|

Dilalka Laascaanood waa wejiyo badan, Shabaab , SNM iyo Isku dir Dhulbahante dhexdiisa ah.

maqaal1-300x198Magaalada Laascaanood ee xarunta G/Sool taasoo jabhada SNM ku habsatay sanadkii 2007 bishii October, waxaa magalada marxaladeedu ahayd mid kala duduwan inbadan oo ka danbaysay beryihii la qabsaday waxaa ka soconay kacdoon shacab kaasoo si kas ah xabada loola dhacayey shacabka magaalada ka dib markeey muujiyeen inaysan raali ka ahayn maleeshiyaadka SNM ee soo duulay iyo kuwa horkacayey ee Horgalayaasha ahaa.

Bilahaas waxaa la diley dad badan oo u badnaa arday kuwaasoo qalbiyada xasuusta ee shacabka Laascaanood iyo kuwa Khaatumo ba weli ku duugan.

Dhacdooyinka dilalka ee Tusbaxba furmay noqday.

Waxaa hadaba jirtey in dadbadan oo lagu laayey Laascaanood kuwaasoo dhamaantood ahaa wax qarsoonaa dilkoodu iyo cida dishay. Haseyeeshee  habeenkii caawa ku sadex aHaa ayaa waxaa dhacay in la soo qabtay niman sheegaty inay yihiin danbiilayashii dadka qaar laayey, kuwaasoo markii la soo qabanyey fal danbiyeed gacanta kula jirey. Inakstoo nimankan aan weli lala kulansiin saxaafada xorta ah ee madax banaan isla markaana xanbaarsan magaca dadka leh Laascaanood, balse loo geeyey saxaafada cadowga, hadana waxaa dad badan oo Laascaanood joogaa cadeeyeen in nimankaasi ay yihiin kuwo ka titrsan Shabaabka Xamar, dadka inta badan ay laynayeena ay ahaayeen kuwo aan waxba yeelinayn cadowga SNM, taasina ay tahay mushkilad kale, waxay kaloo wararku cadeeyeen in nimankan laga xukumo Burco oo laga soo abaabulay dhankaas iyo deeganada SNM si ay dhib uga gaystaan laascaanood.

Taas waxaa sii dheer in dadka la laayey qaarkodo lagu sii dababasay oo durbaba waxyaalah soo duul duulaya ay ka mid yihiin weedho loogu talogalay in cadowgu uu isugu jiheeyo shacabka Khaatumo dhexdiisa, waxaana tusaale u ah nimankii waxay dheheen hebel waxaa dilay hebel oo reer hebel{Dhulbahante dhexdiisa}, ah, taasi durbaba waxya neefta ka sii deysay cadowgii weynee ee ka soo horjeeday jritaanka iyo midnimada shacabka Dhulbahante ee Khaatumo, kaasoo doonaya inuu arintii u bedelo weji qabiil, waxaase xataa hadii sida ay sheegayaan hadalka loo dhigo laguna raaco ah, in hebel uu aaminsan yahay in asaga mooyaane dadka kale Gaalayihiin hadii Aabihii la dhaho dilna uusan bixinayn.

Balse wejiga ay isticmaalayaan SNM kaas waa ka ujeedo weyn yahay, waxaana xaqiiq ah in ay jireen naago iyo niman ka soojeeda beesha Isaaq oo inteey laascaanood dad ku laayeen galeen xeryaha maleeshiyaadkooda magaalada haystay, laba calina aysan isweydiin oo cid ugu dhacda la waayey.

marka la soo kufiyo, dhacdooyinkan Laascaaanood haatan ka taagan, waa Shabaab oo daraf ah balse Isaaqaysan maadaba xaruntoodii tahay Burco, SNM oo ka faa’ideysanaysa iyo Dhulbahante la doonayo in indhaha la isku saaro, ayadoo la adeegsanayo Calooshood u shaqaystayaal dhinacyadan ka kala amar qaata.

