Maxaad Ka Xusuusataa Hawlgalkii Rajo Soo Celinta Soomaaliya Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)
Labaatan sano ka hor maanta oo kale oo ku beegan 09/12/1993 ayey ahayd markii ugu horeysay ee guutooyinka ciidamada Mareykanka ee isugu jira kuwa badda, cirka iyo dhulka ay ka soo degeen xeebaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Ciidamadaasi Mareykanka hogaaminayey waxay markii dambe tiradoodu kor u dhaaftay illaa 30-kun askari oo ka kala socda wadamada caalamka.
Ka hor imaanshihii ciidamada Mareykanka, madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush ayaaa dhamaadkii 1992 hadal uu u jeediyey dadweynaha Mareykanka wuxuu ugu sheegay in ciidamo ay u dirayaan Soomaaliya si ay u ilaaliyaan gaadiidka sahayda gargaarka gaarsiineysa malaayiinta ruux ee Soomaaliya macluusha ugu le’aneysay xilligaasi.
Bishii Disembar 5-teedii 1992 ayaa si rasmi madaxweynihii Mareykanka u shaaciyey inay ciidan geynayaan Soomaaliya, kuwaasoo uu ku sheegay inay qabanayaan shaqo bani’aadanimo oo aan looga maarmin.
Ciidamadii ugu horeeyay ee soo raacay kuwii Mareykanka waxay ahaayeen; 2,000 oo ka socotay wadanka France and 2,000 askari oo ka timid Italy, illaa 900 ka socotay Canada.
Sidoo kale waxaa ciidamo keenay Pakistan, Zimbabwe, Malaysia, Australia, Germany iyo Nigeria. Ciidanka Mareykanka ee ka qeybgalay hawlgalkaasi waxaa lagu qiyaasay illaa 26,000 ciidanka badda oo ay caawinayeen in ka badanm 1,800 oo dhanka cirka ah.
Madaxweyne ku xigeenkii Mareykanka ee xilligaasi Dick Cheney ayaa sheegay in Mareykanka uu ku qasban yahay hawlgalkaasi marka laga eego dhanka bani’aadanimada.
“Uma dulqaadan karno inaan fiirsano iyadoo kooxaha burcada hubeysan ay dhacayaan dadkooda oo ay kufsanayaan” ayaa ka mid ahaa ereyadii uu jeediyey George Bush 5-tii Disembar 1993” waxaa yiri Madaxweynihii Mareykanka George Bush oo booqaday Muqdisho iyo Baydhabo 1-dii Janaayo 1993.
Madaxweynihii Mareykanka George Bush ayaa si uu ugu kuurgalo xaalada ciidamadiisa hawlgalka u joogay Soomaaliya wuxuu booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya bishii Janaayo 1993, waxaana meelihii uu booqday ka mid ahaa magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo uu ugu khudbeeyay askar Mareykan ah.
“Waxaad qabaneysaan shaqadii ALLE” ayaa ka mid ahaa ereyadii uu ugu khudbeeyay askarta Mareykanka xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii Mareykanka George Bush (bidix) oo soo gaaray muqdisho1-dii Janaayo 1993……
Hase ahaatee hawlgalka Mareykanka iyo xulufadiisa wuxuu dhibaato la kulmay markii ay galeen dagaal ay ku qaadeen kooxo hubatsab oo ka amar qaadabayay Jen Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa hogaamiye ka talinayey Muqdisho.
Dagaalka ayaa ka bilawday markii Mareykanku damcay inay soo xiraan Jen Caydiid laftiisa. Dagaalo culus ayaa sanadkii 1994 magaalada Muqdisho ku dhexmaray kooxo maleeshiaad ah iyo ciidamadii badda ee Mareykanka ayaana sababay in waddooyinka Muqdisho lagu jiidjiido meydadka askar Mareykan ah oo gaareysay 18 askari.
Dhanka Soomaalida waxaa dagaaadaasi kaga dhintay in ka badan 3,500 ruux. Sidoo kale askar Pakistan iyo Malaysia u dhalatay waa ay ku dhinteen. Dagaalka dhanka ciidamada Mareykanka waxaa hogaaminayey sarkaalkii ugu sareeya oo lagu magacaabi jiray William F. Garrison halka maleeshiyada ka soo horjeedayna ay hoostagi jireen Jen Maxamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa hogaamiye Muqdisho. Hawlgalkii Mareykanka horkacayey ee loogu magacdaray UNiSOM “ Rajo soo Celinta soomaaliya”
waxaa uu soo afmeermay bishii Maarso 1994 markii ay bexeen ciidamadii huwanta ee Mareykanka hogaaminayey.
Dad badan oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya waxay illaa hadda sheegaan in ujeedkii hawlgalkaasi uu ku dambeeyay fashil kadib dilkii askarta Mareykanka oo sababtay niyadjabka dawlada Mareykanka. Waana taas mida keentay in mudo dheer Soomaaliya ay ahayd meel caalamka iska ilaaway.
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=19246


