|

Madaxweyne Shariif: Maamulka Somaliland dantaa ugu jirta wada hadal ay la galaan TFG.

Madaxweynaa dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay wado qorshihii ugu danbeeyay ee kala guurka ayna sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal la gali doonto Somaliland,

Isagoo ka hadlayay kulankii QM ee xaaladda Soomaalia ayaa Sh Shariif Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay diyaarinayso qorshihii wadahadalka Somaliland.

Waxaa uu tilmaamay in uu gudi usaaray wadahalka Somaliland laakiin ay iska jiraan caqabado taagan lagana gudbi doono sida uu hadalka udhigay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaalia ayaa maamul goboleedka  Somaliland ku tilmaamay maamul hoos yimaada dowlada KMG oo ka shaqeeyay amaan xiligii gobolada kale ee dalka ay colaadaha ka jireen, wuxuuna sheegay in deeganada ay xukumaan ay yihiin kuwii ay dhasheen, beel ahaan. Isla markaana ay ayaga dantu ugu jirto wada hadal ay la galaan Dawladda KMG ah.

Mar uu ka hadlayay arimaha kale ee xaaladda kala guurka ayaa Sh Shariif waxaa uu sheegay in ay meel wanaagsna marayso ansixinta dastuurka qabyadda ah.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay garab istaagto dowlada Soomaalia so looga gudbo marxalada khalafsan gaar ahaan KMG iyo arimaha kale

Shirka ayaa soo dhamaaday iyadoona laga soo saaray Warmurtiyeed ay beesha caalamka ku balan qaadau in ay taageerayso dowladda Soomaalia.

Bayaanka Shirka ayaa waxaa ku xusnaa in dowlada Soomaalia laga taageeri doono hirgelinta dastuurka qabyadda ah, ka bixitaanka KMG  iyo in la helo dowlad Xoogan.

Sidoo kale Waxaa laga gacan siin doonaa la dagaalanka Shabaab iyo Burcad badeeda iyadoo la siin doono dhaqaalo ku filan howlaheeda.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16431

Posted by on May 16 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

23 Comments for “Madaxweyne Shariif: Maamulka Somaliland dantaa ugu jirta wada hadal ay la galaan TFG.”

  1. ila qosol oday idoor ah oo murqaanku ka hadlinayo daawo anaa dhalnay madaxda british kkkkkkkkkkkkkkkk ciqaamadii ayaa iga dhacday kkkkkkkkkkkkkkkkk

    http://www.youtube.com/watch?v=hE2Kxe7brY0&feature=player_detailpage

  2. Haddii ayna dhegahayga wax ka si ahayn bal ka dhegeysta Indho sheel oo bbc da u waramaya sheegtayna inuu yahay Axmed karaash cajab tolow see waxu jiraan?

  3. Asc,dhammaan

    Dhammaan waxaynu sugnaaba waa 24ka May 2012 here in uk oo ay isugu imanayaan hillary clinton david cameroon madaxweyne siilaanyo,madaxweyne sh shariif,dr mohamed abdillaahi,eng feysal ali waraabe,wasiirka arrimaha dibedda tfg.waxaana la samaynayaa press conference.

    Markaa waxaynu sugnaaba waa war aad culus oo in badani calooshu socon doonto in badana farxad ay ilmayn doonaan insha allaah.

  4. http://lasanod.com/details.php?num=7446

    unlisted british oil explorer assente oil acquired a license for the nuugal block from the somaliland government. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    taasi waxay sheegaysaa aad gedigiinba tihiin somaliland. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk xaqira ama diida ama qariya marwalba waad ogtihiin in aad somaliland tihiin. hargeysa caasimad idiin tahay. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hinaasa ama waasha.

    viva somaliland republic

  5. anigu waan daawaday xaqiiqadana waan ogahay warkan shalaan ka arkay voa. sida aad wax u tarjunteen maahane. odaygu wuxuu ka baryayay qaramada midoobay iyo beesha caalamku in ay somaliland iyo somalia dib u heshiisiin dhex dhigto. waxa kale oo uu ula tagay qaramada midoobay iyo beesha caalamku in ay somaliweyn mideeyaan. wuxuuna ka baryay in somaliland lasoo horfadhiisiiyo.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk oo ah wax lagu qoslo weeye waxaasoo dhan.

