|

Laascaanood ,Jaamac Siyaad , Ugaadhyahan ,Bah-ararsame , Cali Sandule Iyo G11.

Maqaalkeenu maanta waxa uu ku saabsan yahay sababta ilaa maanta Laascaanood looga ridi-la-yahay Heeryada saaran ee ku habsatay mudada 5 sanadood,? Waxaa iyana isweydiin leh maxay tahay sababta reer Buuhoodle ay deegaankooda sida layaab kaleh ugu difaaceen?.

Wuu odhan karaa akhriste ka soo jeeda deegaanka SSC maxaa maqaalkan qalinka lagu balaadhinayo Laascaanood sidan loogu soo bandhigay, waana wax dhici kara in uu qofkaasi saxsan yahay , laakiin arrin ayaa jira ka mugweyn beel iyo qoys oo ah sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen ummad dhan oo geeska afrika magac iyo maamuus ku lahayd oo rag koobani jiritaankeedii meesha ka saarayaan.

Run ahaantii dhamaan shacabka hoos yimaada magacyadan aan kor ku xusnay ma wada wadaagaan dhaliisha, ha sayeshee dhibaatada ayey wadaagaan oo waxay ku sifoobayaan dadkii doonta wada saarnaa ee kuwa hoosta joogaa biyo u baahdeen , markay ku daaleen marwalba dadkii kor ka jiray ee ay sii marayeen, ayey yidhaahdeen oo inagaaba kuwaas uga dhaw biyahee maynu hoosteena daloolino oo biyaha halkan ka soo dhaansano, haddii aanay kuwa sare ka gaadhin oo aanay odhan waar anagaa hawsha idiin fududeyna ee keena wadaanta dhamaantood waa halaagsamayaan oo doontu waa qaraqmaysaa.

Taas macnaheedu waxa weeye kuwa ku abtirsada Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan, iyo Bah,Ararsame ee arkaya sida ay wax u dhacayaan ee aan ka hortagin hadba kii dhibaatada wada wuxuu la mid noqonayaa kuwaas halaagsamay, Tusaale ahaan markii uu wax kharibayey Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir (Faratoon) Jaamac Siyaadkii ka aamusay ee dhibaatada ka qaban waayey  ee uu dadkiisa iyo deegaankiisa kuwado, qayb ayey ka yihiin ceebta iyo halaaga maanta deegaanka ka jira, sidoo kale dadkii ku abtirsanayey Bah,ararsame ee Axmed Cabdi Xaabsade wax ka qaban waayey markuu tulkii ceebta iyo halaag u soo hoynaye iyaguna Xaabsade waxba kama ood sokeeyaan, sidoo kale kuwa Ugaadhyahan ku abtirsada ee markii Xasan Daahir Afqudhac awoodii uu ku haystay Puntland ku takri falayey waxba ka qaban waayey iyaguna ceebta iyo fadeexada dhacday qayb ayey ku leeyihiin maanta Cabdisamad Cali Shire u jeeda .

Sidee Laascaanood Gacanta Dadkii Lahaa uga baxday.

Intii aan Laascaanood la qabsan aan dib u yara jaleecno annagoo  og in Taariikhba Taariikh inoo dhiibayso, hadana waxyaalo isbiiraday ayaa sababay in beelahan aan kor ku soo xusnay markasta loolan qarsoon ka dhaxeeyey , laga soo bilaabo xilligii Labada Garaad kaliya Dhulbahante lahaa ilaa maanta , haddana xilli kasta marxaladiisa ayuu lahaa, oo marna ma aysan dhicin in deegaan Dhulbahante lagu loofaro oo dadkii cadowga u ahaa gacanta loo galiyo, iyada oo nin markaas lawada dhashay lagu xinayo taabanayo, khilaaf ka dhashay dhaqaale ama xil awgeed.

Khilaafka ugu weyn ee ka dhacay sadexdan beelood burburkii dawladii dhexe ka dib wuxuu soo shaac baxay 01.08.1998 markii lagu dhawaaqay Puntland in kasta oo madax dhaqameedka badankooda intaa xilligaa jirtay ka qaybgaleen haddana kama uu san qayb galin ilaahay hawnaxariistee  Garaad Ismaaciil Ducaale waxaana hubaal ah in rag badan oo uu ka mid ahaa Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon) ay qayb ka qaateen in aan si mugweyn aysan uga qayb galin beesha Jaamac Siyaad , hasa yeeshee waxaa jiray xubno ka tirsanaa beesha oo iyagu xilal ka helay Puntland.

Inkasta oo Xaabsade iyo ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani oo isa soo qabtay ilaahay hawnaxariistee Cigaal shirka hormuud ka ahaayeen, haddana muddo yar ka dib waxaa soo baxay ismaan dhaafka ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani iyo ilaahay hawnaxariistee Cabdilaahi Yuusuf siiba markii Cabdilaahi Yuusuf uu doonay in mar kale la doorto.

Waa arrin yaab badan in dadka hogaamiyaha dhaqan iyo siyaasiyiinta ah ee isbadbadelka badani marba dhinaca kaga yimaadaan shacabka masaakiinta kuwii shalay ka soo cadhooday Cigaal ayaa maanta dib uga cadhooday Cabdilaahi Yuusuf, marka la leeyaha kan aan isagu ku jirin hawsha ee aamusani wuxuu la mid yahay kan ku jira ee ficilka samaynay waxa ay tahay shacabka Laascaanood ee lagu kala xidhay sadexda koonteenar ee Ugaadhyahan , Jaamac Siyaad Iyo Bah-Ararasame markasta way u jeedeen sida xaalku u socdo hadana ma uusan jirin qof ku dhaca oo yidhaahda xaalkani waa qaldan yahay ee sidani nama qabato, markasta qabiilka barnaamij lagu xamaasadeynayo ayaa madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta oo wada socdaa ku jihaynayeen , waxaana markastaba laga dhaxlayey naxli cuqdad iyo sii kala fogaansho.

Waxyaalaha layaabka ah ee deegaanka Laascaanood ka dhacayey ee aan waxba laga qaban markii ay taagnayd ee la dhawranayey ama la dhayal sanayey waxaa ka mid ahaa dilalka soo noqnoqanayey ee inta mid kasta inta laga aamuso ay noqonaysay boog dhextaalay beelaha oo ay ka faa,iideysanayeen ragga siyaasiyiinta ahaa ee isku hayey deegaanka, oo aan gudaha kaliya ku ekeene qurbahana loowaarido naxliga.

Nin oday ah oo deegaanka Laascaanood ahi wuxuu yidhi shir ilyartu isqabatay(Reer Hebel Puntland ayey keensadeen anaguna Somaliland ayaan keensanaynaa, markaas Laascaanood lama qabsan laakiinse Yagoori ayaa ciidanka SNM joogeen, weyna yimaadeen Somaliland , hasa yeeshee ninkii weedhii in badan ayuu isku ciil kaanbiyey markii uu mid uu garanwaayey rasaas la dhacay , markii hore wuxuuba yaqaanay cid uu u raadsado mag iyo qaane , maanta gar iyo magla,aan iyo neef bakhtiyey ayuu ku joogaa Laascaanood.