Gabagabadii, waxaan dhihi lahaa si hawshaan looga hortago isla markaana aan loo yeelin in la iska horkeeno bulshadeena, waa in la xaqiiqsadaa in labadan kooxood ee Burco inagaga soo wada duulay, SNM iyo Shabaabka Isaaqaysan, aysan inagu jahayn fekeradahooda guracan ee midaysan , kuwaasoo ay doonayaan in ay qofkii maalin la dileyba dhahaan mid reer hebel baa dilay, waxayna taasi cadeynaysaa in ayba ugu talo galeen in arimahan dhacaan, waayo Shabaabka dhabta ah waxaa ka mamnuuca in qofna ka kale qabiil ogaado, magac ogaado iyo weji ogaado. Balse kuwan waxaa cad in laga lee yahay dan qotodheer oo munaafaqadaysan. Waxaa kaloo hubaal ah in dhanka hawdka haatan laga wado reero la isku xuuxinayo oo ayagana la doonayo in colaad la kala dhexdhigo reer Laascaanoodna haatan shaki iyo mugdi baahsan laka dhexdhigay.

 

Dr. Aadan Jaamac Yuusuf.

Ku soo Hagaaji Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=20348

Posted by on Dec 23 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Dilalka Laascaanood waa wejiyo badan, Shabaab , SNM iyo Isku dir Dhulbahante dhexdiisa ah.”

  1. Dilalka laaska ka dhacaya waxaa ka danbeeya snm ,alshabaab iyo snm waxba kalama ahan waxeyna dilalka u sameeynayaan sida beelaha dhulbahante iskugu dhacaan waa in laga feejignaada. Alshabaab oo hargeysa iyo burco iyo berbera dilal ka sameeyneysa weli yaa argay waa maya.

  2. Sakaaro xaar muuqday aas aastaa,cumar wacays,samakaab axmed iyo ugaadh yahabay noqdeen kuwii dilalka geystay,j siyaad bahararsame iyo isaaqbaana loo geystay sheekadu wey iska caddahay mar haddii ragga dambiyada galay magacyadoodii iyo jifooyinkodi la garanayo,reer kastoo wax laga dilay ayay u taalaa waxay ka yeelayaan,ilaahi kashifay baana mahada iska leh, ee wadhac wadhacda joojiya,ninkii wax diiddalni ha badheedho laakiin yaanu tolkii si madow ku dilin,gacan ku dhiiglana rabbi haw kashifo sidaa mar walba

  3. .k.k.k.k.kk.k.k.k.kk.k.k.k..k.k.k.k.kk….kk

  4. dhalinyaro soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin buka boqol u tali.laascaanood waa magaalo bugta oo caafimaadkeedu xaalad aad u hooseysa marayo.
    sidaas waxaan u leeyahay.laascaanood waa meel nin waliba siyaasadiisa siduu doono ugu fushanayo. waxaana dayacay oo iibiyey dadkii magaalada lahaa.

    waxaan qabaa inaan dhulbahante isdileyn waqtiga maanta la joogo oo xitaa hadii cadowgu madaxa isugeliyo ay fahmi karaan ujeedooyinkiisa

Leave a Reply

Recently Commented

  • xarbI: waar holhol taleex may ka sukayssaa mise way ka shishaysaa horta alla hakala badbaadiyo dadkiisa
  • SSC-Citizen From xudun: Iidoor waa naflacaari, marba meel haysku qaadaan sidii digaagad madaxii laga gooyey, hadalkan...
  • Galool: Ilaahay baa I dilaayee manta Siilaanyo ayaan ku kacsanahay waa nin aan dagaal waxba ka aqoon, waa raga...
  • mire: Edbiye and derbisamaroon Bal waydinkaa odaygii ka cadhaysiiyeye ka gurta………kkkk kkkkkkkkkk
  • naasir: kkkkkkkkkk waxaan aad ula yaabay ninka pugland u hadlaya waa nin madhan khalaas waa ceeboobay kk hartibaan...