|

(Faalo Xiisa Badan) Al-shabaab Oo Firxaday Maxaa Laga Filan Karaa

Bilahii Ugu danbeeyay waxaa Dalka Soomaaliya Ka dhacay is badal Xoogan Oo Dhinaca Ammaanka Iyo Siyaasadda ah kuwaasi Oo Mar kaliya So jiitay Indhaha Bulshada Caalamka Iyo Warbaahinta Aduunka , Isla markaana Sababtay in Shaashada TV-yada Iyo Jaraa’idkuba Bogagooda Hore Ku faaleeyaan, kuna Taxliiliyaan Waaqiciga Cusub Ee Soomaalia.

Arimaha Dhaliyay Hadal haaynta Warbaahintuna Hadal Haayso oo ah Kuwa Isbiirsaday Waxaa Kamid ah:-

1- Doorashooyinkii Baarlamaanka Iyo Madaxtinimada Oo Madaxtinimada Dalka oo Kudhawaad Konton sano Kadib Lagu Qabtay Wadanka Gudahiisa.

2-Jabka Soo gaaray Kooxda Alshabaab Oo dhumisay Deegaano Fara badan oo ay Gacanta ku Haaysay.

3- Hor’umarka Hadda Ka hanaqaaday Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Gayiga Soomaaliya, gaar ahaan Dib Udhiska dar darta Ku socda, Iyo waliba Dhiira galinta bulshada Heleen Oo la xariiro Dhinaca Nabadda.

Arimahaasi waxey keeneen I si toos ah Shacabka utaageeraan Kana Qeybqaataan Hor’umarka Haatan Muqdisho Hiigsaneyso, dalkuna Uu wajahayo.

Laakiin Marka Laga yimaado bidhaanta Nabadeed Ee soo Bikaacday , haddane Dad badan ayaa Isweydiinayo Waxa xiga Firxadka Alshabaab halka Ay ku danbeyndoonaan Iyo waxa Xiga oo Ay sameyndoonaan Horjoogayaashooda marka Laga Gacan Mariyo Goobaha Ay Hadda Ku gabaadsanayaan oo ah Kuwa aad u kooban?.

Shaki kuma Jiro sida Haatanba Shabaabka bilaabeen In ay Sameeynayaan Weerarada Ku dhufo Oo Ka dhaqaaqda ah, Kordhinta dilalka Qorsheysan Iyo Khaarajinta Dadka Ay U arkaan Caqabad kuyihiin Hadafka Alshabaab, Iyo sidoo kale Adeegsiga Dhalinyarada Is disha Oo ay Qaraxyada Ku rakibaan, kuna Bartilmaameed sadaan Fariisimaha Ciidamada Soomaaliya, Saldhigyada Ciidamada Afrika Ee Amisom , Xafiisyada Dowladda Soomaaliya iyo waliba Goob kasta oo Ay kusuganyihiin Dadka Dhinaca Dowladda U janjeera, Aasidda Miinooyinka Dhulka Laga liyo , ayeey Dadka Arimaha Dagaalka Faaleeyo Ku saleeyeen ficil linta Laga filan karo Kooxda Awoodeed La wiiqay Ee Alshabaab.

Sidoo kale Kooxda Alshabaab waxaa laga Filan karaa Qabashada Muxaadarooyin Jihaadiya oo ay Wadaadad Taageersan ku Wacyi galiyaan Bulshada Si ay Uhelaan dagaal yahano Ku soo biira, una soo dumaan Dhalin yaro Hor leh Oo ay Xaabo Uga dhigaan Dabka Iyo Dagaalada ay Ka hurinyaan Sooomaaliya, iyagoo sidoo kalena saldhigyo Tababar uga sameynaya dhulka Fog Ee baadiyaha ah sida Mar kale ay saadaalinayaan Dadka adroosa istiraatiijiyada Dhinca siyaasadda Iyo Dagaalka ah Oo ay ku howl gasho Kooxda Alshabaab.

