|

Faallo Xiisa Badan:- QALINKA QALOOCA KA DAA!!

Ma sahlana oo waa mas’uuliyad adag in la balan qaado bulshada in loo fuliyo adeeg warbaahineed, waxaana haboon in warbaahinta ay noqotaa mid heysata dariiqa suuban ee saxa ah.

Aas-aasiyaadka howsha warfaafinta marka la baranayo Saxaafadda waxaa ka mid ah: Cadaalada, sugnaanta, eex la’aanta, runsheegida, ka fogaanshaha caadifadda (Qabiil, nin tooxsi IWM) laakiin maanta waxaad mooda in arinkaasi leyskaba hilmaamay.

Mudo hadda laga joogo ku dhawaad 10 sano waxaa warbaahinta soomaalida ku soo kordhay aalad cusub oo aan kol hore adeegsan jirin taasoo ah warbaahinta “Internet-ka” waxaana aad u batay warbaahinta ku shaqeysa Online-ka ee afka soomaaliga ku hadasha.

Marka aad fariisato Computer leh internet oo aad u kuurgasho qaab dhaqanka webseedyada Soomaalida waxaa judhiiba dareemeysaa haddii aad tahay ruux leh dareen wadaniyad iyo mid aqooneed intuba in qaabka ay wax u socdaan aanay aheyn sax.

Waa mide magacyada qaarkood ayaa kolka aad eegtaba waxaa kaaga dhadhamaya beelo sida “reerqansax.com, reergudbane.net, reerganbade.org iwm waxaana tani ay muujineysa in ujeedada loo aas-aasay barahaasi internetka ay tahay fulinta himilo beeleed iyo fogeynta beelo kale oo isla Soomaali ah.

Aadamigu waa kii wax is warsan jiriye sooma aheyn in Saxaafadda ay iska hilmaanto danaha beesha isla markaana ay sare u qaado danaha guud ee bulshada? soo lama dhihi jirin suxufigu beel malahan ee waa nin qaran isla markaana umadda u dhaxeeya war hal ku dhigyadaasi mala hilmaamay mise horjoogayaasha baraha Internet-ka ayaa masaxay oo sheekada u dhalan rogay NIN IYO QABIILKIISA, QARAN WARKII DAAYA.

Dad badan oo cilmiga saxaafadda aqoon u leh oo aan sheekeysanay waxay ii sheegeen in Wariyaha wanaagsan uu yahay kan mar walba hormariyo danaha bulshada isla markaana qalinkiisa ugu shaqeeya dadka aan codka laheyn, sida dhibanayaasha, waayeelka, dumarka, Caruurka IWM.

Laakiin maanta waxaa loo yaqaan suxufiga wanaagsan kan ka shaqeeya danaha gaarka ah ee ku dhisan qabiileysiga iyo urureysiga, waayo waxaan aragnay dad badan oo qaliinkood qiiro qabiil xanbaarsanyahay bal akhriste adigaba soo arag soona sahmi qaab howleedka warbaahinta Soomaalida ha ahaato Idaacad, TV, Wargeysa iyo webseed intuba.

Ma ahan in aan diidanahay jiritaanka warbaahin kooxeed, laakiin waxaa huboon in shacabka loo sheego siyaasada lagu howl galayo nooca ay tahay si haddii uu qofka ku qanco uu u rukunto adeegaada hadii kalana uu kaaga meel daydo waayo qofka isaga ayaa waqtigiisa leh ee adiga lama lihid.

Laakiin dhanka kale waxaa xusid mudan in ay faraha ka bateen tirada warbaahin ee qoratay profile lagu xusay madax banaani iyo dhex dhexaad laakiin marka toosh dheer loogu eego gunta hoose ay ka soo bidhaameen muuqaalo iyo aragtiyo weedaaran waxa la qoray.

Baahinta hadal qaloocan oo qiyaano ku jirto waxaa laga dhaxlaa ciqaab aduun iyo mid aakhiro intuba waxaana taasi lagu cadeeyay kitaabka iyo sunnada Rasuulka Muxamad NNKH.

Shacabka in badan ayeey ku kadsoomaan baraha internet ee qaab beeleedka ku shaqeeya, laakiin waxaa haboon in ay kala gartaan saxa iyo qaladka si aanay ugu jahawareerin hadalka dhabta ah iyo kan dhiilada qabiil huwan.

Ma ahan in dhamaan webseedyada Soomaalida ay yihiin kuwa wada hilmaamay anshixii isla markaana ay hageyso qadiyada qabiilka laakiin waxaa jira kuwa aan tira badaneyn oo huwan sumacadii, karaamadii iyo sharafkii saxaafadda isla markaana mar walba u darban difaaca xuquuqada dadka dulman iyo daryeelkooda.

Waa hubinta in ay wax badan hagaagi doonaan haddii qalinka laga joojiyay qalooca iyo qabiileysiga isla markaana loo jiheeyo tubta toosan ee ku dhisan wadaniyada iyo daryeelka shacabka.

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media

horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=19420

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Faallo Xiisa Badan:- QALINKA QALOOCA KA DAA!!”

  1. kkkkkkkk kkkkkkkkkkk Kooshinkii ganaana. walahay waan qoslay kooshin baa caano daadiyay weligay ma maqal

  2. kaligiduul
    murtidaani cidlay kaaga dhacday waxay kuwanaagsanaan lahayd inaad dhulkii kala duldhacdid oo aad dooxooyinkii nugaaleed iyo hawdkii kaga dhawaajisid inkastoo madareemin qudha kaajarilahayd haday kaamaqlilahaayeen naaga caraysan oo dibinta ruugayay gaan feedhka udoontaasaaba igashay kkkkkkkkkkkk

  3. shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran

    maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
    aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.

    Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
    2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
    3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
    4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
    5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey

    6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
    7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
    8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
    9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
    10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
    11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
    12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
    13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
    14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
    15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
    16-Taladaan u diray doonimaayaane
    17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
    18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
    19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
    20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
    17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
    18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
    19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
    20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
    21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
    22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
    23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
    24-Idoor daacuflay soor u doontaane
    25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
    `26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
    27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
    28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
    29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
    30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
    31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa

    gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
    gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
    wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy

    gabayga waxaa ku jira
    magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal

    dhoon- waa buur
    qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
    durdurka– waa durdurka laaska
    lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
    nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
    saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
    baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan

    guul——–gobanimo———–midnimo

    ilaahay baa mahadleh
    wabilaahi towfiiq

  4. xunba weyn xidhiidhiyoo
    ximankii daryale
    xargegiyo laaskiyo
    xidhiidhiyo dhabansaar
    ximankii abeesaley
    dhuxun iyo dhabansaar
    dhulkii aan i qiin
    dhaxan baa ka timiyoo
    waa laga dhawaaqoo
    dhiig baa ku daatee
    tolow yaa u dhalan?

    odagooyiyo gambadhee
    cadow soo galyoo
    geesiyadii lahaa
    guri nabad maseexdaan
    hadhuub gaawe culan
    goray kuma lisaan

    gabladii ciyaartiyo
    geeraar matiriyaan

    fardihii gamaankiyo
    gabdho kuma aroosaan
    geyigaan jeclaa

    hodan waa garooboo
    goblan weeye aamina
    googarad dhalaaliyo
    garbasaar maxidhatoo
    galab qudha madheeshoo
    gudcur iyo habeenbay
    kolba gees u carartaa
    gam i weeydey caashoo
    jihaad bay la goohiye
    tolow maan isgaranoo
    gantaalaha xambaarnoo
    xoowda gooyno cadowgaa

    iyagoori lama galo
    garaadadu ma booqdaan
    guryahay lahaayeen

    gabanadu maseexdaan
    guumeey dusheedii
    kooshinkii ganaan jiriyo
    cali faarax lama garan

    gun nimiyo xumaan iyo
    lama qaato gorof madhan
    geyigood xoreeysaa
    guul kuugu filanoo
    gaajiyo haraad beel
    aad gees u seexan

    • gabaygaan wuxuu ku saabsanyahay sida jaamac siyaad u dayacay dhulkii ay deganaayee ay ab ka ab isir u lahaayeen.maanta in idoor ku amar ku taagleeyo dhamaan meelaha magacyadoodu kor ku xusan yihiin

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • waa aniga: waw nina reer xamar ayaad aheyd waad ii gabataye
  • U.STATE.OF. H: Mooryaan Madoowe Googoradaha Dumarku Gishtaan Ayuu Suuqa Siinaay Ku iibin Jiray Mooryaan Madoowe...
  • hargaysawi: somaliland allow dhawr ha g laysee hawareegto giraantu http://togaherer.com/madaxw...
  • duurgal.com: geesiga waxaad tiri maxaad uga xoreyn weydeen laascaanood? aan hadaba xoogaa dib u yara jalleecno...
  • NINA: samiira abaayo hadaad u malaysay destuurka soomaaliya loo soo qoray in cid soomaali ah baa wax ka qortay ama...