|

Maqaal:Bilawgii Horumarka Dawlad Deegaanka Khaatumo.

maqaalkan oo aan uga gon leeyahay inaan ku ifiyo horumarka curdunka ah ee ay hiigsanayaan shucuubwaynaha Khaatumo iyo sida dawlada kumeel-gaarka ah ee khaatumo ay ugu heelantahay ka mira dhalinta qodobadii lagu gaaray madashii taariikhiga ahayd ee barde Khaatumo. Dawlad Deegaanka Khaatumo ayaa ka kooban sadex gobol oo kamida sideed iyo tobanka gobal ee jamhuuuriyada federaaliga ah ee soomalia , gobaladaasi oo lagu tilmaamo kuwa ugu khayraadka badan guud ahaan dalkeenaa soomalia ayaa kala gobolka Sool, Sanaag iyo togdheer. dawlada khaatumo ayaa guud ahaan ceegaagta dhulkii gumaystihii ingiriiska sida dulmiga ah kujoogay waxayna shacabka deegaanka Khaatumo ahayeen kuwii ugu horeeyay ee hubkooda ku waajaha sancadaalihii ku sugna qaar kamida waqooyiga soomalia waxayna gundhig u ahaayeen halgankii barakaysnaa ee daraawiishta.

 

 

 

 

Dawlad deegaanka Khaatumo waxay mudo kooban ku xaqiijisay guulo ku dayasho mudan waxaana ay ahaayeen kuwo midba midka kalle uu ahaa tusaale, Dawladan waxay xoog saartay xiriirka caalamiga ah( international relations) kaas oo ay si haboon uga keeneen aqoonsi iyo waliba taageero dhinacyo badan ah, dawladu waxay dardar galisay dhanka soo ceelinta amniga iyo xasiloonida iyadoo samaysay ciidan qalabaysan wallow ay jiraan caqabado dhanka farsamada ah lakiin waxaa la xussi karaa halganadii hubaysnaa ee si is xigxiga u dhacay jiida gobolka cayn iyo waliba gobolka sool dhamaantood ay ahaayeen kuwo muujiyay jiritaanka dawlada ayna ka keeneen guulo wax ku ool ah wallow ay jiraan deegaan ay fariisimo ku leeyihiin cadawga geeri doonka ah ee SNM,

 

 

dawladu wax taabagalisay maamul u samaynta degmooyinka iyadoo hawlgalisay golle deegaan oo firfircoon kuna shaqaynaya xaalado qalafsan, dawladu waxay hanatay rabitaanka shacabka Khaatumo iyadoo ay madaxdii ugu saraysay xukuumada kumeel gaarka ahi ay joogaan jiidaha hore ee xoraynta iyagoo la qaybsanaya nolosha cududa millateriga dawlada iyo waliba shacabka degmooyinka ay hawlgaladu ka jiraan, waxay dawladu toosh wayn ku ifisay beeno aan raad lahayn oo ay shakhsiyaad danaystayaal ah kuna maxaabsada magaca shacabka khaatumo ay ku dhoobaynayeen sharafta umada Khaatumo, dawladu waxay dardar-galisay dhisitaanka goobaha safarka sida gigida diyaaradaha iyo dayac tirka wadooyinka. waxaa ay dawladu ka dhistay goobtii lagu yagleelay garoon caalami ah taas oo ay diyaaraduhu dagi karaan, dawladu waxay horumarkan la kaashanaysaa shacabkeeda ku sugan dalka iyo dibadiisaba iyadoo ay muuqato.

