|

Gudida Fulinta ee beesha Xuseen Siciid ,{Hayaag}, oo Bayaan soo saaray.

Beesha Xuseen Siciid (Hayaag) oo warsaxaafadeed ka soo saartay koox qaswadayaal ah oo ka soo kicitimay Garoowe
Shir dhinaca isgaadhsiinta ah (teleconference)oo ay caawa oo bisha May tahay 21, 2012 isugu yimaaddeen guddiga fulinta ee xaaladda deg dega ah ee beesha Hayaag ayaa waxa ay ku falanqeeyeen saamaynta ay ku yeelan karto gobolka Cayn iyo guud ahaan degaannada Khaatumo imaatinka koox laga soo abaabulay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Axmed Cali (Dabagooye) oo bishii April 27keedii laga xayuubiyay maskabkii isinimo ee uu u hayay beesha Hayaag.
Haddaba dood dheer iyo falanqayn ku saabsan saamaynta ay ku yeelankaraan kooxdaasi degenaanshaha iyo nabadgalyada gobolka Cayn iyo degaannada Khaatumo, waxaa guddigu isla gartay in loo bayaamiyo beelwaynta Dhulbahante gaar ahaan dadwaynaha reer Buuhoodle mowqifka beesha Hayaag ee ku aaddan kooxdan uu horboodayo Cabdillaahi Dabagooye.

 
1) Waxaa beeshu ogaysiinaysaa dhammaan dadwaynaha ku nool gobollada Khaatumo gaar ahaan gobolka Cayn in beeshu aysan marnaba raalli ka ahayn wixii khalkhalgalinaya nabadkuwadanoolaanshaha iyo midnimada beesha Dhulbahante guud ahaan gaar ahaanna dadwaynaha ku dhaqan gobolka Cayn.
2) In beeshu aysan masuul ka noqon doonin wixii nabadgalyo xumo iyo iskudhac ah ee gobolka Cayn ay la yimaaddaan Cabdillaahi Dabagooye iyo kooxdiisu si ay khalkhal u galiyaan geeddi socodka midnimada beesha Dhulbahante.
3) Waxaa beeshu u soo jeedinaysaa beelwaynta Dhulbahante ee ku nool gobolka Cayn gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Buuhoodle iyo degmada Ceegaag, in ay indho feejigan ku eegaan lana socdaan dadka yar iyo saxaafad-hungureedka wali ku mashquulsan in ay dhaqaale ku helaan siyaasado laga soo gudbay kana soo afjarmay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna degaannada Khaatumo.
4) Ugu danbayn, sida ku cad bayaankii beesha Xuseen Siciid ay xilkii isinimo kaga xayuubiyeen Cabdillaahi Axmed Cali bishii April 27, 2012, waxaannu marlabaad xusuusinaynaa dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Dhulbahante in aanu jirin wax isbaddal ah oo ku yimi go’aankii beelwaynta Hayaag xilka kaga xayuubiyeen Cabdillaahi Dabagooye laga soo bilaabo taariikhdaas kor ku xusanna uu yahay shakhsi shacab ah oo ka mid ah beesha.
Wabillahi Towfiiq.

Fadlan kala Xidhiidh waxii ku Saabsan Qoraalkan Gudida ku Saxiixan.
Guddiga Fulinta ee beesha Xuseen Siciid (Hayaag)

Short URL: http://horufadhi.com/?p=16879

Posted by on May 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Khadro axmed: looooolz markay hurdada kaso kacanba waxbay iska sogaliyan 2minute ka hor qoralkan cali khaliif waxay...
  • Oday-bari: War heedhe iidoor waxa watabalayo hayimadan waa baraarahena iyo midnimadeena ayaganawa jabkooda hawgu...
  • Khadro axmed: yaa allaah guusha allah hayna waa fajiyo shirka wa la tagayoo wa la naaray shaydaan sharkii wa la...
  • xarbI: somali proud sxb waan ku salaamay sxb garaadka ha caayin wasmo meelkasta wuu ka helayey haday taleex tahay...
  • Khadro axmed: Amiin yaa allaah guusha allah hayna waa fajiyo shirka wa la tagayoo wa la naaray shaydaan sharkii wa la...