Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfurta Suudaan oo Dil iyo Dhac ku bilowday.
Magaalada Jubba ee Koofurta Suudaan ayaa waxaa xalay dil iyo dhaawac loogu gaystay Ganacsato soomaaliyeed kadib markii guri ay daganaayeen dhalinyaro soomaaliyeed weerar lagu qaaday.
Wararka aynu ka helayno Magaalada Jubba Ee Koofurta Suudaan ayaa tibaaxaya in xalay halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Shiiqaalow oo ka mid ahaa dhallinyarada ganacsiga ku haysta Koofurta suudaan.
Mid ka mid ah dhaliyarada gancsiga ku haysta Gudaha magaalada jubba aya awarbaahinta u sheegay in ay jiraan dhaawacyo la soo gaarsiyay qara ka mid ah dhalintii guriga la daganeed marxuumka geeriyooday isagoo intaasi ku daray in kooxo hubaysan ay dilka gaysteen.
Inkastoo aysan zaaid ubadneyn dilalka ka dhaca koofurta suudaan isla markaan soomaalida loo gaysto hadana soomalaida ku dhaqan koofurta suudaan aya aiminka muujinaya cabsi iyo wal wal ku aadan dhinac amaanka maadama ay jiraan kooxo dhac dil iyo dhaawcaba ugaysanaya dadka soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsada.
Horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=16320