 

 

waxaa xaqiiqo ah in Dawlad kastaa ay leedahay mucaarad kaas oo ku haminaya inuu mar un talada gacantiisa gasho lakiin mucaarad kasta wuxuu leeyahay xad, hadii mucaaradku noqdo mid cadaw ku ah jiritaanka dawlada taas micnaheedu ma ahan mucaaradnimo ee qaran dumis. waxaana in badan oo dadka ah ay isku khaldaan mucaaradka iyo qaran dumisk, waxan aaminsanahay inay jiraan hogaan aan muuqan oo kaga haboonaan karra talada dalka lakiin in kastoo oo ka qaybqaadatay dhisidii dawlada Khaatumo waxay ku qoran yihiin baal dahab waqtiga ayaana xussi doona waxa ayna tahay in cid kastoo tallo is biday ay kusoo dhawaato horumarinta dalka iyadoo ilaalinaysa qodobada gundhiga u ah dadka iyo deegaanka Khaatumo.

 

 

 

W/Q. Dr.abdijaliil Mahamed.

Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=19504

Posted by on Dec 12 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

31 Comments for “Maqaal:Bilawgii Horumarka Dawlad Deegaanka Khaatumo.”

  1. keligii nacas

    diradiraalaha ilaahay quraankiisuu ku sheegay ,kaafur baad tahay aan damiir iyo dadnimoba lahayn waayo raga aad magacyadooda gabayga ku sheegtay waa rag aadan raganimadood gaari karin sida xaabsade iyo ina canbaashe .

    bal car hadaad nin tahay magacaaga oo sax ah sheeg .’

  2. Laasku wuxuu ku fiicanyahey in cidkale oon dhuloos aheyni maamusho sababtoo ah waa xero dhiig lagu laayo dadka dhuloos bal xasuuso inta nin haldoor ahaa oo sababla,aan lagu diley, waxaa laga nastey intey puntland mmuleysey ama sland mmuleysey

  3. ssc-citizen from xudun

    inaadeer waxaan kuu salaamayaa sigaara.
    aad baana u fahmey commentiskaaga waana tixgelinayaa aragtidaada.
    gabayga gebagebadiisa hadaad dib u yarajaleecdo, macnahana aad u dhuuxdo waxaa kuu cadaaneeysa in aan dhulbahante lawada hadlayo.
    gabayga jaamac siyaad, kan baharsame iyo ka ugaadhyahanba waa waa isku micno, waana kicin iyo baraarujin.
    laascaanood iyo xuduna reer keliya looma xilsaarin inuu xoreeyo
    xoreeynata taladeeda waxaa laga sugayaa ugaadhyahan,jaamac siyaad,ugaasyada,baharsame,beesha cabdi graad. dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee kalena waxay dagaalka uga soo qayb gelayaa si tabarucaada.

    waa sidaad shegtay in xudun la dul fadhiyo uuna dagaal bilaaban karo any minute.laakiin inta ka horeeysa waa in siwanaagsan loo diyaar garoobaa.

    waad mahadsantahay sida geesinimada leh ee aad aragtidaada iigu soo bandhigtay waana tixgelinayaa

  4. dhamaan dhalinyaradu waa mahadsanyihiin
    qofwalibana rayigiisa iyo aragtidiisa waa u xor inuu siduu markaas wax u arko u cabiro.
    insha alaa khayr bay ku dambeynaysaa
    guushuna waa dhowdahay

  5. Keligiiduul
    waa gabay aad u wanaagsan halkaas kawada halganka qoraalkeyga hore wa kaftan inaderkiis.

  6. keligeed bakhlayso

    xilo sakhiraney buraanbur habreed kii ugu xumaa ayaad shirka la timi kkkkkkk

  7. Sln sare iga gudoon ina adeero waada ku mahdsantahay gabaygan aad usoo tirisay ugadhyahan wax kesta oo shacabka kicinaya waad ka hadli kartaaaaaa

  8. Keligiiduul
    gabayga aad ugaadhyahan umarisay gubaabo ma ahan caay baad kula kor kuftay dib ugu laabo lool .,

  9. waxaan aad iyo aad ugahelay nimankii iidoor oo dhamaantood yaaban kadib diimuqriitigii siilaanyo iyo xisbigiisa kuliye snm waxaan iyo aad ulayaabay ninkii dhaqtarka ahaa oo kutukanaya salaad sahwi ooleh waawareey waa wareey war waamaxay waxaniyeey markii danbana xabaal dheer baanqoday oo kuriday diimuqraatiyadii snm waxaana soo aasnay shalay oo waa by by