Maamulka Puntland waxaa loo sawiray in beesha Ugaadhyahan wadato, maamulka Snm waxaa loo sawiray in beelaha Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad Wataan, sidaas oo ay tahay ayaa hadda qaar badan oo Ugaadhyahan ahi maamulka Hargeysa ay u galaan malayshiyana u abuuraan yaan laydinku layn magaca Somaliland, arrimo la yaableh, (Nin Dhulbahante oo mujaahidnimo iyo xamaasad lagu yaqaanay ayaa lagu yidhi waar walaalkaa sawkan SNM u galay ee xilka u qabtay markii horena walaalkii wuxuu ahaa Puntland , ninkii halkii laga filayey in uu arrintii walaalkii ku talaabsaday inkiro oo uu canbaareeyo, ayuu yidhi wallaahay niman yahow walaalkay odayaal ayaa ku khasbay oo ku yidhi noogal Somaliland si aan naloogu karbaashin)  hada u fiirso dadkii walaalahaa ahaa ayaa mid walba sumad gooniya loo yeelay taasina waxay dhalisay kuwii waxmagarata ahaa in ay la kala saftaan fikirka noocan oo kale ah, waxaadna moodaa in ragga siyaasiyiinta oo xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo ama hajoogo Hargeysa ama Garoowe, oo u kala dalxiis taga waayo waa dalxiis, hadaanay ahayn maxaad ku tilmaami lahayd, Axmed Cabdi Xaabsade oo doraad ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Hargeysa xilligii Cigaal 1993-1997, shalayna ahaa wasiir Puntland ah 1997-2007 maanta ah mujaahid Somaliland, barri in uu haddana Garoowe ku soo noqdo oo waliba lagu taageero ma shaki ayaa kaaga jira, waxaadna dareemaysaa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Axmed Cabdi Xaabsade in uu Xaabsade Bah-ararsame gacanta ku hayo, oo lama hayo shacabkii Bah-Ararsame oo leh sxb waa ku sidee xagee nagu wadaa, ee taageerayaal badan ayuu ku leeyahay beesha dhexdeeda haddaanu ku lahayn sow lama qoreen nin waalan oo runta looma sheegeen.

Sidaas si leeg ayaa taageerayaasha Mahad Canbaashe ee Jaamac Siyaad dhexdiisa waxay kun jeer ka badan yihiin taageeraasha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, saa Mahad Canbaashe wuxuu dhaxlay Yaasiin Faratoon oo calanka u sii dhiibay, waxaase kaaga sii daran Mahad Canbaashe waxa uu gacanta ku hayaa 500 oo wiil oo dhamaantood mushahar ay siiyaan Maamulka Hargeysa oo kaba faa,iiday intooda badanina kawada guursadeen dhaqaalaha SNM , oo xataa qalabka guriga loowada dhigay mid walba intooda badan kabadh iyo sariir iyo kaaci fadhiya loo dhigay, saw markaas ha noolaato maaha Jamhuurida Jaamac Siyaad ee Mahad Canbaashe iyo yaasiin Faratoon, saw maaha markaa in ay iska ilaaliyaan ugaadhyahan iyo Puntland, markasta oo la yidhaahdo olole hala qaado la doonayo in Laascaanood lagu wajaho, waxaa Isaaqu iska soo hormariyaan Mahad Canbaashe , isaguna isaga oo maqiiqsan ayaa goobta soo galaa, wax kalena maaha waxaa malayshiyada iyo Mahad Canbaasheba maankooda ku jira Puntland ayaa soo socota idinkaana laydin qabsanayaa, xataa dad badan ayey ka dhaadhacsan tahay, Dhulbahante dhexdiisa ayaa isgumaadaya haddii Laascaanood lagu dagaalamo inta xaal sidan yahay, waana ta keentay in cali Sandule la siidaayo, waayo markiiba waxaa loo sawiray nin Jaamac siyaad ah oo Ugaadhyahan qabsaday, kuwo badan oo Laascaanood joogaana waxay u ololeeyeen in qaab qabiil loo dhigo.

Sidaas si leeg ayaa Taageerayaasha Cabdisamad Cali Shire, horena Xasan daahir Afqudhac waxay kun jeer uga badan yihiin  Taageerayaasha  Garaad Saleebaan Garaad Maxmed , sidee ayeysan uga badnayn markii Xasan Daahir Afqudhac ahaa madaxweyne ku xigeen Laascaanoodna gacanta ugu jirtay maamulka Puntland, xilka gobolka waxa uu kawada dhigay wada qoyskiisa waxayna ka mid ahayd sababihii ay Xaabsade iyo Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon)ku hawlgaliyeen wax magaratada, si ay u tusaan in Puntland tahay goob Xasan Daahir iyo qoyskiisa u afxidhan, waxaana la yaab lahaa sida uu Xasan Daahir Afqudhac ugu fulinayey siyaasadda ay doonayaan labadaas xubnood iyo wixii fikirkoda la qabay, Maqaal lagu qoray xilligaas 2006 Laascaanood intaan la qabsan sanad ka hor oo xaaladda maamul xumo ee ka jirta Laascaanood si wanaagsan u sawiraya halkan ka akhriso.

Kala qaybsanaantaa aadka looga shaqeeyey ayaa Laascaanood lagu qabsaday, maantana sidaas ayey ku jirtaa cadowgeeduna waa ogyahay halka ciladu tahay iyadaanay baansiinka ku sii shubaan si ay u sii Olosho.

Runtii Laba Garaad Jaamac way dadaalayaan daacadna weeye laakiin tolkood gacanta uguma jiro , waxaana ku talin lahaa in ay gaabsadaan inta xaalku sidan yahay.

 

Odaaysha G11 , Khaatumo Iyo Cali Sandule.

 

 

Wararkii sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey aad loogu hadal haynta badnaa deegaanka SSC waxa ay ahaayeen waxa ay ugu yeedheen maamulka Hargeysa Doorashooyinka iyo qabashadii iyo siideyntii ninka lagu magacaabo Cali Sandule oo isagu ahaa ragga ugu danbiga weyn deegaanka SSC marka laga hadlayo dhibaatooyinka loogeystay deegaanka.

Wararkii ugu waaweynaa ee isa soo tareyey waxaa ka mid ahaa in Cali Sandule siideyntiisa ay ka danbeeyeen odayaal qurba joog u badan laguna naanayso G11 , waxaana waraysi uu bixiyey taliyaha ciidamada Khaatumo sheegay in la siidaayey markii la ogaaday in ay san wadan hub iyo in ay yihiin tol, arrintaas oo aad uga cadhaysiisay shacabka aad u taageera Khaatumo State , waxayna in badani u argatay in arrintan ku saabsan Cali Sandule dhaawac weyn u keeni karto maamulka Khaatumo iyo taageeradii balaadhneyd ee loo hayey.

Cali Sandule iyo kuwa la hal maalana la sugayey in ay maalin uun soo gacan galayaan oo waajib kooda la marin doono.

 

Cali Sandule ayaa isaguna ku faanay in uu yahay nin aan la xidhan karin, magaalada Laascaanoodna kacdoon laga dareemay, uuna kaba faa,iidey qabashadii la qabtay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay talooyin is dhaafsadeen kuwii qabtay. Haddaba maxaa ka qaldan bulshada Dhulbahante iyo siyaasiyiintoodaba?

Arrimaha maanta aad usoo shaacbaxay ayaa waxa ay yihiin in uu jiro gaab weyn oo u dhaxeeya shacabka Khaatumo Taageera iyo odayaasha G11 oo iyaga laftarkooda sida muuqata aan muddooyinkii ugu danbeeyey isku fiicnayn ,xilliyadan danbe  aad ugu kala fogaaday siyaasadii ka jirtay magaalada Muqdisho , oo xataa ku kala qaybsamay ka mid ahaanshaha Cali Khaliif Golaha Baarlamaanka.

 

Dhaliilaha G11 oo muddooyinkii ugu danbeeyey soo shaac baxayey oo halkii laga rabay in ay dalkii iyo deegaankii ay wakhti badan siiyaan una guntadaan sidii ay uga midho dhalin laahaayeen hawlihii ay balan qaadeen iyo sidii loo socodsiin lahaa, oo xilliyo badan ku qaatay Muqdsiho iyaga oo hunguriyeynaya qaarkood in ay xilal ka qabtaan Dawlada Dhexe , ayaa tanina haatan sii xoogaysanaysaa oo ay lagama maarmaantahay in siideynta Cali Sandule bulshada loo qeexo iyada oo qofkastaa mas,uuliyadiisa qaadanayo, oo mas,uulkii ka danbeeyey sii deynta Cali Sandule si cad u qaataa qaladkiisa haddii uu xil-hayeyna uu iskaga degaa xilka uu hayo, oo shacabka runta loosheegaa siday wax u dhaceen.

