|

Saadaalinta Siyaasadda Soomaaliyeed ee shanta Sano ee soo socota qaybtii labaad.

Qoraalka qaybtiisii hore, waxaynnu si kooban ugaga soo hadalley, Lixdankii sono ee ugu danbeeyey afartan ka mida maxaa Soomaali u qabsoomay, ama siyaasaddeeda dibad ugu godo maxay ahayd. Waxaynnu soo xusnay, haddii la saadaalin rabo mustaqbalka ummadi leedahay, waxaa muhiim in la yiraahdo waa sidan:-  Wixii ummaaddaasi hore u ahayd+ waxa ay tahay maantada la joogo= mustaqbalka ummaddan.


   Waxaynnu maanta qormadeenna ku faahindoonnaa, labaatankii sano ee burburka waxa ummaddu ahayd iyo waxa ay maanta tahay, si loo saadaaliyo mustaqbalkeeda dhow!
Ugu horreynba, aynnu niraahno ummadda Soomaaliyeed, markii ay wayday nidaamkii dawliga ahaa, waxaa isugu habar wacday yamyam iyo qadaad weyn.
Haad iyo haanraawe ayaa ka dhergay; waxaa xabadi dishay ilaa hal malyan iyo ka badan, waxa barakacay, oo weli barakaco ku socdaa ilaa shan malyan.
Dadkaasi waxay kala galeen, wadammada Jaarka la ah Soomaaliya(Kenya, Xabashida iyo Uganda),dadka Soomaalyeed hayaankiisa iyo habaqlihiisu wuxuu gaarey, bartamaha iyo koonfurta qaaradda Africa. Labada dawladood ee deriska ahi, dhinac walba way uga faa’iideen qaxootigii Soomaaliyeed, iskaba daa inay ku dawersadaan magaca qaxootiga Soomaaliyeed oo wax ku helaane, waxa la barey ganacsiga casriga ahi qaabka uu uga shaqeeyo adduunkan.
    Dhinaca kale, dhaca dilka boobka qaabaysan iyo dhibaatayna aan kala go’a lahayn ee loo gaysanayey ummadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalalka deriska ahi, wuxuu eersaday dawlad la’aanta Soomaaliyeed. ”Waxa Owda inan aabbe leh, oo ahal u muuqdaaye, agabli’idu waa waxa cidlada loogu awdalaye”
Majirin, dawlad si buuxda ugu soo gurmatay dalak dagaaladu naafeeyeen; balse ayaamahan danbe, ayaa dalka Turkey-gu u soo hiilyey ilaa xad, ummddan ay wadaagaan Islamnimada.
Dadka  Soomaaliyeed,  wax uu kororsado iska daaye, afartankii sano ee hore wixii uu helay cilmi, caqli iyo khibrad dawladnimo way ka guurtay(dadkii garanayey ayaa le’dey).  Ninkii carruurtiisa waxbarasho geeyeyna, cilmi naafica, oo umadi ku faanto muu barin, sababtoo ah jeeb qaxooti, ma bixinkaro waxbarashada qaaliga ah.Waxaaba jirta, in lagu yiri ardada qaxootigu, markay dhammeeyaan dugsiga sare, inaan loo ogolaan dhaqtarnimo iyo Engineer-nimo toona! Waa dhab arrinkaasi, baadhitaan dheerna waa laga sameeyey.
Waxaynnu oran karnaa, calaamdda taban(minus) ee Soomaali gashay, waxay qaadanaysaa in laga baxo, lixdan sano oo loo halgamo sidii berigii hore, in la helina rabbi baa ku cilmi leh.
Haddaynnu intaas ku dhaafno lixdankii sano ee ugu horreyey Soomaali ururinteeda, bal aynnu eegno waxa ay tahay Soomaalida maanta.
Tacliin iyo aqoon boqolley loogu xisaabtamo si looga saaro dalka dhibku ku habsadey, hadalkeeda daa!, Dhaqaale lagu naaloodo ma jiro.
waxa soo gala qofka Soomaaliga ah meeluu joogaba, haddii celcelis la qaato, ma noqonayo laba doller oo Mareykanka lacagtiisa ah maalintii. Waa wax aan qado go’yn, nolol maalmeed kale oo la maareeyo haba inoo joogee.
   Waxaa wax lagu farxo ah, in dibadjoog iyo daljoogba, maanta baahi dawladeed ay wada dareemeen. Waxa ugu badani waa bay’adaha ay ku noolyihiin oo aakhiritaankii qaleeyey waa qurba joogtee, kuwii guduhuna ay arkeen in dalkoodii la cayn wareejiyey, oo ciidammo shisheeye, siday doonaan ka yeelayaan.
Saadaasha siyaasadeed ee shanta sano ee soo socota, waa togan tahay(positive sign). Balse waa haddii oo keliya dadka inta dulmani, xaqooda soo dhacsadaan, laysna cafiyo. Dastuurka qabyada ahna, la hirgeliyo oo laga dhanbalo shuruucdii dawliga ahayd. Waxaa dhegaha dadka ku noqday eray xanuun badan “dawlad ku meel; gaar ah”. Dadku waxay diyaar u yihiin, indawlad qaran oo xoogbadni dhalato, shansano gudaheedna, gaarsiiso dalka  banii’aadamku qaabka uu u dhaqmo wax u eg. Taasi waxaa ku xiran shuruud adag, waxana ugu horreeya, in reer galbeedku ka daayaan hagardaamada qarsoon iyo midda muuqataba Ummadda Soomaaliyeed. Waxa iyana meesha taal, in qof waliba ku tabaruco wixii uu dalka gelin karo(maal, aqoon iyo isu soo jiidida ummadda).
      Sida aqoon yahaynnada qaarkood ku talinayaan, waa in la keenaa miiska wada hadalka ruux kasta oo wax tabanaya, ama ka talinaya ummadda Soomaali  weyn, oo mar labaad laga haybaysto, sharafteeda iyo karaamo wixii u hareyan la ilaaliyo.
Soomaalida lafteeduna, waa inay kala garataa nacabkeeda iyo nasteexeeda.
Haddii aaney dhicin, in mar labaad dalka dibadda looga taliyo(waxa loogu yeero bulshada caalamka beenta ah), Soomaaliya way isku tiirsanaysaa, shan sano gudaheedna, qaab ay adduunka ku raacdo, ayay hilaadinaysaa. Madax weynaha dalak Xabashida, oo arrinkan ka welwelsani, waa kan u yeeray, qolyihii ka caroodey meelmarinta dastuurka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa ka go’an dalka Xabashida iyo wixii u taliya, inaan dawlad xoog leh oo Soomaaliyeed mar danbe indho laga qaadin. sababta loogu yeeray Faroole, shariif sakiin iyo mahiga inay iska sooxaadiriyaan adis ababa, waa in lagu furo tashuush dastuurkan Soomaaliyeed ansixintiisa iyo wax ka bedelkiisa intaba.
       Shanta sano ee soo socota, Soomaali waa taabbo qaaddey insha Allah.
                                                           Eng,ibndariq.
Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16705

