|

Baaq Nabadeed oo ka yimi Jaaliyadda Guuleed Garaad UK.

Anagoo ka kooban jaaliyadda United Kingdom ee beesha Guuleed Garaad waxaanu ka xunahay dilka ka dhacay magaalada Docmo ee xadka Itoobiya iyo Soomaliya loona gaystay dhibane ka soo jeeda beesha Guuleed Garaad. Waxaanu ugu baaqaynaa labada beelood ee Kheyr Cabdi (Qayaad) iyo Guuleed Garaad (Barkad) in shaqaaqadaas lagu dhameeyo si silmi ah iyadoo laga feejignaanayo in dhiig danbe daato qolo walbana ay gudato waajibaadkeeda saaran si loo xakameeyo dhib danbe oo halkaas ka dhacda.


Waxaanu ugu baaqaynaa wax garadka iyo aqoonyahanada jooga wadankii inay ka qayb qaataan deminta dhibta ka taagan Docmo sida ugu dhakhso badan gaar ahaan maamulka Khaatumo State of Soomaliya waa in ay kaalintooda ka qaataan.

Ugu danbayn waxaanu tacsi u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ninku ka dhintay, baaqa waxaa diraya

1-Oday Cabdiraxmaan Cali Jidaal
2-Oday Cali Xaaji Xirsi
3a-Oday Maxamed nuur Yare
3-Oday Maxamud Xaaji Cumar
4-Oday Cabdi Caziz Cali Jidaal
5-Imaam Bashiir Maxed Xirsi 
6-Abdul maxamed Cali Bunay
7-Cabdiwahaab Jama
8-Maxamed Xasan Guuleed
9-Saleebaan Maxamed Xaaldiid
10-Dr Sayed Cali Jidaal
11-cabdicaziz cawil dirir
12-aqoon yahan Abshir Qobyare
13-Maxed Ismail Burcay
14-Cali Kahalif Farabadane
15-Cabdikariin Cawed Faraax
17-Ciise Burhaan Faarax Cabaade
18-Maxamed Ciise Kayse
19-Aqoonyahan Saleban Caydiid
20-Engr Yuusuf Ismaciil Bulaale
21-Aqoon yahan Maxamud Salaax Gadhwayne
22-Xuseen Nuuryare
23-Engr Mohamud Ali Jidaal

Mahadsanidin

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16898

Posted by on May 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Baaq Nabadeed oo ka yimi Jaaliyadda Guuleed Garaad UK.”

  1. Mashaa’Allaah waa baaq wanaagsan oo caafimaad qaba.

    Insha allaahu waxaan rajaynayaa inay arintu intaa ku egaato,,,oo la sii balaadhin gacan ku dhiigle kastana in tolka laga soo qabto inagay caafimaad iyo fidna la’aan inoo tahay waayo nin waliba markuu arko saaxiibkii meeshuu maray way yaraanaysaa dilka iyo dhiiga la fududaystay,somalia waxaa ka taagan labadii laba eray is waydaarsata xabadaa ka soo horaysa feedhkii murankii budhayntii lays budhayn jiray iminka qorikaasaa galay,,,,waxaan ra jaynayaa in laga ilaaliyo deegaankeena qorigaa caradiisa la fududaysanayo insha allaah wax waliba khayr bay ku danbayn kuna dhamaanayaan ilaahay wax dhiba hay naga hayo. Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

  2. insha allah dhib madhici dono barkad iyo khayr cabdi waligod way dhamen jiren wixi dhexmara hadana way dhamen donan insha allah

  3. Mr omar ragbaa naftoodi u huray khaatumo adna shiliman badka hadlaysaa iyo wax la cuno waxaan umalaynayaa darawishtadan ahayn… Docmana waa la dhamaynayaa shaqaaqada ka taagan wax garadkii iyo odayaashii dhulbahantena way u guntadeen ee ninkii jecel dhulbahante is dilow ka nax

  4. Mr omar ragbaa naftoodi u huray khaatumo adna shiliman badka hadlaysaa iyo wax la cuno… Docmana waa la dhamaynayaa shaqaaqada ka taagan wax garadkii iyo odayaashii dhulbahantena way u guntadeen ee ninkii jecel dhulbahante is dilow ka nax

  5. Adigana Alle ku doori kkkkkkkkkkk waxaad tahay nimay nacasnimo rarataye. Qolaa caynkana iyo qolaa caynkaaya wakhtigeedii wuu dhamaaday. Hadaadse doonayso waxkaa dhegaysta waxaad la meeraalaysanayso, faroole iyo xagaa usii luud intaanay Khaatumo ” Qanjirka iyo qamaaqamaha mahay iska qabtaan” kugu dhufun.

  6. aleylehe firaaqaa u hesheen faraqa naagaa kkkkkkkkkkkkk

  7. mr omar

    waar ka gaadha nimanka faraqa naagaha way furteene

  8. khaatumadii howshan loo igmaday ma taleex bay khaad cunid u fadhiyaan allow alle wallee inta reer aan ogahay reerkan ku dhex jiraan , reerka dhulbahnte ma guuro, oo docmo may tagaan shaqada xaliyaan maamulkii reerka loo doortay waa ayaga duli alla idnku rid wallee shilin danbe kuma baxsho khaatumo iy o huuhaa

Leave a Reply

Recently Commented

  • DAALO S/LAND: Somalidu waxay tidhaah “Hal Xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”. Kastuumo haday marka...
  • Nuura: kkkkkkkkkkk walluhu ku qabay oo ku qalaji idam allee sidii xaabsade gacma barar badani wuu idin ku dhici.
  • xamdi: walee idoor maaliin cad bad ka huuleeli lasanod kelab maa mantay reer kaatuumo ugu caga juugleeyen war...
  • SSC-Citizen From xudun: Shirkani yuu daba dheeraan, 3 cisho gudohood ha lagu soo afjaro, Madaxweyne iyo dhawr Wasiir...
  • NINA: Kalshale waxaynu intaa waydiinaa halkuu ka keenaa sheekooyinkiisa kkkk ninku isagaa ah alifaa heer sare ah oo...