Haddiise aan sidaas la yeelin waxay u muuqanaysaa in G11, iyo maamulka Fulinta ee Khaatumo iyo shacabka taageersani ay laba wato oo kala duwan kala qadayaan, run ahaantiina arrinta danbiile Cali Sandule oo ay qabanayaan qodobo badan oo ka soo baxay shirkii Boocame3, Iyo shirkii Taleex iyada oo aan Cali Sandule maanta cidna loo sharaxayn danbiga uu ka galay shacabka iyo taariikhda beesha Dhulbahante.

Laascaanoodna maanta sababaha loogi dhiiran waayey ee ay cadowgu u fadhiyaan waxaa calaamad muuqata u ah siideynta Cali Sandule la siiidaayey oo u eeg in uu yahay nin laga baqay in lagu fuliyo go,aamadii ka soo baxay shirarkii Dhulbahante ee isdaba jooga ahaa mudada 5ta sanadood ah, waana arrinta aan hore u soo xusnay ee ah Laascaanood waxay u rahmantahay khilaafka qarsoon ee muuqda ee sida cudurka qaaxada dhex-fadhiya maskaxda iyo maanka inta badan siyaasiyiinta Ugaadhyahan, Jaamac Siyaad iyo Bah,Ararsame, oo haddii aanay deg deg u hawl galin waxgaradka Daaha gaadaashiisa ku jira ee ka soo jeeda Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan Iyo Bah, Ararsame oo aan la abaabulin shir u dhaxeeya beelahan sadexda ah laguna gorfeyn waxjira ee dhabta, beenta iyo dhalanteedka layska dhaafin, oo ragga marba shirarka goobaha qurxoon USA iyo Yurub ee ay ka dhexmuuqdaan gabadhaha sida qurxoon u soo labistay khudbadaha ka jeedinayaa aanay ummaddan cidhtirmaysa daba qaban hubaal waxaa ah in aanay G11, G23 midna waxba qabanayn, G11 iyo Khaatumana waxaan shaki ku jirin in ay mari doonaan wadadii ay mareen NSUM, SSC IWM.

Gabagabadii iyo gunaanadkii beelaha aan sadexdaas  aan xusnay ahayn ee degan Laascaanood waxaa hubaal ah in aanay dhib baaxadweyn ku lug lahayn, tolkooduna in uu sharaf iyo qiimo ku noolaado ay jecel yihiin, waxaa iyaguna boogaadin mudan Reer Buuhoodle oo aan shaki ku jirin kuwo badan oo Reer Laascaanood ahi in ay markay goobaha lagu kaftamo joogaan ay sheegtaan in ay reer Buuhoodle yihiin , waliba in ay Kalshaale ka soo jeedaan, ammaan ayaad mudan tihiin, dhaliisha iyo ceebtu goobtay taalo waa cadahay.

Horufadhi Media Netwotk.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=18375

Posted by on Nov 28 2012. Filed under Fikradaha, News English, suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

55 Comments for “Laascaanood ,Jaamac Siyaad , Ugaadhyahan ,Bah-ararsame , Cali Sandule Iyo G11.”

  1. waar meshan weli ma sidii ayaa la iskugu hayaa commentskan yar belo ku degtay belo ku degtay

  2. nina

    xilaha sakhiran iyo kaan sakhirnaynba waa laakala dhawyahaye ee ina adeer runta kudhinta khayaaligu meelna idingaar siinmayo bartaasaad oolaysaan ilaa aamanuunka muraba haka kharaarnaatee bahasha bal mar uun isu sheega ninkaani xaqiiqduu idiinsheegay ama balah balahlee ama computer indhuhu hakugu casaadeen

  3. growe
    adaa cararkaaga sawir iyo soot ba la hayaa oo iidoor xilo sakhiran u ah adhiyahow waa lax dhukan oo nagu soo waalatay waar dhuloos waa khaatumo kuligood xata kooda horgalaha ah dhegaysona ninkan

  4. runtii webkaan inta kuxirani oo dhulos ahi waxay ugu xirantahay beenta iyo maaweelada khayaliga ah kkkk maanta markuu runta sheegay oo yiri war sadexdaa reer baa sartu ka qurunsantahaye xal hala keeno qaarbadan oo khayaali kunool ahaa baa dhiigu ku karay oo leh waxaa looma baahna lacagbaa lasoosiiyay kkk walaahay saaasaa iidoor idiin karbaashayaa intaad runta ka war wareegaysaan

  5. Runtii maqaalkan kama helin ninka soo qorayse fikirkiisa xor lee u yahay waxaa ka fiicnaan lahayd inuu u bedelo sidii uu ugu dhiiri gelin lahaa in beelaha dhuloos ee halkan uu ku xusay ay qoriga ula wada qaban lahaayeen xudun ka dibna sool ilaa yagoorina aynu inyar inagoo midaysan oo beel lahayn xoraysano wixii kale waa iska hadlow ina igare ma joogno maanta xili dhuloos loo qolo qoleeyo waa in laga shaqeeyaa sidii inta la khalday loo sixi lahaa
    illaahy hana mideeyo aamiin yaa rabbi

  6. qofka maqaalka soo qoray sxb waad la soo daahday 2006 ayeey ahayd inaad soo qorto waxan oo kale lakiin hada waxaa lagu abtirsadaa
    yaa tahay khaatumo ayaan ahay.
    markaa jamac siyaad iyo ugaadhyahan iyo b hararsame hooyada ugee nadal nadal dhalay..

    ka imid
    wacays adan khatumo state
    viva sool sanaad iyo cayn

  7. Kastuumo maxay taqaan ? Talaabsanwayday kuftay hoogtey ayey taqaan………..

    Dhulbahante hunguribuu isku raacay hungurina ninkii wax haystaa wax lagu guro haya , waa sababta somaliland ay dhuloos ugu badanyihiin pintland kaalinta labaad ayey yana cidhiidhsatay. Kastuumo meeshan ay ka dhaqaaqi la,adahay waa jeebka saboolnimo intaad ka qabtaan jeeb iyo dulac dhulloos ayaad wax ka dayeysaan halkaad wax ugu ridilahaydeen. Ma ogtihiin in dhuloos cashuurta baad u yaqaanaan 3 sanay qaadatay In reer laascaanood la baro in ay lacagta qashinka lagu gurayo yagu iska bixiyaan.

    Lacag badan meel ka doona kulaad gabdhaha qurxa badan ee cali baysteen soo dhaweeya qaar badan kiraysaan meeshan aad buuhoodle difaacaysaan idinkoo badaa warsangeliga waxa maraakiib marayaba afduubaa idiin dhaanta,

  8. maxamed buuhoodlaawi

    asc wr
    waxaan kacodsananaaa
    anagoo ah shacab ka reer khaatumo in nimanka maamulka khaatumo uu ka gooban yahay madaxda laga bilaabo ilaa askarta in ay ogaadaan in ay matalaan shacabka oodhan maamulkale ooshacabku rabaana uusan jirin

    taasna ay keenayso in cidkasta oo caqabad ku ah madaxbanaanida gobolada .in aan loonixin
    oo aanu ina hebal noqon waxaan ujeedaa nimanka daba dhilifka ah ee qadiyada reer khaatumo iyo rabitaanka shacabka gobolka hortaagan takale waaa in qaanuun ama xeer lasoosaaraa laga saxeexay odayaasha dhaqanka kaas oo xadidaya sida laga yeelayo ninkii laqabto ee dabadhilifa waliba waxan oran lahaa waaa in laxiraa…

  9. waad salaamantihiin sida bulshada reer puntland ee maakhir waa inaad ha meel ugasoo wada jeensataan cadawga isaaqa ku hoos jira..ilaahaybaan idinku dhaarshaye meel aad wax ka aasaasteen oo awood iyo haybayd aad ku lahaydeen baad cadaw inay idiin tahay kadhigaysaan!!! puntland idinka iyo mj waad is wasaarado le’egtihiin taliyaasha ciidamada iyo saraakiisha waa dhulbahante kala bar..ganacsadaayashu sidoo kale..madaxweyne kuxigeen iyo madax aan laga daba hadlin baad leedihiin oo laandheerayaal aan geedna loogusoo gaban baad tihiine..wada jirka iyo midnimada hari haku ciyaarina..sida aan koonfurta iyo jubbaland isagu duuban nahay aynu puntland ku ahaano..kismaayo mj iyo dhulbahante iyo dashiishe iyo warsangeli maqli maysid kaliya waxaa layaqaanaa harti…markale hambalyo ciidanka guutada 9aad ee kornayl cashuur ee warsageli iyo guutada 22aad ee keydka oo sanduuqyadii ceerigaabo geesna way udhaafi waayeen

  10. waxbaa ka dhacay..