Posted by on May 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Saadaalinta Siyaasadda Soomaaliyeed ee shanta Sano ee soo socota qaybtii labaad.”

  1. waxaad masaxdeen qoraalkaan halkeenay oo ka sheegayay xaqiiqada dhabta ah ee laascaanood ee aan kasoo xigtay universal tv.

    waxaa malaha wajiga idinkaga dhacay kab weyn. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaad ka naxdeen xaqiiqada laascaanood iyo sidii looga damaashaaday 18 may oo ay calanka somaliland kor ugu lalayeen. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    waxaan qolyahayn ugu gabagabeenayaa. hargeysa biyo way ka buuxdaaye idinku deked ma hesheen biyana maleedihiin. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    mida xigtaana sheekadan somalia anaga inama khusayso. waayo dalkalaanu nahay. dhawaan ayaanay dib u furmayaa wadahadaladii somalia iyo somaliland ee lagu kala baxayay. kolkaa adigu waxaad isku maaweelisaa waatan in aad somaliweyn noqonaysid taasi oo aan weligeed jiraynin. waanu go’nay somaliyana farta ayay wadnaha ku haysaa. oo way ogtahay in aqlabiyadeenu majority tahay yes. intaasi meer meer baa hayay sheekh shariif. se maanta si geesinimo leh ayaanu waji bil waji isku hor imaanaynaa. oo aqlabiyada waqooyi hadaa la tusayaa cida haysata. sheekh shariif waa ogyahay aqlabiyada somaliland cida haysataa intaasina baroorta uun sii wata. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    viva somaliland republic

  2. aliyow
    Dadka am jara hababin, topic-gu waa siyaasadda Somaliya shan sano, gudaheed,xaggee kaga jirtaan reer ahaan, kolley kama maarantid midnimo, oo waannu ku ognahaye. Haddaaney sidaasi jirin, xamar ka kaxayso qaaqlayaalka reer iidoor ee soo shaqo tegay.
    Miyaad haysaa qof koonfuri ah, oo u shaqo tegay Hargeesa, waa calaacal timo ka soo baxeen.

