nasab sheegtaan , xusul duubkii maalintaa sida ficiltanka iyo dad badsigu ku jiro ku bilaabantay, waata maanta dhalisay waxa loogu magac darey 4.5 ama afar iyo bar!  tusaale ahaan, Xamar waxa ka bilowday, qabiil cusub oo loo yaqaanno Nuux Maxmuud Saleebaan, oo run ahaantii toos loo qarameeyey 1990kii.
       Waxay arrinta ugu foosha xumayd dhacday, markii Muxammad Ibrahim Cigaal, oo ka soo jeeda beesha Isxaaq, uu raadsadey xulafo ama isbaahaysi uu ka helo reer koonfureed.Waa markii ku gabyayey, In Isxaaq Diryahay, oo Hawiye haybta igu raaco, ama aan banii Haashim ahay la hubsan dooneeye!
Habar gidir, waxay u liqimeen, inuu yahay wax la yiraahdo Irir weyne, kaasoo runtii aan ahayn qabiil jira, balse is baahaysato, waa laga sii tegay, waxaana la yiri, xataa Oromoda aynnu qaraabaysanno, iyadoo lagu darayo bahda Dir! Waxa lagu heshiiyey, haddii xataa Oromo la qarameeyo, in la huwado magaca Samaale, oo ay kasoo qaateen, ama ka soo dhanbasheen, magaca Soomaali!
Waxaa loo sheegay ina Cigaal, in lagu dhuuman karo wax lagu magacaabey DIR. Inta la ogsoonyahay waxa Dir oo qudha ah, Gaadasn, Qubays iyo Akishe; laakiin waxa ka soo harey oo dhammi waa sheegato iyo dad la soo ururiyey sida: Biyo maal, Ciise, Guidabiirsi, Shiikhaal qutub, shiikhaal Hassan garween, Isxaaq ama Isaaq iyo weliba layaab Werdey, oo ah dadkii lagaga tegay carro Waamo, ka dib markii laga saarey Dhulkaas Oromadii ka soo duushay dhinaca webiga Omotana(meesha Tana river ka soo bilaabmo dhinaca ardul Xabash). Werdaydu ilaa iyo maanta waxa keliya ay u isticmaalaan luqad ahaan, waa oromia(afka Oromada), taasoo aaney fahmeyn afka Soomaaliga ah, ee tiir dhexaadka u ah jiritaanka ummaddan.
Werday dhaqan ahaan waa Boorana, ama Oromada koonfureed. Sida Oromda lagu yaqaan, wardaydu waxay dhaqdaan oo keliya Lo’da. Haddaba, marka la rabo in la raadiyo dad is ah, waa in qabiilkaa laga helaa waqooyi iyo koonfur labadaba. Tusaale ahaan, Biyo maal wuxuu ku askunnaa, koonfurta oo qura, lama arag, lamana werin Biyo maal deggan waqooyi ilaa intii rabbi abuurey!, Haddii Dir madaxa loo geliyo, reer Isxaaq, oo weligood sheeganayey inay yihiin Haashimiyad, Gudabiirsi, ama Sama roon, oo aan laga maqal magaca Dir intii ka horreysay shirkii Carta iyo weliba Ciise, oo isagana la Direeyey waqtigii Carta Shiikhaalna sidoo kale, waxaynnu dhihi karnaa, Dir waa xulafaysi ama isbaahaysi siyaasadeed, sida Raxan weynba u tahay isbaahaysi af iyo degaan lagu toloobo, balse aanay jirin nasabad dhab ah, oo ay ka soo wada  farcameen.Qabaa’lka kale, sida Darood iyo Hawiye, nasabdoodu, waa mid is haysata oo silsilad taxan leh.

Waxaa, fiican, in la yiraah iskaashadata Digil iyo Mirifle, dhinaca kalena, iskaashatada Dir. Marka, ay nasabaddu isu bedesho is  baahaysi siyaasadeed, waa marka waxba hagaagi waayaan.
Kolley culumadana waydii akhristoow inaan la sheegan karin nasab aan dhiigga xaggiisa ka imaan. Iimaan la’aantii siyaasadeed ee Soomaaliya waxay keentay, in dad aan isku dhiig ahayn oo isla dhalan, hal qabiil loo sameeyo, waana meesha sartu ka quruntay.
Rabbi ha u gargaaro soomaali ween, danteedana ha fahansiiyo.