  11. Maalaayacni

  12. qoraaga waxaan leeyahay waq tigii reer hebel iyo reer hebal waa soo dhafaney marka word lod soo daahay baa ta haye laqabso sheekada waxaan maraynaa yaatahay reer khaatumo state that is it qalibi gaaga uun bayna kujirtaa ugaadhyahan, jaamac siyaad, iyo bahararsame ee sadexdaba gurigii hooyadaa gee washaysiyahow hargaysa fadhiyaa yaa kaa caqli liita cudurka keligaa kugujira dadka hanooga sadhayne madax dayada sarena anagaa xaal siiney waa( G11)

  13. maqaal kan iyo waxa lamida maanta reer khaatumo uma baahna in dib naloo celiyo horay baan u soconaa maanta maalin reer khaatumo ka fiican yihiin nama soomarin 100 sano iyo kabadanba tankale qofkuu ka sheekeyaba qoraagu wuxuu ku lee yahay allah ha u naxariiste muxuu dib noogu celinayaa horaan u soconaaye isagaa sick person ah markaasu rabaa in uu wax noo sheego tan cali sandule anagu maamul baan leenahay iyagaa qabtay iyagaa sii daayay that is it waana kadan bay nay naa wax kasta ay xalka u ar kaan hadana dagaal baanu ku jirnaaye maamul kayaga waxba yuu kahadlin khaatumo guuuul

  14. Dhulbahante dagaalka qabiil ku gala
    Iska dhaafa siyaasadaha iyo magacyada
    Tol balaaran ayaad ka dhalateen. Waxaana
    DHULKA idin kaqaadaya. Irir oo dhan jabuutiyaan.

    Qabiil ka waa la iskugu hiiliyaa. Magacyada Kama gaartaan dhul ayaa la difaacayaa

  15. Salaan dhamaan dhulbahante.
    Anigu waxaan ka diriraa jiida hore ee balibusle
    Jariiban AMA caduun. Waxaan dhulkaa ku difaacnaa. Hab qabiil
    Wali saacidaad puntland kama aanaan helin
    Xitaaa cumar Mohamud. Kale. Waa jifi Yara oo
    Reer mahad kamida.
    Waxaa iga tala ah
    1.eedaynta iska dhaafa iyo marmarsiinyaha
    2.raga jooga puntland AMA mugdishu AMA
    Jubbaland.waxay joogaan dalkooda iyo calankooda BULUUGA ah
    Dhulna

  16. Ku dhamaan bahda Khaatimo

    aniga oo ixtiraamaya qof kasta fakirkiisa u gaarka ah, hadana markasta qofka fakir kiisu xor mahan, marka lagu jiro daruufo adag oo ama nabadgalyo xumo, xili dagaal, waxaa haboon inaan la soo bandhigin wax yaabaha dhaawacaya midnimadda iyo talaabadda hore loo qaaday, umadda marba heer ayay joogtay maanta waxay maraysaa meel ay iyadu isku tashatay,
    Waxaa la dhaliili jiray dhanka Nugaasha iyagiina hadda ayay u istaageen inay dib-u-xorayn iyo wax iska celin la yimaadan , runtii waa arin bogaadin mudan dhawaanna waxaa la filayaa in kacdoonku is qabsado min Ceerigaabo illaa Cayn taasina waa tii aynu doonaynay, kolkaa yaan tashuush la galin, waa sax oo khaladaad siyaasadeed waa ay jiraan, waana iska caadi ninkasta oo siyaasi ah inuu taageerayaal leeyahay , taagerayaasha somaliyeedna waa hab qabali ah, kolkaa nin magaca inala sheeganaya hadii uu inama yar yar oo taladiisa dhagaysanaya wato , maahan in qabiilkii oo dhan la safan yahay.

    Maanta waxa aynu u baahan nahay in sida wax u bilowdeen u socdaan innagana waxaa laynooga baahan yahay inaan taageeradeenii sii laba jibaarnaa
    thkx

  17. hawadhlayso
    inabti unuka waa waafaaynaa oo waxaan lahaa reerkii xagaa iyo fronta sanaag bay isku shubeene kkkkkk miyaad lunteen dee horufadhi dembiga suuskan noo soo gabaday miyaanu saari karnaa!!!!!!!!!! inuu feestada naga burburiyu u soo dhuuntay kk

  18. NINA

    dee xalay oo dhan maanan seexan oo dee xaggaa iyo xudun ayaan ku maqnaaye , maxuu ahaa qoraalkani , horufadhi wax walba noogu sheekaysaye maantana tan miyey noo keeneen.

  19. Nina

    inabti ii waran xaggee ku dambaysay, lagu waaye

  20. NINA quriga waa la qaatey xudun na waa laga soo shaaheeyey, horgale somalidiid dabodhilifna waa la qabtey lakiin waxaa la dhahay sorry iska baashaal. Marka nafaqada waa badan tahay. kkkk i forgot dont worry about lascanod, becuase all we need is emotion only. alaa kariim kkkk.

  21. farduus1
    dumaashi um shirshoore baayo halkan reerbaa arimaha khuseeya baandhaynaya dee hadaad basal iyo diirkeed cidhiidhsatay adilee waaye urta aad ka hesho waa kuu jeeda inad caawa dhulka isla dhacayside kkkk ala maxaa miskiinadan haysta gurmad deg degay u baahan tahay horta yareey adiga state of mind ka aad halkan la wadhan tahay baa nagag kaa filan akhrud muskaa uun soo taagnow kkkkk

  22. NINA quriga waa la qaatey xudun na waa laga soo shaaheeyey, horgale somalidiid dabodhilifna waa la qabtey. Marka nafaqada waa badan tahay. kkkk i forgot dont worry about the vision and direction becuase all we need is emotion only. maskiin kkkk.

  23. “Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye, Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhowrsataa abide”.

    Waxaan soo socota:

    1) In Khaatumo dhaqaale xumo la liicdo markaa kaddib:

    a) Maxamuud bari Puntland u jihaysto

    b) Midnimada reer Buhoodle la khalkhaliyo Somaliland soo hungurayso

    c) Laascaanood Somaliland xalaalaysato, Faud, Xaabsade iyo Cabdullahi dhukuro reerka u taliyaan.

    Oday hore oo talo xumadood ku wareeray ayaa laga hayaa:
    “… Udigay oo udigay oo duulkan waa loo dan leeyahaye, Dabada hayska raacshee bal maan deysto hadalkayga”

  24. intii uu gumaysi wada haystayba dhan ayay iskula baxaane dee inaguna hal gumaysi baa inawada haystee aanu gees iskula leexano oo aanu wadankeena somaliland wada eegano. yaa huunayaal.

    cagta ayaynu iskaga tolanahay oo waligeen ma kala hadhayno. diida ama yeela. caradaasina waanu kuwada dhalanay mala kala maarano mana kala go’ayno. inaad mj la xintantaan bay ahayd oo aad hargeysa waynayso illeen ayaba muqdisho ayay wayneeyaane oo markasta kuugu faanaan. kolkaad la hadlaysona kugu aflagaadeeyaan. reer koonfurna halkaasay ku daadaheeyaan ayaka. illeen waa dad wada socday dee inaguna aynu u wada socono sidii waagii laakiin doorkan without somaliweyn.

    kol haday mj la wayn tahay muqdisho dee adna la waynoo hargeyso oo ugu faan inaad caasimad wax kasta ku siisa aad haysato. oo ugu faan taydaa kaa qurux badan. sow ma aragtid.

    waxayna ahayd inad si dadban somaliland adoo dhowraya qaranimadeeda inoo waydiisato maamul la siman kan ismaamulka itoobiya oo aad uga awood roon kan mj ka heshay muqdisho. kana maqaam sareeya. illeen laguuma diideen inaad mj quusiso ood isla sinto se waxaa lagaa diiday inaad qaranimada somaliland meel kaga dhacdo.