  10. Mamulka khatumo hormar intaan ka badan wuu gaari karaa hadii dadka degaanada khatumo u dhashay horgalenimada isgadhafaan.,

  11. SSC-Citizen from Xudun

    S lander

    Waan dareemi karaa in gabayadiisa iyo guubaabadiisu dhib badan kugu hayaa, kumanyaal isaga la mid ah baana dhulkii jooga oo naar kaa waraabinaya ee beerlaxawsiga jooji.

  12. ssc xudun ,

    kkkk keldii duul waxa uu rabaa inaad ticketka ka bixiso is uu dalkii u xoreeyee , diyaar ma utahay waa nin dhiigleee kkkkkkkk

  13. SSC-Citizen from Xudun

    Keligiiduul

    Inadeer waa gabay qiimo leh, xaqiiqdana ka hadlaya….Inkastoo Ugaadhyahan arinka Lascanod aanu keligiis waxba ka qaban karin oo loo baahanyahay in Dhulbahante oo magaca Khaatumo ku midaysani uu Laaska xoreeyo, waayo hadii kale waxaad maqlaysaa Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan baa dagaalamaya, taasna waa siduu cadowgu doonayo oo looma baahna.

    Anigu shaqsiyan waan kugu raacsanahay inaad dadka guubaabisid, cidna aadan u joojin runtana ka gaban, wixii xanaaqaa waa kuwo aan awalba arinka daacad ka ahayn…mase ka warhaysaa in aaga Xudun anyminute dagaal ka qarxi karo oo hadaynu halkaa iidoor ku jabino xoraynta Lascanod aad u hawlyaraanayso, dagaal dhiig badan ku daato oo aan waxba laysula hadhin baa halkaa ka soo socdee ha lala socdo, hadii Laaska xabada laga bilaabona way fiicnaan lahayd….ha isla gubato meeshu, guul iyo gobanimo!!!

    Khaatumo Allow Dhawr!!!!

  14. NINA

    kkkkkkk inabt adiga METRO HOUSING kaan kugu soo daraynaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkk real state camal , !!!!

  15. waar kan galidii duuul labaxay , ma ka dhab baa >>??? haday se ka dhab tahay muu qoriga qaato oo dalkii xoreeyo ?? mise toloow waxa uu wayaay cid ticket ka u gooysa , maxaa yeelay waxa jirra mujaahidiin badan oo la , cid ticketka u gooysa lkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ,

  16. HHHHHHHHH NINA inaadeer Waad iga qoslisay!! Wax aan bari hore dhegahayga ka sifeeyey baad imaqashiisay!!!!

  17. @ kaligiiduul maahmaahda reer xamarka malaa kuma fiicnid inkastoo aad u egtay nin muddo dheer ku soo dhaqmay. KKKKK ( DARISKAAGA OO DAGAALKAAGA RABO DOORADIISUU KUGU SOO DEEYSTAA) Sidaas weeye maahmaadu inaadeer khayr baan idiin rajaynayaa GUUL IYO GOBANIMO VIVA KHAATUMO

    • gantaal
      waa kaa khaldantahay maahmaahdu
      waana sidaan u qoray
      dooradu siideeyn uma baahna
      laakiin maahmaahdu waa daantaansi
      oo deriska waa dagaal doon
      dooradu meel walba waa qodaa oo ku xaartaa cidina kama wada hadasho
      laakiin deriskaagu haduu dagaalkaaga rabo wuxuu ku yidhaahdaa dooradaada iga cesho
      dooro aroortti badar raadis bilowday yaa celin kara!!!!

      kkkkkk
      thanks

  18. keligiiduul
    mukulaashu maahmaah bay ahy tanay ahayd ta buraanburku
    dooli kabiiroow ma la soo dayaaw kuwi diirta(digirta)xadeenaaw ?
    lama soo dayaaw kuwii diirta xadeenaaw?
    boqol garaamo baahi ma goyse ee ma ii baahatidoowaa
    baahi ma goysa ee ma ii baaha tidoowaa kkkkkkkkkkkcidii baaqiga garanaysaay dhamee