 Horufadhi.com@gmail.com
Eng.Ibndariq.

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16217

Posted by on May 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

26 Comments for “Maqaal:Marka Nasabadu, isu Bedesho is Baahaysi!”

  1. miyirlaawe

    daawo inaadeerkaa moorgan.oo kenya u noqotay wadankiisii…http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ

  2. miyirlaawe

    waad garanaysaa intay isku jiraan buuhoodle iyo burco.gurigaagu waa burco,hargaysa iyo berbera .waad garan xamar iyo kismaayo waxii kaa qabsaday 1990kii isaaq baan ahay ama h/j,h/y,h/a .maantana qaxootigii aad ku tagtay cari gaalo ayaad doonaysaa mar labaad inaad ku soo noqoto xamar !!!!!!! waxaa kaaga horeeya dir,hawiye iyo digil iyo mirifle oo isaaq caqli u yahay weligaana kaa aqbalayn, majeerteen iyo intii madax madawbaa is le,eg kkk maanta majeerteenkii sedexda generation ku dhashay baa ka soo cararay 1990kii oo aan weligii ku noqonaynin adna maantaad khaatumo seeg la baxday oo aad doonay saa adoo qaxooti ah inaad ku noqoto xamar oo aad dameer biya ku dhaamiso adoo dhulmahante ah

  3. Horta geesdiir, geesi ismooday.
    Dhulbahante waa dadka keliya oo aan lagui soo dhexdhuuman karin. Waa dad xag jira, oo aan qasqaska iyo la soo seexiska ogolayn, u doodimaayo oo iyakaa jooga, laakiin waxaan kuu sheegayaa, qalad ween ayaa boqorkaygii Cusman ka galey dhulbahante, ka dib markii uu idinku guubaabiyey inaad gabarta qurxoon oo idiin dhalata aad automatically siisaan Dhulbahante, tooda guurku ka daahana, aad daftaan, maanta lamaad kaftanteen Dhulbahante, adiga laftaada ayaan is hubin hadda, waayo kuwo asxaabtiina siyaasadda hogaamiya, haddii la baaro DNA-gooda waxa laga waxay noqonayaan Dhulbahante, been kuu sheegi maayo waa dhab, markaas haba isku hadlina, meelna isa saara, ma Bucurbacayr, ma yahuud, ma banuu Haashim mise Dirta in waliba ducadocaysta!!!!!!!!!

  4. nina

    xaqiiqda soomaali oo dhan isaaq baa isku hayey iyo ogaadeen adinkaana kala riday oo xabashi u adeega ilaa maantana lagu shaqaystaa

  5. miyirlaawe

    meeshan waxaan ku qoro waa la tirtira why? markale ayaan su,aashayda ku celinayaa dhulmahante 65% waa isaaq h/y waxaa ah 25% h/j waxaa ah 10% arab waxaa ah 35% tumaalo iyo midgo 5% inta kalena waa ogaadeen

  6. miyirqabe
    ishaad ka riday kkk dadkani waa wada jacbur

  7. Naftan Geesiga sheegaynaysa, muxuu sidii caruurtii ugu xaraaranayaa, shiikhaal anigu waxaan ku garaadsadey iyakoo sheegta Aboobakar Sidiiq, si ay xoolahooda u ilaashtaan, waxay ku dhigteen sumadda cristian cross-ka.
    Loo bogay waxaa hawiye ilaa maantana way yihiin.
    gandarshe, waa Bandhabow walaalkii, oo waa IIRAAN ku soo dhuntay xeebta Mugadishu.
    Sheikhaal Abdi sheikh, waxay la bahoobeen dhulbahante Waamo, magtana la bixiyaan, ilaa iyo maantana sidii ay guri Waamo u soo degaan 1967-dii cid kale oo ay sheegtaan baa iska yar. Waa yaab dadkan isbahaysigu nafta ka qabtay, ee itaal kale waayey.