  25. caawa bal intii dhuloos isu hambalyayn lahaa inay qoriga qaateen baa mid suus ihi maqaal noo soo dusiyey oo shaydaanqable nagu noqday acuudu bilaah mina shaydaani rajiin waar dhuloosow munaafaqa iska ilaasha oo horumarka uun ka fakara

  26. waar waxaan anigu idinkula talinayaa somaliland iska soo raaca kolkaas baydin midoobaysaan.

    dhulbahante waxaa isku diray sow ma ahayn qabyaalad. puntland baad aadeen haye oo somaliland baad ka tagteen dee majeerteena heshiin waydeen oo somaliland ayaad kusoo laabateen. haye kaaga daran somalilandna waxaad samayseen waad caydeen isaaq oo qabyaalad xun baad kula dhaqanteen oo waxaad moodeen inaad sidii janatul fardows isku waaraysaan.

    dee hada aragteen. wax ka fiican maleh kolkaad dad aan tolkaa ahayn wax la wadaagayso waayo taasi baa idin midayn lahayd. laakiin imika idiinku hadaad isku kaliyaysataan dee idinkuun baa isku muuqan oo gudihiinan uun baad is cunaysaan.

    hadii aad somaliland iska aqbalilahaydeen ood xushmad tusi lahaydeen ragan idiinku jira dowlada somaliland waxaydin gaadhi lahaydeen cirkaasi. maanta eeg samaroon oo cashar ku baro wuxuu ku wada hadlaa hal af oo waa midaysan yahay oo dantiisa somaliland ayuu kala soo dhex baxaa. codkiisa meel ayuu isugu geeyaa ayakoo tix galinaya beelaha kale hadana xaqooda way illaashadaan.

    dee xal ma ahan inaad tidhaah marna nin aanu isku beel nahay baan wax ku darsanayaa hadhowna kolkuu kugu danaystona meeshaba ku kala yaacdaan. sidoo kalena ma ahan xal inaad tidhaah kaligay baan wax noqonayaa dee iskuma kalsoonaanaysid oo hadhowna meesha sidaasi ugu kala yaacdaan.

    qabyaaladu waa wax is faqfaqda oo gudihiina idiin kala dhigaysa jifooyin is neceb. qarana waa lagu nastaa sida somaliland. maxaa ku jabnaan lahaa inaad somaliland iska aqbashaan ood kana qabataan jagooyinkaasi waawayn sida raisal baarlamaanka oo kale sidoo kale aad waydiisataan somaliland in ay idiin ogolaato maamul hoosaad lamid ah kan killinka shanaad oo kale ood umadiina ilbaxisaan. ood somaliweyn iska illowdaan.

    gumaysigu kolkuu xuduudaha u kala jeex jeexayay africanka iyo somalida kamay ahayn xumaane waxay ka ahayd wax il bixi oo umada is bar. dee umad aan is aqoon sow wax ma wadaagi karto. maanta somalida kenya iyo kuwa itoobiya dad aanay isku af ahayn bay wax la wadaagaan. jabuuti gaar ahaan beesha ciise dad aanay isku af ahayn bay wax la wadaagtaa oo ah canfar.

    umadu way is nici kartaa mararka qaar kolkay timaado siyaasada iyo wax wada qaybsiga se kolkay timaado wax wadaaga horumar baa laga qaadaa.

    eega reer yurub siday u wada nool yihiin umado aan aqoon isku lahayn baa wax wadaagaya. umadahaasina waxaa ka dhaxeeya uun mabda guud. kolkaa waxaa la idiin qaatay idinkoo danta qabyaalad iyo danta somaliweyn dhan iska dhiga oo badalkeeda qaata danta ilbaxnimada oo wax la wadaaga dadkan isaaqa ah ee aydin is aqoon. illeen isma naqaane saasi uunbaanu u kala boodaynaaye dee horta aynu is barano illeen dad ingiriisku wada haystay baanu ahayn oo hal maalin ingiriisku wada siiyay xoriyad. ingiriiskuna isku xidhay dee danta reer waqooyi ka hormariya tan somaliweyn. taasi weeye the most importan. mida kale somaliweyn waxba kama jirtee meesha aad ka hadlaysaa waxaasi maanta uma jedee dano kalaa meesha ka socda. kaasi xamar joogaa dantiisa iyo tan somalidii talyaaniga mooyee tu kale ma eegayo. midnimaduna ka dhab ma ahane waa ku xasaradayso yanaay reer waqooyi dan guud wada yeelan. xitaa kan majeerteen sidaasi si lamida weeye.

    waanad aragtaa wax somaliweyn ahi meesha ma taalo jabuuti gooni ayay somalida uga baxday sidoo kale itoobiya iyo kenya dhulalka ay haystaan waa kuwo aan waligood soo noqon doonin. waana tii reer koonfur fashiliyeen isku daygii allaha u naxariistee cigaal ku rabay in kenya iyo itoobiya lagaga soo fur furo nfd iyo somali galbeed. cigaal wuxuu rabay in aan dagaal la galin se dagaal badelkeeda la isku dayo in dadka dhulkaasi degan afti guud la waydiiyo taasi oo kenya iyo itoobiya ka anfariireen laakiin un fortunately taliskii millatery ga ayaa meesha ka saaray qodobkaasi badalkiina galay dagaal aduunyadu u aragto in ay somalidu gardaro u jeedo. walibana ah dagaal aan ujeedadiisa la aqoon oo ku salaysan aan is amaano oon magac isku yeelo ee ma ahayn dan somali.

    kolkaa iska illaawa somaliweyn oo danta reer waqooyi ka hormariya tan kale. illeen reer koonfur dantooda ayay hormarsadeen sheegashada ay ina sheegtaana waxay inaga raadsanayaan dano ay isku naaxiyaan. kkkkkkkkkkkkk

    mj waxay idiin sheegataa sow ma ahayn ku danayso. koonfurna taasi tu lamida weeye guro waxna ha u qaban. ee danta guud ee reer waqooyi eega iyo danta deegaankaaga iyo mustaqbalka umadaada sool. reer awdal dantooda ayay eegteen oo ah inay maanta ayaku mutaystaan in ay xaq u yeeshaan kolwalba xilka madaxweyne ku xigeen. adna waxaa lagaa rabaa inaad taada eegto ood somaliland ka noqoto raisal baarlamaan sida golaha sharci dajinta somaliland ee golaha wakiilada.

    waad aragtaa somalia meel fiican kama gaadhaysaane somaliland baa idiinka dhow dahay chance ku yee dee soo raaca somaliland without dagaal without insult.