  19. ANIGANA BURAANBURAKAAN SOO WADO MEEL U BANEEEYAKKKKKKKKKK

    • jiija
      ii waran, sow ma faydid

      waxaan sugnaaba waa buraanburkaagii la magacbaxay mukulaal minankeed joogtaa mici libaaxay leedahay iyo deriskaa dagaalkaa rabaa digaagaa iga cishuu dhahaa
      kkkk

  20. Kaligiiduuloow inaadeer qoladan reer hawd maxaad iyagana ugu tirin wayday gabayga qaybtooda Xoraynta?

    Misa adigaa ka soo Jeedaa KKKKK

    • gantaal
      reer howd kama soo jeedo
      gabay hadaan u tiriyona gabaygoodu amaan buu noqonayaa
      waayo iyagu caasimadoodii waa difaaceem
      waad mahadsantahay inaadeer

  21. wooooow ,
    maansha allaah afkaaga caano lagu qabay!
    gabayga magaciisu waa wixii dhiig lehoow kaca, reer hawd awooddiina ilaahay ha idin tuso,..kk

    • saafi
      waa magacfiican
      laakiin waxaa kaa khaldan cida awoodooa ilaahay tusayo maaha reer howd ee waa reer nugaaleed ugaadhyahan
      reer howd waa kamaadoosta wax tababaraysa

  22. horufadhi
    reportigu waa mid aad u qiimo badan hogaanka iyo shacbiga khaatumona waa ku amaanan yihiin waxqabadkooda.laakiin soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
    nin meeli u cadahay meeli ka madow. waxay kaloo ku maahmaahdaa meel hoo u baahan hadal wax kama taro.
    maahmaahahan waxaan u soo qaatay aniga waxay ila tahay in aan maanta dhegaha shacabka khaatumo waxaan xoreeyn ahayn maqli karin
    shacabku waxay diyaar u yihiin inay maqlaan saraakiishii dhulbahante oo dhalinyarada ugu yeedhaysa goobaha lagu diyaarinayo ciidamada xoreeynta.

  23. shalay waxaan gabayga sare u tiriyey beesha jaamacsiyaa oo ay ugu horeeyaan cali faarax iyo kooshin kabadhogor oo iayagu weligood hormuud u ahaan jirey beel weynta dhulbahante.gabaygiina waaka sare ku qoran

    maantana waxaan jeclaaystay inaan gabay kale u tiriyo beel weeynta reer saaxdheer ee tolkay oo aan ku dhaliilayo sida ay uga seexdeen waajibkii tolkood ka sugayey, ayna uga soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaan jireen talada iyo difaaca dhulbahante.waxaan kaloo codsanyaa gabaygaan inaan loo arag xumaan aan cid u qabo laakiin waa iga guubaabo aan doonayo in maanta baharsame jihaadka bilowdo si ay u soo ceshato doorkii ay ku lahayd dhulbahante dhexdiisa,
    aana u arko wax qabadka boqortooyadii soo jireenka ahayd ee reer tolkay.

    Gabaygiina waakan isagoo dhan oo dhigeysan;

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaye
    2-Waanse daayey waayadan oo ma soo deeyne
    3-Maantana dan baa tidheye ma anba dooneeyne
    4- Bal an doogsho reeraha oo dirir u heenseeyo
    5- Afartaa digsiiyey oo dowga qabadsiiyey

