|

Faalo:- Dhismihii Dowladdii Farmaajo & Dhaq-dhaqaaqii Ay Muqdisho Ka Bilowday Iyadoo Warbaahintuna Kaabayso Waxay Lahaayeen Xiiso Kale,illaa Laga Soo Gaaro Qaabkii Booska Looga Qaaday Ra’iisal Wasaare Farmaajo

Dhismihii dowladdii Farmaajo & dhaqdhaqaaqii ay Muqdisho ka bilowday iyadoo warbaahintuna kaabeyso waxay lahaayeen xiiso kale, illaa laga soo gaaro qaabkii booska looga qaaday ra’isalwasaare Farmaajo, markaa oo sheekadu meel sare gaartay, fadhiyadana loo badsaday.

Si kasta oo xaal ahaa waxaa booskii Farmaajo soo buuxiyay Gaas oo dabkii markaa baxayay gaas ku sii shubay. Road-map, Kampalla Accord, Garowe Principles, London Conference, arrimihii dastuurka iyo odayadii guryahooda laga soo kaxeeyay waxay ahaayeen sheekooyin waaweyn oo xiiso lahaa waqti badanna fadhiyada lagu badsan jiray.

Xiisaha sheekooyinkii Sh Shariif waqtigiisa jiray qoraal kuma soo koobi karno, waxaa sidoo kale kamid ahaa safaradii dibedda ee aan kala joogsiga laheyn, safiiro badalkii, dhaqaalihii muranka dhaliyay, heshiiskii Badda iyo Dhulka ee muranka dhaliyay, iibsigii viso-oyinka, lunsashadii malaayiinta doolar, iska hor-imaadyadii isaga & Sharmaarke, isaga & C/weli, isaga iyo Faroole iyo kuwo kale oo badan.

Sheekooyinkaas, doodahaas & falanqeyntuba waa socdeen llaa ugu dambeyntii Sh Shariif shan farood & calaacal booska looga qaaday isaga & saaxiibkiisii ay jidka dheer isla soo mareen ee Shariif Xasan Sh Aadan. Inkastoo doorasho ku sheegeen in looga qaaday, haddana cid walba waa ka dharagsaneyd waxa meesha ka socday, taas oo qorshu ahaa sidii labadaa oday (waa shariif-yadee) meesha looga qaadi lahaa. Laakiin dadkii sidii la ogaa jiif & joogba u diiday taageeridda in mar ay arkaan Shariifyada oo siyaasadda ka maqan, waxaa la waayay meel ay jaan & cirib dhigeen waqtigan la joogo.

Waan ogahay oo farxad kuma maqna, arrimo kalena kuma mashquulsanee waxay u badan tahay in ay arkeen wax aysan fileyn. Qaar ka mid ah oo aan weydiiyay waxa loo waayay, wax jawaab ima siin. Waxaa hubaal ah in dadkii hadalka badnaa ay hadalkii yareeyeen, fadhiyadii badnaa lagu kala kacay, wax la iska wareysto la waayay, xitaa in dowlad soomaaliyeed dhisan tahay shaki ayay kaa galinayaan. Qaar baan arkay iyagoo xisbiyada Somali-land tirinaya dushana ka akhrinaya, malaha wax u dhaama oo ay ka sheekeeyaan ayay waayeen.

Waxay filayeen in dowlad carcarteeda qabta meesha iman doonto,heshiisyo waaweyn geli doonta, dhaqaale badan sameyn doonta, dhaqdhaqaaq & wax-qabad la iman doonta, sheekadii xiisaha badneyd ee siyaasadda soomaalida halkeedii uga sii socon doonto.

Niyad-jabkii ugu horreeyay waxay qaadeen markii madaxweynaha ku qaadatay 30 casho ku dhowaad in uu ra’isalwasaare ku magacaabo. Waxaa ugu sii biiray magacaabistii wasiirada oo intii oo kale qaadatay, nooca wasiirada ee la magacaabay iyo dowladdii oo ka dhammaan weysay arrimo hoose oo aan agaasime ka badneyn, sida dhuxusha Kismaayo taalla, burcad-badeedda Puntland & Somali-land ku xiran iwm. Caajiskii ugu weynaana wuxuu koray markii dowladdii dhammeyd ee la yiri RASMI baad tihiin meel ay wax u dhaqaajiso weyday.

Ma garanayo waxay yeeli doonaan markay maqlaan wasiiro ku-xigeeno 20 ah ayaa la soo wadaa ee ay wasiiradii kasareeyay 10-ka yihiin, ma qosli doonaan? Ma qeylin doonaan lama oga!. Waxayse u muuqataa in sidaas uu nalka uga sii dansanaan doono 4-ta sano ee soo socota, haddiiba dowladdani sii jirto. Inkatsoo qaarkood aan ka maqlayay iyagoo leh “kuwan (waa dowladdee) afar sano oo dambe lama sugi karo”, mase fahmin waxay ula jeedeen.

waxaanse ku soo gabaynayaa waa muuqataa in dowladdii Sh Shariif la tabay, laakiin la arki doone haddii xiisahaasi wax iska badalaan waqtiyada soo socda….

Farah Warsame

Mellbourne Australia

Bile1971@hotmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=19615

Posted by on Dec 14 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Faalo:- Dhismihii Dowladdii Farmaajo & Dhaq-dhaqaaqii Ay Muqdisho Ka Bilowday Iyadoo Warbaahintuna Kaabayso Waxay Lahaayeen Xiiso Kale,illaa Laga Soo Gaaro Qaabkii Booska Looga Qaaday Ra’iisal Wasaare Farmaajo”

  1. Farah Warsame absolutely walee u nailed on the head ????

    I don’t believe in xataa dowladan sii shaqeynayso lix bilood oo Danbe . Waliba ku darsoo raisalwasaraha wuu barjeeyaa madaxweynuhuna waa foolish . So it’s clear what is going to happen !!!!!!!!!

Leave a Reply

Recently Commented

  • mire: http://burcoonline.com/article s/19816/Halkan-Ka-Daawo-SAWIRO -Soo-Dhoweynti-Balaadhanyd-...
  • suldaan: Ruun Hmmmmmm S/land samo kuwaar kulahaa cajiib!!!
  • ali: iidoor yare midnimada Somali republic dii 1960kii waxay ahayd heshiis laba qaran wada galeen oo gudhi kara...
  • kalshale: war qolyihii isaaq ee meeshan wax ku qori jiray waxaan idin waydiiyey waxaan arkay aad iiga yaabiyey ee...
  • mire: http://boramanews.com/index.ph p?option=com_content&view= article&id=7687&catid= 34&Itemid=53...