  27. aar gantaal
    inader qodobada maqaalkan ku qoran ilaa abaara faarey waynu ogayn ee waxaa yaaba maalinta ay khaatumo talaabo lagu diirsado ay qaaddo maxaa kaadhkan loo xasuusiyaa ummada miyaadan arkayn durbaba inta boggan akhriday inay xasaasiyad kala qaaday oo kala gurida beesha la bilaabay anigu waxaan qabaa in qoraaga ujeedadiisu intaas uun ay tahay iyo in dhulbahante markay isu soo dhawaadaanba shuushadan oo kale lagu furo qoraalkan oo kale kuweena aynu gacanta haysano ayuu istaajinayaa oo ay noqonaysaa inaynu jiidno faaiido inooma leh

  28. @Faraxcade

    Ninkani wax Faarax iyo Moxamuud la yiraa kama hadlin. Degaan iyo saddexda reer magaalada wada degan iyo siday wax u arkaan ayuu wax ka sheegay. Waxay aniga ila tahay, runta oo laga warwareego inayna Khaatumo wax u tarayn. Xaqiiqda jirta ha la sheego. Siyaasiyiinta saddexda reerba qolada kale ayay iska fiirinayaan markay wax samaynayaan. Xanuunka oo la helo dawada ayuu soo dhaweeyaa. Aan iska dayno ninkii dhaliil soo jeediyaba in lagu shaabuugeeyo PL buu inoo wadaa. PL waa ka tala baxnay, SNM waa ka talo baxnay laakiin SNM baa dhulkeenii ka talisa, sidee looga sifeeyaa? Maanta haddii LA dagaal lagu qaado Jaamac SIyaad ma rabaan inay u dhintaan Khaatumo inkastoo 98% ay fikirka taageersan yihiin? Bahararsame ma rabtaa?
    Ugaadhyahan ma rabaa? Haddii ay hadal ma doonto tahay ..aan meesha ka kacno. Haddii ay maya tahay, sababtu waa maxay? Xalkuna waa maxay?

  29. nuxali
    inader ha niyad jabin laga soo bilaabo wakhtigii daraawiishta maantaynu ugu fiican nahay oo dee maanta waxaynu qiranay inaynu hurdadii ka toosnay oo denail kii ka baxnay maamul firfircoon iyo hanuunin joogto uun baa loo baahan yahay

  30. Qoraalkani xaqiiqda ayuu ka turjumayaa. Boogta korka lagama dhayo haddii gudaha ay weli ka bugto. Nimanka siyaasiyiinta Reer Laas Caanood iyaga ayaa isu muuqda. SNM iyagoo arintaa og ayay ka faaiidaystaan fikirkaa meesha yaaala ileen Soomaali waa is uur ogtahaye. Jaamac Siyaad mid jiri ah ayaa lacag loogu soo dhiibay iyo hub markaas baa lagu yiri ragaaga dhergi wadankana yaan lagaa qaadin. Reer Jaamac 98% SNM hab dhaqankooda waa ka soo hor jeedaan laakiin waxaa u muuqda 500 ee $$ SNM siiso oo inay intaa joojiyaan ama dagaal lagu qaado waa ka warwareegayaan.

    Ina Xaabsade SNM buu la joogay doraad, shalay PL maantana SNM. Wuxuu rabaa inuu reer SSC u tujiyo sida gurigiisa hadba meesha uu joogo. Waa 70 jir hunguri qaadar Bahararsme iyaguna Ugaadhyahan iyo PL ku xumayn bay Xaabsade uga aamusan yihiin. Sidoo kale 98% SNM waa ka soo hor jeedaan laakiin wadadii lagaga bixi lahaa waa iska indho tirayaan.

    Ugaadhyahan eedda ugu wayn ayay leeyihiin markii hore iyo imikaba. Ina Af Qudhac qurunimadiisii iyo wax qabad xumadiisaii labadada way ka aamuseen. Ina Cali Shire wax ma taranimadiisa isna weli waa ku daba socdaan. Waxaad moodaa inay u dhigeen in LA SSC iska haysato oo SNM in wax lagu darsado xalku yahay. Sidoo kale 98% dadku waa Khaatumaysan yahay laakiin ummadda waxay leedahay hogaamiyayaal.

    Hogaamiyayaasha saddexda reerba sida qoraalkani sheegayo ayaa ka dhab ah. Garaadadu waa dadaalayaan laakiin “Nin Hunguri kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday” meel hunguri ka talinayo oo mabda’a iyo fikir ka maqan yahay si fudud looma furdaamiyo. Raggan saddexdan qoys Soomaali siyaasadeeda ugu jira waxay u muuqdaan rag arka 2da qole ee kale ee LA la degan inta kalan ay tahay wax muhiimad aan lahayn. Taa sidii looga gudbi lahaa ayaa mudan in la keeno. Haddii kale LA wadaddii SNM ku xalaalaysan lahayd ee maatada joogtaana Xagardheer u tegi lahayd wadadeedii ayaa ii muuqata.

  31. Camuu qoraalkaga ku laabo laascanood sadexdaa beelood Kaliya ma degaan ???
    Hadey tahay sida laascanood lagu soo kala HOREEYey beelaha qaar aad sheegtay 2003 ayey laascanood yimaadeen iyadoo sanaag Iyo ceerigaabo soo faruqiyey kkkkkkkkkkk lol

  32. faraxcade
    si xikmad leh baad u dhigtay 100% taxliilkaagu waa run waxaana jira rag dhulbahante ah oo gudaha iyo qurbaha jooga oo p/land lacag ku siiso so ay maqaaladan oo kale u soo qoraan xiligan oo kale mid liiban la baxay ayaa raxanreeb.com isna maqaalo kan oo kale ah soo geliya marka khaatumo wakhti xasaasi ah marayso p/land waxay khaatumo u isticmaashaa siyaasado qadiim ah iyo kuwo cusub in yur layska yidhaahdaa hadhay

  33. nin kani waxaa uu ka sheekeeyey arimo dhawr ah
    in dhulbahante is hayo dhexdiisa horgaladuna ay qabiilooyinkooda metelaan
    in garaado ay jiraan mudo is hayey khilaafkuna uusan ahayn maamulada hareeraha ka xiga dhulooska
    in xoraynta laasacaanood ay hor taagan yihiin reero laasacaanod degaa.
    in xadhigii cali sandule laga bixiyo faahfaahin hadii kale khaatumo khiyaamo tahay iyo nifaaq.
    in khaatumo loo dhistay gursi xamar lagaga helo.
    in siidayntii sandule uu ka dan beeyeen 11G khaatumo oo qurba joog ah.
    in biilka iyo dhaqaalaha khaatumo laga haysto
    in dhacdooyin badan oo dhaqanka ah laysku hayo lana heshiin karin
    anigu waxaan ninkan u arkaa iyo waxa soo daabacay ee laga soo xigtay in uu yahay nin puntland ama garoowe laga soo diray una shaqeeya weliba nin kani waa nimanka qarsoon oo had iyo jeere ku dhex jira kala daadinta dhulbahante iyo is raaciida. nin yahuud ah aya saxaabadii ayuu arkay oo qaxwaynaya markaaa ayuu gabayo guba la mid ah ka dhex tiriyey oo yiri xumaantaas ayaa idin dhex oo li jritee goorma ayaa maxamed idin mideeyey.
    ninkani sidii yuhuudkii ayuu sheekadan wuxuu kalahaa arimo sidan kala ah
    1…sidaad la socotaan arinkan cade muuse iyo c/laahi yuusuf ayay hal hays u ahayd. yaa kheey idinkaa is hayee heshiiya.. c/laahina wuxuu oran jirey soo kala ad kaada hadii aad tihin faarax iyo maxamuud
    2…nin kani meela ma dhaafin reero dhulbahante ah ayuu galay garaado dhaqan is ku hayn jirey ayuu soo tirshey..waa arinkii puntland ka sheekayn jirtey ururo arinkaa ku lacag qaadan jirayna qurbaha iyo garoowe ayay ka sameeyeyen
    qoraaganina kuwii ayuu ka mid yahay weliba waxay ku soo beegaan marka ay is lee yihiin jaanis ayaa jira..sida maanta in khaatumo is difaacday
    3…in khaatumo dadka laga horkeeno, sida in uu dalbaday in xarigii sandule faah fahin laga siiyo hadii kale wax qaldan yihiin…taasina dadka ayuu khaatumo tusayaa…
    4….in uu ugaadh yahay u sawiro in ay punltand wataan khaatumana ay san ahayn si reero dhulbahante ahi oo khaatumo ku halw geli lahaa ay shaki u qaadaan…arinkaasina waa arimhii iyo tabcooyinkii garoowe. waayo laba maal mood ka hor hanjabaad ayay somaliland u dirayeen sidii lagu yaqiin punltand.
    5..ninkani shacabka ayuu is tusayaa oo waxaa uu rabaa halgan ka khaatumo bilawday in uu suurada ka xumeeyo..waana shaqadii lagu yiqiin kuwa daciifka ah ee garoowe laga khaniiso.
    6….cali khaliif in kursi baarlamanka xamar muran laga geshay ayuu xusay. taana khaatumo ayuu rabaa in uu ka dhigo in cali khaliif wax ku haysan si reero ka mid ahi uga istaagaan.
    7…khaatumo waxaa loo dhisay in kursi lagu raad sado ..yana waxay tahay in uu reero ku dhoho ali khaliif ayaa wata ee mucaarada. khaatumo. hada garo ujeedkiisu waxaa ay tahay in uu khaatumo hadba dhinac ka tuso dadka ali aya khaatumo samaystay kursi ku raadinayey reero dhuloos ah ayuu kicinayaa.
    8..waxaa hadalkiisa ka muuqata in uu xooga saarayo shicibka in uu tuso khaladadka khaatumo.iyo in ay ka horyimaadan. fiiriya xumaantiisa washaysigaa puntland u adeegaya ee horgalka ah, meesha waxa uu ka saarayaa danbiyadii iyo fool xumadii ay puntland ku dhulbahante ku dhigtay isagoo is leh xooga saar reer ka mid ah dhulbhante .iyo ka sheekaynta xumaantooda .dhulbahante waa ka il baxay xiligii garoowe ay waxay doonto soo qori jireen mareegihii loogu adeegi jirayna waanu aragnay qaarkood inay shaqadii lagu yaqiin bilaabeen http://www.boocame.com iyo kuwa la mid ahi.dhulbahante puntland ka ma dhig kartaane waxba warar maqaal ah oo xumaan lagu raadinayo ha soo qorina khaatumana nacaybka aad u qabtaan dhulbhante reero ka mid ah ma joojinay kuwa aad xooga saaray saana waa la arkaa waxaa weeeyaan reeraha aad is lee dihiin kursiga aad somali ka doonaysaan ayay doonayaan ama way idin fahmeen markii aad rabteen inaad dhulooska wastaane .khaatumo way bilowday sharafteediiye. ufta qarsada .

