Quusta Dadkayga Iyo Fursooyinka Horyaala {Faalo}
Bulsho bulshooyinka kamid ah markay ku adkaato inay isbadal kusameeyaan waaqicooda waxaa kudhasha cudur khatar ah oo ah quusasho.
Dadkeena somaliyeed oo aan inbadan dhagahooda ku soodhicin wax fiican ayaa waxaa inta badan arkaysaa in mushkilada quusto ay aad udhexgashay bulshadeena.
Waxaa qayb wayn kaqaatay aqoonyahanka oo ay bulshadu cilmi ku tuhmayso oo ay in badan ka maqlaan waxyaabo aan fiicnayn.
Maalin ayaan kadhagaystay idaacadd nin aqoonyahan ah laga waraysanayay markii ay doorashadu dhacday markaas ayuu waxuu sheegay in aysan dawladda cusub oo ladoortay waxba soo kordhinayn aqoonyahankaas waxaa intaas dabadhigay in mushkiladda somaliya aan wax xala loo heli karin .
Iswaydii qofka somaliyeed ee dhibta badan soo arkay dhagaystay xalka aqoonyahanka maxuu ka qaadi karaah hadalka ninkaas oo ah ninkii uu iskuhalaynayay una arkayay inuu cilmi iyo caqli dheryahay arintana uu xal ukeeni doono.
Maxaan kudaawaynaah quusashada
Waxaan orankarnaah si aan bulshadeeda cudurkaas uga dulqaadno waxaan u baahanahay inaan adeegsano afar arimood.
1: taariikhda oo noo soo gudbinaysah dadkii soomaray waxa ay dadkeenu kujiraan iyo wax ka xun iyo sida ay uga baxeen
Tusaale ahaan nabigeena scw iyo dadkii carbeed oo uu dacwada ka dhexbilaabay iyo meesha ay kajoogeen ilbaxnimada adduunka iyo sida uu asaga oo kaligiis ah camalkaas ugu qumay dadka qaar ayaa lagayabaah inay dhahaan nabi muxamed scw dacwadiisa waxaa laga taageerayay xag ilaahay taas ayaa guusha keentay .
Aan soo qaadno tusaale kale ninkii wadanka chinaha ee aan maantay ognahay miisaanka uu adduunka kuleeyahay horumarka gaarsiiyay oo la oranjiray mow iyo sida ay china ahayd marka uu dhaqdhaqaaqa bilaabay.
Mushkiladihii haystay
30% gumaysi ayay china kujirtay
80% faqri
70% kalaqaybsanan kusalaysan aydloojiyaat
60% cuduro oo waxa taariikhdu warisaah in ay in kabadan 40% dhalinayarooda ay indhabeelijireen ayaga oo ay da.doodu yartahay dadka dhibtaas kujiray see uga baxeen
Hadday kabaxeen ubadkeenu maantay soo kama bixikarto hadday geesiyaal hesho maxaa niyad jabka keenay .
2; cilmiga bulshada oo noo faaiidaynayah in riyooyinkii shalay ay yihiin runta maantay riyooyinka maantay ay noqondoonaan dhabta bari diyaaradda maalin maalmaha kamid ah ayay ahayd riyo laakiin maantay waa run.
3; mandiqa oo noo faaiidaynayah in qofkii dadaala uu abaalkeeda helayo qofkii shaqaystah wuu helayaah miraha shaqadaas haddan udadaalno horumarka bulshadeena waan helaynaah.
4:diinta oo ah rukniga ugu muhiimsan oo ilaahay ayaa noo balanqaaday inaad guuusha danbe yeelanayno oo musliminta uu ugargaari doono taasna waa bishaaro kale oo aan quusta kula dagaali karno.
Gabagabo
Walaalayaal quustu waa wax xun mujtamaca ay gasho ma horumaro marka dadkeena waxaa leeyahay wali wada ayaa furan yaan laquusan ilaahay aan kukalnoonaano niyadana khayr usheegno.
Qore:- Cabdiraxman Jabiin
jabiin_25@hotmail.com
Short URL: http://horufadhi.com/?p=20586