  3. ninkii kanixilahaa iyo kii kalaba walee mid aan lafakhriyaan ayaa lagahelay kiilabaadna hadaybilaabeen oo isla meesha ah inta bishaan kahadhay ayaana kahadhay xafladiisi khayraadkana in aan hawiye iyo isaaq ilalahayn waxaan ku ogaaday ilaa iyo maalintii qodidiisa labilaabay bay kuhayeen sunbaa lagu aasayaa kkk maanta banaankuuyaala cali dawaca sumaysan waa inoo iyo asbuuca dambe

  4. aniguba warbixintaa waan akhriyey oo runbuu cali caac sheegay lakiin wuxuu kuyara qurxiyey xooga qosala oo uu ku farxay khasaaraha meeshaa ka dhacay laakiin shirkadu waxay u muuqataa inaanay weli kasamrin oo ay qodayso meel aan sidaa meeshii hore uga fogeyn meeshii hore qudheedu waxay u muuqataa inay wax ka heshay laakiin aanay rabin xilligan imminka ah inay soo saarayso waayo xagga nabad gelyada ayaanay kalsooni buuran ku qabin kolkaa waxay sii baadhaysaa meelo kale oo cusub waxaana qoraalka aad ka dhadhansanaysaa in aanay gaadhin mitiradii loogu tala galay oo ay weli hadhsan yihiin ilaa 500m

  5. @ali
    Hargiesa biyo ma heshay. Hargiesa biyaha week week ayaa loo qadaa maalinba xaafada ayaa loo siidayaa biyaha. Alina shidaal ayuu ka hadlayaa cajib. When hargiesa pples get enough waters before international community regonized as goverment

  6. qoraagu wuu iga qosliyey waxaa oyda inan aaba lahoo ehel u muuqdaaye waa run soomaaliya way ogoonoowday oo idha beeshay dalal kaloo africana ama kuwa reer galbeed ayaa u aabiyo hooya ah.kuwaasina asxaan uma galaane majarafad bay ku walaaqayaan ilaahay hayna samata bixiyo isagaa qaniyoo qaadiree aamiin mustaqbalka rajo wanaagsan iyo dawlad xoogle insha allaah naxariista ilaahay lagama quustee.

  7. lol caliyoo one week ku jiray hospitalki waalida oo soo baxsaday xaal allah ha sahlo.

  8. Horn Petroleum suspends drilling at Somalia well
    Fri May 18, 2012 6:09am GMT Print | Single Page [-] Text [+]
    (Reuters) – Horn Petroleum Corp has suspended drilling at its Shabeel well in Somalia’s Puntland and said it will move the drilling rig away from the area before reaching the planned depth of 3800 meters.

    The well in the Dharoor valley hit a metamorphic basement at a depth of 3,430 meters, Horn Petroleum said in a statement on Thursday. Basement is the rock layer below which economic oil or natural gas reservoirs are unlikely to be found.

    Horn Petroleum’s shares more than halved to 77 Canadian cents on Thursday on the Toronto Venture Exchange.

    The rig used to drill the Shabeel well will now be moved 3.5 kilometers north of the current location, the company said.

    The well, whic3h earlier hit a 12 to 20 meter hydrocarbon pay, a measure of a reservoir’s thickness, could hold up to 3 meters of additional potential hydrocarbon pay at a depth of 3,246 to 3,430 meters.

    “They (the latest hydrocarbon pay) are not considered to warrant testing at this time…,” Horn Petroleum said.

    Canada’s Africa Oil Corp owns a 51 percent stake in Horn Petroleum, which holds a 60 percent working interest in the Dharoor and Nugaal blocks in Puntland — a semi-autonomous region in the northeast of Somalia.

    Africa Oil began drilling an exploratory well in Puntland region in January, the first to do so in the country since civil war erupted two decades ago.