  34. Sual.
    Intiina dhuloos halkan ku jirta bal isweydiiya cidda aad loyal u tihiin? Waxay u badantahay marka aad cid aad dan guud oo ku qancisa weydo aad is tidhaahdo ka jufadiina ugu qaylada badan dhankasta ha u ridayee war malaa kassa ku matala!

    Dhuloos badweyn ayuu jibaaxaya iyagoon heshiis ku ahayn halka ay ku socdaan,map iyo compass aan midna wadan. Markaasaa shiraacyadii doontaa waday qoloba meel wax uga hillaaceen ama bari iyo bogox u kala jeediyaan oo rakaabkii awalba asqaysnaa marba dhinac u dillaamiyaan.

    Doonidaa luntay ee qolyihii sarraa jaahwareersan yhiin waxay ku badbaadaysa in meeshay ku socoto la garanayo, compass iyo naakhuude daacada oo dariiqa garanay lahelo. E ku badbaadimayso in dadka asqaysan xal la weydiiyo

  35. nuura inadeer golahani wuxuuba noqday meel ukun lagu kor socdo kk oo dad kalaananba u jawaabin oo intay isu keen qariyeen xataa dhulbahntaha golaha ku cusubi ay dhuloos moodaan maxaynu ka garanaynaa halaq mareen weeye meeshuye kkkkkk

  36. NINA, horta markuu golaha soo galay dhulbahantuu sheegan jiray….markaa isaaq la soo qaado oo dhaliishooda la taabto ayuu soo godlan jiray oo isaaq nimadiisu soo bixi jirtay markii lafahmayna toos ayuuba u cadaystay inuu beeshaa yahy,xasuuso bulshaawi markuu cimaamada cad inagu la soo dul dhacay dagaalkii ceerigaabo kkkkk waa kii inuugu dhaartay inaanu ahayn qolada la moodayo ee yidhi ilaahay wuxuu igu ogyahay inaanan cidna ka socon markii dambena lagaaga sheekayn maayo marka reerku waa sidaa wax waliba way ka suurtowdaa.si alaale siday doonayaan inay kugu weeraraan ama khalkhal kugu geliyaan ayay ka shaqeeyaan..qaar baa ku odhanaya anigu dhulbahantaan ahay oo reer ebel ebel baan ahay lakn isaaq & somaliland baan ku qanacsanahay lafta dhulbahante somaliland ka soo hor jesatana dacar ayaa laga waraabinayaa isaaq dhulkaan la qaybsanayaa kkkkkkkk waa siyaabahay isuugu sheekeeyaan dadkaad ku siri kartaan.

  37. nuuray inader iidoorku horgalada magacyadooday sheegaan geesoole in cidla lagaga tagu ka baqayaa beri horena wuxuu odhan jiray isagoo afku ka xado maxaa inaga xumaanaya hadaynu snm raacno horgale hargaysa joogaa dhalay saan ka fahmay

  38. aniga waxan u arkaa qoraalkan inuu hada iyo burbur sii kordhinayo oo dadkii dhan wuxuu u tusay inay isku hayaan awoodo, wuxuna magacaabay rag tirsan oo siyaasiin ah, garaadii wanaag ayuu ku sheeg dadka shacabka wanaag ayuu ku sheegay dadka dhan ma faratoon iyo xaabsade iyo ina canbaashe iyo c/samad cali shire ayaa kawada adkaday midakale, midkale hadii sidaas jirto ina cali shire ciidan iyo awood wuu heli karaayo muu xoraysto magaalada aniga waxan u arkaa qoraalada la qorayo in lagu qoro wax dadka isku soo dhawayn kara oo lagaga bixi karo dhibaada

  39. nuura
    geesoole horaan hadalo uga soo dhac dhaca uga shakiyey lkn bal hada u fiirso qoraalkiisa sare ee uu leeyahay js iyo ugaadhyahan coloobi maayaan waa nin ka baqay in arinta xudun wax badasho oo dhuloos ah inadeer

  40. anigu waxaan qabaa sida nuuxali u dhigay in wax dhib ah oo wayni uusan jirin oo hadaf laysla gaadho iyo agende la raaco uun loo baahan yahay dhulbahante dagaalo xuni ma dhex marin wakhtigii dawlad la’aanta taas oo micneheedu yahay inaan wax saa u sii ridani ayan jirin snm sawtay habrahoodu is xasuuqeen lkn waa heshiiyeen waayo agenda ay ku midaysan yihiin iyo dhaqaalo kaba ayay heleen (caydhii magaceena ay ku qateen iyo sakadii iyo sadaqadii khaliijka) dhibka na haystay waa dhaqaale la’aan iyo dadkii oo rajo beelay taas ayaa cadawgu ka faaiidaystay hadana dhib ma jiro insha alaa

  41. maqaalku wuuba igu dheeraaday…….wax kale garan maynee ilaahay reerka tubta toosan haku toosiyo Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin yaa rabi.

  42. NINA, KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK inaadeer ilayn miskiin baad tahay ? geesaale haduu horgale dhulbahanta ah yahay saw ma sheegteen ilayn kuwo aan dhulbahante ahayna way sheegtaan oo golaha ina la jooganae kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ,, geesiga maaha dhulbahante marnaba haw malayn sababtuu sidaa u yidhina fahanoo in horgaladuu ku hoos jiro dhulka lala dhaco ayuu ka baqayaa. iyo film kale ayuu uga jeedaa .