  8. Gees diir, aan geesi ahayn!
    Horta nacas iyo hadalkiis isu eg, tan labaad, iidoorka aad leedahay waxay degaan Mooyaale, waa dhoor nin oo raacday Aabbe Ingiriiskii idin dhalay, Iziolo cid Dhulbahante iyo Majeerteen uga badani ma jirto, Qolyahaa iidoorna, iyagay abbaansadaan oo daba lafalafeystaan. Midda aad tiri iidoor baa ilbax ahaa, War sowdinkii qaawanaa ee buuraha koirkooda laydinku dawari jirey. Miyaanu ahayn Boqor Cusmaan rabbi ha naxariistee, kii aad ula timaadeen dacwada, ee tiraahdeen, nimankii Dhulbahante noo diide inaanu ka soo degno buuraha, markaa boqorku idiin jeexay formula-da ah, Gabarta ugu qurxda badan siiya Daaroor, Guumaystoodana guursada si ay buuraha idiinka soo dejiyaan. Maalintaas ayaad bilowde in hadalba kaa soo baxo.
    Tan aad tiri magaca iidoor xagguu ka yimi, waaniga kuu keexay, waxayna ahayd “gabartan qaado, oo hal sabeena iigu dooriya, taariikhdaadoo dhan madaxaanu ka haynaa, inkastoo qolyaha naga sokeeya ee Dhulbahate iyo nWarsangeli si fiican kuu yaqaanaan. Markaas ha is waalin, soo baro taariikhda soo yaalka ah, iidoorna bal car meel saar, 4.5 haddanu ka takhalusaynaa, waxaanad ku biiri doontaa dadka laga tiorada badan yahay.Jamhuuriyaddu waa lix iyo toban gobol, sideed DAAROOD BAA ISKA LEH, ama bood ama dhac wahsyasi.

  9. shiiqaal waa isaaq oo hawiye waa isaaq ex.shiiqaal waa fiqi omar waxayna la dhasheen ugaadh omar iyo aadan omar oo labaduba habar yoonis ah .dhulbahantaha laftiisa ayaa waxay yahiin h/j iyo h/y inta badan waa ilaa 45% inta kalena waa ogaadeen iyo bartire .qabiilka isaaqa la yiraahdo 35% maha isaaq hadana waa isaaq

  10. kkk hadaan u soo laabto shiikhaal gaalkacyo waxaa ku taal xaafad la dhoho baraxada shiiqaasha qofki yaqaan waa yaqaan walgeey ma maqal waa hawiye aan ka ahen waqtigii dagaalkii habar gidir iyo abgaal oo uu watay ceeydiid ayagoo ka dagaalamaya dhanka habar girita waxeyse ku soo baxday dagaalki 1991 o6 marki danbe isku badalay hawiye izo daarood shiqaal ayagu markaasey hawiye noqdenkkkk waa marka xaqiiqda laga hadlayo lkin anigu ilaah hada waxaan la ahay qof abdirsada oo ii sheega isaaq meeshuu ka yimid? Shiiqaal aniga iyo in tii taqaan waa taqaane shiiqal waa hawiye 1991 kama horeen

  11. kkk hadaan u soo laabto shiikhaal gaalkacyo waxaa ku taal xaafad la dhoho baraxada shiiqaasha qofki yaqaan waa yaqaan walgeey ma maqal waa hawiye aan ka ahen waqtigii dagaalkii habar gidir iyo abgaal oo uu watay ceeydiid ayagoo ka dagaalamaya dhanka habar girita waxeyse ku soo baxday dagaalki 1991 o6 marki danbe isku badalay hawiye izo daarood shiqaal ayagu markaasey hawiye noqdenkkkk waa marka xaqiiqda laga hadlayo lkin anigu ilaah hada waxaan la ahay qof abdirsada oo ii sheega isaaq meeshuu ka yimid?