    waxaan odayga ugu gunaanadayaa waxaad shacabka somaliland ka wayday miyaad ka filaysaa in ay qaramada midoobay kuu keenayso. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxa kaliya ee ay kuu laqimayaan beesha caalamka iyo qaramada midoobay waxaan kuu laqimayo oo ah kala qaran baanu nahay.

    hadii la ikaa soo horfadhiisiiyo maxay iska bedelaysaa. waxaan kuu laqimi intaan aan kugu quus gooyay uun ee ah kala qaran baanu nahay. kolka walaalo sheekh shariifow imaanka isku jalis oo iskaga talo bax sheekadaasi.

    somaliland waa qaran aan xoriyadiisu gorgortan galin waana muqadas waana lama taabtaan weeye. horaanu u go’aaminay oo waad iska ogtahay in aduunku kugu soo oodmay oo shacabkaagii kusii nacayaan. dee shacabkale haku dul barooran oday yahow wareersan.

    waabad yaabaysay sida uu u baryootamayay kolkuu ka hadlayay golaha amaanka dhexdooda. sidii ay ayaku gacanta ku hayaan midowga somaliweyn. waxaanan leeyahay wax aad ka wayday shacbiga somaliland cid kale kuu keenimaysee intaasi uun baa laguu laqimayaa.

    viva somaliland republic

  6. Aar gantaal
    snm jiilkooda cusub waxay ka dhigeen zoombi aan wax kale ku wire garaysnayn aan ahayn s/land markaa inader haysku wareerin kuwan waaqic ka sayid caleeya uun bay arkiye kkkkk

  7. @ Geesiga

    Caqligaagu wuxuu u fekerayaa sidii sadex jiradda ma is tiri? Adiga ayaa si qaldan wax u fahma xaasidnimaduna adigay kugu kooban tahay.

    Xagaad ku aragtay reer Khaatumo oo SNM land dhib la doonaya idinka intaydin bilaabin ka hor? Khaatumo khasab idinkuma laha Soomaali soo raaca. Saddexdiina magaalo idinku sidaad u garataan ka yeela. Haddiise aad reer Khaatumo leedihiin khasab ku soo raaca fikirkayaga, yaa waalan markaa? Dhul Khaatumo SNM ma sheegan karto kamana talin karto. Taas markaad garataan oo guryihiinii ku noqotaan hadalkan aad leedahay waad oran kartaa. Inta taa ka
    horaysa, SNM inay SNM tahay baa la tusayaa.

  8. dhulbahante

    waa inaad ogaataan hargaysa iyo muqdisho waa laba walaalo ah oo dad soomaliyeed ku nool yahiin hadaad nacdeen nin reer waqooyi ah inaad wax ku darsataan dee isaga taga oo aada muqdisho oo halkiinaa joogo oo somaaliland colaada ka daaya cidina idiinma diidin inaad noqotaan soomaaliya maxaad ugu diidaysaan dadka ogol somaliland? somaliland waxaa magaalo walba degan hawiye ,majeerteen,ogaadeen,warsangali iyo ciise muqdishona waa joogaan isaaqna waa degan yahay maxaa idinku diray adinka dawlada somaliland? sow xaasidnimo maahan

  9. qudhaanjooy ku quuso dawlad soomaaliyeed oo shacabka soomaaliyeed samaystay ama xoog ku haysta lama hayo waxii ka dambeeyey siyaad bare.gobalada waqooyi waxaaka dhalatay oo ka talinaysay dawlad xalaal ah oo calan leh,lacag gooni u ah leh.ciidamo xoog leh haysata.markaa UNku waxuu rabaa in uu koonfurta dawlad gooni ah ku caawiyo siday u samaysan lahayd una ogolaan lahaydna siday u wada shaqayn lahaayeen soomaliland una noqon lahaayeen laba dawladood oo deris ah isna caawiya

  10. waaqica hada ka jira soomaaliya waa in koonfur wada jirta oo is ogoli aayan jirin waqooyi wax laysku yidhaahdo oo is ogolina uusan jirin.siyaasadii snm waxay ahayd in koonfuri burburto si xaaladii1960 kii dib loogu noqdo. lkn waaqic cusub oo xataa snm ka qaaday magacii magaalo madaxdii labaad oo ka dhigtay maamul goboleed weliba haday buuxshaan shuruudaha baa hada jira. arinkoodu wuxuu noqday wax badso wax beek bay leedahay

