|

Maqaal:Dawlada Deegaanka Khaatumo: Sanad Guuro Sad leh.

maqaal1-300x198

Dawlada Deegaanka Khaatumo oo G’u jirsatay ayaa lagu yagleelay deegaan dadka dagaai u hamuun qabeen inay mar un arkaan calanka soomaaliya oo ka dul babanaya ciidooda. shacabka Khaatumo waxay waqti dheer u hureen xaqiijinta himilada soomaliyeed ee xornimada iyo madax banaanida iyagoo u huray naf, muruq iyo maalba. inkastoo ay taariikhdu xusayso halgankaas ayaan waxaan maalin aan fogayn dib u milicsaday sida taariikhda caalamiga ahi u xariijisay naftihurnimadii ay shacabkani u galeen inay hir galiyaan qiyamka soomaliyeed oo ay ugu horayso hanashada masiirka iyo ayaaha ay leeyihiin bulshooyinka soomaliyeed. hadaba waxay ahayd maalin taariikhi dharaartii ay shacabka xorta ah ee waqooyigu uguna horeeyan dadka daga deegaanada Khaatumo ay calankoodii ula hirteen si ay u hirgaliyaan himilada shacabka soomaliyeed ee yagleelida dawlad soomaliyeed waxaa taas ula mida maalinta ay shacuubta Khaatumo u istaageen ka hortagida fikradaha dib u socodka ah ee ay awalba ka dhiidhiyeen ee salka ku haya soomaali kala fogayn iyo xayndaabyo aan sinaba u waafaqsaneen fikirka xorta ah ee shakhsiga soomaliga ah. halkani waa dulucda maqaalka, maalinta ay shacuubta Khaatumo dib u yagleeleen dawlad hiigsanaysa horumarinta shacabkeeda, ka hortaga hagardaaooyinka kala goynta iyo u hiilinta midnimada umada soomaliyeed, Khaatumo state of Somalia.

 

 

 

 

 

Waxaay ahayd maalin khamiis ah taariikduna ahayd 13/01/2011, waa maalintii dadka daga deegaanada Khaatumo ay ku tabantaabiyeen taladooda inay tiirka u dhigaan Dawlad Deegaameed taabagalisa nabadgalyada, horumarka, midnimada iyo cadaalada. waxay ahayd maalin ay dadka deegaanada Khaatumo dagaai ku tashadeen inay ka hortagaan kala-goynta umada soomaliyeed si hufana ula shaqeeyaan dadaalada lagu doonayo in dib loogu yagleelo dawlad soomaliyeed. waxay ahayd maalin ay shacabka soomaliyeed aad ugu farxeen in dhulkii waqooyi ay ka soo yeerto dhawaaq lamida kii 1960, dhawaaqani si ahaan wuxuu uga duwan yahay kii 1960 in qaybo yar oo kamida shacabka waqooyi ay u hanqal taagayaan inay soomali kala gooyaan hasa yeeshee waxaa iska cad in kala-goyntu aysan ahayn mid fudud oo ay hortaagan yihiin shacuub ay ka goantahay ilaalinta midnimada.

 

 

 

 

 

habeenka axada ah, saacaduna ay tahay 6:00 habeenimo, taariikhduna ay ku beegantahay 13/01/2013, waxaa dhamaan deegaamada Khaatumo la saari doonaa heesta calanka soomaliya iyo kan deegaameedka Khaatumo iyadoo ay damaashad iyo farxad wadaagi doonaan waa idanka alle e qaybo badan oo bulshada soomaliyeed ah taas oo lagu muujin doono wadiniyad iyo soomalinimo. intaas waxa xiga in guutooyinka daraawiishtu ay maalinmada axada ah muujin doonaan cududooda millatery iyo sida ay heegan ugu jiraan hirgalinta hamiga soomalia ee midnimada iyagoo ay raxan raxan u mari doonaan fagaarayaasha magaalooyinka iyo waliba furimaha hore ee midnimo difaaca. maalintani waxay qadarin ka mudan tahay qof kastoo soomali ah waxayna ka turjumaysa niyadsamida dadka waqooyiga oo ay ku maxaabsadaan shakhsiyaad ku fashilmay siyaasada hungurina biday inay ku qaraabtaan kala-goynta soomalia. waxaa intaa xiga in maalintani, ay dhamaan qaybaha kala duwan ee

 

 

 

 

 

bulshooyinka deegaanada Khaatumo ay kor u qaadi doonaan calanka buluuga ah ee soomaliwayn iyo kan deegaameedka Khaatumo.inkastoo ay sii shiiqayso fikradihii guracnaa ee ay siyaasiinta kala-goyntu ku maxaasnayeen, hadana waxaa jira in deegaamo kalle oo waqooyiga ahi inay ganafka ku dhufteen u adeegida aragtidan caal-waaga ah. hadaba waxaa muran ma doonta ah in bilawgii dawlada Khaatumo uu yahay dhamaadkii fikrada kala-goynta sida uu u ahaa kicitaankii Dawladii Daraawiishtu dhamaadkii gumaysigii ama gumaysi u adeegii ingiriiska. suaashanu waxay gunaanad u tahay maqaalkan.