  12. muqdisho isaaq dir baan u aqaany waxaan imid gaalkacyo waxaan isladagnay reero isaaq ah waxey dhihi jireen dir baa nahay waxaan imid qurbaha waxaan arkay dad badanoo isaaq ah waxey qaar idhehen dir baa naha qaarna carab qaarna xabashi walaahi inaan ben ku dareen waa waxa iga yaabiye

  13. marka hore hadii aan tusaale inka siiyo qabiloyinga kala fog ee aan arkay anigu sijiyadana isugu yimaada kismaayo waxaa daga dad badan ooy ka mid yihin hartigu mj ismaaciil saleeban c,raxin saleeban warsangali cawramale hadaba ayagoo saas oga fog dadkoda hadna waxey ku leyihin daarod baan nahay abdisiyo sax ah waxaa jira niman ladhoho cumardher waa ceyr habar gidir asal hadase waa marexan lkin waa ku sheegayan ayagu ineysan ahen marexn eeyse ku soo cararen waqti dagaal hadan ku dhex dhaqmen gaaljecl waxaa ku jira laf abgaal ah hadana ah gaalajecl ayaguna ku shegay abdiriskoda in aay yihin abgaal haba angu waxaan rabaa in aan ogaado isaaq cida aay galaan oo saxda ah?

  14. miyir laawe

    Isaaq wuu degaa mooyaale weliba shishadiisa ilaa kanya badhtankeeda iyo weliba xagaas iyo turkaana Oroma iyo magadi oo dega from mooyaale ilaa iyo asmara ayaa doorood kala eryey oo xabashi iyo yahuudi hubka siiso.taariikhdii seyidka waxaad ku sheekaysaan isaaq ama iidoor baa islaamka la barayey.meesha uu doorood ka ahaa dad qaawan oo aan xitaa aqoon sida cuntada loo cuno ama dharka loo xirto bal waxaad is waydiisaa maxay ku baxday iidoor ? waxay ahaayeen isaaq dad reer magaal ah dooroodna dad jaahiliin ah marka cuntada ama dharka loo geeyo waxay odhan jireen IIGU DOORI geel ama ari ama lo. macnaha ay ku baxday si daas bay ahayd adinkuna ilaa maanta waxaad u taqaaniin iidoor wax kale. war bal horta soo barta taariikhda runta ah

  15. balatax baalcad absame nin xanuunsan oo ajuuraan ah kama dhigi karo ajuuraan nasabiyadu sidaas isuma bedesho tan kale

    waxaa laisku hayaa mar walba isaaqu halkuu galaa cid garanaysaa majirto markaa ma waxaad ku nefisaysaa daarood oo aa tiraahdo waa qoladaa .daarood iyo hawiye isma bedelo soomaalida wax kale oo dhan waa laba dhagax dhexdeed biyo kulul kasoo bax ..war xataa tigraygii baa amxaaro ka uriyey markay dhaheen oday xabashiya oo aan gudnayn baa dhalay isaaqa kkkk ceeb u adkaysi badanaa isaaqu xabashi buuryo leh baa dhalay soomaaliba masoo galaan

  16. kkkk qamaan bulxan diir weeye ayuu ula jeeday yacni ul iyo diirkeed isaaqiina dir bay moodeen kkkkk markaa hadii kaba soo qaad uu yiri qamaan ma qamaan baa dir idinka dhigay hadaad ahaydeen markii hore soow ma muuqateen.cid alaale cidii meel ay nasabkoodu galo garan waydaa dir baan ahay ayay tiraahdaa meel ay iska soo galaana majirto soow fashilaad maaha…..bal shiikhaal oo odhan jirtey awlaadii abuubakar sadiiq baanu nahay hada mar hawiye ayaanu nahay bay leeyihiin mar dir mar oromo soow yaab maaha .qabaailka koonfur dega qabiil qabiil meel kasoo gala majiro .daarood kacarar baa nasabkii loo wada bedeshey kkkkk

    isaaq binu axmed
    isaaq binu haashim
    isaaq dir
    isaaq irir
    isaaq xabashi
    isaaq magaadle
    isaaq yahuud ( waayo magaca isaaqa ayay moodeen izxaaqii yuhuuda kkkk
    bal meel aanu idiinku soo hagaagno soo sheega isaaqoow

