Musharaxii Ururka Ikhwaanu Musliimta oo ku Guulaystay wareegii hore ee Dooorashada dalka Massar.
Musharaxa ka socda Xisbiga walalaha muslimiinta ee dalka Massar ayaa sheegay inay ku horeeyaan wareegii koobaad isla markaana ay ayagu hogaaminayaan codadka madaxtinimada ee dalkaasi Massarida.
Maxamad Mursi oo ah musharaxa Xisbigaas Ekhwaanu Muslimiinta ayaa ku hogaaminaya codadkii ilaa hada la tiriyey boqolkiiba shan iyo labaatan, wuxuuna u muuqdaa inuu hada xaqiijiyey inuu wareega koobaad uu ku guulaystay.
Ahmed Shafiq ayaa ku soo xiga , kaasoo hada la wajihi doona Maxamed Mursi wareega labaad, waxaana ururka Ekhwaanu Muslimiin uu horey ugu guulaystay 47 boqolkiiba kuraasta barlamaanka, waana urur aad uga soo horjeeda Yuhuuda iyo haysashadeeda dhulka Falastiin.
Codbixintan madaxtinimada ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee abid Dimuquraadi ah ee ka dhacday dalka Massar oo ka mid ah dalka tobnaad ee dunida ugu Ciidanka fiican.
Horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=17014



MAN LAA YAHIMU AMRUL MUSLIMIIN FALAYSA MINAA
Macha’allah
ILaahay ha guuleeYo islaamka..kolay aduunkiiba gaalaa hantidoo meel nuurka islaamku ka baxayo haday arkaan way u qalab gurane guusha islaamka ilaahay haka dhigo tii mar kasta saraysa Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.
waa ilaah mahadii mar hadii ragaygu meel walba ku guuleysanayo