|

Qormo Xiisa Badan:- Dhibaato iyo Daawadeeda W/Q Asad Farah Deeq (Heelo)

Sida caadiga ah ama ay taariikhdu qortay dhibaato waa wax maalinkasta dhaca wiil yar ayaa dharbaaxa wiil kale oo ay dhanka guga isku garab dhacaan, dabeedna  midka kawayn ama abahiis ayaa shan ulood ku dhufta  waxyar intaan lajooginba  hormo dhalinyaro ah oo dabley ah ayaa horey u booda oo horseeda dhibaato iyo caana daata .

Taas waxaa aad caan ugu ah bulsha waynta soomaaliyeed oo dhanka raad raaca abtirsiinya  ahaan dhanka hiilka iyo kajawaabida gardarada aad ugu dheereeya. hadaba arintaas waxaa hogaanka u haya laba qodob oo kala ah:

1: Kala duwanaansho caadi ah ama khilaaf dhalan kara xili kasta, arintaan badanaa waxay salka ku haysaa aaminsanaan ama fikir loo noqdo. waxyaabaha layiraahdo sida; diimaha, dhaqanka, fikir aabayaal iyo hooyooyin laga dhaxlay. Tusaale ahaan  qolo aamin san diinta gaalada iyo kuwa aaminsan mida islaamka. hadaba hadii ay dhacdo in labadaas qolo meel kuwada noolaadaan waxaa dhici karta khilaaf laxiriira dhanka diinta.

2: Baabah iyo boqol. Ama nidaamka layiraahdo in uu qof wax helo qofna waayo  taas oo keenta khilaaf,dagaal,muran iyo iswaydiinta waxa noole  siiyay boqol midna qadiyay waxaa tusaale inoogu filan wadan  haysta badwayn, wabiyaal iyo ilaha wax soo saarka oo hodan ah; wadana waa buuralay ,banan iyo sacma leefto aan neef doon ahi waxba ka goosan. marka hadii ay labadaan dowladood ama labadaan qolo daris yahiin waxaa imaanaysa saluug iyo daan daansi kaas oo guul iyo guul daraba horseedi karta, waana meesha ay  soomalidu ka dhahdo (kuqabso ku qadimayside). taas oo ku baxday in dhul lagu habsado  iyadoo qofka ku habsanaaya ama qabsanaya uu dan yare yahay aan xishoonayn  kan looga habsadayna yahay mid ka awood badan dhanka maalka oo is leh  iska daa dhibaatada iyo kulaylka oo iska sii dhulka.

Dowrkaagu maxuu yahay?

Hayaraato, hawaynaato, noockastaba hala ekaatee markii ay dhibaato dhacdo waa in aad raadisid xal Oo aadan quusan, arintaana ka soomaali ahaan intaan arkay waynu ku liidanaa; tusaale ahaan dalka jabaan waa dal jasiirad ku yaala mana lahan kheyraad fara badan  bado iyo biyo galeeno goo ga’an ay ku teedsanyihiin gabi ahaantiisba hadana dhibaatadaani waxay bartay in ay reer jabaan keenaan badal ah in ay adeegsadaan kana faa iidaystaan awooda noolaha caqliga leh ama utilization of human resource, Oo u horseeday in ay ka mid noqdaan hormuudka dunida maanta.  marka keen badal ha quusane!

Cilmi ahaan sidee u xalinaa  dhibaatada?

1: Ugu horeyn si qoto dheer u lafa gur isna waydii sababta keentay dhibaatada.

2: Waxbaa kuu baxaye waxaad is waydiisaa intaadan go’aan qaadan  majirtaa wado kale oo ka fiican?

3: Gorfayn iyo gunaadad dheer taladu haku gobo tiraahdo mid kamid ah.

4: Sidaa haku dayne qiimayn iyo kormeer ku samee adoo kaduulaya dhibaatada kadhalankarta .

5: Dooro markaas mid kamid ah adigoo ay kuu cadahay wax walba oo kadhalan kara; tusaale: hadii ay laba ciidan is hor fadhiyaan waa in aad taqaanid  colka kaa soo horjeeda iyo ciidanka uu haysto tiradooda,hubkooda,iyo heerka tababar,  intay kuujiraan iyo hogaankooda.

6: Kuli adoo kaashanaya waxaad horey usoo  qorshaysay,awoodaada,iyo rabitaanka cidaad hugaan u tahay gaar ahaan iyo guud ahaanba.

7: Waxaad tunka u ridataa masuuliyada kadhalankarta hana dhihin sidaan manan moodeyn iyo waxbaa si iga noqday ee noqo mid  aan talaabadiisa iyo hadalkiisu is khilaafin.

Ugu danbayn nuxurku waxuu yahay  dhibaato waa wax dhicikara heerkasta hala ekaatee, marka waxaad ku daawaysaa adigoo yaqaan sababta keentay, wadadaad u mari lahayd  xalka iyo kudhaqaaqistiisa laakiin halka shardi waxuu yahay in meel xun laga tago meel fiicana la aado.

Qore:  Asad Farah Deeq (Heelo)
Deegaanka:- Khartoum–Suudaan.
Ciwaanka:- qaransuge01@hotmail.com

Short URL: http://horufadhi.com/?p=20582

Posted by on Dec 26 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Kuwa snm u ololaynayaa waxay markii hore ku heleen shaqooyinka ay milishiibiyada ama dawlada hoose ay ka hayaa...
  • Idoor liqe: Golaha deegaanka magaalada Oslo caasimada Norway oo aqoonsaday dowlada khaatumo . Hadad af-Norwegian...
  • Tusbax khayreh: Dalka Somalailnd waxaa ka go,an in uu helo aqoonsi buuxa si uu ula jaan qaado dunida inteeda kale,...
  • Tusbax khayreh: Dalka Somalailnd waxaa ka go,an in uu helo aqoonsi buuxa si uu ula jaan qaado dunida inteeda kale,...
  • laandheere hn: Ruuxan wata guun ee isir nacaybku madax maray waxan kuleyahay daroodkan aad sheegayso waka aad dunida...