|

Maqaal:Dilalkii Laascaanood ka dhici jirey iyo kuwa hada G/Cayn ka socdaa waa isku xidhan yihiin.

Wax waliba marbay soo baqalyo rogtaan, ama ay meeshii madaxu ahaa, manjo isu bedelaan. Waxaa beryahan danbe soo if baxayey, falal dil ah oo loo geysanayo dad rayid ah, kuwaasoo ka soo jeeda maamulka Khaatomo state, oo weliba socota ah. Dadkan oo lagu laayey gudaha Dhulka uu ka taliyo Siilaanyo, waxay soo dedejinaysaa in la ogaado sida danbiilahaas dagaal(Siilaanyo), weli hamuuman yahay dhiig dheeraad ah oo daata iyo in la galo waqtigii dagaalada sokeeye ee 1991dii!
Siilaanyo oo intuu noolaaba aan ka talin wax aan tahluuka ahayn, loona haysto maanta dadkii lagu laayey waqooyi waqtigii snm-ta, ayaa mar hore bilaabay inuu hubeeyo raaskiisa hoose heber jeclo. Dadkan uu hubeeyey Siilaanyo markii uu qabsadey Xafiiska dawlad goboleedka waqooyi galbeed, waxay bilaabeen dilal qorshaysan oo laga fulinayey Lasanod(magaala madaxda gobolka Sool), oo SNM xoog ku soo gashay 2007kii).
Wuxuu wacad ku marey Waa Siilaanyee, inuu ka laayo wax alla iyo wixii wax garad ah ee jooga magaalada Lasanod, haba ahaadeen kaba qaadyaashiisa. Dadka uu laynayo oo uu ugu aareyey jabkii ka raacay Kalshaale 1 iyo 2, ayuu yiri ka dila Dhulbahante nin doorka ku nool Laska.Haddiiba uu fuli waayey qorshihiisii ku aaddanaa qabsiga Buuhoodle, awoodi waxay kaga soo ururtay laynta kaba qaadyadii la shaqaysanayey ee aan cidna ku metelin cod iyo cuud midnaba.
Kuwaasi waxay ahaayeen looma ooyaan(calooshooda u shaqaystayaal) eyda iyo bisaduhu sharaf dhaamaan.
Siilaanyo, sidii uu ugu tababarey qooskiisa Heber jeclo, inay sameeyaan dilka fulaynimada, ayay ku tababar qaateen, oo shaqsi meel iska maraya, oo aan hubaysnayn inay dilaan taladu kaga soo ururtay!! Degaanka cayn waxaa deggan 80%kiiba waa reer khaatumo, waxaa markan soo degdegaysa in dagaalka 1991kii dib uga bilowdo Cayn, wiil iyo abtigiisna is ugaarsadaan.
Qorsheynta intaas le’eg ee Siilaanyo la gola yimid(laynta dadka rayidka ah ee dhexmaraya raaskiisa), waxay daba socotaa, markii uu ku fashilmay, isku haynta gooni goosatada aan la ictiraafayn, ee gebi ahaanba la jahwareeriyey. Gooni goosatadu waa Heber jeclo, Heber Yunas iyo Heber Magaadle. Cid kale oo ka rooreysa ummadda Soomaaliyeed lama hayo!
Todobaadkii hore, ayey maleshiyada SNM, ku laysay dad rayid ah magaalada Hargeysa, isla markaasna dad rayid ah lagu xukumay maxkamadda maleyshiyada SNM oo isku magacowdey maxkamad militery. Haddaba si dadka gobolaas waqooyi galbeed deggan filin kale loogu shido, loona yiraah isku duubma, hal cadow oo la yiraah Dhulbahante baad leedihiine, siilaanyo wuxuu bilaabay inuu halaqjaflaysto socoto dhexmareysa heber jeclo. Siilaanyo iyo ina Kaahin, oo labaduba ah denbiilayaal qaran, waxay soo abaabuleen maleyshiyaad beeleed, oo jidgooyo u sameysata shacabka dhex maraya. Mindhaa adigana dayoy biyo webi kaa xaaraansan! Ka talinta kala guurka shacabka, dhulbalaarsiga indhaha la’, Been ka sheegidda nabadda, intuba waxay soo dedejinayaan, in mar labaad gobollda waqooyi galbeed u qaxaan xarshi iyo qabri bayax!
Haddii aynnu soo gaabinno macnaha dhabta ah, ee dilalka qarsooni waa, Siilaanyo oo xayraamey(waashey), taladuna ku ciirsan tahay.
Haddii dagaal dhaco, oo yeekaha laysu rogo, dabadeed kuwa amarkiisa sida xun u qaadanyaa ha galaan dabada ina Kaahin mar labaad.
halhays bay ahaan jirtey dagaaladii Haye ka dhacay, ee ina Kaahin soo abaabulay.
Gebebada hadalku waa, raaska ina Kaahin iyo Siilaanyo, ma xejeyaan Nabadda iyo caanaha ilaa nabarrda korkoodu haaro ku reebaan.
Waxaan ku talinayaa, inaan marnaba la dilin ruux aan wax galabsan iyo ruux aan hubaysnayn oo aan dilgaysan. Geesigu waxba ma qanjiiriyo, laakiin marka ay runtu timaaddo, ayuu nin yahay.

