|

Shirkii dhinacyada Soomaalida uga soconayey Adis Ababa oo saacadaha soo socda lasoo Afmeeri doono,{Sawiro}.

Waxaa maalintii labaad magaalada Addis Ababa ka socda shirkii Madaxda Soomaalida oo looga hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa dhamesytirka Xilliga KMG ah oo ay Madaxdu ka wada hadlayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, Oday dhaqameedyada Muqdisho ku sugan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka yar ee jira, sidii loo soo xuli lahaa Ergeda Ansixinta Dastuurka (825), sidii loo hirgelin lahaa Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo shacabka loogu soo bandhigi lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in Madaxda Dhaqanka ay soo xulaan xildhibaano tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Xalay doodu waxey u badneyd Madax Dhaqameedka iyo sidii loo dhameystiri lahaa inta ka harsan liiska, isla markaana loogu gudbi lahaa sidii ay bulshada rayidka ah ula shaqeyn lahaayeen Madax dhaqameedyada oo loo arkay inay muhiim tahay inay kaalin muhiim ah ku yeelato soo xulidda xildhibaanada.

Dhammaan Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamkaba waxaa ka wada go’an in xilliga la soo afjaro 20ka August. Ha yeeshee loo baahanyahay in caalamku uu dhaqaalihii uu ballanqaaday si dhaqso leh u soo gaarsiiyo si loogu dhameystiro shirarka muhiimka u ah soo afjaridda xilliga KMG ah.



Shirka ayaa doodo xasaasi ah ay ka socdaan maanta oo la filayo in caawa la soo gabogabeeyo. Shirkan Madaxda Soomaalida ayaa muhiimad gaar ah u leh dhameystirka Xilliga KMG ah, oo ay muhiim tahay inay dhammaan aragti mideysan ka wada yeeshaan qorshaha inta ka hartay oo ay ka mid yihiin sidii loo ansixin lahaa dastuurka, in dastuurka ay sixitaan ku wada sameeyaan si loo helo dastuur ay ku wada mideysan yihiin shirka marka uu soo dhammaado, in xal loo helo guddiga farsamada iyo sidii loo soo xuli lahaa iyo ugu danbeyn habkii loo soo xuli lahaa barlamaanka cusub.


Short URL: http://horufadhi.com/?p=16856

Posted by on May 22 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Shirkii dhinacyada Soomaalida uga soconayey Adis Ababa oo saacadaha soo socda lasoo Afmeeri doono,{Sawiro}.”

  1. miyirlaawe

    majeerteen weligiiba axmaar ayuu u jaajuus ahaa dhulbahante ayuu la baratameyey laakiin maanta tigrinya ayay bartaan dhulmahante oo sanaawi ayay kabaha u baalasheeyaan

  2. Geestiir
    caddaalada lagama fogaado. unuka na eedee, Marbaannu khaldanney, markii ssdf, khaladkayagiina, waa qiranney, laakiin waxa dhulbahante aad ku leedahay soamli buu dhabar ka jebiyey mexey ahayd?
    Gumaystayashi dubka cadda idinkaa keenteen, gumaystaha madowna, adigaa daafiga la kala goosta. Cid aan eed lahayn yaan eed la saarin.

  3. Nuura
    ina abti, waxaan sheegayey waxa weeye, waayaha soo yaalka ah, iidoor uun baa raba inay gaal kasta kaa xigsadaan, oo aad moodo ianay wada dhashteen.
    laakiin waa u caqli xumo.
    Tan lkale ina abti. We are not guelt as we are charged kkkkkkkkkk.
    tan Xabashidana, waa ka toobad keennay, bal idinku iidoorkan la dawersanaya aqoonse raadin meel saara.kkkkkkkkkkkkk.

  4. miyir laawe

    khaatumo seeg iyo cali khaliif galayr markii ay sanaawi cagaha ka dhunkadeen ee ay yiraahdeen waxaan rabnaa inaad somaliland la hadalno waataanu ku jawaabnay uf.uf qadhmuunkooda la fadhiisan mayno ragii diiday gogosha aanu u dhignay hargaysa iyo laas caanood adinkuu ahaa .kuwaa maanta adis u fadhiyana adinkaa jabiyey .soomaali waxa halkaas dhigayna waa dhulmahante iyo maxamuud saleebaan ee soomaali adhaxda ka jebiyey waa labadiinaas

  5. Nuur a
    Kkkkkkkk miyirqabe sidiisa farsameey xumaanta waa lays ka duwaa baaye

  6. inaabti wallee waxaan moodi jiray unuka iyo usaga in laydinku dacayadeeyo ileen waaba dhab.

    Mida ah iidoor ayaa ugu horeeyey gaala raac nimo iyo gaalo jacayl,taa way uga badnaayeen soomalida daba qoodhiga ahayd oo iyagaa majorityga ahaa, geesta ethiopia: Horta qoladani waa copy ku nool lkn yaa uga horeeyey inay u heermaan itopia? ssdf saw maaha iyagaa fidnada hor bilaabay kadib bay iyaguna ku daydeen.

  7. maxaa dooro qurunle meesha afka leerinaya.
    Haddiiba, malasa zenawi u yeerinayo waxa ay noqonayaan, waa ayaan darrada adduunka. Habartii carootaaba, usagay u booyayeysaa!
    Miyaan Soomaaliadu wax isku falin. Cidii kowaad ee isu bihinbihisa xabashi waxay ahayd iidoor ma igu raacsan tihiin. Jin xun oo gaalo loogu cawdo, iidoor baa Soomaali ween u horseeda.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Matan: khatumo waalidkeed garaad jaama garaad ismail ayaa arrange marriege u sameeyay oo siiyay s/land laakiin...
  • xarbI: waan daawaday dooda aad ayey u fiicnayd lkn ninka madaw doooda in lagu sooo daro may ahayn akhlaaqdiisa ayaa...
  • kalshale: ilma garaad ismaaciil Sedaxdii nin ee wanaaga diiday Waabaa waxaa jiray sadex nin oo walaalo ah oo ilaahay...
  • Nuura: maraa waaxid isimadan faraha badani way na waaleen yaa hal garaad oo go’aan adag oo labac labac aqoon...
  • DAALO S/LAND: Horta Dhulbahantahan Garaadadoodu mid dhamaata maaha miyaa??