  43. kalabaydh boy
    keligaa maaha dhalinyaro badan baa lagu marin habaabiyey qabyaalad hoose waxaan ogahay in jaamac siyaad iyo xaabsadeba ay ka soo cadhoodeen p/land kadibna ay bulshadoodii quraan dhurwaa ku akhriyeen si ay dhalinyaro ay duufsadaan u helaan waa sida qoraagu dhigayoo ninkii 20 doolar looga soo tuurayey hargaysa uunbaa la daba galay si indho la’aan ah iyadoo laaska bixintiisa uusan markii hore masuul ka ahayn xaabsade iyo js toona hadana waxay noqdeen creepers iyo gooryaan ku danaystay oo jaqay dhiigii dadkooda iyo dhulkooda intay difaacan lahaayeen

  44. Xin iyo xasarad inta aadame jirey waa jireen, Somalina cid aan hoos isu riix-riixin ma jirto, ee reerahan aad sheegayso aanooyin yaryar mahee miyay xabbad iska dhergiyeen? teeda kale, ma habar-jeclo iyo habar-yoonis bay iska necebyihin?

    Somalidu waxay tidhaahdaa milil guudkii lama dhayo. Nin baa is yidhaahda nabar dawee markaasuu dhiiga dusha uga muuqda maydh-maydha waxna dusha ka mariyaa; miyay taasi dawo noqonaysa. Ka waran haddu ninkaasi boogta u dhaco oo millka laftiisa daweeyo, taasi miyay dawo u noqonaysaa qof virus ku jiro. Miyaanay ahayn in halka wax iskaga xidhmi la’ yihiin la doono?

    Anugu waxaan qabaa in aan lafaha dhulbahante qabiil ahaan dhib weyn oo aan ka ahayn ta’ay Somalida kale la qabaan dhex ool, lakiin ay ciladdu tahay qorshe midaysan iyo dan dadka wada jihaysa oo meesha ka maqan.

    Markaa inta laba islaamood ayaa is eegay lagu war-wareegayo reerkani meel gaadhi maayo illaa inta lahelayo goal la tiigsado oo dadku ku qanci karaan.

  45. abdi
    hadaanba kugu raaco fikirkaaga ah bahararsame xaasidnimo ayay halkaa la soo fadhidaa dee maa beelaha kale ka tashadaan oo dantooda wataan cali khaliifna dee dhulbahante iyagaa u yeedhtay hadana dee waaka gurigiisii jooga e dee dhulbahante ha iska fasaxo oo haku yidhaado oday waad mahadsantahay macasalaama bal dee si loo furdaamiyo xaajada kkkkk

  46. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    waxaan aad ugu qoslay sida xaqiiqda ah ee aad u iftiimisay waxa jira ee runta ah
    hadii an halka kagudbo oo an uyara lexdo 4 sano ka hor
    waxa an aminsana oo ah khaladka iga dhadhacsana o ah anigo ah reer hebel

    waxaan idiin shegaya markii lascanod qabtay waxa ankaso gurmaday saaxdher
    umana sogurman ka hor istaagida SOMALILAND ee
    waxan usoo gurmaday gacan sintoda oo aan lasocday ina waranle oo ka Amar qadanayey ina xaabsade
    waxa la igadhadhiciyey qabyalad
    qabyaladas oo ahayd ugadhyahanba idinku gumesta lascanod oo gashan shaadh putland ee adiguna ugasho ka SOMALILAND

    marki danbena waxa dhacday in nalagu yidhaahdo misana jamac siyadba arladiba idinkala wareegay ee shadhka SOMALILAND wada qaata siyan la idinka badan marka dee maxay noqotay indadkiba sisiyar lokhalday oo SOMALILAND lagaga dhigo
    wax alaale iyo wixii ila damiir ahaba wayo waxaan ta uleyahay marki horeba maanan fahmin sheekada waxa looga jeedo dee

  47. Dhulbahante wuu kala baqayaa naleeye axmed waxa uu ka war wareegayaa dagaal sokeeye oo dhaxmara jamacsiyaad baharsamena halkaas xin iyo xaasidnimo uunbeey la soo fadhiyaan somalilandna waxba kuma heeystaan dhulbahantaha kale ee reer laas canood qayaad ugaasyo barkad waxa eey noqdeen meelaha baan buuxi odayga galeeyrna waxa uu noqday dhib kale oo dhulbahante ku soo siyaaday

  48. geesigaay? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war ri geesla oo kalaad nootahay ee ogoow

  49. oo ileen geesi ka la baxay waa horgale dhuloos ah durbaba wuxuu ka baqay in laga adkaado horgalada beelaha kale ee ay iskaashatada yihiin oo isaga iyo kuwa taageersan cidla lagaga tago waar waanu ku garanay

  50. maqaalku wax cusub ma sheegin xalku waa maxay???? xalku waa inta xinka iyo xasarda la yareeyo iskaashiga iyo danta degaanka la horaysiiyo arintu ma aha mushkiladii bariga dhexe reerku waa isku dan maanta dantooduna waa inay magacooda dabar go’a ka ilaashadaan markay taa meel saaraan ka dib ay iyagu siday doonaan u xisaabtamaan

    ta ina sandulana anigu rayi baan ka qabaa ilaa intii khaatumo dhalatay ma maqal in ay khaatumo qanuun iyo sharci qeexan ay u samaysay sida horgalada laga yeelayo markaa dee haday khaatumo ninka qabatay qaanuun lagu fuliyo oo dhigani majiro waxaa ka haboonayd ninka inta dad afduubani jiqda u galaan la khaarajiyo si aan cidiba isu waydiin ama aanba dee laysku doonan tan qabashadiisa waxaan u arkaa in xaga amar bixinta iyo kala warqaadashada ay mushkiladu ahayd waana khalad dhaca waa in arinta horgalad uu maamulku ka gaadho qaanuun si taasi u suurawdana waa in beelaha oo dhami ay ku midoobaan hal qaraar oo lagag soo horjeedo horgalada sida cali geri sameeyey waa in beelahoo dhami xeer cad oo horgalada lagu qaadayo ay keenaan maqaalada soo socda xalka halgu soo qoro wixii tagay tiigsimaad ma leh xalka mushkilada ha la isla qorsheeyo

  51. Geesiga,
    Bal yara balbalaadhi nabadda aad sheegayso, iyo waxaad Caligeri ku dooratay?

  52. lakin qoraankaan waxbadan waa iclaamiyey oo ah 1. maxaa lascanood loogu dagaali waayey? 2. Jufooyinka Dhulos oo is xinxinsanaaya. 3. Rag marna somalidiid u ordaayo marna Puntland. 4. Party quruxbadan oo lasoo labisanaayo. 5. Run aan leesku sheegeen.

  53. lascanood waa magaalo reer nugaaleed amo ugaadhyahan inta kaleeto dariisho ay kasoo galeen.

  54. jaamac siyaad iyo ugaadhyahan siyaad waa walaalo weligoodna col noqon maayaan laakiin goor dhow waxaan waxaanu sugnaaba waa cali geray oo qaada jidkaanu marnay iyo nabada aanu ka samaynay degaanadayada kkk

    • hawjawaabina qofkii Isaaq ah ee raba inuu sheekadiina leexiyo hana caayina waayo aamuskaa jawaab ugu filan oo tusaya inuu micno daranyahay oo aan wakhti loohayn.

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • AFElmi: Waa aniga. Ina bare huuraalow, kablalax waa qaran afarta gees ka degan afrikada bare ,adigoo shaley...
  • duurgal.com: NINA manta murti baa kaa baxaysa irirsamaysi waa la sameeyey waana hagbad daaroodsimaysigu maahan ee waa...
  • NINA: daarood waa inuu xulufo samaystaa hada ka dib jareertu waa san jab daarood oromadu waa xabashi daarood...
  • NINA: habarjeclooy muuse waa kaa odaygan gabyey baa war oo dhan dhameeyey wuxuu yidhi daarood qaybi oo xukun baanu la...
  • khadar p/ander wiil mudug: looolz .. / nina. Khabiirad iga dheh . waayo dagaal sokeeyo oo dhul balaarsi. Usc iyo snm....