    6-Afar kalena bal aan sida digriga daacad ugu sheego
    7- Naalayihii darnaan jiray waa da’furay maantaa
    8-Ma dareemin baa loo baxshiyo, magacyo duugoobey
    9-Durdurkiyo laaskii xornimo kuma duljoogaane
    10-Idoor daacuf leh bay derejo moodeene
    11-Nugaal daafeheeday cadho dibinta ruugaane
    12-Dhoon dacaladeedii warmaha ku ma duqeeyaane
    13-debin kama hadlaan oo fartaa lagu diraayaaye
    14-dagaal uma baxaan oo baqay dabada jeedsheene
    15- Duubkaan u xidhay iyo derejadii tuure
    16-Taladaan u diray doonimaayaane
    17-Dumar ooyayey subixi shaah u doontaane
    18-Daqiiqda iyo cajiinkay door bidaayaaneh
    19-Dabatiyo gunimay doonayaan abideh
    20- Darib kuma cunaan dulaha nuurdaaqeh
    17-Qudhac-dheero darantii horweeyn uma dareershaaneh
    18-Dambar kama dhamaan oo nirgaha uma daduucaane
    19-Gaajay la dalan baabayaa dayrta aan joogno
    20-Xaabsade damiin bay talo u doonteeneh
    21-Ka door bide xornimo inay Idoor dabada haystaane
    22-Daba taag korkeeday deleb ku dheelaaneh
    23- Durdurada agtooday dalag ku beertaane
    24-Idoor daacuflay soor u doontaane
    25- Bal dayooy dadkaa aan xornimo doonin abikoodba
    `26-Dadkii idin boqraday xornimay doonayaan maanta
    27-Dirir iyo colaad bay daalibaayaane
    28-Ama diida oo yeela waa kama dambeeystiiye
    29-Durbaan iyo rasaas waa inan maqlaa maanta dabadeeda
    30-Guumeyd dusheediyo lebida waa inaan gool ku dooxnaaye
    31- Dibna yaan u maqal idoor diga qadhmuunkiisa

    gabay gaan oo hada uun maskaxdayda ku soo dhacay oo aan ku qoray wax ka yar labaatan daqiiqo, horena aanan uga fekerin, waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo dhamaan dhalinyarada dhulbahante ee webkaan horufadhi commentska ku qora.waxaana leeyahay gabaygaan ha layga gudoomo oo dhulka halagu xoreeyo.
    gaar ahaan waxaan gabaygaan u hibeeyey howd iyo nugaal iyo nina oo aan u arko laba qof oo jihaadku dhab kayahay.ilmaadeernimaduna meel weyn kaga taal
    wixii rayiya oo aad haysaan waa idinka sugayaa.aflagaadaduna waa reebantahy

    gabayga waxaa ku jira
    magacyada meelo dhulkeena kamida weliba howd iyo nugaal

    dhoon- waa buur
    qudhac- dheero.– waa meel ku taal laascaanood hoosteeda oo geelaloo daran geeyo
    durdurka– waa durdurka laaska
    lebida- waa meeshii dhulbahante iyo habarjeclo kala joogi jireen waa gii hore xuddudkuna ahaan jirey
    nuur daaq– waa buur laas caanood ka hooseeysa oo buuraha ugu baaleysa xaga nugaasha
    saaxdheer iyo dabataag– waa magaalooyin dhulbahante oo howka xiga
    baaraan– waa hogob u dhow kalabaydh oo biyu ku raagaan

    guul——–gobanimo———–midnimo

    ilaahay baa mahadleh
    wabilaahi towfiiq

  24. HA NOOLAATO KHAATUMO
    DADKOO DHANA HAGA SHAQEEYAAN
    HORUMARINTA DADKA IYO DALKA
    WAA JIIJA OO IDINLEH
    ISKU DUUBNI BAA DAWLAD IYO DALBA LAGU DHISAA

    • xunba weyn xidhiidhiyoo
      ximankii daryale
      xargegiyo laaskiyo
      xidhiidhiyo dhabansaar
      ximankii abeesaley
      dhuxun iyo dhabansaar
      dhulkii aan i qiin
      dhaxan baa ka timiyoo
      waa laga dhawaaqoo
      dhiig baa ku daatee
      tolow yaa u dhalan?

