(Dhagayso) Munaasibad Lagu Soo Bandhiyey Jariirad Cusub Oo Ka Dhacday Xarunta Machadka Al-furqaan Laascaanood
Munaasibad lagu soo bandhigayey Jariidad ama jornaal ku qoran afka carabiga oo ay soo saareen ardayda wax ka barata machadka Al-furqaan ee Magaalada Laascaanood, macalimiinta wax ka dhigta machadkaasi, iyo waliba maamulka sare ee machadkaasi Al-fuqaan ayaa ka dhacday xarunta machadkaasi ee Magaaladda Laascaanood.
Munaasibadan oo ay soo abaabuleen ardayda wax ka barata machadka Al-furqaan, macalimiinta wax ka dhigta, iyo maamulka machadka Al-furqaan oo garab ka helaya shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa waxaa lagu soo bandhigay jariiradani cusub oo la magac baxday Al-Ishraaq kuna qoran afka carabiga. Hadaba munaasibadani lagu soo bandhigay jariiradani ama jornaalkani ayaa waxaa ugu horeynba ka hadlay C/nuur Axmed Khaliif oo wax ka dhiga machadka Al-furqaan kana xog waramay marxaladihii ay soo martay jariiradani cusub.
C/risaaq Cali Maxamuud oo ah gudoomiye ku xigeenka shirkada Telesom oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka shirkad ahaan ku faraxsan yihiin dadaalka ay sameeyeen mas’uuliyiinta Machadkani, isagoo balan qaaday in waxtar intaasi ka badan uu kula noqon doono madaxdiisa.
Sheekh C/naasir Xaaji Maxamuud (C/naasir Farey) oo ah madaxda culumada degaanada sool, sanaag, iyo cayn oo halkaasi ka hadalay ayaa ku dheeraaday cilmiga iyo sii kordhintiisa iyo in la kaabo wax kasta oo horumar ah.
Halkan Ka Dhagayso
Isku soo wada duuboo Jariidadani ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee kasoo baxda gobolka Sool, iyadoo ay hore u jireen wargaysyo badan oo kasoo baxay Magaalada Laascaanood hase yeeshee dhamaantood ay sii socon waayeen.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Horufadhi News Media
Buuhoodle Soomaaliya
Short URL: http://horufadhi.com/?p=20872



SCW
Aqoon la`aani waa iftiin la`aan,haddii halkan lagu soo qoro lahaa arin fadhi ku dirir u baahan boggani wuu buuxsami lahaa,kolkii lagahadlo wax dadka iyo dalkaba wax tar u ah,waa juuqla` jaaqqla!
Aad waxaan ugu hambalyaynaynaa inta soo fekertey,abaabushay iyo inta taageertay nooc ay ahaataba xafladdan oo runtii ah mid lagu farxo laguna daydo.
bal eega jiilka yar yar ee ku lumaya jirrinimada,qaadka iyo dhaqan xumooyinka.
Waa kaaf iyo kala dheeri,Allow dhalinyarada mustaqbalka wanaagsan ku hanuuni adduun iyo aakhiroba,Waalidiintuna waajibkooda ha u guteen sidii Rabbi ugu amaanaystay.