    Somalia, mired in conflict since warlords and Islamist militants reduced the government to impotence, represents one of the final frontiers in Africa to be explored. The country has no proven hydrocarbon reserves.

    Horn Petroleum’s other partners in the Dharoor and Nugaal blocks are Australia’s Range Resources Ltd and Red Emperor Resources.

    Africa Oil shares fell as much as 8 percent to C$6.70 on the Toronto Venture Exchange.

  9. Shirkadda Horn Patroleum oo sheegtay iney shidaal ka weysay ceelkii ay ka qodeysay degaanka Daroor ee maamulka Puntland

    Qoraal saxaafada loogu talo galay oo ka soo baxay maamulka shirkadda Horn Patroleum xaiiskiisa magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu shaaciyey in shirkadaas ay joojisay howlihii shidaal qodista ee ay waday bilihii u dambeeyey degaanka Daroor oo ka tirsan maamulka Puntland.

    Shirkada Horn Patroleum ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Ceelka Shabeel-1 oo muddo bilo ay ah howl shidaal qodis laga waday gebi ahaan la joojiyey markii wax shidaal ah ay ceelkaas ka waayeen, iyagoo xusay in howlaha shidaal qodista ay u weecin doonaan degaanada kale ee Puntland.

    “Riiggii ceelka Shabel-1 waan ka saarnay halkii uu ku mudnaa, waxaana fileynay in markii aan hoos u socono 3000-mitir uu shidaal imaan doono, balse waxaan soconay 3,430-mitir wax shidaal ah ahna waan ka weynay sidaas awgeed waan joojinay shaqadaaas meelo kale ayaana u wareejinaynaa howlaneena” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay shirkadaas.

    Madaxweyne Faroole ayaa horay u sheegay in shidaalka laga qodayo dooxada Daroor hadii la soo saaro uu horseedayo horumarka Puntland isagoo xusay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay Shirkada Horn Patroleum u billaabi lahayd shidaalka Qodida hase ahaatee hamiga Madaxweyne Faroole ayaa hada u muuqda mid aan dhab noqonin, mana jiro war ku saabsan arintan oo ka soo baxay maamulka Puntland.

    Bishii Janaayo 16-keedii ee sanadkan 2012-da ayey ahayd markii ugu horeysay oo shidaal qodis laga bilaabo degaanada Puntland ee Somalia xilli ay jireen dad badan oo soo dhoweeyey iyo qaar kale oo tilaabo aan wanaagsaneyn ku tilmaamay shidaal qodis lagu sameeyo dhul ka mid ah dalka Somalia oo ay sheegeen in dhaqaalahooda ka soo xerooda aysan wax badan ku yeelan doonin Soomaalida.

  10. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    qosolba isma hayn karo. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    batroolkii puntland oo beenoobay iyo shirkad ku khasaartay. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Baatroolkii Laga Qodayey Puntland Oo Beenoobay Iyo Shirkad Ku Khasaartay
    May 19th, 2012 Comments Off

    Garoowe (Somaliland.Org) – Shirkada Horn Petroleum ee shidaalka ka qodaysay ceelka loo yaqaano Shabeele oo ka tirsan deegaanka maamul beeleedka Puntland ayaa gebi ahaanba joojisay hawshii shidaal qodista ahayd ee ay halkaas ka waday.

    Sidaana waxaa si rasmi ah khamiistii doraad u xaqiijiyey afhayeen u hadlay shirkada Horn Petroleum, waxaanu intaas raaciyey in shirkadoodu go’aansatay in ceelka Shabeele ay ka furto riigii petrolka ka qodayey markii la qoday qiyaastii 3,430 meter balse aan gaadhin qiyaastii loogu talo galay in la qodo oo ahayd 3,800 oo meter.

    Ka dib markii ay shirkada soo wajaheen duruufo qalafsan oo ay ka mid yihiin ceelka xagiisa hoose oo noqotay dhagax aad u adag oo aanay suurto-galna noqon karin in meeshaas laga helo wax petrol ama natural gas ah.
    Iyo khasaare dhinaca maaliyada ahi, taas awgeedna Afhayeenku waxa uu intaas raaciyey in riigii ku xidhnaa ceelka shabeele laga raray meeshii hore loona wareejiyey meel 3.5 kilometers waqooyiga ka xigta ceelkaas.
    Dhinaca kalena warbixin ay isla maalintii khamiista baahisey shirkadaasi ayaa waxa ay ku sheegtay in arintaas darteedna uu saamigii Shirkada Horn Petroleum si deg deg ah oo lama filaan ah hoos ugu dhacay.

