Daawo Full Video Ku Saabsan Xafladii Caawa Kadhacday Hotelka Axmed Cabdi Guray Plaze Qormadii 1aad Ee Video Ga Caawa iyo Ardayda Khaatumo
Daawadayaal Waxaan Jecel Nahay in aanu marba marka ka danbaysa aan idiin soo gudbino qormooyin ku saabsan ardayda G/ Sool Ee Ku Sugan G/ Cayn iyo soodhawaynaha kala gadisan ee looga soo dhaweeyey G/ Cayn Hadaba Naladaawada
Qormadii 1aad Ee Muuqaalka Xaflada Caawa Goor Dhawna Waxaad Lasocon Doontaan
Qaybaha Kale Ee Xaflada iyo Soo Dhawaynta Ardayda
HALKAN KA DAAWO
Short URL: http://horufadhi.com/?p=16441



Mudaharaadyo xalay Gil-gilay New Hargeysa, xukuumadda oo Ciidamo dhoobtay iyo Wasiiro ka qaxay xaafadihii ay ka deganaayeen
Xukunkii Maxkamadda Ciidamadda oo Xalay Hurdada u diiday Reer New Hargeysa iyo Xukuumadda oo Cabsi ladi weyday
Wasiir Duur iyo Wasiir Xirsi oo la sheegay cabsi awgeed inay ka qaxeen xaafadahoodii iyo kuwo kale oo Amnigooda la adkeeyay
Hargeysa(Waaheen) Kooxo is abaabulay Dhawaqii Xukunka Maxkamadda Ciidamadda kadib ayaa xalay xidhay Jidka dheer ee dhex mara Xaafadda New Hargeysa ee bariga Hargeysa, waxaanay ku gooyeen Taayiro ay gubeen, hase yeeshee waxa markii danbe la tacaalay Ciidamo badan oo Booliis ah oo ay Xukuumaddu ku filqisay xaafadaasi iyo Madax dhaqameedka beesha degtam inkasta oo ay ku guulaysan kari waayeen inay seexiyaan.
Dhinaca kalena warar aanu xalay ka helnay xaafadaasi kadib markii ay xaaladdu sii cakirantay ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X Cali ay cabsi darted guryahoodii faaruqiyeen oo ay u qaxeen meelo aan la garanayn.
Beenta maamulka waqooyi galbeed waa dhamaatay THE END !
Aduunkuna wuxu ogaadey in dadka dega gobolada Khatumo states ayan raali ka ahayn ujeedada guracan iyo beenta haraagii snm ku qaraabtan.
Long life Khatumo state of Somalia.
maansha allah waa arrin aad loogu farxo
Qardhawi
walaal waad mahad santahay runtiina cayda waxaan ceeb iyo aakhira seeg ahayn lagama dhaxlo iyo inaad wallaalkaa isku nacdaan markaa waxaan codsan lahaa in cayda la yaraysto qolada Dhulbahante ee Majeerteenka caydana waxaan leeyahay waxaa jira kumanaan Majeerteena oo walaahay maalin iyo habeenba ka ooyaya dhibka khaatumo lagu hayo ee ay labada maamul ku hayaan, oo iyagu dhalashada darteed ay dhibayso.
Masha’Allah Wallee Jiilkii Darwiihstu Waa Kuwaa, ILaahayoow Idin Daa Way Iga Qiiraysiiyeen
Bal Dhuuni Qaataha Laascaanood Jooga Ee Quud & Jiritaanba Ka Dhigtay Dhiiga Dadkooda: Ma Waxay Garan Waayeen Ardaydii Yar-yaraydee Kunka Jeer Dhali Karayeen Waxay Garteen?. Sandareeroow Sumaysanoow Sanadkaa Maanta Ah Wa Nin Nooloo Aduunka Saaran Oo Door Leh & Nin Akhira Jira Oo Laga Samray, Markaa Caada-Qaatoow Akhirana Ma Jirtid Aduuna Ma Joogtid Xukunkaagu Waa Qofaan Dhimana Noolayn,Qalbigaa Marad Ku Noqday Maskaxdaa Ku Madoow. ILaahay Baa Maalikul Quduuse Inuu Idin Daweeyo Waxba Kuma Aha Haduuna Dawo Idin La Damcina Fidnadiina Sharkiina Balayadiina Allah Swt Hana Gees Mariyo Si Deg Dega ILahay Waxaan Naxayn Haydinku Soo Diro.
waanu soo dhowaynaynaa cid alle iyo cidda midnimada umadda iyo wanaagga jecel .. ama ha noqdeen puntland ama somaliland .. anaga qadiyadadu maaha mid ku salaysan cid necayb ama qolo necayb lkn waxaanu ka soo horjeednaa wixii midnimada ka soo horjeeda … xagga ardayda soo dhowaada waa dalkiinii waa dadkiii waaa doorkiinii waa dawladdiinii welcome with open hands
Anigu MJ baan ahay balse walaahi KHaatumo dhiiga beey i kicisay …………….wadaniyad iyo walaatinimo waa jidka kaliya wax lagu gaari karo. Kaliya ha ku dayanina kuwa idin caayaya ooo waa dad damiirkii iyo diintii ka tagtay/
waar ardayda ka daaya waata booskoodii imtixaanka kaga jiree, mise xorayntii laska ardayda gashay.
maxay ka jaqi maxayse ku jiqi….