Midowga Yurub oo Bilaabay baacsiga burcad badeeda.
Saacado kadib markii baarlamaanka Germanka uu meelmariyey codbixin uu maraakiibta dagaalka dalkaasi ugu ogolaanayo in ay hawlgal military ka fuliyaan gudaha ciida Soomaaliya waxaa uuna ka dhacay weerarkii ugu horeeyey oo ay ciidamada Midoowga Yurub ee badda ka fuliyaan gudaha Soomaaliya kaas oo ka dhacay meel udhow Degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug shalay.
Weerarkani ayaa la sheegey in lagu burburiyey saldhig iyo keyd hub oo ay lahaayeen burcad badeeda iyadoo si dhab ah aan loo xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqenta ay geestenydiyaaradaha Midowga yurub .
Burcad badeed ayaa hada waxey gacanta ku hayaan in ka badan 15 markab iyo shaqaale kor udhaafaya 3 boqol kuwaas oo intooda badan lagu haytso gudaha dalka soomaaliya .
Dhanka kale warar soo baxaya maanta waxey sheegayana in ay burcad badeed soomaaliyeed ku hanjabeen in ay dilayaan shaqaalaha ay afduubka u haystyaan.
Xigasho:Radiokhaatumo.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=16426