Horjoogayaasha Kooxda alshabaab ayaa iyagana la filayaa In ay ka gabaad sameystaan Deegaanada Ku yaalla Dhulka Keymaha Le Iyo Buura leyda si ay kaga Bad baadaan weeraro Nafsadooda halis galiya .

Waxeyna ku Ekaandoonaan Oo kaliya dajinta Qaab dagaaleedka , iyo dhiira galinta Dagaal yahanadooda si ay u Buuxiyaan Farumaha dagaalka.

Maxaa Keenay Jabka Alshabaab?

Dhammaan Dadka Sida Hoose ula socda dhaqdhaqaayada Kooxda Alshabaab waxa jabka Soo gaaray Ku Qodbeeyeen Afar Arin Oo Mar kaliya Kooxdaasi Soo Wajahday, una Caal weysay In Xal ay ka gaarto Badankood kuwaasi Oo kala ah:-

* waa Midda koobaade dhaqaalo Yari Soo wajahday Kadib Markii qalqaaso Iyo Rabshado Ka abuurmeen Qaar Kamid ah Wadamada Carbeed oo ay Qarashaad Ka heli jireen Sida La aaminsanyahay.

* khilaafaad Soo kala dhax galay Hogaamiyaasha Soomaalida ah Dhaxdooda Iyo Waliba Horjoogayaasha Ajnabiga taasi Oo dhowr jeer Soo Daahirtay Qaarkoodna Ay baahiyeen Oo xal laga gaari waayay.

* Kala shaki Soo kala dhax galay Qaar kamid ah Hogaamiyaasha Kooxdaasi Kadib Markii Mareykanka Uu dul dhigay Lacago Fara badan Qaar kamid ah Madaxda Alshabaab.

* Kalsoonidii Shacabka Oo ay Lumiyeen Kadib Cadaadis Iyo Caburin Kooxdaasi U geysatay bulshada, oo Ay kamid tahay Qal qal galin kadib Markii Qaar badan qoor Gooyeen Oo ay Qaleen.

Inkastoo Dadka Ay saadaalinayaan Qataro Fara badan Oo Kooxdan Laga filan Karo, hadane Waxaa la eegayaa Sida Dowladda Soomaaliya U baajiso Weerarada Ka imaan kara Kooxdaasi Oo hadda Awoodeeedii Ciidan La wiiqay.

Waxa Qoray 
Cabdicasiis Axmed Barrow

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=19544

Posted by on Dec 13 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “(Faalo Xiisa Badan) Al-shabaab Oo Firxaday Maxaa Laga Filan Karaa”

  1. Alshabaab horta somali waa baratey, umaleen ma ayo iney soo noqonayaan.

  2. waxa laga fillan kara iyagoo iska soo gurya noqda oo yimaadaa dalkoodii somaliland , sida burco , hargeisa , borame , iyo berbera , simple is that !! waanaay soo noqdeenoo way iska joogaanba dhulkoodii , hawshoodiina soo fushade , marlabad hadaan u bahano inaan halkuu kucelino oo loo bahado hawshay noo hayeena waa ba diyaar !!!!!
    viva alshabaab and somaliland

Leave a Reply

Recently Commented

  • SSC-Citizen From xudun: Indhasheeloow Khaatumo hadaanay dhulka difaaci karin oo arinteedu noqotay hadal iyo marba...
  • Darbisamaroon: Shidaalka holhol waxaa iska leh Daraaiiwshtii xoreysay Somaliland ee naftoodhurayaasha ahaa kuwaasi...
  • Khatumostt: Indhosheel wadaduu ku socdo dhul laguma xoreeyo adeer khatumo sidaan dhul ku xoreenmeeyso shilimaadka...
  • Khatumostt: Darbisamaroon iidoorka runtaa farta ka saartay allaa yacizag ,,,
  • djama: derbisamaroon waar ninyow maalmahan isku daran baad qaadee maxaa ku daaray.