 

intee in le’eg ayay socon kartaa fikradan caal-waaga ah ee kala goynta soomalia?

 

 

 

 W/Q : Dr.Abdijaliil Mahamed

Ku soo Hagaaji:Horufadhi.com@gmail.com

 

 

Short URL: http://horufadhi.com/?p=20728

Posted by on Dec 27 2012. Filed under Fikradaha, News English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Maqaal:Dawlada Deegaanka Khaatumo: Sanad Guuro Sad leh.”

  1. Saciid harti ayuu maqlay ,ahmed harti kulahaa wax wareersan ,tolka uu sheegayo ma dhabyaco oo OROMO ah ayu ka wadaa kkkk midnimo waad dadaashay lkn aduunka lama socotid soo barbaar mama

  2. laxdan midnimo sidata

    kaalay adigu waxaadan garanayn baad rabtaa inaad ka hadashid. tolkayagu ma kan awalna talyaaniga dabada u dhaqi jiray hadeerna xabashidaa. kkkkkkkkkkkkkkk tan kalle yaad is leedahay wax ka sheeg. ahmed harti waa niman ka fiican kan aan la garanayn ee xabashidu dhashay looguna sheego inuu ugu wayn yahay maadamaama meel la galiyo loo waayay. dadkan reer khaatumo horta soo barro cida ay yihiin. puqland iyo waxan aad sheegaysana qaymo nooguma fadhiyaan. adigu hadaad hawiye colaad u qabtid oo gaalkacyo isku haysaan idinkaba qaade e anagu caanahaanu isa siinaa sopmalinimaana naga dhaxaysa. waxan xall siinaysaa beesha axmed harti ee laxdan jiho seega ahi u gaftay.

  3. Qabiil Qaran laguma noqdo…midnimo waad raadiseene yaa idinka hoos qaaday …tolkiina waad ka go’deen soomlida aad raadinaysaan ma hawiye oo iyaguba kala dhamaan la’a baad hiilo ka sugaysaan wale tallo ma haysaan ….meesha khaatumo kuma haysaane ;khaatumo xumo baad ku joogtaan …caqliga Ahmed Harti kula jira waa midka danyeer duqoobay ku jiray…idinkiiba waxaad iska dhigaysaan dhoor nooc ..Somalia waad ku jirtaan ..Somaliland waad la socotaan ..Puntland waad horboodaysaan waxaad noqoteen siduu beri hore Absame ahaan jiray ..war marka hore Ahmadoow midooba oo iiman la’aantii absame ku qasaaray ka soo hara haddii kale weligiin babaay baad ahaanaysaan …illaahay waxaan idinka baryayaa inuu khaatumadda idin waafajiyo ..wiilasha aad gadaalada ku dhamaynaysaana mustaqbal wanaagsan siiyo koleey ha

  4. Mar haddaan Laaska la xoray dabaaldegga sanad guuradu iskuma san banaana laakiin, hambalyo ayaan leenahay… sanad wanaagsan iyo laaska oo la xoreeyo saddexda bilood ee sanadka ugu horeeya.

  5. maanta maanta maanta waa maalin wayne maanta.

    inshalah. dawlada Khaatumo waxay si dhakhso ah ku sugi doontaa xuduudaha waqooyi ee dawlada. waxaan u hanbalyaynayaa umada khaatumo waxaanan leeyahay.

    waataa horyaalka daraawiish heenka buxiyay e
    waa inaan hurnaa nafta iyo hantidoo dhan
    oon u heesnaa cadawga howdintiisa
    haadiguna waa uu inoo hilinaayaaye

    wabilaahi tawfiiq

  6. Okasha laga roone u naageenta ku fican ayatahay dhoocilo lakor iga dheh sida raga u hadal ama isga amuus la labo yahay..

  7. maanaan garan markaad kastuumo ku waalateen in aad caruurta xoogaysaan

  8. keligiiduul garad dr adigana allah haku sharfo

  9. xaar liqe ka kac fadhiga uuuuuufffff orod oo qubeyso war waxani muxuu yahay war ka kac meesha oo dr keligiduul daawadii uu ku qoray qaado …..wlhy nacastu wey ku uurtay sidad komputarka uga nacnacneyleysey uuuuuuuuuuf

  10. sanad wanaagsan kstuumo !!

    k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.kk.k.k.k.kk.k.k.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Layla: Marna waa pint marna waa khatumo odayashan wareersan marba meshii dheri lagu kariyo ha taganaan, mowqif maleh,...
  • Darbisamaroon: Waxan waa iska fadhikudirir iyo waaqica ka jira dadka Somaliyeed dhexdiisa doodan waa iska...
  • Layla: j/s ha sameysteen garaad cusub oo 2da garad ee hagryasa jooga ka madax banaan waliba aan aheyn walalkod Madama...
  • Layla: Okay, Mo
  • Mo: Walaale Layla, Wuu joogey laakiin Illaah mahadii Garaadadii halkaa fadhiyey Khaatumo State wax aan ilaa hadda...