Daahir.M Ali

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=17149

Posted by on May 27 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Maqaal:Dilalkii Laascaanood ka dhici jirey iyo kuwa hada G/Cayn ka socdaa waa isku xidhan yihiin.”

  1. Nina
    ninka aad u caqli celinayso, waa ninkii oran jirey, faroole iyo cabdi samad baa wax xoreenayee, yaan la qashqashin. U sheeg labada ninba i.e farole/ cabdi samad waxaa laga xukumaa Hargeysa, oo labada naagood ee ay qabaan ayaa u taliya!
    Taasaan ku ogeyn best darwish, haddana, ma taasuu keenay!!!!!!!!

  2. Waxaan o dhanlaha xalda mataagan waxaa fashilmay hebel ee waxay gatantahy aan wax wada qbasnaee inaga dhaafa hebel baa wnaagsan rer hebel waxba maaha waa laga gubey

  3. @ darwiish best
    Waad degdegtay laakiin siduu ahmed sheegay. Magaca khaatumo state waa hadhaya shakhsiyaad ayaa tegaya. Laakiin waxaan leeyahay madaxdada wakhti ha la siiyo laakiin sxb baju bajuu maxay tahay waaba erey igu cusub. Mida labaad sadexda nin ee aad eeganayeysan maamulka ma dhisin rag ayaa ka miisan badan sida G10 waxayna hada ku mashquusan yihiin siyaasadii arimaha dibada walahay caawa aniga sharaf ayey ii tahay mar hadii madaxdhaqameedkeenii iyo siyaasigeenii ina ku ma talayaan shirarka caalamka sida kii muqdisho iyo kan istanbul turkey. Siyaasada arimaha gudahana waa loo soo jeesanaya soon shortly ha degdegina.

  4. anigu waxaan qabaa in darwishbest wax uun uu caarido iyadoon khaatumo dhalan buu hadalkan wax caaridayey wax caarid uun bay kaga dhedtay isagoo fikir keenay ama ka hadlay ma arag halkan. suaal? maandhaw adigu maxaad degaankaaga u haysaa ama u qabatay aan mucaarad ahayn dad hada xadhkaha isku xidhanaya hadaad ku mucaarado adaaba khatyaan taagan waar khaatumo ha moodina inay fadhiga wax idinku siinayso hadaad rabto inaad darwishbest noqoto do your best aan ahayn hadal madhan iyo bajuu bajuu

    note:dadku markay hadafkooda gaadhaan oo cago ku istaagaan bay wax caaridaan inta ka horaysase waa hadal yar iyo hawl badan iyo adoo siday tahay ku liqa

  5. Bujuu bujuu…..looma baahna…..Darwiishbest hadalkii waan dhamaysay……laakiin waxaa kaa khaldamay xilka waxaa wareejinayaa waa madaxda ama shakhsiyaadka ee dawladu sideedii bay u jiraysaa….magaceediina way wadanaysaa……ninkii madax ah ee hawshiisa ka soo bixi waaya wuu fashilmay waa inuu is casilaa……ama meesha laga eryaa…weliba kuwa hada haya xilka debedoodii bay ku noqon karaan…kafee iyo shaah waayi maayaa.

  6. Action speaks louder than words. Bujuubajaa looma baahno ee Khaatumo State howsheeda ha qabsato ama xil ha iska wereejiso. PERIOD

    • darwiish best
      arintu waa sidaas khaatumo hadaanayn dalkeeda iyo dadkeeda difaaci ka rin ha iska wareejiso xilka.hadal badan looma baahna

Leave a Reply

Recently Commented

  • ciise: afku xoogle waa laga tegiyo–arartii beeneede haddii aad itaal leedohoo–aarmi badan hayso waxba hay...
  • ciise: inay wax xoreeyaan iska daaye wallee maato caana leh baa laga dhigayaa afar inan oo reer daahir ah baa ku...
  • kuluc: ninkii jiray wuxu yidhi yadoo aan awalba xanuunsanayey baa riyi igu sii joogsatay kkkkkkk pintand yadoo awalba...
  • geesiga: reer buuhoodle intaad ka hadlaysaan taleex iyo holhol, laascaanood baa ka sokaysee xoreeya hadaad wax isla...
  • geesiga: labada ninba waa qabyaladayste ah midna waa caayey qofka dumarka ah kan kalena waxuu yiri waan ka xumahay in...