  11. Maalintii ugu horeysay oo khaatomo lagu dhawaaqay kan bbc da haysta wuxuu soo geliyey rajadii S/land oo god ku dhacdey isagoo ka xun inuu qoro xaqiiqda u runsheegtay

  12. Shariif waa in uu runta u sheega SNM oo iska daaya arintan beerka jecli xaydha jecli. Go’aan qaadashadu waxay badh ka tahay raganimadda. Tan kale, wada hadaladda dhex maraya SNM iyo TFG waa in ay ku salaysan yihiin xaqiiqada ka jirta Soomaaliya. SNM waa qabiil waana in sidaa loola hadla. Wax maamul “Reer Waqooyi” la yiraah ma jiro.

    Wasiirkan Cayr ee $$ ku qaatay siduu SNM madaxa ugu buuxin lahaa waa in laga saaraa guddiga iyo dowladaba. Ma aha nin Soomaali maamulkeed ku dhex jiri kara.

  13. lol naa anigu sidaada horufadhi iyo inamada dhulbahante kuma maqni dee ileen dhulbahante waanba ahay oo ragayagu waa wax ii yaala:- lkn webyada soomalida iyo kuwa caalamka badidooda intaan u bago newskooda ayaan akhristaa markaa waan isu miin guuriyaa waxyaalaha runta ahe ay isaga mid yihiin markaa waan tibaaxaa kaan runta idhaha ka qarsan ma grtay<….hada ka hor ayaa webyada maamul gobaleedka s.land soo bandhigeen haaheey ciidanka qaranka oo jooga buuhoodle kuna ruqaansaday ilaa magalada shishadeeda kkkkkkkkkkk qarannews wuxuu soo qoray ma taqaan dhirbaaxada ku dhacday ciidanka qaranka iyo xukuumada siilaanyo oo been abuur isku qancinaysa,bal ka tali hadaad Buduu Badaa ka keento linkga baan soo dhigayaa lol

  14. Nuura

    Dee inaabti adigu ma xisbiga UDUB baad tahay?? Qarannews.com waxaa leh xisbiga UDUB ee mucaaradka ah.

    Mar hadaad taageertay webka Qarannews dee Somaliland baa hoosta katahay ee maad si-fiican u cadaysatin inaabti quruxeey :)

  15. Wallahi i really Love Somaliland the Beautiful……..Mansha’allah……

  16. Qarannews Waa Shabakad inta badan tibaaxda raadraaca Runta & xaqiiqada dhabtee ka jirta maamul goboleedka s/land waxyaaluhu soo bandhigo qaarkood anaaba qosla siduu u kashifo mararka qaarna runta ugu sheego siyaasiyiintooda & beentay shacabkooda ku seexiyaan lol

  17. Yes…. we made it………

    Runtii waa guul usoo hoyatay shacbiwaynaha reer Somaliland ee halganka dheer u soomaray taabo-galinta iyo ka midho-dhalinta dib ulasoo noqoshada qaranimadii iyo dawladnimadii Jamhuuriyada Somaliland ee naga luntay 1960-kii.

    qirashada Madaxwayne shariif-na ee qaramada mudoobay ka dhex qirtay wadahadal toos ah oo dhexmara labadii dawladood ee 1960-kii jiray waa “italian Somalia” iyo “British Somaliland” waa tallaabadii ugu horaysay ee labadan dal iyo shacab ee walaalaha ahi isku aqoonsan lahaayeen si aan ugu wada noolaan lahayn gayigan Bariga Africa inagoo laba dawladood oo daris ah……..