    Iyada oo warbixintaasi tilmaantay Seylada saamiyada lagu kala iibsado ee magaalada Toronto ay maalintii khamiista shirkada Horn Petroleum’s shares keedu ka marayeen 77 Canadian Cent halka uu shere-ka shirkadaasi hore uga ahaa $6.70.

    Arrimahan ayaa la sheegay in ay walaac iyo niyad jab xoog leh ku keeneen masuuliyiinta shirkada Horn Petroleum iyo shirkadaha kale ee hawshan ku wehelinayeyba, gaar ahaan Shirkada Canadian-ka ah ee magaceeda la yidhaahdo Africa Oil Corp. taas oo iyadu saami dhan 51% iska leh shirkada Horn Petroleum , oo masuul ka ah boqlkiiba 60 % ceelasha Dharoor iyo ceelka Nugaal oo ka tirsan Somaliland hase-yeeshee maamul beeleedka Majeerteeniya ku murmo caalamkana u sheegto in uu leeyahay. Sidoo kalena Shirkadan Horn Petroleum’s ayaa kula shuraako ah Dharoor shirkadaha Australia ‘s Range Resources Ltd iyo Red Emperor Resources.

    Dhinaca kalena go’aanka shirkadani ku joojisay hawshii shidaal qodida ahayd ee halkaas ka waday waxa uu ku soo beegmay xili ay soo baxayeen warar sheegaya in dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya dadaal weyn ugu jirto shidaalka laga qodayo dhulka maamul beeleedka Puntland. Ka dib markii sida la sheegay maamulka Garoowe iyo dawlada Sheekh Shariif uu soo dhex galay khilaaf la xidhiidha dhinacyada awooda siyaasada iyo saami qaybsiga khayraadka dalka, gaar ahaan dhaqaalaha shidaalka oo la sheegay in Faroole iyo ra’iisal wasaare Gaas ay aad isugu maandhaafeen.

    XIGASHO; WARGEYSKA DAWAN

  12. Shirkadda Shidaalka ka Qodaysay Puntland oo sheegtay inay joojinayso ceelkii ay ka qodaysay Dooxada Darroor
    Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo.

    Warbixin ay shirkadda soo saartay ayay ku sheegtay in riiggii ay ka saartay halkii uu ku mudnaa, iyadoo xustay inay horay u qorsheysay in markii ay hoos u socdaan 3800-mitir uu shidaal imaan doono, balse ay gaareen 3,430-mitir balse aysan hayn wax shidaal ah.

    Shirkaddan oo saldhigeedu yahay dalka Kanada ayaa waxay sheegtay in howsha lagu qodayo shidaalka ay u wareejin doonto deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, iyadoo heshiiska shirkaddan iyo Puntland ay galeen uu dhigayo in 51% ay shirkaddu yeelato shidaalka la helo.

    Howsha lagu qodayo shidaalka Puntland oo billaabatay bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga billaabo shidaal qodis.

    Puntland ayaan weli ka hadlin joojinta ay shirkadda Horn Petroleum Corp joojisay qodistii shidaalka ee Puntland ay kawadday, iyadoo shirkaddu aysan sheegin halka ay qodidda shidaalka ka billaabayso.

    Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in shidaalkan uu u horseedayo Puntland horumar, isagoo xusay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay shirkaddan u billaabi lahayd howsha qodidda shidaalka.

    Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
    maxuseen@hiiraan.com
    Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Kuluc Adna saad u joogtaad filimkii hindiga ahaa ee cali dheere iyo himaa meliina inoo saartaa war meeshii...
  • kuluc: ninay HJ iyo bahararsane isku doon bay saaran yihiin ee haynugu daloolin bahasha inaabti kkk, walaahi idinkaa...
  • khabiir: Dad habro u taliyaan baa raba in ay dad noqdaan ragna la xisaabtamaan. Habaro baa qaaraan $10 doller ah...
  • NINA: Moodada cusub ee. Siyaasada. Maamulada jiiraanka p/land oo f/garrad mid ah ka dhigtay madaxwayne ku xigeen hada...
  • kuluc: NINA ninkii ingiriis carre ee inoo yimi ma arkaysay 95 million oo pound buu inoogu kordhiyey inti hore EVERY...