      odagooyiyo gambadhee
      cadow soo galyoo
      geesiyadii lahaa
      guri nabad maseexdaan
      hadhuub gaawe culan
      goray kuma lisaan

      gabladii ciyaartiyo
      geeraar matiriyaan

      fardihii gamaankiyo
      gabdho kuma aroosaan
      geyigaan jeclaa

      hodan waa garooboo
      goblan weeye aamina
      googarad dhalaaliyo
      garbasaar maxidhatoo
      galab qudha madheeshoo
      gudcur iyo habeenbay
      kolba gees u carartaa
      gam i weeydey caashoo
      jihaad bay la goohiye
      tolow maan isgaranoo
      gantaalaha xambaarnoo
      xoowda gooyno cadowgaa

      iyagoori lama galo
      garaadadu ma booqdaan
      guryahay lahaayeen

      gabanadu maseexdaan
      guumeey dusheedii
      kooshinkii ganaan jiriyo
      cali faarax lama garan

      gun nimiyo xumaan iyo
      lama qaato gorof madhan
      geyigood xoreeysaa
      guul kuugu filanoo
      gaajiyo haraad beel
      aad gees u seexan

  25. Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa dhamaan beelweeynta khaatumo
    gaar ahaana waxaan salaamayaa dhalinyarada khaatumo ee webka horufadhi commentiskiisa ka howl gala. kkk

    dhamaantiin waxaad la socotaan in labadaan maalmood aan qorayey gabayo
    aan jeclaystay inaan ku booriyo beel weynta kaatumo oo aan ku dhaliilayo iyadoo
    awooda difaaca dalkooda inay ka howl yareeysteen.
    hadaba sidaad akhrideen labadii gabay ee bahararsame iyo jaamacsiyaad waad akhrideen.
    ilaahay idankiis maanta waxaa ii suurtowdey gabaygii ka hadlayey guubaabada iyo kicinta beesha ugaadhyahan.beeshan oo aan anigu ku mataalo geela.sababtoo ah geelu xoogiisa ma arko inta uu aduunka joogo. laakiin geela ilaahay wuxuu tusaa xoogiisa aakhiro.waxaana la yidhi geela marka awoodiisa la tuso buu oohin iyo cabaad isku daraa oo yidhaahdaa ilaahow aduunkii ii celi aan awoodayda isticmaale.laakiin ilaahay wuxuu ku odhanaya waqti aduunkii dib laysugu celiyo lama joogo geelow.

    Haddaba gabaygan oo kuwii hore ka yara kulul reerka ugaadhyahanse ku haboon
    ayaan maanta curiyey. gabaygaana waa in aan loo qaadan in aan xumaan ama reer iska maag ahay ee waxaan u arkay in uu waqtigan ku haboon yahay.hadaba ha layga raali ahaado. waana in la iga gudoomaa.
    gabaygiina waakan isagoo ugaadhyahanaysan.

    Gabayga waxaan ugu magacdaray( Darmaan farataqaan),wuxuuna ku socdaa gabaygu xarafka D

    1-Da’da gabayga anigoo yarbaan daalib ku ahaaye
    2- Iyadoo darmada laydhigaan daadshey idilkeede
    3- Waanse daayey inan sheego oo dowga qabadsiiyo
    4-Maantana wax bay daarayoo ii dardaarweriyey
    5- Bal aan daadsho maantoo kaluu daawo leeyahayee