    Somaliland Allow Dhowr……. Aamiin

  18. DHeere khatumo Power

    Dhegaweyne oo kashifey siro Siilaanyo ku qarsadey xiligey Kulmiye wada ahaayeen
    Written by Qaran news
    May 15, 2012 at 11:03 AM

    Hargysa,(Qaran news)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka xukumada Siilaanyo reebtay ee UDHIS Ibraahin Dhegaweyne ayaa kashifay siro uu u sheegay madaxweyne Siilaanyo muddo Hore xilli ay ka wada tirsanaayeen xisbigaa Kulmiye ,wuxuu kaloo Dhegaweyne sheegay tusmo iyo talooyin badan oo nasteexa oo uu u soo jeediyey ama u gudbiyey madaxweyne Siilaanyo oo ay ugu mudan yihiin colaadaha ka taagan Seemaal iyo Kalshaale iyo sidii loo soo afjari lahaa balse soo jeedimaha iyo talooyinkaas uu indhaha ka laliyey ama yaraystey

  19. Adeer inagaa ah beesha kaliya ee iclaamin karta kalago’ ama isla joog ummada soomaliyeed, waxaanuna dooranay isla joog, beesha dhexe hadal meesha uma yaalo iyada, sh. shariifna intaanu isla ogayn uun buu yidhi.

  20. Waa Saxe Hala Galo Wada Hadal Qoladaa Waxaan La Fahmaynoo Soconayn Ku Qafilmay,ILeen Iminka Iyaga Uun Baa Dad Gooni U Soocano Wax Haya & Waxay Tabanayaan midna La Garanayn U Muuqdee Umad Islaamana Dagaal Iyo Dhiig Daata & Jahli La Daba Taagan Iyagaa Jiree.Inkastoy Iska Gabagabowday Khiyaalgii Kuna Egayd Oo Qudha Intaan Soomaaliyi Isu Imaan
    Lkn Hada Ula Muuqatay Runtii & Gabagabadii Riyadiina Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay.

  21. DHeere khatumo Power

    Midnimada Somalia waxa qalinka lagu duugey 1960 Thus waa sandule ilalinta midnimada Somalia waqooyi iyo koonfur waa dal qudha dad qudha diin qudha iwm
    idor waa reer kamid ah reeraha degan Jahuriyada Somalia sida pintland
    Therefore cid laga yeelayo sadbursi ma jirto.
    Maamulka Khatumo state waxa samaystay dadkiisa wuxuna metela dadkiisa
    By the people, for the people,of the people that is the power of the Khatumo
    cidkale naguma qaraban karto filmkas waa dhamaday adunkuna waa tageray
    maamulka Khatumo sida USA Europe Ethiopia Jabuti Turkey Kuwait
    Kenya Uganda iyo qaarkalo badan.

    Khatumo state Guuuuuuuuuuuuul iyo Horumar insha allah.
    Wabilahi Towfiq.

  22. Waa ku qasban yihiin wadahadalada TFG ileen khaatumo baa ku qasbaysa SNM wax walba sl bil ka hor meesha ay joogatay maanta ma joogto khaatumo baa cunaha udhaafila aakhrina halkaa by udhimanaysaa kkkk kkkk kkkk khatumo guul

  23. oo hadaa madaxweynuhu mawax kaloo aan ahayn ISAAQ dhulkiisa iyo dadkiisa ayuu u hadli karaa ayaa laga sugayey???
    madhacayso hadii SOMALIA ADUUNYADA AAN DIB LOOGU ARKAYNIN inay KHAATUMO STATE ogolaato so called somaliland. khaatumo and it’s land was never been part of so called somaliland and never will.

    it’s not what ISAAQ TRIBE says or claim,it’s what khaatumo people do.
    and that is what counts the end of the day. today isaaq are begging let us talk south and north!!!. this is nonsense and will never happen. khaatumo will never allow that to happen because don’t believe there two somalia. we believe there only and the only one somalia and we are part of that somalia.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Matan: khatumo waalidkeed garaad jaama garaad ismail ayaa arrange marriege u sameeyay oo siiyay s/land laakiin...
  • xarbI: waan daawaday dooda aad ayey u fiicnayd lkn ninka madaw doooda in lagu sooo daro may ahayn akhlaaqdiisa ayaa...
  • kalshale: ilma garaad ismaaciil Sedaxdii nin ee wanaaga diiday Waabaa waxaa jiray sadex nin oo walaalo ah oo ilaahay...
  • Nuura: maraa waaxid isimadan faraha badani way na waaleen yaa hal garaad oo go’aan adag oo labac labac aqoon...
  • DAALO S/LAND: Horta Dhulbahantahan Garaadadoodu mid dhamaata maaha miyaa??