  17. DHeere khatumo Power

    @ kuluc,

    waxad i weydiisey qodobkii ahaa idor Diir weeye
    waxad tidhi.. mar hadii aanu abwaanku dir u jeedin diir muxuu ka waday ?
    Horta anigu ma ahi Abwaan lakin suugaanta Somalida waan jeclahay waxban ka barta sida eray bixinta afka Somaliga oo aad moodo beryahan danbe inay inagu soo baten wadaad xumayaal mashruuc carbed loosoo dhiibey oo daran ku hadlaya afsomaligina kufsanaya iyago erayo afcarbed adeegsanaya !
    aan usoo noqdo weydiintadii koley Abwaanka gabaygisu wuxu kusocdey Erayga ( D ) waxan u malaynaya inu ula jeedey idor waa Diir oo dad isku xidhan.
    mida kale arinta isbahaysigu wax cusub maaha waa arin weliged soo jirtey sida
    Dan-wadaag oo ah Dhulbahante, h.yonis,H.jeclo, Warsangeli
    marka muran kuma jiro in xita siyaasada la is xulufaysto.

  18. DHeere khatumo Power

    Cayda qaawan waa laga fican yahay kaftan hufan halagu kaftamo
    Hadii kale Cantarobaqashka naga daaya reer walba wuxu yahay waa la yaqan.

  19. miyir qabe laxay

    kkkkkk waar aamus yuu dadku ku maqline daarood ooo magacyada u horreeyaba ummaddu ogtahay inaanay ka soo jeedin nassabiyad wanaagsan haku dherersiin isaaqe bal eeg KAB, LAX, KOOMBO, GASHIISHO, KKKKKKK waxa shalay maqaal aan akhriyey laga qoray qayb ogaadeenka ka mida oo asalkoodii noqday AJUURAAN lana cadeeyey… daarood waa maryo alool aan nasabiyad isugu iman ee soo raacay kacaankii oktoober

  20. Markaas bal hal doc isugu bayra. Waad u jeedaan habiye kiisa dega Ogaadeenia iyo kiisa dega Kenya kulli hal sumad baa ku wada taal, sida murulle oo dega inta u dhexeesa Mooyaale iyo wajeer iyo Soomaaliya, Gurgure iyo Garjan oo labaduba laga helo Ogaadeenia iyo Soomaalia. Dhan uun ku hagaagaaga ayaan leeyahay ciddan ku abtirsata Durriyadda oo anan macnaheedaba garanayn.

  21. Geesiga
    Waxaa loo bahan yahay, inaan fahmi karto waxa gabyaagu uga jeedo IIDOOR DIR WEEYEE< HADDUU DABARKA SOO GOOSTO!
    Qamaan Bulxan wuxuu u jeedaa, inuu yaqaanay keliya, waxoogay Dira oo la degta iyaga, Qamaan, muu aqoon hawiye. Waxa uu ku beer laxaowsanyey Ali dhuux, oo uu sheegayey in aan Gerxejiska meesha degani iyo Awalkoodu toona u kala harayn dagaalka daarood, maxaa yeelay ma kala qaysamaan oo way yaraayeen.Laakinn waxa marag madoonta ah, in IIdoor, Werdyeyda Oromada ah, iidoor rabo meel uu kaga goosto kibaadhaha kenya, ama la xinqooqtamo inamkaas absame ee sheegtay laandheeranimada, deggaanna Kenya, sidaas darteed, iidoor iyo Dir waxba iskama gelin, Taariikhda waxa lagu hayaa, wax badan oo jaah wareer ah oo ku dhacay meesha ISAAQ Soomaaliya ka galo.Mar sheegte inay ka soo jeedaan BUCURBACAYR, marna Sheegte, inay ay ka soo jeedaan banuu Haashim, oo ah Qureysh, marna waa tan documentiga caanka ah ee ina Cigaal ugu calaacalayo Isra'il. Decommentigaas wuxuu caddeynayaa, in meesha reer Isaaq ka soo jeedo yahay Yahuud.

  22. kuluc
    saaxiib dhulmahante mid yar iyo mid wayn waxay go,aan ku gaareen sidii ay been iyo waxaan jirin soomaali ugu abuuri lahaayeen waa dad aan garanayn waxa runta ah ama aan weligood ka run sheegeen taariikhaha soomaalida

  23. dheere khaatumo powdher

    adaa DIR iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude
    dacar gelisay reerahii ahaa ul iyo diirkeede
    mugan haatan uumiyahu ways dilayaaye
    nin da yari dambaab iyo hagalo diradirayntaase
    diintii rasuulkiyo hadaad daaccad u jeedid
    oo aadan dariiqda ka bixin iyo duudkii nabi aadan

    gabaygaana waxaa tiriyey ismaaciil cigaal bulaale oo cali dhuux seedigii ahaa waa 100 sano ka hor.
    gabaygaan iyo kii ka horeeyey ee aad DIR .ku sheegtay Diirta waxaa la tiriyey boqol sano ka hor

  24. dheere khaatumo

    interesting point, abwaanku markuu leeyahay IIDOOR DIR/DIIR WEEYE HADUU DABARKA SOO GOOSTO. sidaad sheegtay waxaad tidh dir uma jeedo ee diirbuu u jeedaa hadaba waa maxay diir ?
    1 diir: oo ah dirindiirta (cayayaan cago badan oo caleenta daaqa oo badanaa la arko xiliga barwaaqada)
    2 diir: diirka ama ama qolofta dhirta

    mar hadii aanu abwaanku dir u jeedin diir muxuu ka waday ?

    iidoor diir weeye haduu dabarka soo goosto adigu sidaad u fahantay in abwaanku uga jeeday ?

  25. DHeere khatumo Power

    @ geesiga,
    Wax run ah oo dadku ogyahay baad doonaysa inad ku difacdo muran iyo qardojeex
    Gabayga Qamaan bulxan maaha sida u shegayso wuxu yidhi
    idor Diir weeye haduu dabarka soo goosto,
    Marka afsomaliga kugu yar baan u malaynaya Diir iyo dir waa kala duwan yihin
    Qamaan wuxu ula jeedey isaq waa Diir.. Tusaale maraxda diirkeda
    mida kale ma waxad ka murmaysa inu jiro xulufaysi Waqoyiga Somalia
    waxan maqlay waxa jiray wax la dhaho Danwadaag oo ah Dhulbahante, H.yonis,H.j
    sida darted isbahaysugu waa wax jira lakin macnuhu maha waa dad isku abtir ah
    xaga afsomaliaga hadan tusale kale kusiiyo Gabay Sayid maxamed curiyey
    Somali badan baa waxay dhahan.. Maandhow cayaayirka iga daa carabi naage.
    Lakin maaha waxa weeye maandhow cayaayirka iga daa carabi waa NAG ama zero
    u fiirso somalidu waxay u qaten carabi waa naag lakin waa carabi waa NAG-eber
    Marka sidaa ula soco oo u garo ha degdegin broo.

  26. eng.ibndariq

    saaxiib waxaad tahay wiil yar oo garaadsaday markuu wadanku burburay halkan waxaan ku hayaa gabay 100 sano ka hor nin daarood ahi tiriyey oo la yidhaahdo Qamaan Bulxan
    Iidoor DIR weeyee haduu dabarka soo goosto
    Dunji habarmagaadlahu haduu dabarka soo qaato
    Dunbuq iyo rasaastana haduu debacsanuhu siiyo
    Horta yaa la da,a wayla yaab dawyadaad xuliye?

    marka saaxiib ina Cigaal ayaa sameeyey waa sheeko ciyaaleed mida kale biyamaalka aad leedahay ma dego waqooyi waa wax kama jiraan mida kale digil iyo mirifle waa dir .sidoo kale hawiye waa dir samaale .waxaana ku jira qabiilo badan oo isaaqa oo sheegta hawiye ama ddigil iyo mirfle

Leave a Reply

Recently Commented

  • wiil maxamuud salebaan: Waxaan ogadey isaaqu inuu daroodka aad ujecelyahay markii laga reebo ingriis cade daroodku...
  • khadar p/ander wiil mudug: @ garaad, ka ka qaleeya , maxaa ka rabtan dookhisa ha ciyaare, cidna u dhuntin mayso...
  • wiil maxamuud salebaan: Garaadku caawa ma heesti hargeisa ma nabaadba uqadaya, Garaad jamac salaan iga gaarsi odeygii...
  • kalshale: halbeeg ragii kaa horeeyeyba su aashan ka jawaabi waaye wayna ka wada dhuunteen waxaase la yidhi gabadh baa...
  • duurgal.com: gaajo ku dishey nin caydhi ceeb kma fogaado alla wuxu han yaraa oo isaga iyo kii ay walaalaha ahaayeen...