    6-Dacwad waxaan udirayaa reer tolkey dirir la’aantiisa
    7-Durjigood ugaadhyahan waa dadaan jirineh
    8- Inay dunida joogaan lama dareemaayo
    9-Darmaan farataqaan baa sideed daacad loo rarane
    10-Iyagoo duloobeybay dad isu haystaane
    11-Baldayay ugaadhyahan diifat xumadiisa
    12-Faroolaa derderay oo sixir doolar ugu laabay
    13-Cabdi samadki diinyaray daba ordaayaane
    14-Hartigii dumay derejo moodeeneh
    15-Dowladii afweyniyo ina daflay dooni abidkoode
    16-Siilaanyo duuflulay taar u dirayaane
    17- Iidoor daacuflay arkeen oo laaska soo degaye
    18-Iyagoon dagaalamin baqay dabada jeedsheeneh
    19-Dundumooyinkay moodayaan daacufle idoore
    20-Orodkii dambaaburo qardhay dabo ka dhaafeeneh
    21-Dibna uma jaleecine waa durduriyeene
    22-Ku dardare caruur iyo haween qowlo dacalkooda
    23-Fuleynimadu inay duli tahayna maba dareemaaneh
    24-Dalkoodii la dhacay iyo xoreeyn dooni maayaaneh
    25-Hanaankii dagaal iyo kalume dirirti xeeleedeh
    28-Kamaadoos derderan waa inaan howd ka doonaaye
    29-Degelweeynta reer hagar waa inaan qowlo dacalkeeno
    30-Durjigoodba reer howd waa dagaal yahaneh
    31- Dugsiyada tacliintaan ka furi dacalki qoowleedeh
    32-Bii emkii darnaa iyo suuga bay soo dagaal gelineh
    33-Darandoori waxaay uridi taangi daba weyne
    34-Daaca qudhun cambaashay dooxayaan maanta
    35-Xaabsade duloobay dhiig ka siideeyne
    36-Sandulihi duloobey bay waran daraayaane
    37-Fu’aad daaman weeynay wadnaha shiil ka siideeyne
    38-Marka uu danqado oo cabaad labada daan yeedho
    39-Bay weliba dili oo indhaha daamur ka yaacin
    40-Duriyadii siciidey horgale daawo malahaado
    41-Keenii difaacana waa inaan darbeynaaye
    42-Danta guud u jeedadu waa midnimo dooneh
    43-Xornimona dagaal bay rabtaa iyo geesi doob weyneh
    44-Durji malaha ninkaan arlada nabad ku doogeeyneh
    45-Dalkeenaa la dhacay waa inaan daacad u xoreeyno
    46-Guumeeys dusheediyo lebida waa inaan gaadh duldhiganaaye
    47-Googarado waa inuu xidhtaa gaacufle idoore
    48-Waa inay dameeraha rartaan oo sagaar dabin u tuurtaane
    49-Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo deeyray
    50-Naflahaan danqani goor dambuu dib u shalaayaayeh
    51-Isku duubnideeniyo midnimo waa danteeniiye
    52-Dirdiraalaha iyo daneeystaha waa inaan daloow ka tuuraaye
    53-Dibna yeynan ugu noqon wixii sharafta baal daari
    54-Duriyadeena wixii uroon iyo magaca aan doono

    dhamaan waxaan ka codsanayaa beesha walaalahay ee ugaadhyahan in aanay iga cadhoon. gabaygaan wax kale ulama jeedo.cidna inaan ku caayo kuma tala gelin laakiin meeshuu ilama maray. hadaba hala kala raali ahaado gabayguna dhamaantiis waa guubaabo iyo kicin ku saabsan xoreeynta laaska iwm

    ilaahy waxaan ka rajeeynayaa in gabaygaa
    uu daawo uga dhigo dadka uu la hadlayo

    wa bilaahi towfiiq
    waa keligiiduul oo idin leh habeen wanaagsan

Leave a Reply

<

Recently Commented

  • daauud damalaxagaree: asc waxaan salaamayaa dhamman reer khatumo waxaan aad uga xumahay in la xidho sxbkay axmed...
  • farduus1: Waxan umaleenayaa in aakhiro sizaam soo dhow yahay.
  • Ceegaag: IYAA, mehaan curuba maahinoo, ii jooji baabuurka waa ku soo banaahe. Aar u joojiya ha ku soo banee. Waxyar...
  • Galool: Waxa wax lala yaabo ah in maalina ay odhanayaan xashiish baa laga gurayay ceerigaabo, maalinta xigtana ay ku...
  • idoor liqe: baligubudle girl inaabti alla yaa cizak , kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk...