Faallo Xiisa Badan:- QALINKA QALOOCA KA DAA!!
Ma sahlana oo waa mas’uuliyad adag in la balan qaado bulshada in loo fuliyo adeeg warbaahineed, waxaana haboon in warbaahinta ay noqotaa mid heysata dariiqa suuban ee saxa ah.
Aas-aasiyaadka howsha warfaafinta marka la baranayo Saxaafadda waxaa ka mid ah: Cadaalada, sugnaanta, eex la’aanta, runsheegida, ka fogaanshaha caadifadda (Qabiil, nin tooxsi IWM) laakiin maanta waxaad mooda in arinkaasi leyskaba hilmaamay.
Mudo hadda laga joogo ku dhawaad 10 sano waxaa warbaahinta soomaalida ku soo kordhay aalad cusub oo aan kol hore adeegsan jirin taasoo ah warbaahinta “Internet-ka” waxaana aad u batay warbaahinta ku shaqeysa Online-ka ee afka soomaaliga ku hadasha.
Marka aad fariisato Computer leh internet oo aad u kuurgasho qaab dhaqanka webseedyada Soomaalida waxaa judhiiba dareemeysaa haddii aad tahay ruux leh dareen wadaniyad iyo mid aqooneed intuba in qaabka ay wax u socdaan aanay aheyn sax.
Waa mide magacyada qaarkood ayaa kolka aad eegtaba waxaa kaaga dhadhamaya beelo sida “reerqansax.com, reergudbane.net, reerganbade.org iwm waxaana tani ay muujineysa in ujeedada loo aas-aasay barahaasi internetka ay tahay fulinta himilo beeleed iyo fogeynta beelo kale oo isla Soomaali ah.
Aadamigu waa kii wax is warsan jiriye sooma aheyn in Saxaafadda ay iska hilmaanto danaha beesha isla markaana ay sare u qaado danaha guud ee bulshada? soo lama dhihi jirin suxufigu beel malahan ee waa nin qaran isla markaana umadda u dhaxeeya war hal ku dhigyadaasi mala hilmaamay mise horjoogayaasha baraha Internet-ka ayaa masaxay oo sheekada u dhalan rogay NIN IYO QABIILKIISA, QARAN WARKII DAAYA.
Dad badan oo cilmiga saxaafadda aqoon u leh oo aan sheekeysanay waxay ii sheegeen in Wariyaha wanaagsan uu yahay kan mar walba hormariyo danaha bulshada isla markaana qalinkiisa ugu shaqeeya dadka aan codka laheyn, sida dhibanayaasha, waayeelka, dumarka, Caruurka IWM.
Laakiin maanta waxaa loo yaqaan suxufiga wanaagsan kan ka shaqeeya danaha gaarka ah ee ku dhisan qabiileysiga iyo urureysiga, waayo waxaan aragnay dad badan oo qaliinkood qiiro qabiil xanbaarsanyahay bal akhriste adigaba soo arag soona sahmi qaab howleedka warbaahinta Soomaalida ha ahaato Idaacad, TV, Wargeysa iyo webseed intuba.
Ma ahan in aan diidanahay jiritaanka warbaahin kooxeed, laakiin waxaa huboon in shacabka loo sheego siyaasada lagu howl galayo nooca ay tahay si haddii uu qofka ku qanco uu u rukunto adeegaada hadii kalana uu kaaga meel daydo waayo qofka isaga ayaa waqtigiisa leh ee adiga lama lihid.
Laakiin dhanka kale waxaa xusid mudan in ay faraha ka bateen tirada warbaahin ee qoratay profile lagu xusay madax banaani iyo dhex dhexaad laakiin marka toosh dheer loogu eego gunta hoose ay ka soo bidhaameen muuqaalo iyo aragtiyo weedaaran waxa la qoray.
Baahinta hadal qaloocan oo qiyaano ku jirto waxaa laga dhaxlaa ciqaab aduun iyo mid aakhiro intuba waxaana taasi lagu cadeeyay kitaabka iyo sunnada Rasuulka Muxamad NNKH.
Shacabka in badan ayeey ku kadsoomaan baraha internet ee qaab beeleedka ku shaqeeya, laakiin waxaa haboon in ay kala gartaan saxa iyo qaladka si aanay ugu jahawareerin hadalka dhabta ah iyo kan dhiilada qabiil huwan.
Ma ahan in dhamaan webseedyada Soomaalida ay yihiin kuwa wada hilmaamay anshixii isla markaana ay hageyso qadiyada qabiilka laakiin waxaa jira kuwa aan tira badaneyn oo huwan sumacadii, karaamadii iyo sharafkii saxaafadda isla markaana mar walba u darban difaaca xuquuqada dadka dulman iyo daryeelkooda.
Waa hubinta in ay wax badan hagaagi doonaan haddii qalinka laga joojiyay qalooca iyo qabiileysiga isla markaana loo jiheeyo tubta toosan ee ku dhisan wadaniyada iyo daryeelka shacabka.
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=19420



kkkkkkkk kkkkkkkkkkk Kooshinkii ganaana. walahay waan qoslay kooshin baa caano daadiyay weligay ma maqal
kaligiduul
murtidaani cidlay kaaga dhacday waxay kuwanaagsanaan lahayd inaad dhulkii kala duldhacdid oo aad dooxooyinkii nugaaleed iyo hawdkii kaga dhawaajisid inkastoo madareemin qudha kaajarilahayd haday kaamaqlilahaayeen naaga caraysan oo dibinta ruugayay gaan feedhka udoontaasaaba igashay kkkkkkkkkkkk
groowe
kkkkkkk kkkkkkkkkk
shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran
maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.
Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;
1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey
6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
16-Taladaan u diray doonimaayaane
17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
24-Idoor daacuflay soor u doontaane
25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
`26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa
gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy
gabayga waxaa ku jira
magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal
dhoon- waa buur
qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
durdurka– waa durdurka laaska
lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan
guul——–gobanimo———–midnimo
ilaahay baa mahadleh
wabilaahi towfiiq
xunba weyn xidhiidhiyoo
ximankii daryale
xargegiyo laaskiyo
xidhiidhiyo dhabansaar
ximankii abeesaley
dhuxun iyo dhabansaar
dhulkii aan i qiin
dhaxan baa ka timiyoo
waa laga dhawaaqoo
dhiig baa ku daatee
tolow yaa u dhalan?
odagooyiyo gambadhee
cadow soo galyoo
geesiyadii lahaa
guri nabad maseexdaan
hadhuub gaawe culan
goray kuma lisaan
gabladii ciyaartiyo
geeraar matiriyaan
fardihii gamaankiyo
gabdho kuma aroosaan
geyigaan jeclaa
hodan waa garooboo
goblan weeye aamina
googarad dhalaaliyo
garbasaar maxidhatoo
galab qudha madheeshoo
gudcur iyo habeenbay
kolba gees u carartaa
gam i weeydey caashoo
jihaad bay la goohiye
tolow maan isgaranoo
gantaalaha xambaarnoo
xoowda gooyno cadowgaa
iyagoori lama galo
garaadadu ma booqdaan
guryahay lahaayeen
gabanadu maseexdaan
guumeey dusheedii
kooshinkii ganaan jiriyo
cali faarax lama garan
gun nimiyo xumaan iyo
lama qaato gorof madhan
geyigood xoreeysaa
guul kuugu filanoo
gaajiyo haraad beel
aad gees u seexan
gabaygaan wuxuu ku saabsanyahay sida jaamac siyaad u dayacay dhulkii ay deganaayee ay ab ka ab isir u lahaayeen.maanta in idoor ku amar ku taagleeyo dhamaan meelaha magacyadoodu kor ku xusan yihiin