|

Jaaliyada khaatumo State Ee biljemka oo shirbalaadhan oo ay ku taageerayaan Khaatumo isugu yimi gudina dhistay.

Bilgem:- Shir ay isugu yimaadeen inta badan jaaliyada Khaatumo state ee kunool wadanka Biljemka iyo weliba marti sharaf laga soo casuumay wadanka Holland, oo si aad u wanaagsan looga soo shaqeeyey qaban qaabadiisa ayaa wuxuu ka dhacay wadanka Biljamka ee looga arimiyo wadamadan yurub.

 

Shirka ayaa waxaa lagu furay aayadaha qur aanka kariimka ah intaa ka dib  waxaa hadalkii bilaabay Maxamed Cige Xasan oo ka mid ah jaaliyada Khaatumo ee biljamka oo sheegay in ay muhiim  tahay isku xidhnaanta iyo wax wadaqabsiga reer khaatumo iyo weliba in loo baahanyahay in ay hiil iyo hooba isla garab taagaan Dowladooda Cusub ee ka dhalatay deegaamada SSC ee kahaatumo State Of Somaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA SHIRWEYNAHA JALIYADDA.

Maxamed Ayaa wuxuu u mahadceliyey Martisharaftii uga timi wadanka Holland ee ka soo qaygashay shirka iyo weliba dadweynihii ka kalayimo daafaha wadanka biljem wakhtigoodii qaaliga ahaana soo siiyey si ay uga qayb qaataan wax uqabashada dalkii iyo dadkii Reer Khaatumo.

intaas ka dib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Axmed Cawil Caateeye oo ka mid ah jaaliyada Reer khaatumo ee Biljamka  sheegayna in ay ka qaybqaateen hawlaha kasocda deegaamadii khaatumo hadana ay diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba isla garabtaagaan dalkii iyo dadkiiba iyo weliba dawlada laga yagleelay deegaamada SSC ee khaatumo State of Somalia.Axmed ayaa wuxuu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey martisharaftii uga timi shirka wadanka holand gaar ahaan gabdhihii oo uu yidhi samawada marhadii laguyidhi gabadhakale waxaan odhanlahaa haloo bixiyo khayr wada .

waxaa isna lagu soo dhaweeyey Codbaahiyaha Maxamed Xasan Cali (Taleexi) oo  ka tirsan jaaliyada khaatumo ee Biljemka wuxuuna sheegay in ay lagmamaar maantahay in ay isku xidhmaan isla markaana ay wada shaqeeyaan guud ahaan jaaliyadaha iyo dadyowga reer khaatumo gude iyo debedba,reer biljemna looga baahanyahay in ay la jaanqaadaan oo ay kaalintooda ku aadan ka qaataan sidii ay iyaguna isugu xidhnaan lahaayeen dalkii iyo dadkiina howlaha kasocda qayb weyn oo lixaadleh uga qaadan lahaayeen.

Halkan ka daawo sawiro badan

intaas kadib waxaa lagu soo wareejiyey dhankii martidii reer Holland ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay C/laahi Galoos oo aad ugu dheeraaday islamarkaana ka warbixiyey xaaladaha kala duwan ee uu soo maray maamul usamaynta Deegaamada SSC gaar ahaan markii la yagleelayey Dawlada Goboleedka Khaatumo oo uu goobjoog ka ahaa islamarkaana ka mid ahaa ragii qurbaha uga sacdaalay sidii ay u hirgelinlahaayeen maamulkaas.

C/laahi ayaa wuxuu ka sheekeeyey culaysaka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee soo wajaahay markii la qaban qaabinayey shirkii gudaha ee lagu qabtay magaalada taariikhiga ah ee Taleex iyo isku duubnidii iyo dhabar adaygii lagaga gudbay,wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in la ilaashado islamarkaana laygarabtaago maamulkaas oo cida loogabaahanyahay in ay hawlgeliyaan ay yihiin dadka udhashay khaatumo gude iyo debedba.

Sahra samawada oo ka mid ahayd martisharafkii reer Holland ee shirka lagu casuumay ayaa iyana ka warantay dhinaca caafimaadka gaar ahaan deegaamadii kaatumo iyadoo warbixin maqal iyo muuqaala oo laga soo diyaariyey cisbitaalada Lasanod iyo Buuhoodle kusoo bandhigtay shirka kuna guubaaisay dhamaan dadkii kasoo qaybgalay shirka in ay uguntadaan sidii ay hiil iyooba isula garab taagi lahaayeen waalahooda dhibaataysay ee dar xumaysan gobola aad uga fog fog deegaanka iyo weliba kuwa jiifa dhakhtarada Buuhoodle iyo Laascaanood ee aan hayso daawo iyo daryeeltoona.

waxaa iyana hadalkii lagu soo dhaweeyey Nasra Fuje  oo ka mida jaaliyada khaatumo ee wadanka Holland waxayna kula dar daarantay reer biljam in ay midoobaan islamarkaana ay rag iyo dumarba gacmaha isqasadaan,nasra ayaa waxay sigaara farta ugu muday in anaay indhaheedo qaban dumarkii reer biljam oo ay goobta ku yaryihiin sheegtayna in jaaliyadwalba ay udub dhexaad u yihiin haweenku loogana baahanyahay in ay qayb libaaxle ka qaataan sidii ay dalkooda iyo deegaamadooda u hora marin lahaayeen.

intaas kadib waxaa lagu dhawaaqay in ay doorteen gudi ka kooban shan xubnood oo ay macagyooduna kala yihiin 

1-Jaamac Faarax Jaamac

2-Axmed Cawil Caateeye

3-Ayaan Maxamed xasan

4-Jaamac Cali Cabdi

5-Maxamed Cige xasan

waxaa kale oo isla goobtaas lagu doortay laba xubnood oo uga qaybgelaya gudiga guud ee khaatumo state ee fadhigeeduyahay wadanka Holland oo ay magacyadooduna kala yihiin.

1-Maxamed xasan Cali (Taleexi)

2-Farxaan Maxamed Caligaas

shirkan oo ahaa shirkii ugu horeeyey ee ay isuyimaadaan in mudo ah jaaliyada khaatumo state ee wadanka biljamka ayaa wuxuu ahaa mid aad uga dheehanayso farxad iyo rayn rayn ka muuqata dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka iyo martidii lagu casuumayba.

Abdirashiid Galbeedi (dhilaalo1@Hotmail.com)

Horufadhi.com

Bilgem

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16276

Posted by on May 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Jaaliyada khaatumo State Ee biljemka oo shirbalaadhan oo ay ku taageerayaan Khaatumo isugu yimi gudina dhistay.”

  1. siil-land kawaran iyo maalinka ay caabudaan 18 May ay yidhaahdaan Daarood ayaan ka xorownay?? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk boowe aala tahay ayey reer barigu ku maahmaahaan
    Walaashaa iskama hubtide seedigaa ha isku xumaanina kkkkkkk waar goosiga iskama hubtaane Mahiiga uun ha isku aakhiro seegina
    Allow dhowr Khaatumo Kheyr aamiin

  2. every day waa waa u shir xaflad niikis kaftan badhaacis calaacal iyo maaweelis, weli ma arag qurba meerka kastuumo wax lagu farxo oo ay ka hirgeliyeen dhulkay ka yimaadeen kelmada xorayn xagooda waa ka madadaalo iyo mawduuc ay wakhtiga isku dhaafiyaan laakiin aan ugu fadhiyin micno sidaa usii buuran aan ka ahayn iidoorka ku xumeeya oo kula kaftama goobaha fadhi ku diirika sida goobtan aan hada wax ku qorayo.

  3. Mashalah ilaahow adaa Khaatumo Kheyr noo soo direy xili fiican waanu kugu mahadineynaa. NINKII hadlayaaba ha iska hadlee, halkaa ku nagayee geediga

    GUUL KHAATUMO KHEYR allow dhowr

  4. Maansha allah waaa illahaya mahadii maanta hadii xaruntii weynayd ee yurub looga talinayey ay jaaliyadii kahaatumo ka dabaal degayaan beri waxay ka qaybgelayan shirarka lagu qabanayo Caasidooda ee reer yurub ku falanqaynayaan xaaladaha Somaliakkkkkkkkkkkkkkk guulaysta

Leave a Reply

Recently Commented

  • djama: Waar iidoor liqa miyay bakhtidaday ma arkee.mise keyshali bay xidhatay runtay ogtahay.
  • sOmalilander: k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k Waar dhulbahante hadagalamee beenta ka dayaa oo runta u shegaa...
  • sOmalilander: k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k
  • djama: Duurgal websitekan paltalkerka ahi yaanu been kuu sheegin.cadhadana iska yaree.
  • Abdi Khaatumo: Hawadhlayso leg iyo badhicune soo bixi doonee! Ciyaarina waa gelin dambe. Nin calooshisa u shaqaysta...